Mesut Ozil oo loo magacaabay Xidiggii Sanadka Jarmalka 2016

0
363

Xidigga kooxda Arsenal iyo xulka Qaranka Jarmalka Mesut Ozil ayaa loo magacaabay abaalmarinta laacibkii ugu fiicnaa Jarmalka sanadkii 2016.

Kubbad qaabeeyaha Arsenal oo 28 sano jir ah ayay noqonaysaa markii 5′ ee uu billaddan ku guuleysto, isagoo horey ugu guuleystay sanadihii 2011, 2012, 2013, 2015 iyo 2016, iyadoo sanadkii 2014 uu helay Toni Kroos oo haatan Real Madrid u safta.

Ozil ayaa codeyn guud oo la sameeyay helay 54.5%, Toni Kroos ayaa isna galay kaalinta 2′ markii uu helay 33.9% halka Laacibka Cologne Jonas Hector uu kaalinta 3′ nasiib u yeeshay isagoo helay 4%.

Ciyaaryahan Ozil ayaa jaa’isadan ku muteystay kubbadaha quruxda badan ee uu ku caawiyo saaxiibadiis isla markaana u daba mariyo difaacyada ka soo horjeeda taas oo mararka qaar uu ku muteystay in loogu yeero naanaysta ‘Mr Assistant/ Mr. Caawiye’.