Taariikh nololeedkii iyo maansooyinkii Maxamed Ibraahin “Hadraawi”

0
3724
Ku soo Dhawoow
Mareegta war sugan

 

Maxamed Ibraarsame “Hadraawi” |   | 

  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan
Hordhac


Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi)waa hal-abuur maanseed,
oo dabuuubta maansadiisa kala soo dhex baxay dhudhubo
shareeran iyo dhadhaaabo shuban dhexdood.Maansadiisu waa
dawan, baaq, hodan, xigmad, murti iyo qaylo dhaan xilliga
argagixiso jirto. Hadraawi wuxuu maansada ku kala furaa
aqoontiisa cilmiyeed iyo kartidiisa hal abuurnimo.
Wuxuu ugu hiiliyaa ninka laga gar daran yahay iyo ninka
la dulmiyayo.Wuxuu Hadraawi la jaalyahay dadka maxaysatada
ah, kuwa aan marnaba ka tegen hidahooda,iyo dhaqankooda,
wuxuu kaloo la jaal yahay dadka diinta u dooda iyo cilmiga
wax barashada.Hadraawi wuxuu ku lid yahay oo ka soo horjeedaa
dadka-dadka dulmiya, booba,dhaca, yasa,xaqira, dadka is
waaweyneeya, dhaqankooda tuura, muslimnimadooda ka taga.
Hadraawi hal-abuurnimadiisu waa iftiinka xilliga mugdigu
saameeyo umadda, waa ileyska lagu hirto marka dulmigu uu xaqa
hadheeyo,waa mid ka talisa aayaha ummada Somaliyeed, waa kala
hagga ummada Somaliyeed, xagkasta oo la eego, hadday tahay laba
jacayl lagu kala furdaaminayo iyo laba dagaallagu kala
dhaqaajinayo,laba gar loogu naqayo, laba wax qaybsanaysa oo
loogu kala saami tuurayo, qof wax dulmiyaya oo loo sheegayo waxa
uu qaldaayo,dhinnac kasta oo ummadu ka jilic san tahay
hal-abuurnimadiisu way ka soo gashay. Waxa Hadraawi yahay
qarnigan aynu joogno ninka keliya ee Somali u siman aan marnaba
ka talin in uu hal abuurnimadiisa ku caayo reer, kun dulmiyo
dad, ku yaso ama xaqiro qof ama dad.Hadraawi waa ninka keliya
ee Somali soo maray ee aan weli lagu arag isagoo qof ama dad
ku maagaya maanso ama gabay,marka laga reebo keligii taliyihii
Maxamed Siyaad Barre,Hadraawi waa ninka keliya ee abwaanimadiisa
loogu saxeesayo in uu yahay waddani, waa ninka keliya ee
suugaantiisa aan aan laga helin iin ama qalooc, waa ninka keliya
ee la odhan karo waa abwaan, hal abuur, suugaan yahan ah,
Hadraawi waa nin illaahay hibo u siiyey hal-abuurnimada,
abwaanimada,Magaca Hadraawi wuxuu kula baxay, isagoo aad
u yar oo Cadan malcaamad ku dhiganaya, ayaa macalinkiisii
oo nin carab ahaa ayaa wuxuu arkay isagoo caruurtii quraanka
dhiganaysay jeediyey oo sheeko caruureed uu miyiga ku soo bartay
uga sheekaynaya,caruurtaas oo carabta ku dhalaytay xiisaynaysana
sheeko caruureedda, ayaa macalinkii maalin maalmaha ka mid ah
wuxuu isi soo daba taagay Hadraawiyoo caruurtii laga doonayey
inay wax akhriyaan sheeko caruureed dabada u haya. Macalinkiisii
ayaa inta uu dhenged dabada u qabtay ku yidhi.(inama anta hadrun)
Intaas oo carabiya macnaheeduna yahay waxaad tahay mid hadal badan

Amal    Dib U laabo



 	   Dadku kala ayaan roon
	   Ama kala aqoon dheer
	   Ama kala asluub weyn
	   Hadaan eed la doonayn
	   Ama deeq Illaahay
	   Asaraar ka taagnayn
	   Dadku eexo kaa gelin
	   Inan yahay la'aantaa
	   Dumar lama abuureen
	   Gabadh lama ammaaneen
	   Jacayl looma ooyeen

	   Geed beer udgoon iyo
	   Ku dhex-yaal ugbaadoo
	   Ubax iyo man fuulaay
	   Ulihii madheedhkee
	   Iimey ku yaalliyo
	   Ilo wada xareedoo
	   Nafta lagu illaawaay
	   Dayaxoo iftiimoo
	   Arladoo dhan gadhoo
	   Afar iyo tobnaadaay

	   Qorraxdoo aroortii
	   Dhulka soo abbaartoo
	   Sagal iid dhex joogtaay
	   Waxaad tahay adduunyada
	   Dhexda udubka haystoo
	   Xejiyoo adkeeyoo
	   Af-gobaadsan maayoo
	   Qurux lama amaahdee
	   Ashkir geenyo ugubey

