Qofkii Muddan, Waa in La Maamuuso oo la Muuneeyey

0
623

Qofkii Muddan, Waa in La Maamuuso oo la Muuneeyey
————————————————————————-
Shallay Waxaa la soo gebagabeeyey Kulan lagu naaqishayey Siyaasada Waxbarashada Qarranka Somaliland.

Xafladii xidhitaanka Kullanka ayaa Waxaaa Shahaado la gudoonsiiyey Mayor Abdishakur Ciddin. Shadadaasi way ka duwanayd shahaadooyinkii aan arki jirray, Waayo Sababaha Moyar Ciddin loo Maamuusay waa ku wan ee bal ila qiimee waxaad ka Markhaati Furri doontaa inuu mudan yahaye.

Sababaha loogu Mahadceliyey Moyar Adbishakuur waxaa ka mid ah:

1. Waa Masuulka si hagar la,aana iskaga Xilsaaray Waxbarahsada Gobolkiisa iyo Magaaladiisa Berbera labadoodaba.

2. Mayor Cabdishakuur Isaga oo fulinayaa Nidaamaka Maamul-daadajinta, Wuxuu Waxbarashada Gobolka Saaxil Sanadkii tagay ku bixiyey lacag ka badan $500,000.

3. Waa Massuulka Kaliye ee Dawladeed ah, oo Carruurtiisu ay dhigtaan, Waxayna dhigtaan Dugsiga Hoose/Dhexe ee Berbera.

4. Waa Mayorkii ugu fiicnaa ee 3 Mayor Magaalo ee fulinayey Nidaamka Maamul daadajinta, kaas oo la doonayo in ay Dawladda Hoose ay la Wareegaan Maamulka iyo Maalgalinta Waxbarashada Dugsiyada Aasaasiga ah ama Dugsiyada Hoose/Dhexe.

Waxaan filayaa inay tahay tallaabo fiican oo ay qaaday Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Waayo hadaan la sharfin Qofka bulshada Danyarta u adeegaya isla markaana gudanaya Waajibaadkiisii Datuuriga ahaa si Daacadnimo, Karti, Hufnaan iyo Muwaadinimo ah.

Waxaan leeayahay Mayor Cabdishakuur halkaa ka sii wad daddaalkaag iyo dad jaceylkaaga, una adeeg bulshada taagta Daran ee Waxqabadka u baahan, Ilaahayna ha kula qabto, hana kaa abaal Marriyo.