Madaxweynaha Oo Shacbiga iyo Qoysaskii ay ka Baxeen Marxuumiinta Ibraahim Nuur Jiciir Iyo Abwaan Maxamed Jaamac Keyd oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa

0
355

Madaxweynaha Oo Shacbiga iyo Qoysaskii ay ka Baxeen Marxuumiinta Ibraahim Nuur Jiciir Iyo Abwaan Maxamed Jaamac Keyd oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa

TACSI MADAXWEYNE-24/11/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoysaskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka kala baxeen ALLE ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Nuur Jiciir oo ku geeriyooday Hargeysa, 21/11/2016, kana mid ahaa golaha guurtida Somaliland in muddo ahna u jiifay xanuunka sababsaday geeridiisa. Waxa uu ka mid ahaa Marxuumku odayaashii ka soo shaqeeyey nabadayntii, dib-u-dhiskii dalka iyo wada noolaanshaha beelaha wada dega Somaliland. Iyo
Marxuum Abwaan Maxamed Jaamac Keyd oo ku geeriyooday 23/11/2016 Hargeysa, kana mid ahaa bahda fanka iyo suugaanka caana ka ahaa dhamaan dhulka ay soomaalidu degto ama lagaga hadlo afka Somaliga, Marxuumka oo suugaan tiro badan ugu hiiliyey qarankiisa in muddo ahna xanuun u jiifay ayaan ahayn mid ka caajisay sidii uu ereyo ugu cabiri lahaa dareenkiisa ee ay dadkuna ula wadaagi lahaayeen isagoo sameeyey heestii qabye tire ee wadada ceerigaabo markii la bilaabayey dhismeheeda curiyey abwaanku.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aamin Aamin Aamin.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.