Masiibo Qaran: Oohin Iyo Murugo.

0
563

 

Masiibo Qaran: Oohin Iyo Murugo.

 

 

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo, godkana ha u nuuro dhamaantood isaaga wayn oo waaxidee. Maanta waa uu yar yahay magaalada hargeysa guri aan laga ooyayni, baroorta ayaa is qabtay.oo ilmada iyo murugada ayaa seked sekad iskugu xigta. waxa dhacayna runtii waa masiibo qaran. Waxa hal meel Mar qudha ku wada go’ay bada u dhaxaysa masar iyo talyaaniga ubaxii wadankani lahaa. waxa dhintay tiro 400 kor u dhaafay oo ilaa 640 qof oo ah ubaxii wadankani lahaa.

 

Runtii aniga naxdin gooniya iyo murugo ayay igu tahay,waayo? mid aan laysoo sheegin oo aanan isaga garanayn ama aanan waalidkii ama walaalihii garaynini wuu yar yahay. Waxaan dhamaantood ilaahay marlabaad uga baryayaa in uu u naxariistii jano ka waraabiyo, oo uu geeyo nolol uga khayr badan tan ay ka tageen, ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeena uu samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Dunida madaxda garaadka iyo caqliga lihi ka taliso,marka uu hal qof oo shacab ah masiibo haleesho; madaxdoodu waa ay la baroortaan,oo waa ay la jiidh damqadaan, waliba marka la badho, hadii sababta ay masiibadaasi  ka dhalatay ay ka muuqato dayacaadi,cida shaqadaasi gaar u lahayd waa ay is casishaa.Tan oo kalena hadalkeedaba daa’.Baroor diiq qaran ayaa lagu dhawaaqaa, oo maalmo dhan ayaa madax iyo shacaba oohinta iyo baroor diiqdu is qabsataa, oo xataa hawlaha qaranka la fasaxaa.Haseyeeshee inaga masiibada ugu wayn ee taagani waxa ay tahay madaxdii dalkan loo doortay iyo kuwa siyaasi isku sheega ah, ee shacabkan dulman ka hordoobya ee hortaagan;midna ma oga waxa dhacay ee noloshoodi hore ee caadiga ahayd ayay iskaga jiraan.

 

 

 

Waa ayaan daro innagu habsatay. oo madaxdii aynu dooranay, ayaan shacabkii doortay wax qiimo ah qadarina ugu fadhiyin; oo  dan iyo muraad toona kama laha hadii milyan dhinto iyo haduu  wada go’o toona. Kaliya cida ay yaqaanaana  waa ka magaca leh, ee ay wax wada cunaan iyo ka ay ka qaadaan ee maal qabeenka ah oo qudha.

 

Waad aragtaan oo maanta iyadoo masiibadaasi iyo mashaqadaasi  baahsani dhacday, oo inta badan guryaheena oohintu dheega isku hayso,ilaa hada madaxtooyadeeni way aamusan tahay, oo wax kale iskadaaye,xataa hal eray oo tacsi ahi  kama soo bixin,waayo, ubaxaasi go’ay, ee qaranka iyo eheladoodiiba ku goblameen; iyo hooyooyinkaasi diilalyadu hayso ee agtooda ka barooranaaya, midna qiimo uguma fadhiyo,oo wax danana kama laha. Halka marka uu oday taajira ama mid kale oo  iyaga ka ag dhaw, oo magaciisa la yaqaanaa uu dhinto, ay baraha bulshada iyo warbaahita buux dhaafiso, ee ay isku darjiidho; tacsi uu madaxweynuhu diray iyo mid ay golihiisa wasiiradu direen.
Guntii iyo gebo gebadii waxaan shacbiga Somaliland, marlabaad iyo mar sadexaaad ka tacsiyadaynayaa masiibadaasi dhacday; intii dhimitayna waxaan ilaahay uga baryayaa, isaga ayaa qaniya oo qaadira, oo naxariistiisa aan la koobi karine; in uu godka u nuuro oo  ka waraabiyo janatu firdawsa.

