Madaxweynaha Qaranka Somaliland Iyo Murashixiinta Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani oo Tacsi u diray Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ay hooyadii ahayd iyo dhammaan reer Suldaan Maxamed meel ay joogaanba

0
395

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Iyo Murashixiinta Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani oo Tacsi u diray Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ay hooyadii ahayd iyo dhammaan reer Suldaan Maxamed meel ay joogaanba.

TACSI MADAXWEYNE -18/04/2017
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland, ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Sahra Xaaji Jaamac (Ina Xaaji Dhagax) oo ku geeriyootay shalay oo ay taariikhdu ahayd 17 April 2017, Magaalada Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ay hooyadii ahayd iyo dhammaan reer Suldaan Maxamed meel ay joogaanba.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

17 April 2017
TACSI GUDDOOMIYE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada iyo guud shacabka Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Sahra Xaaji Jaamac (Ina Xaaji Dhagax) oo ku geeriyootay magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 17 April 2017.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu geerida Marxuumad Sahra Xaaji Jaamac si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ay hooyadii ahayd iyo dhammaan reer Suldaan Maxamed oo dhan.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE


TACSI:-Guddoomiye Cirro oo Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Ka Tacsiyaddeeyey Geeridii Ku Timi Hooyadii Sahra Xaaji Jaamac

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada golaha Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba, waxa uu shacabka Somaliland, gaar ahaan suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax uu ka tacsiyadeynayaa geeridii naxdinta lahayd ee kumi Alle ha u naxariistee hooyadii Marxuumad Sahra Xaaji Jaamac(Ina-Xaaji Dhagax) oo maanta 17/04/2017kii ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa dhammaan ba reer Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, eheladii, qaraabaddii iyo asxaabtii kale ee ay ka baxday Marxuumaddaasi isaga oo ku sifeeyey in ay ahayd adoon wanaagsan oo Alle ka cabsi badan sida oo kale na u sama-fali jirtay dadka danyarta ah.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu Alle uga baryeyaa Marxuumadda in uu godka u nuuriyo kana waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii ay ka baxdeyna uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin………!!.

INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN
Waaxda Warfaafinta WADDANI
Hargeysa,Somaliland