Madaxweynaha oo shacbiga ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Axmed Cabdi Dacar oo hargeysa ku geeriyooday Maanta

0
354

Madaxweynaha oo shacbiga ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Axmed Cabdi Dacar oo hargeysa ku geeriyooday Maanta

TACSI MADAXWEYNE-21/10/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Axmed Cabdi Dacar oo ku geeriyooday Hargeysa maanta oo jimce ah 21/10/2016.

Marxuumku waxa uu door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka, iyo nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland, waxanu door muhiima ku lahaa Aas-aaskii dugsiga tababarka macalimiinta ee ugu horeeyey Somaliland. waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geerida Marxuumka Safiirka Somaliland u fadhiga Dalka Belgium oo uu walaalkii ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.