Muxuu Guddoomiye Cirro Ugu Taaganyahay Ansixinta Xeerkii Caasimadda Iyo Kala Xadaynta Gobolada Iyo Degmooyinka

0
741

Muxuu Guddoomiye Cirro Ugu Taaganyahay Ansixinta Xeerkii Caasimadda Iyo Kala Xadaynta Gobolada Iyo Degmooyinka

Runtii waad la socota daljire in April 2016 aan ku jirno,waad la socota daljire in labada doorasho tan Madaxweynaha iyo tan Golaha wakiilada leys raacinayo March 2017.

Hadaba maanta Gudoomiye Ciro waa madaxa wakiiladda waana Musharaxa Xisbiga Wadani, xeerkii ku meel gaadhka ahaa ee lagu doortey Gudoomiye Ciro iyo 81 wakiil ee kale15/102005 waa 12 sano ka hor ayey sameyn kari wayeen,oo 12 sano aaney sameyn,waynu ognahay in xisbiga kulmiye ay ka go’an tahay iney doorasho dhacd March 2017.
Hadaba Gudoomiye Ciro muxuu xeerkan u samayn waayey taasi waa maxay???
Runtii dulmi baa ku jira in dad ama xaafad 10,000 cod leh la yidhaa wakiil ma lihidin,meel 500 cod ahna la yidhaa wakiil baad leedihiin waa dulmi iyo xaqdaro iyo arxan daro.
Gudoomiye Ciro taasi ayuu ogyahay oo isaga qudhiisa ayaa wakiilnimada ku yimid 500 cod ama in yar ka badan,kolka isaga raba inaan xeerka la sameyn oo laga hadal ka dibna marka doorashadu soo dhawaato uun la yidhi ku meel gaadhka aan ku galno se Hargeisi,Gabiley.Burco, midna yeeli meyso.

Waxaan jirta 15 October 2005 doorashaddii wakiiladu xeerka ay ku soo baxeen wuxu ahaa ku meel gaadh wax markaasi uun loogu talagaley oo aan dib u dhacayn,waxayna u dhacdey sidan.

Xeerka ku meel gaadhku wuxu ahaa mid ku saleysan gobol oo 6 gobal ayaa loo qaybiyey 82 wakiil waxaa dhacdey arimo fool xun Hargeisa rag baa ku waayey 4599 cod xalka gobaladda qaarka ku soo baxeen 500 ilaa 1000 cod.
Taasi ma shaqeyneyso oo waa xaq daro iyo dulmi waa in lagu soo baxa codka dadka ileen dhulku ma codeeye.
Horta wakiilku nmuxuu yahay????
Waa qof u wakiiladda dad oo baahidooda u hadla kolka waa in aan dadka la dulmiyin oo 5000 cod la yidha bilaa wakiil baad tahay,dad 600 cod la yidhaa wakiil baad leedahay dee waa xaq daro iyo dulmi.
DOORASHADDA WAKIILADDU WAA IN TIRO IS LEG KU SOO BAXAAN GOBALADDU SIDA CAALAMKA,WAANA XAQ DARO HADDUU MIDNA KU SOO BAXO 500 COD MIDNA KU WAAYO 4500 COD.
Somaliland doorashadii madax weynaha ee 26 Jun 2010 dhacdey sidan ayaa gobaladda looga codeeyey.

Waxaa Somaliland ka codeeyey oo dad bila- aadmi ah maaha dhul tiradda guud waxay imaneysa ee codeysay Somaliland:
Total Guud: 538,246 Qof ayaa dooradii madax weynaha 26 Jun 2010 codeeyey.waxaad u qaybisa 82 wakiil.
Total codeeyey538,246 /82 wakiil=6563 cod ayuu xil baan walba ku soo baxaya.Gobal walba waa leysku celcelinaya oo haddii Togdheer laga codeeyo 100,000 cod waxaa la siinaya inta tiradoodu noqoto inta ugu sareysa ee wakiil iska sharaxay oo lama odhanayo cod baad weydeen oo reer hebel idinku 10 baad isku sharaxdeen,ee dadkaasi kuwa u sareeya ayuumba soo baxaya kuna soo baxaya codka dadka codeeyey gobalka.
Hadaba gobal walba wakiiladda uu helayaa waa sidan hoos ku taala.
http://www.slideshare.net/ xulbad82/nec-2010-final- results
GOBALKA TIRADDA KURAASTA
M/JEEX 236,651 36
AWDAL 82,338
12
T/DHEER 111,653 16
SALAX 29,211 5

SANAAG 58,515
SOOL 20,878
TOTAL; 538,246
9
4

Runtii waad aragtaa tiradda dadka kolka waa in 82 wakiil ee Somaliland loo qaybiya sidan ileen qof walba oo Somalind xaq buu u leeyahay wakiile.
Haddii la kordhinayo wakiiladda waa xalkeedda se iminka aan u qaybino sida gobal walba intuu xaq u leeyahay.

Cabdi qaadir Jirde wuxuu ahaa 10 sano ku xigeenka qaybe inta badana qaybe wuu xanuunsanayey oo C/qaadir Jirde ayaa is haystey,waxa ka danbeeyey Gudoomiye Ciro oo haytey 15/10/2005 ilaa maanta.
Ciro wuxuu ka dhigey naafo wuu hogaamin kari waayey 80 qof,wuxuu dajin kari waayey xeerarkii aasaasiga ahaa
Xitaaxeerarkii aan siyaasadba ku jirin ayuu sameyn kari waayey.sidee loogu aamini kara inuu madax weyne ka noqdo shakhsi sidaa u jilicsani oo inuu kursi iyo kharash cuno maahe wax kale garaneyn.

Wuxuu garan waayey gudoomiye Ciro shaqadiisi ahayd inuu xeerarka Somaliland sameeyaan wadigaa arkaya xeerkii lagu soo doortey 15 October 2005 ee ku meel gaadhka ahaa in ilaa maanta la sameyn oo ah 2016.
Ma Ciro ayaan Madaxweyne inoo noqon kara xeerarka sameyn kari waayey ?
Ummadda waxan leeyahay ilaahay Ciro iyo qayrkii ha ina dhaafiyo Amiin.
SOMALILAND ILAAHAY HOW GARGAARO MAR WALBA.
AMIIN……AMIIN……AMIIN… ….
MAHADSANID
ABDI ALI JAMA
LONDON
daljire99@gmail.com