 

Dhinaca kale waxaan shacbiga Somaliland ugu baaqayaa, oo aan leeyahay waad aragtaan sida uu xaal yahay,waana garasho xumo iyo liitinimo, in aynu maalin walba cabano oo ayn calaacalno,waxaa dhacaayana aynaan waxba ku qaadan, ee aynu dib iskugu noqono; oo inta aynu caqliga ka shaqaysiino, aynu maalinta doorashada ka fiirsano cida aynu dooranayno ee aynu hogaanka ka dhiganayno; ee aynu taladeena u dhiibanayno.

 

Aynu doorano mid inala damqada, oo marka ay dhibi ina haleesho inoo jiidh naxa. Aynu doorano mid farxadiisu, farxadeena tahay; muragadiisuna, muragadeena tahay. Maalin walba og keena aan qadayn iyo keena qadeeyay. Keena gaajada ku seexday iyo keena wax caluun tay.Keena xanuusan iyo keena caafimaadka qaba.

 

Aynu doorano mid inaga war haya,oo subax walba marka uu waagu beryo, waraysta waxa  uu waa inoogu beryay.Marka gabal dhacana,waraysta waxa gabal inoogu dhacay iyo waxa aynu la hoyanay.Si ay taasi u suurta gashana, marka taladu gacanteena ku jirto ee doorashadu joogto, murashaxiinta  kala duwan ee ina horyimaada, ee doorashada u soo istaaga, aynu ku  kala saarno; diintooda, akhlaaqdooda,aqoontooda,kartidooda, oo inta aynu qudhunka iyo qabyaalada iskaga tagno, aynu doorano ka aynu is nidhaa, kan ayaa innaga iyo ubadkeenaba u dana, oo qaranka daryeelaaya. Hadii aanay intuba ina anfacayna aynu talo qaran ka yeelano, oo shuruudo adag aynu u dhigno cida isa soo sharixi karta.

 

Waliba dhalinyaroow,waxaan idin leeyahay, aynu baraarugno, oo masiibooyinka dhacaaya, aynu waayo aragnimo iyo talo aynu ka faa’idaysano.Kuwa ugu badan ee maalinta codaynta codeeyaa waa innaga, kuwa ugu badan ee badaha, saxaaraha iyo jeelasha ku haligmayaana waa inaga. Aynu isweydiino, horta odaygan baas ee aynu  daba soconaa, maxuu ina taraa, dhib mooyee maxaa dheef inaga  soo gala. Aynu isweydiino qabiilkan shaydaan ee aynu labo diblaha ugu xidhanahay, ee ina faruur xidhay, maxaa inaga soo gala. Maye intii jeer ee aynu codaynay, kuwii aynu u codaynay.

 

Ilaahay  ayaan idinku dhaarshee,wali ma jiraa, mid keena, mid uu ku soo noqday kii uu u codeeyay oo uu wax taray.

 

Inta ubad inaga tahriibtay iyo waxii caruur baduhu inaga liqiin, midna, wax kale yuu inoo tarine, intuu warbaahinta soo fadhiistay, tacsina ma inoo soo diray.Wali magafe ma inagaga qaybeen, oo aabe dhibaataysan oo ilmihiisi la haysto boqol shilin ma ka bixiyay kii uu u codeeyay, ee uu hadh iyo habeen u xiiqsanaa.

 

Waan hubaa oo jawaabtu waa “Maya”,hadaba ogow in horumarkeenu kaliya yahay, marka aynu xaga wanaaga u soo jeedsano, ee dadnimada iyo diintu ina dabraan.Haseyeeshee, inta ay qabyaalada iyo qudhunku ina jiifaan, ee aynu ku codaynayno kanaa ixiga, ee xataa haduu dib jir doox jooga yahay aynu dooranayno; Waa tan oo inoo abado ah. Ubadkeenuna waxay noqon in haad iyo haaruunba ka dhergo oo badaha yaxaasku ku kala goosto; iyo in saxaaraha ku dhimata oo abeesada iyo yeydu wadaagto;  iyo in gudaheena ku lee’ata oo gaajo iyo saxariir dilo, sidii kuwii Gobolka Awdal ku dhintay, ee ay abaaruhu ku laayeen.

 

 

 

 

Allaa Mahad leh.

 

 

Qalinkii: Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed ( Mandella)

Qareen iyo Udoode Xuquuqda Aadamaha.

Telefoon:4122290

Email: Sharmaarke_66@yahoo.com

Kala xidhiidh: www.cadaaladdoon.blogspot.com.