telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

“Qofku wuu ku gaaloobi karaa qowlkiisa, ficilkiisa iyo hadalkaba, haduu kelmad ku soo galay islaamnimada, mid gaalnimo…” Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir Waa maxay Fikirka TAKFIIRKU & daliilka Qur’aanka iyo Sunnahu ka sheegeen

“Qofku wuu ku gaaloobi karaa qowlkiisa, ficilkiisa iyo hadalkaba, haduu kelmad ku soo galay islaamnimada, mid gaalnimo…” Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir
Waa maxay Fikirka TAKFIIRKU & daliilka Qur’aanka iyo Sunnahu ka sheegeen.

Hargeysa- (WSN)-Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday in qof kastoo ficil ama qowl gaalnimo ku kaca, aan lagu xukumayn ilaa arrinkii la baadho, sida culimada Alhu-sunna Wal-jamaaca qabaan.

Sheekh Maxamed Dirir oo khudbadii Jimcaha shalay si faahfaahsan ugaga hadlay fikirka Tafkiirka iyo waxa Quraanka iyo sunnaha nebigu CSW ka sheegeen ayaa ku bilaabay,
“Ilaahay Qur’aanka kariimka waxuu ku sugay in qofku siduu ugu soo galay kelmad Islaamnimadda, kelmad gaalnimo u yidhaahdo ama ku dhawaaqana kaga bixi karo.
Sheekh Dirir ayaa sheegay in niman munaafiqiin ah ay ku jeesjeeseen Nebiga CSW iyo asxaabta, oo aflaqaadeyeen, caayeen oo wax ka sheegeen, taasoo Ilaahay aayado Quraan ah ka soo dejiyey ereyadooda ay fudaydsanayaan, ama leeyahiin kaftan ayey naga ahayd inay ku gaaloobeen.

“Hadaad weydiiso, maxaad Nebiga CSW iyo asxaabta u caydeen, waxay odhanayaan, waanu iska ciyaaraynay oo kaftan ayey naga ahayd. Ma Ilaahay aayadahiisa iyo rasuulkiisa ayaad ku dheeldheelayseen, waxaad tidhaahdaa (Nebi Allow) waxba ha cudur-daaranina, waad GAALOWDEEN.”

Qofku wuu ku gaaloobi karaa qowlkiisa, ficilkiisa iyo hadalkaba, haduu kelmad ku soo galay islaamnimada, mid gaalnimo ahina way ka saari karta.
Sheekh Maxamed oo ka hadlayey sida qofka lagu gaalaysiin karo, ayaa sheegay inuu yahay keliya sifaha daliilka sharciga Ilaahay iyo Rasuulkiisa CSW ka soo arooray shardiga qof lagu gaalaysiin karo, laakiin, qof neceb dartii qof uma gaalaysiin karo.

Rasuulka CSW si weyn ayuu uga digay in laysku tuurtuuro hebel waa gaal, reer hebel waa gaalo iyo ereyada la midka ah iyo halista ay leeyahiin, sida xadiis saxeex ah Nebigu CSW machaniisu ahaa, “Qofka walaakiisa muslimka ku yidhaahda KAAFIR, (Gaalow), wuu ugu yeedhay, ama wuu ku eedeeyey, haduu qofkaasi gaal yahay, way qabsanaysa, hadii aanu gaal ahayna, qofkii yidhi ayey ku soo noqonaysa, waanu ku GAALOOBAYAA, waajibna ku tahay inuu Ilaahay u soo noqdo oo towbad keeno” ayuu yidhi.
Sheekh Dirir oo ka digayey halista in gaalnimada ummada islaamku si fudud isugu tilmaanto ayaa sheegay in Cali binu Abi Daalib RC, markuu la dagaalamayey qoladii Nebigu CSW sii sheegay ee Khawaarijta, oo weliba amray in la laayo, waxa la yidhi Caliyow, Khawaarijta wa ainnaga dilay ee ma gaalaa? Markaa ayuu ku jawaabay, Hadda, gaalnimada ayaabay ka cararayaan. Wuu ku dhici waayey inuu gaalo ku sheego, iyadoo culimada qaarkood gaalo ku sheegeen.

Qof kastoo ficil ama qowl gaalnimo ka dhaco, isla markiiba lagu xukumi maayo gaalnimo ilaa la eegayo arrinkiisa, sida Ahlu-sunna waljamaaca qabaan.
Ficilkii uu sameeyey oo laysku raacsan yahay inuu gaalnimo yahay, ayaa haddana dib loo eegayaa qofkii sameeyey in lagu xukumi karo, maadama ay jiraan waxyaalo ka mamnuuci kara in xukunkaa lagu qaado, waana muhiim in la ogaado, waxa ugu horeeya
Gefka: qofka marka loo yeedho waxa la odhanayaa arrinka gaalnimadu ma gef ayuu uga dhacay ee ula-kac, sida xadiis Nebiga CSW ku soo arooray.
Khasabka: marka qofka lagu dirqiyo inuu ku dhawaaqo kelmad kufri ah, xukunka gaalnimadu kuma waajibayo, sida Ilaahay aayad qur’aan ku sheegay macnaheedu ahaa, “Qofka kufriya islaamnimadiisa ka dib, hadaan lagu khasbin, isagoo iimaanku qalbigiisa ku sugan yahay.”

Aqoon-darada: hadii qofku jaahil ka yahay in ficilka ama qowlka uu yidhi lagu gaaloobo, waa loo cudur daarayaa, sidii Nebigu CSW ugu cudur-daaray saxaabo hadal gaalnimo keeni kara ku yidhi, aqoondarro ka haysay awgeed.

Caruur: hadii aanu qofku qaangaadh ahayn, ficilkii gaalnimada keenayey waa looga cudur-daarayaa, laguma xukumayo, sida kale ayaa loo edbinayaa.
Waalida: Sidoo kale qofkii waalan, laakiin marada iska sita haduu kelmad gaalnimo ku hadlo, waa la baadhayaa caqligiisa, haduu ku sifoobo waalida waa loo cudur-daarayaa.
La soco qeyb labaad oo Sheekh Dirir kaga hadlayo taariikhda takfiirka am in qof la gaalaysiiyo iyo arrimo kale.

450 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins