Milicsiga Khudbadii Siilaanyo ee ku aadanyd siyaasada arimaha dibadda

0
505

Milicsiga Khudbadii Siilaanyo ee ku aadanyd siyaasada arimaha dibadda

Shalay oo bishu ku beegnayd 11.01.2016 ayay ahayd kolkii uu madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ka jeediyay khudbad sanadeedkii golaha baalmaanka Somaliland, khudbadaas oo ah mid sanad leh ah oo uu madaxweynuhu ka jeediyo laba aqal hortooda ayaa mid lagaga warbixiyo waryaabihii u qabsoomay qaran iyo xaalada dhabta ah ee uu wadanku ku jiro .
waxa shalay uu madaxweyne siilaanyo si qumanuga war bixiyay siyaasada arimaha dibada taasoo uu sheegay heerka ay marayso iyo hanaanka siyaasada arimaha dibada loo maareeyo loona dardar galiyo si looga gun gaadho hanka bulshada iyo raadinta aqoonsi caalami ah oo wax lagula qaybsado bulsho weynta dunida.
Waxa sidoo kale uu madaxweynuhu xusay in la adkayn doono xidhiidh aynu la leenahay wadamada jaarka, carabta, wadamada yurub iyo maraynkan sidoo kale waxa uu madaxweynuhu gaar u dul istaagay adkayn xidhiidhka wadamada jaarka gaar ahaan wadamada aynu soohdimaha wadaagno Ethiopia iyo Djibouti si anu wada shaqayn buuxda uga yeelano dabar goynta budh-cad badeeda, la dagaalanka argagixisada, adkaynta guud ahaan amaanka mandiqada, xoojinta xidhiidhka ganacsi, isu socodka iyo is dhexgalka bulshooyin.
Dhanka xaalada ka aloosan dalalaka sacuudiga iyo iiraan waxa uu sheegay madaxweynuhu in ay foolxumo iyo wax laga xumaado ay tahay in la gubay safaaradii uu sacuudigu ku lahaa dalka iiraan taasoo ah mid sharciga iyo aadaminimada kasoo horjeeda oo jabinaysa heshiisyada iyo xeerarka aduunka
Madaxweynuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inuu cambaaraynayo dalka iiraan falkaas foosha xun ee ay kula kacday safaarada sacuudiga isla markaas uu garab taagan yahay go’aanka dalalka jaamacada carabta garab iyo gaashaana u yahay dalka sacuudiga.
Waa qodobo laga filaayay in uu mdaxweynuhu ka hadlo iyo waliba goaanka uu ka qaadan doono maamulka uu gadhwadeenka ka yahay taasoo uu uga jawaabay sidii loo baahnaa uguna haboonayd in lagu waajaha xaalada mandiqada iyo ta bariga dhexe iyo waliba dabka ay iiraan ka aloosayso bariga dhexe iyo saamaynta uu ku keeni karo hadii qalalaasahaas sidaa kusii socdo.
Waa go’aan taariikhi ah oo madaxwenuhu ku dhiiraday qaadashadiisa in dalka iiraan loo gooyo xidhiidhka oo la agarb istaago dalka sacuudiga, taasoo ujeedadeedu ay tahay in dalkaasi iiraan uu ku gafay qawaaniinta dunida iyo xeerarka aduunka u yaala, isagoo ixtiraami waaya nidaamka iyo xaq ay safaaraduhu lu leeyahiin aduunwaynaha oo ku kacay fal aad looga xumaado oo ku salaysan asal raac mabda’ diimeed oo uu baryahanba ku hawlanaa dalka iiraan sidii uu u fidin lahaa uguna faafin lahaa guud ahaan dunida gaar ahaana wada suniga ah eek u yaala bariga dhexe iyo afrika ee aynu ku jirno.
Umalkhayr Mohamed
Beeldaajisa @gmail.com