Marwo Samsam: Wasiir Ku Suntan Gurmadka Abaaraha Dalka

0
362

Marwo Samsam: Wasiir Ku Suntan Gurmadka Abaaraha Dalka
Hordhac:
Ugu horeyn mahadi waxa ay u sugnaatey Eebe Swt, Ilaaha Mulkiga Aduun iyo Aakhiraba iska leh.

Waxa aan qormaddan ku qaadaa dhigi doonaa ama aan ku eegi doonaa abaaraha dalka ka jira. Akhriste, qormooyin badan oo hore ayaan kaga hadlay oo si faafaahsan ugu xusey waxqabadka balaadhan ee wasiir Samsam Abdi Adan ku talaabsatey Mudadii ay ahayd Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Wasiirka Maaliyada intii ay ahaydba, isla qormooyinkaas kala duwanaa ayaan ku iftiimiyey waxaqabadkii la wada arkayay ee Marwo Samsam hirgalisey intii ay haysay xilalkaasi aan soo sheegay.

Maanta se, maqaalkeygu waa ka duwan yahay kuwaas hore ee aan kaga hadlay doorkii Wasiir Samsam ku lahayd Horumarka qarankani ku talaabsadey, waxaanan diirada ku saari doonaa Abaaraha dalka aafeeyay iyo sida Wasiir Samsam Gacanta weyn uga gaysatey.

Kaalinta Wasiir Samsam ee Abaaraha:

Sida aynu la wada socono, waxa dalka Jamhuuriyada Somaliland ku habsatey abaar aan nooceeda mudooyinkii u danbeeyay aan la arag ama aan soo marin dalka iyo dadkaba.

Abaartaasi waxay ku baahday dalka oo dhan haba ugu sii darnaadaan Gobolada galbeedka Somaliland oo kuwa ugu liita ee abaaruhu saameeyeen ah, halkaas oo xataa dadkii ku dhinteen.

Dadkii, duunyadii, dallagii iyo deegaankiiba waxa ay noqdeen kuwo la ildaran abaaraha baahsan ee jira.

Baaxada abaaruhu yeesheen awgeed, Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ayaa Magacaabey Guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha.

Wasiirka wasaarada Maaliyada Jam. Somaliland Marwo Samsam Abdi Adan Waxa ay ka mid tahay xubnaha madaxweynuhu u magacaabay gurmadka abaaraha.

Waxa xusid mudan in Wasiir Samsam ay tahay laf-dhabarta gurmadka abaaraha dalka, waxa ay si hagar la’aan ah ugu gurmatey dadka abaaruhu saameeyeen, waxa ay deeqo badan gaadhsiisey dadka abaaruhu ku habsadeen, waxa ay biyo-dhaamin ka samaysay deegaanadii haraadka la liitey, waxa ay raashin gaysay goobihii looga baahnaa, waxa ay garab is taagtey dadkii musiibada abaartu ku dhacday, waxa ay hiil iyo hooba la barbar joogsatey dadkii ku leeday abaaraha aan la mahadin.

Waxa aad arkaysaa meel kasta, mar kasta iyo maalin kastaba Wasiir Samsam oo gurmad ku jirta, oo xubnihii kale ee gudidda kula jiray aanay muuqan. Marka ad aragto firficoonida, kartida, dedaalka iyo gurmadka balaadhan ee wasiir Samsam la timid, waxa aad is odhanaysaa Madaxweynuhu kaligeed uun inuu Guddida ka dhigo ayay ahayd ilayn iyadiiba Guddi dhan ah oo cid la barbar dhigi karaa aanay jirinba.

Waxa aan is weydiiyay dalku ma Wasiir Samsam uun baa? Guddida gurmadka abaaruhuna ma Wasiir Samsam uun baa? Dawladuna ma wasiiir Samsam uun baa? Ilayn waxan oo gurmad iyo taakulayn ahba Wasiir Samsam uun baa hormood ka ah, oo qabatey hawshaas baaxada leh.

