Shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Colombia iyo koox kubadeed oo Brasilian ah oo lagu la`yahay

0
348

WAAXA DIYERIY YAASIR BR

Diyaarad siday 81 ruux oo ka mid ahaa koox kubadeed oo reer Brazil ah ayaa dhacday iyada oo ku sii jeedda magaalada Medellin ee dalka Colombia, sida ay saraakiishu sheegeen.

Ilaa iyo iminka wax badan lagama oga macluumaadka ku saabsan burburka diyaaradda iyo khasaaraha kale, laakiin waxaa jira warar sheegaya in ay jiraan dad ka badbaaday shilkaas.

Diyaaradan oo ka soo duushay dalka Bolivia ayaa waday qaar ka mid ah xubno ay ka mid yihiin kooxda kubadda cagta ee Chapecoense, sida ay saraakiisha garoonku sheegeen.

Kooxdaasi waxay ciyaarta kama dambays ah ee koobka Chapecoense la dheeli lahayd kooxda Atletico Nacional.