SUUQA: Chelsea Iyo Juventus Oo Isku Heysta Ciyaaryahan Lagu Qiimeeyo € 30 milyan

0
409

Chelsea iyo Juventus ayaa labaduba waxa ay raadinayaan inay xoojiyaan qadkooda dhexe iyo sida ayiyadoo Wargeyska Spanish ee Deportivo,uu ku waramayo in ay isha ku hayaan saxiixa xiddiga kooxda Sevilla Steven N’Zonzi. kooxda ka dhisan LaLiga ayaa aqbali doonta qiimo € 30 milyan ah oo ah lacagta lagu burburin karo qandaraaska ciyaaryahanka reer France.
N’Zonzi ayaa hore ugu soo ciyaaray Horyaalka Premier League isagoo Blackburn iyo Stoke City usaftay ka hor inta uusan u dhaqaaqin Sevilla xagaagii 2015.

Sida lagu sheegay warbixinta, wakiilo ka socda kooxda Chelsea ayaa daawaday marar badan ciyaaryahanka kasoo jeeda France xilli ciyaareedkan, halka Juventus ay hore ula soctay xaalada ciyaaryahanka.