Hadii aad bulshada reer Somaliland weydiiso Dawladu sidee bay gacan uga geysatey gurmadka abaaraha, waxa ay ku jawaaabayaan Anagu dawladaba waxaanu u naqaan Wasiir Samsam Abdi Adan oo kaalinteeda cid qaban kartaa aanay haba yaraatee jirin.

Wasiir Samsam meel walba gurmad balaadhan ayay ka samaysay, hadh iyo habeena waxay heegan ugu jirtaa oo hurdo u diidey sidii ay dadkeeda iyo bulshadeeda abaartu ku habsatey ugu gurman lahayd ee wax kasta oo ay awoodo u gaadhsiin lahayd.

Meel kasta iyo goob kastaba biyo iyo baad ayay gaadhsiisey, iska dhaafe xataa ambulance-yo dadka lagu soo daadgureeyo ayay goobaha qaarkood ugu deeqday.

Ma maqli jirteen: Nina Dhuunuu Kuugu dhaadhacay, Nina Dhaqashuu kuugu dhabar jabay!!

Dadka abaaruhu sameeyeen waxa ay Ilaahay ka beryayaan inuu Wasiir Samsam ka abaaliyo waxtarka ay ka geysatay gurmadka, waxaana la yaab leh in Marwo Samsam deeq kasta oo ay bixiso, gurmad kasta oo ay samayso, wax kasta oo ay bixiso in aanay cidna u dhiibin ee iyadu gacanteeda ku qaybiso, gaadhsiisana dadka u baahan si aan looga weecsan ama meel kale aanay u marin.

Ma jirto raashin ama deeq kale oo Wasiir Samsam bixisey oo aaney gacanta ka galin dadka u baahan, kamana dul dhaqaaqdo ilaa inta ay ka qaadanayaan.

Madaxweyne Ahmed M.Silanyo waa uu asiibey magacaabidiisi wasiir Samsam , Waxa uuna taariikhda ku gali doonaa inuu xukuumadiisa ku darey Wasiiradii ugu waxbaqadka badnayd ee Soo marta Abid Jamhuuriyada Somaliland oo ah wasiirka wasarada Maliyada Marwo Samsam Abdi Adan.

Gebo-gebo:

Wasiir Samsam Abdi Adan waxa ay ku suntan tahay Taakuleynta danyarta, U gargaarida dadka tabaaleysan iyo gurmadka abaaraha dalka ka jira.

Wasiir Samsam Waa Wasiirka kaliya ee Gurmad intaas leeg fidisa, si balaadhan oo aan la qiyaasi karina ugu gurmata dadka iyo duunyada abaaruhu halakeeyeen.

Ilaahey (swt)oo kali ah uun baa Abaarta inaga dul qaadi kara, hase yeeshee, waxtar bani’aadam sameeyo iyo gargaar la fidiyoba waxa aan marnaba la ilaawi doonin kaalinta ay wasiir Samsam ka geysatey caawimada iyo sida ay ugu gurmatey dadkii abaartu duunyo tirtey.

Waxa aan la qarin Karin in Marwo Wasiir Samsam ay tahay Shamac u soo baxay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waana hadyad ama Diamond Rabbi hibo u siiyey Dadka reer Somaliland oo ay tahay inay ilaashadaan.

Ugu danbeyn Taariikhda ayaa xusi doonta kaalinta wasiir Samsam Abdi Adan ay ku leedahay dadka, dawlada iyo dalka Jamhuuriyada Somalilandba, Ilaaheyna (swt) wuu ka abaalin doonaa sida ay ugu gurmatey bulshadeeda Somaliland.

La soco Maqaalo kale oo Waxqabadka wasiirka Maaliyada ah.

Qalinka: Hamse Haji Mohamed Muhumed

Email: Rantiisi111@gmail.com