Muhiimadu Somaliland U Leeyahay Saldhiga Milatery ee Berbera Iyo Moogananta Shacabka & Siyaasiyiinta La Fikirka Ah Cadowgeena Somaliya

0
470

Muhiimadu Somaliland U Leeyahay Saldhiga Milatery ee Berbera Iyo Moogananta Shacabka & Siyaasiyiinta La Fikirka Ah Cadowgeena Somaliya

Waxa ay dhawaan Goleyaasha qaranka Somaliland ansixiyeen nuxurka heshiiska Xukuumadda Somaliland la gashay Dawladda Imaaraadka oo dhigayey in Dawladda Imaaraadku Saldhig Milateri laga siiyo Madaarka Berbera oo ah goob ku haboon Saldhig ciidan.

Nuxurka heshiiskan oo Dawladda Imaaraadka Carabta iyo Dawladda Somaliland ku dhexmaray Magaalada Dubai ayaa waxaa laysla qaatay in Madaarka Berbera laga kireeyo Imaaradka Mudo gaadahysa 25 Sannadood, bedelkeedana ay Somaliland hesho Tababar Ciidan iyo Sanad Milateri horumar balaadhan oo Dawlada Imaaraadku ka fuliso Somaliland sida Dhanka Waxbarashada Caafimadka Dhismaha Wadooyinka Madaarada iyo Dekedaha.

Dawladda Xamar oo iyadu ah Cadowga koobaad ee ay leedahay Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iyadu guclo orod ugu jirta sidii ay uga hortagi lahayd Heshiiskaasi milatery oo ay baqdin weyn ka qabto inay Somaliland hesho saaxiib dhaw oo quwad Ciidan leh, Somaliya waxay kasoo horjeedaa Horumarkasta oo ay ku talaabsato Bulshada Somaliland, waxaana xaasid ku tahay wanaaga usoo kordha Somaliland, Madaxweynaha cusub ee Somaliya Farmaajo ayaa dhawaan Sucuudiga u tegay si u ugala hadlo in la joojiyo saldhigaasi balse waxa uu moogan yahay in Talada Somaliland ay ka go’do dadka hogaanka u haya ee u Madaxweyne Siilaanyo ugu horeeyo iyo golayasha qaranka ee shacabku soo doorteen.

Waxa Nasiib daro ah iyadoo Somaliya Cadaawada intaa leeg ee guunka ah u qabto qaranka Somaliland inanay hadana shacabka qaarkii iyo Siyaasiyiin dhawri ahi dhaadanayn, halka aad arkayso inay qaarkood la fikir yihiin Cadowgeena Somaliya, waxaa loo baahan yahay in shacabka Somaliland aanay ilaawin in Somaliya ay tahay Cadowga koobaad ee qaranku leeyahay islamarkaana aanay marnaba raali ka ahayn in Somaliland wax usoo kordhaan lana doonayso dhibaato.

Guud ahaan shacabka Somaliland iyo siyaasiyiintooda mucaaridka ahiba waxay u baahan yihiin inay yeeshaan fiiro iyo aragti dheer oo ay ku eegaan cida aan jeclahayn horumarkooda oo ay somaliya kaalinta hore kaga jirto, wixii qaranka milgo ah u mustaqbalka dalkeena sharaf u ah in laga midoobo meelna looga soo wada jeesto cidkasta oo il qaloocan ku eegta horumarkeena.

Cdaymaha ugu dhaw ee aynu u cuskan karto inay soomaaliya iyo inta la fikirka ahiba ay ka soo horjeedaan Qaranimadeena Somaliland ayaa ah in Madaxweyne Farmaajo uu u duulo sucuudiga si uu ugala hadlo in aan Somaliland lagu samayn wax maalgashi ah qarankaasina aan lagu kobcin madaama ay yihiin dad xoogan oo iyago sidan ka awood yar ay burburiyeen dawladii quwada weynayd ee Soomaaliya wakhtigii siyaad bare wakhtigana ay uga cabsi qabaan inay Soomaaliya dhanka Siyaasada ku muquuniyaan.
Cali Gabiley