Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda iyo masuuliyiinta Maxjaradda ka hawl-gala dalka

0
398

Hargeysa(Warsugannews)WAR-SAXAAFADEED: 02/06/2016-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda iyo masuuliyiinta Maxjaradda ka hawl-gala dalka.

Masuuliyiintan iyo madaxdan waxa horkacaayay wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), isagoo warbixin ka siiyay madaxwaynaha ujeedda kulanka ay masuuliyiintani ugu yimaadeen madaxwaynaha, waxana uu sheegay inay tahay, salaan iyo xog kala qaadasho, madaxwaynuhuna uu u cadeeyo mawqifka xukumadda ee maxjarada iyo wixii kale ee dardaaran ah ee u soo jeedinayo masuuliyiinta.

Intaa ka dib,waxaa hadalka la wareegay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu si kooban u sharxay mawqifka xukumada ee maxjarada, isagoo cadeeyay in maxjaradu yihiin xarumo caafimaad oo loogu talo galay in lagu daryeelo caafimaadka xoolaha oo ah lafdhabarka dhaqaalaha Dalka, isagoo carabka ku adkeeyay inaan loo baahnayn marnaba in isku eri iyo wax kala jiidasho ay ku dhacaan maxjaradu, madaxwaynaha oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “waan idin soo dhawaynayaa, anigoo idinka mahad naqaya kulankan salaanta ah ee aad iigu timaadeen”.

Madaxwaynuhu waxa uu intaas uga gudbay hadal iskugu jiray xusuusin iyo amar ku saabsan mawqifka xukumada ee maxjarada dalka waxana uu yidhi “waxaan idin xasuusinayaa in mawqifka xukumaddu uu yahay, marka ay joogto dhinaca maxjarada, in maxjarada lagu dhaqayo heshiisyadii ay xukumadda la galeen, wasaaradda xanaanada xooluhuna ay ku ilaaliso heshiiskaa, loona baahan yahay in sidoodii loogu dhaqmo, isagoo madaxwaynuhu amraay wasaaradda xanaanada xoolaha in heshiisyadaas sidoodii ay u dhaqan galaan, maxjaraduna ay heshiiskaa ilaaliyaan, dawladuna ay ku ixtiraami doonto.

Dhinacooda waxaa halkaasi ka hadlay Masuuliyiinta maxjarada oo uu ka mid ahaa Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho), Calinuur Iyo Axmed Cali , Cabdilaahi Carab Ismaciil , Yaasiin Xaaji Cabdi Cawad (Indho deero) kuwaasoo uga mahadnaqay Madaxweynaha qaabilaada uu ku qaabilay Xafiiskiisa, isla markaasna balan qaaday inay u hogaansamayaan amarada dawlada iyo heshiisyada u dhexeeya xukumadda iyo maxjarada.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.