MUDANAA, MARWADA QARANKEENNU. Q/1aad C/rixiin Cumar Daahir.

0
775

MUDANAA, MARWADA QARANKEENNU.
Q/1aad
C/rixiin Cumar Daahir.
qallinku waa hubka ugu culus ee lagu majeerto, shaqsiyaadka wax ka taray islamaarkaana isbedel ku sameeyay bulshada ay Hadbaa ku dhex noolyihiin, sidoo kale qalliinku waa hub lagula dagaalamo shaqsiyaadka la saluugo habkiisa Nololeed iyo kiisa Maamuul bulshada uu ku dhex Noolyahay, isaga oo dastuurkeenna Somaliland qofwalba xaq usiiyay inuu cabbiro Aragtidiisa, isaga oo maraaya Nidaam ku haboon. hadaba Kala Mudan Dadkuye, Mudanaa Marwada Qarankeennu.
. waa Hooyo uhiliisay Kumanaan la saxiibay, cidlaada, iyo khataraha ku gadmaan Nolosha
. waa Hooyo Uhiliisay kuwo Ubahaday Kaalmo Hooyonimo,
. waa Hooyo uu Hagarbaxday Hanaanka Nolosheenna.
akhriiste Mudnaanta iyo Milgaha shaqsi waa mid alle qofka ku Mutaysto ee Mudanaa Marwada qarrankeenu.
dalkeena Somaliland waxaa soo maray Afar dawladood oo kala dambeeyay, xukuumad walba waxaa ay lahayd waxyaabo ay kaga duwantahay xukuumadaha kale, xukuumadda xilligan joogta ee wakhtigeedu sii galbaanayo waxaa lagu xasuusan doona oo taariikha ugashay waa Hooyada umada reer Somaliland marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina Werris, )waa marwada kowaad ee qaranka Somaliland waxaa ay door muhiima ku leedahay hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, Marwo Aamina werris waa Hooyo lagu xasuusan doono kaalmeynta Agoomaha oo hiil iyoo ho,oba La Garaabtagnayd sanadkasta, bilkasta, maalinkasta iyo xilli walba iyada oo Mudaddi ay Ahayd marwada qaranka Somaliland.isbedal ku samaysay dayactiirka iyo kor uqaadiida agoomaha iyo Caruurta darbijiifka, iyadaa oo Maraag ma doontahay doorka Marwo Aamina werris ku leedahay Dalkan curdinka,
Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde waxaa marwo leh aqoon dhinaca caafiimadka ah , waayo aragniimo shaqo iyo karti hogaamineed, waxay tusaale utahay haweenka reer Somaliland ee leh Haanka siyaasadeed, waaloow marwo Aamina werrisa ay Xadhiga uu tuurtay islamarkaana soo gacan qabtay haweenbadan oo maanta meel ka gadhaay Noloshooda., kaase koow aqoonta ay leedahay Marwo Aamina werris, waxaay mudoo lix sanno ah bal dahab kaga gashay dadaalada loogu jiro Adeegyada samo-bixinta dhalinyarada reer Somaliland ee la jaarka dalalka leh khatar dhinaca Amniga ah.
waaloow ay Tahay marwada qaranka Somaliland maaha shaqsi si toos ah Ugu dhex Miilmaatay Hogaamiinta madaxweyne siilaanyo, marka lagaa yimaado talo siinta saygeeda Madaxweyne siilaanyo, taas oo inta badan bulshada reer Somaliland marwada qaranka ku tilmaaman mid ku dhex Milaantay hogaaminta dalka, Ogsonoow akhristee qoyska kasta oo reer Somaliland ama see Lamaane kaste oo soomaaliyeed waa kuwo isku leh wadatashi dhexdooda , wax isku sheeg, iyo talosoojeedin Intaba iyada oo reeraha Aan lahayn wadatashiga dhexdooda, lagu macnayn karo kuwo Aan lahayn qancaada nolosha ay ku Nolyihiin, hadaba Marwo Aamina werrisa, iyo Mudane Madaxweyne siilaanyo waa qoys kamid qoysaska Somaliland iskuna tashaada dhexdooda, waxaase been Abuura wararka lagu sheego inay Marwo Aamina werris ka Taliso Dalka.
si kastaaba ha ahaate inay sheegno kana markhaati kacno shaqsiyaadka bulshadeenna iyo dalkeenna ku leh taariikhda weyn waa mid inoo samaaxaysa inay gaadho, hadafka Nololeed, waloow Aamina xaaji Maxamuud Jirde tahay shaqsi Aan waxqabadkiisa qoraal lagu koobi karro balse waa qayb Juujuuba oo Caqligayga Gabaan isiiyay inaan bulshadayda ugu soo bandhigi waxtarka bulshada dhexdeeda ee Marwo Aamina Werris… waxaana Tix Gabayii Tidhi.
Dhaqankii abkaa iyo

Hiddihii dhulkaagaad
Weli dhawrataayoo
Dhaaddan hooyadaabaa
Samo kuu dhammeysoo
Dhiisha kuu xambaartoo
Dhambaalkaad I tidhibaa
Dheygag uun ku yaaboo
Dhab markaan u faaqiday
Dhiiggaa istaageee
la soco akhristee qaybta Labaad ee Qoraalkan oo Aanu ku faaqiidi doono Taariikhda Suubaan ee Marwada qaranka Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamud Jirde.