Shirkii Todobaadlaha Ahaa Ee Maamulka Ciidanka Dabdemiska Oo Ka Qabsoomay Xarunta Ciidanka Dabdemiska Caasimada

0
408

Shirkii Todobaadlaha Ahaa Ee Maamulka Ciidanka Dabdemiska Oo Ka Qabsoomay Xarunta Ciidanka Dabdemiska Caasimada

Hargeysa(Warsugannews)_Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka ciidanka Dabdemiska caasimada Hargeysa oo maalin kasta oo khamiisa qabsooma aya maanta ka dhacay xarunta ciidanka Dabdemiska Caasimada.
Shirkan oo ujeedadiisu ahayd dardergelinta hawlaha ciidanka ee todobaadkaas la soo qabtay iyo wixii warbixinaha ee qabsoomay,ayaa lagu lafaguray hawlo badan waxaana shirkaas ka soo qaybgalay maamulka ciidanka oo ugu horeeyo Taliyaha ciidanka Axmed Sawaaxili,Taliye ku xigeenka Qaasim,Taliyaha xarunta Cabdifataax Maxamed Xaashi,iyo dhamaan madax qeybeedyada iyo hawlwadeenada ciidanka Dabdemiska.

Waxaana ugu horaynba halkaa warbixino ka bixiyay dhamaan waaxaha ciidanka haday noqoto Isgaadhsiinta,Shaqaalaha,Saadka,Maamulka iyo Maaliyada,Caafimaadka,Gaadiidka iyo dhamaan waaxaha kale ee ciidanka oo dhamaantood ba warbixino waafiya ka bixiyay halkaasi,isla markaasina sheegay waxyaabaha u qabsoomay,waxa ka dhiman iyo qorshayaasha iyo hiigsiga ay leeyihiin si ay hawshooda u sii dardar geliyaan.

Sidoo kale waxaa isaguna halkaa ka hadlay Taliyaha Ciidanka oo sheegay in ciidanku hawl wanaagsan qabteen isla markaana hawsha halkaa ka sii wadaan,siina dardargeliyaan si adeega bulshada loo qabanayaa u noqdo mid aad u wanaagsan,dhan kale waxaa taliyuhu u mahadnaqay dhamaan waaxaha ciidanka sida marwalba ay iskugu duubanyihiin.
Ugu dambayn waxaa shirkaas ka soo baxay qodobo dhawr oo ay ka mid ahaayeen:

· In la dardargeliyo hawlaha maalinlaha ah ee ciidanka Dabdemisku qabo.

· In la xoojiyo wacyigelinta bulshada,loona sheega aafada dabka iyo khatarkteeda.

· In la adkeeyo xidhiidhka ka dhaxeeya ciidanka Dabdemiska iyo bulshada ku dhaqan Caasimada Hargeysa.

· Ugu dambayn waxaa laysla qaatay in marwalba lagu dadaalo sidii loo sii kobcin lahaa tayaynta ciidnka Dabdemiska.

maaha markii ugu horaysay ee shir noocan oo kale ah ciidanku qabsadaan balse waxaa maalin kasata oo khamiisa qabsooma shirar noocan oo kale oo lagu dardargelinayo hawsha ciidanka dabdemiska.

luv

00000

6

3333

kkkkkkk

lee

luq

luu
Alla Mahad Leh.

Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska.