SABABTA KOWAAD EE SICIR-BARARKA: DABACAADA LACAGTA “INDHO-YAR FILIPINO MONEY“ & DOOLAR URUURSIGA ( Q2AAD)‏

0
462

SABABTA KOWAAD EE SICIR-BARARKA: DABACAADA LACAGTA “INDHO-YAR FILIPINO MONEY“ & DOOLAR URUURSIGA ( QORAMDI LABAAD)‏

 

Sicir-bararka waxa huriya   xaddiga lacagta   “Money-supply”  suuqa la geliyo.  Marka lacagta suuqa ku jirta  badato,  waxa kor u kaca sicirka doolarka. Hadaba,   Madaxtooyadu waxay si xad-dhaaf ah u soo daabacday lacagta loo   yaqaano “ Filipino /Indhayar”.Cilmiga dhaqaalahu wuxuu dhigayaa,  Lacagta xumi waxay eryata oo suuqa ka saarta  lacagta wanaagsan “ Bad money chases good money “.  Madaxwayne Siilaanyo, wuu garanyaa , laakinse wuu isyeel-yeelayaa.Hadaba, lacagta Filipino  waxay kor u kicisay qiimahii   doolarka , nolosheena way qaali garaysay. Waxa lacagtaas  loo isticmaala Doolar urursi” Hoarding of US Dollars” iyo  iibsiga guryaha waawayn  ee Dubai , Nairobi, UK ,Berbera iyo Hargeisa. Waxa kale oo loo isticmaala Waji-ku macaashka, Madax-dhaqameedka ,Motion-quutayaasha iyo Xerta ku xeeran Qasriga Madaxtooyada .Sida distoorkeenu qeexaayo,  xakamaynta & maaraynta shillinka Somaliland   waxa ka mas’uul ah “Bankiga Dhexe”, laakinse waxa iminka hawshaas gacanta ku haya “ Madaxtooyada “, sicir-bararkuna  wuu si kordhaya inta ay Madaxtooyadu amrayso in la soo daabaco lacagta  indhayarta “Filipino” . Madaxwayne  Siilaanyo  wuu ogyahay  halka sarto ka qudhuntay, mana haboona inuu  Mudane Saylci ku lugooyo shaqo aanu cilmi & aqoon u lahayn.
GUNAANAD : Si loo xakameeyo Sicir-bararka, MADAXAWYNE Silaanyo  ha joojiyo daabacaada lacagta FILIPINO & DOOLAR URUURSIGA .
 
La soco qormada danbe.
 
Drs. Hoodo Yusuf, London.