Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdirashiid Cumar Sharmarke“Waxaan saaka ka Quraacanay Galmudug, Maantana ka qadeynay Puntland, nabadiina waa hirgashay”

0
353

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdirashiid Cumar Sharmarke“Waxaan saaka ka Quraacanay Galmudug, Maantana ka qadeynay Puntland, nabadiina waa hirgashay”

Muqdisho(Warsugannews)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan howlo shaqo u jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay Maamullada Puntland iyo Galmudug si loo dhamaystiro heshiiskii horey loo gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdiga la socda ayaa ugu horeyntii saaka booqasho ku tagey dhinaca Koonfureed ee degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug. Waxana soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed, halkaas oo wafdiga loogu sameeyey quraac sharafeed ay labada Maamul ku muujinayeen ka dhabaynta nabadda deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo goobta ka hadlay ayaa kula dardaarmay hoggaanka labada dhinac in ay hormuud u noqdaan soo celinta nabadda deegaanka iyo dhameynta khilaafaadka dadka ku dhaqan degmada Gaalkacyo ee labada Maamul.

“Dadka ku dhaqan Gaalkacyo waa dad walaalo ah oo weligoodba wada deganaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku aheydeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale xusay in dawladda Federaalku ay mar walba taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib u heshiisiin dadka oo dhan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigii la socday oo ay ka mid ahaayeen Madaxda Puntland, Jubbaland, iyo Galmudug ayaa waxaa qado sharaf loogu sameeyey dhinaca Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee Puntland, waxaana qadada kadib ay sheegeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug in ay diyaar u yihiin ka dhabaynta heshiiska Gaalkacyo ee dhawaan ay saxiixeen.

R/Wasaaraha ayaa ugu danbeyn sheegay in waqtigii dagaalku uu dhamaaday, waxa kaliya ee hadda loo baahan yahay ay tahay in dadku nabad ay helaan dibna ugu soo noqdaan guryahooda, isagoo labada Maamul kula dar-daarmay in ay mar walba xoojiyaan iskaashigooda.

“Waxa kaliya ee aan doonayno waa xaaladda oo dagta iyo dadka oo nabad ku wada noolaada. Waqtigii dagaalka waa uu dhammaaday. Geesi waxaa ah ninkii nabadda qaata, maanta Waxaan arkaysaan in aan ka soo quraacanay Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, hadana ka qadaynayno dhinaca Puntland, waana taa midda aan halkan u nimid ee ah dadku in ay is dhex galaan, nabadduna hirgasho”.
IMG_6117__2_

IMG_6130__2_

IMG_6325__2_

IMG_6355__2_

IMG_6357__2_

IMG_6396__2_
—-DHAMMAAD—-