Ololihii mid ka mida Musharixiinta ugu cadcadaa xilka Madaxweynaha oo burbur ku dhow

0
298

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mid ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha uu soo wajahay hoos u dhicii ugu weynaa ee ololaha Doorashadiisa.

Ra’iisal wasaaraha xilka ka degaya Cumar C/rashiid ayaa la xaqiijiyay inuu hoos u dhac weyn ku yimid ololihiisa kursiga madaxweynaha kadib markii ay taageerada kala laabteen dowlado hore ugu balanqaaday inay taageerayaan

Cumar C/rashiid ayaa xaruntiisa doorashada laga dareemay xaalada adag ee heysata, waxaana ka tegay xildhibaanadii taageerayay iyo kuwii u dhowaa iyadoo hore lagu waday inuu noqon doono musharax wareega labaad gaari kara ayaa xogtii ug danbeysay ay sheegeysaa inuu marayo heer aad u hooseeya.

Dhowaan ayuu ku dhawaaqay Cumar C/rashiid baaq ku saabsan dalalka deriska ah isagoo ugu baaqay inay faraha kala baxaan doorashooyinka Soomaaliya oo ay doonayaan qof ay wataan inay ku qasbaan Soomaalida, sida uu yiri.