“NIN UMADDIISA KHIYAAMEEYEY KUMA SOO BIIRAYO KULMIYE EE QOLADAN MOODAYSA IN NIBIRI U SOO CAARIYAYOOW..…”

0
371

“NIN UMADDIISA KHIYAAMEEYEY KUMA SOO BIIRAYO KULMIYE EE QOLADAN MOODAYSA IN NIBIRI U SOO CAARIYAYOOW..…”

Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed

Hargeysa:(WSN)-Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md.Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shaaciyey in xisbiga KULMIYE ay ka go’an tahay sidii horumarka dalka meel sare loo gaadhsiin lahaa, isla markaan aanay u oollin inay wakhti badan ku lumiyaan qolayaha aan faa’iidada badan lahayn.

Guddoomiye Maxamed Kaahin oo hadal kooban u jeediyey xildhibaanno iyo siyaasiyiin reer Gabiley ah oo kusoo biiray xisbiga KULMIYE, ayaa lahjad adag ku dhaliilay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxana uu hoosta ka xarriiqay inaanay ajandaha xisbiga KULMIYE ku jirin inay soo dhaweeyaan shakhsiyaadka mabda’a Soomaaliweynta aaminsan, “innagu dadka qaarkii murmimaynee horumar baynu higsanaynaa, Xisbiga KULMIYE-na kuma soo biirayo, mana imanayo nin umaddiisa khiyaameeyey oo Xamar tegay oo kusoo hungoobay, qolada xisbiga WADDANI ee ragga Xamar tegay moodaya in Nimiri usoo caaryayoow waxad ururinaysaan dadkii umaddoodu ku qasaartay.” Ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Guddoomiye Kaahin waxa uu shaaca ka qaaday in guulaha uu xisbiga KULMIYE umadda ku hoggaamiyey yihiin qaar taariikhi ah, isla markaana bulshadu si siman ugu riyaaqsan tahay inuu mar labaad hoggaanka dalka kusoo noqdo.

Hadalka Maxamed Kaahin, ayaa u muuqda mid uu ula jeedo xubnaha mabda’a Soomaaliweynta aaminsan ee dhawaanahan ku biirayey xisbiga WADDANI, kuwaas oo ay bulshadu su’aalo badan iska weydiinayso sababaha ay xisbigaas ugu biireen.

Hubaal