Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Xadhigga ka Jaray Xarunta Garabka Dhallinyarada xisbiga

0
344
????????????????????????????????????

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Xadhigga ka Jaray Xarunta Garabka Dhallinyarada xisbiga
Hargeysa (WSN)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashax Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhiga ka jaray xarunta guud ee garrabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga ee caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda xadhig-ka-jaridda oo dhacday maanta, waxa ka qaybgalay ka sakow Guddoomiyaha KULMIYE, masuuliyiinta sarsare ee xisbiga, hoggaanka Garabka Dhallinyarada ee heer qaran, Wasiirrada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, wasiiru-dawleyaal iyo wasiir-ku-xigeenno iyo marti sharaf kale oo badan, waxaanna halkaas laga jeediyey hadallo dhiirrigelinta da’yarta iyo hogo-tusaaleyntooda u badan.

Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada heer Qaran ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi, ayaa ka hadlay muhiimadda ay dhallinyaradu u leedahay xisbiga KULMIYE oo uu tilmaamay inay ka mid yihiin tiirarka uu xisbigu ku taagan yahay, isla markaana ay xisbiga si joogto ah ugu deeqaan aragtiyo iyo afkaar hufan oo horumarka xisbiga qayb weyn ka ah.
Siyaasi Cabdillaahi Cabdi Muuse (Bakayle) oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, isla markaana isagu bixiyey qalabaynta iyo agabka xafiisyada xaruntan cusub ee Garabka Dhallinyarada KULMIYE, ayaa sheegay inuu mar walba heegan ugu jiro horumarinta xarumaha xisbigu leeyahay iyo dhismaha dhallinyarada guud ahaan qaranka, gaar ahaana kuwa xisbal-xaakimka oo aannu ka daali doonin.
Masuuliyiin iyo siyaasiyiin fara badan oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka tirsan Golaha Wakiillada, Maxamed Cali Bile, Hinda Xirsi Gaani iyo Maxamed Abiib Yuusuf, ayaa dhammaantood soo dhaweeyey furitaanka xaruntan cusub ee dhallinyarada oo hirgelinteeda iyo shaqadeedaba ay ku bogaadiyeen madaxda garabka da’yarta KULMIYE, isla markaana waxay kula dardaarmeen garabka dhallinyarada heer qaran inay sii dardargeliyaan hawlahooda shaqo oo ay maanka ku hayaan inay kaalin wayn ku leeyihiin guul ballaadhan oo xisbigu mar kale ka soo hooyo doorashooyinka soo socda.

Sidoo kale, Wasiirrada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha – Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaandhigga Md. Mustafe Jaamac Abraar iyo weliba Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Md. Maxamuud Warsame, ayaa dhammaantood isku raacay inay dhallinyaradu tahay furaha horumarka dalka, waxana ay garabka dhallinyarad KULMIYE ka codsadeen inay karti iyo dedaal dheeraad ah xisbiga geliyaan.

Ambassador Axmed Xasan Cigaal oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa u hogo-tusaaleeyey dadweynaha reer Somaliland sifaha ay u kala dooranayaan murrashaxiinta Madaxweynaha xisbiyada Somaliland, waxaannu kula dardaarmay dhallinyarada inay qabyaallada ka dheeraadaan, waxaannu yidhi, “Waxaan idinka rajaynayaa dhallinyaroy inaydaan qabyaalad waxba ku dooranin, waayo taas ayuu mustaqbalkiinu ku jiraa, haddii aydaan qoomiyad wax ku dooran oo ay warkaas u sheegin kumayaal durbaannada u tumaya qabyaaladda, aniga qaar baa igu yidhaahda ninka WADDANI ka madaxda ah isku reer baad tihiin, waana run laakiin inaadeerkay kuma dooranayo ilmaadeer baanu nahaye waxan dooranaya ka aan is leeyahay dalka meel buu gaadhsiinayaa, go’aanna wuu qaadan karaa.”

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna ku dheeraaday doorarkii taariikhiga ahaa ee ay da’yartu kasoo ciyaartay horumarka adduunweynaha oo uu tusaaleyaal kala duwan ka soo qaatay oo uu taxay tiro guulo ah oo ay taariikhda ku galeen dhallinyaro da’doodu hoosayso oo dedaal badan oo ay sameeyeen ku horumariyeen dalalkooda, isaga oo ku adkeeyey dhallinyarada xisbiga KULMIYE inay door laxaad leh ka qaataan hawlaha xisbiga.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in dhallinyarada looga fadhiyo hawl adag iyo curinta afkaartii horumarka lagu gaadhi lahaa, waxaannu yidhi, “Dhallinyarada waxa looga fadhiyaa hawl badan, gurigana waxa loo furay in lagu shaqeeyo oo lagu soo saaro ra’yiyo iyo afkaar cusub oo xisbiga iyo qarankaba wax u tara, waana inay noqotaa goob wax-soo-saar, dhallinyaradana dhibaato badan baa haysata oo shaqo la’aan baa jirta, waana muhiim in la helo afkaartii waxaas lagaga bixi lahaa in halkan lagu qabto, annaguna aannu ku gacansiino, dhallinyarada, culimada, haweenka iyo dhallinyaraduba waa inay ka qayb-qaataan go’aaminta talada dalkana waxbaa dhiman, waana inay ka qaybgashaa.”\

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????