Qorshe lagu Burburinayo Qubuuraha Sh. Isxaaq, Samaroon iyo Ciise

0
565

Qorshe lagu Burburinayo Qubuuraha Sh. Isxaaq, Samaroon iyo Ciise

Dabcan waa awoowayaal dhintay oo duriyadoodii ay ku nooshahay koonkan, Ceerigaabo waxay astaan u tahay goobta ay ka soo jeedaan duriyadda geeska afrika, Meel aan ka durugsanayn magaalada Ceerigaabo waxaa ku aasan odayaasha ay ka soo jeedaan badi qabaa’ilka dega gobolka Geeska Afrika, haatanse taariikhdaas waxay u muuqataa in khataro cusubi ay soo foodsaarayaan.

Duriyaddii Sheekha iyo intii gacanta ku haysay ilaalinta taariikhda sheekha iyo goobaha ay ku aasan yihiin ayaa xilligan fariin soo diraya, waxay cabsi ka qabaan in xabaalahaas la burburiyo, sababta ugu weynina waxay ka socotaa magaalada Hargeisa.

Waxaynu ognahay in kooxaha ku dagaalama magacyada diimaha ay bartilmaameedsadaan cidhib tirka taariikhaha ummaduhu leeyihiin iyaga oo cid kale u adeegaya, haatan waxaa madaxtooyada Somaliland ka socda qorshe lagu abuurayo kooxo ku dagaalama magaca diimaha oo saldhig ka dhigta buuraha lama galaanka ah ee Daalo iyo Maydh.

Qorshahan waxaa horboodaya Lix Ilmaadeera, Taliyaha Nabadsugidda, Wasiirka Madaxtooyada, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sanaag, Taliyaha Qaybta ee gobolka Sanaag, iyo Taliyaha Asluubta ee gobolka Sanaag. dhammaan dadkani waa isku hayb.

Hadafka muuqda ee ay ka leeyihiin ayaa ah inay cadaadis saaraan reer ka mida beelaha dega magaalada Ceerigaabo, si ay reerkaas ugu shaambadeeyaan inay la shaqeeyaan kooxaha magacyada diimaha ku dagaalama taasina ay horseeddo mashaariic ay helaan, iyo awooddii gobolka oo ay gacanta ku sii haystaan.
Laakiin halista Amni ee ka dhalata ka sokow, waxaa ka daran haddii belo loo yeedho oo siday doonayaan ay wax u socdaan inay keenayso in gebi ahaan la burburiyo xabaalaha Sh. Isaxaaq, Samaroon, Ciise, Daarood iyo awlaadooda ku aasan buurahaas.

Taasi waa halis cusub oo soo foodsaaraysa raadraaca taariikheed ee gobolka Geeska Afrika, waana dhacdo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo saddex jeer ku guuldaraystay qorshayaal uu doonayey inuu kula wareego gacanta sare ee magaalada Ceerigaabo ayaa haatan markii afraad qorshahan wada, saddexda qorshe ee hore ayaa ahayd, duullaankii uu qaybta ka ahaa ee sannadkii 1992 lagu soo qaaday magaalada Ceerigaabo isaga oo xildhibaana ayuu ka mid ahaa dadkii duullaankaas soo qaaday, waxaadna marageeda ka heli karaysaan Youtube, markii labaad waxay ahayd sannadkii 1997 oo uu qayb ka ahaa dagaalkii ka dhacay magaalada Ceerigaabo, halka markii saddexaad ee uu ku fashilmay isku daygiisuna ay ahayd sannadkii 2013 isaga oo doonayey inuu wax ka bedelo doorashadii golaha deegaanka oo xattaa keentay in isaga oo Wasiira uu magaalada Ceerigaabo ku afduubo goor habeenimo ah gabad dhulbahante ah oo ka mida golaha Deegaanka Ceerigaabo, inkasta oo markii dambe la soo daayay.

Hawlgalkan ayaa noqonaya kiisii ugu dambeeyey uguna khatarta badnaa, Maxamuud Xaashi oo loo yaqaan Usama isla markaana aad u kala yaqaan sida shaxda loo ciyaaro ayaa haatan doonaya inuu khilaafka ceerigaabo ka jira u rogo mid diimeed.

Haddaba belo ka hortag ayay leedahay ee ka daba tag malaha, iminkay dhowdahay in wax laga qabto ee shacabka, xukuumadda iyo Maxamuudba mid walba kelmed ayaan leeyahay:

Shacabkaygiiyoow idinkay idinla jirtaa inaad kala doorataan in taariikhdiina iyo awoowayaashiin xabaalohooda in hortiina lagu burburiyo wakhti dhow sida ka dhacday meelo badan oo Xamar ka mid tahay.

Xukuumadda mid baan leeyahay, Taariikhdu waa giraan isqoraysa, haddii reer waliba marka uu talada hayo awoodda loo sii daayo ama shakhsiyaad ay danohoosa fushadaan hadda nidaamkii dawliga ahaa ayaa burburaya.

Wasiirka WAxaan leeyahay, hadda reerka aarsi kale kuuguma hadhin haddii gobolkii aad u wada magcawday reerkaaga sida Badhasaabkii gobolka Sanaag, Taliyihii Bilayska, Taliyihii Xabsiga, Maxkamaddii Gobolka, Isu-duwayaashii gobolka ugu waaweynaa, hadda maxaa kuu hadhay, hadda ogow waxan aad dagaalka kula jirtaa ee aad cunaha haysaa waa tolkaa.

Maxamed Daahir
Ceerigaabo, Gobolka Sanaag