	   Adhaxdiyo laf-dhabartiyo
	   Sanbabbada agtoodiyo
	   Ililaha halbowlaha
	   Eebaa ku mudanoo
	   Arrintii cuslaatoo
	   Naftu aammusnaantii
	   Iimaansan weydoo

	   Amaleey jacaylkii
	   Soo dhaafyey uurkoo
	   Afku haysan waayoo
	   Goortaan ogaadee
	   Arammidu dillaacdaan
	   Ooddii ka leexshee

	   Axdi jaba abaal luma
	   Kaa eegi maayee
	   Igadh iyo maqaarkeed
	   Innagoo ahaannaan
	   Hadalkii ku ururshee
	   Adiguna dheh aammiin



 	   

Anuun baa hooyadaa ah   Dib U laaboWuxuu yidhi:

Hunguri calafbaa xukuma
Hantina dhaqanbaa shushuba
Dadkana hiddihiisa guud
Wixii la hayaa dhexyaal

Xaq iyo u-hal-buuxintiisa
Habboonkiyo waalid tiisa
Hilbiyo ku-arooridooda
Siduu uga hawl yaraysto
Halmaan laga yeeli maayo
Hawiyo tumashoy dhashayda
Ka daa gacan-haadiskaaga

Barbaar hanaqaad ku leexday
Duciyo habaar qaadan waayey
Cir iyo heeguu noqdaa
Hadhaysa dhul aan aqoone
Hoygii madhan wiilashiisa
Haween dumar baa ka sheegta
Hablaha kacaybaa u yeedha
Haldhaa jecel baa u qaybsan

Inaan hadlo maan sugaynin
Baxnaanana maan horjoogsan
Hubsiinana maan illaawin
Hoggeediyo xaajadayda
Dareenka haloosigiisa
Hugiisa inaan ka qaado
Hayaanka fogaaday baa leh
Markaan cidla hiil ka waayey
Naftayda halaanhalkeeda
Waxaan huri waayey sheego

Haantii lulatay dhegayso
Hoobaanta agtaada taalla
Hadiinadu baadi weeye
Hashii korisaa u ciillan

Qofaad halab-saariddiisa
Daryeelka horseedadiisa
Dedaallada heensihiisa
Habeenna ka seexan weydey
Ku meel maray heegantaada
Markuu hagar kuu banneeyo
Dharaar ku haleeli waayo
Hortaada waxaa yimaadda
Sidaad ugu heellanayde
Harraad iyo waa kalkiise
Hillaac baxayow dhegayso
Siday talo kaaga hoostay

Calooshu intay ku hoysey
Hiyigu ku baxnaaninaayey
Horraadka intaad jaqsiisay
Dhabtaydu intay ku haysey
Intaad huwanayd taftayda
Hobeeya hobey hobeyda
Intaan dusha kuugu heesay
Intaan hanad kuugu yeedhay
Hawraaraha kugu ammaanay
Intaan hubin kuu xambaaray
Dartaa u hoggaansanaaday
Hadhuubada aan ku siiyey
Habniin adigoo ku diidey
Intaan hambo kuu daboolay
Hammuun iyo gaajo qaatay
Adoo haqab-beel ku seexday
Intaan hurdo kuu illaaway
Ilaashay hareerahaaga
Hungaa i xasuusinaysa
Hayaydana meel shishaa leh
Hiloga naftaa aloosan
Kashaa hinqanaysa goorba'an
Hankaa i waraysanaaya
Tolow hebel mee ku foogan
Aniyo hirashaa is weyney
Higsiga noloshaa adkaaday
Adduun iyo haybsigiisa
Hangool li'idaan ku daayey
Waxaan ku hagaagi waayey
Dhankaad ku hagaagsanayde
Adoo ka hanweyn xaggayga
Qof kuugu hanweyn dantiisa
Cid aad ku hallaysay mooyi!

Halyeynnimadaada sheelan
Habawgiyo dhiirintiisa
Ayaan halis kuu tusayne
Intaan kugu hawlo-daaley
Intaan kugu hoodo-sheegtay

Intaan hebla' kuugu faanay
Hilaado fog bay lahayde
Inaan hafarkaaga qaato
Sidaad ku heshaa da' weyne
Adiyo habigaaga mooyi!

Habaaska inaad cantuugto
Adoo hanadaan ka dooratay
Xaggayga hibaan ku saaray
Anigu ku habaari maayo
Huqbaase ku raadinaysa
Hibaaq xalan maad ahayne
Hufnaanta dhibtii abuurtay
Inaanay hadhayn yiqiinso!

Hawaala adduun rabbaa og
Dadkuna kala hoodo weeye
Haddeer iyo tii haddeer
Hadhow iyo tii hadhow
Hoosiyo sare tii ku raacda
Anuunbaa hooyadaaya.


Arag Maqal   Dib U laabo


 Ergaduu farriintiyo
 Ku adkekeyey heestee
 Egmadaanu kulanoo
 Looxii ilhaankaamkaan
 Sida uurku baalaha
 Indhahayga saaroo
 Warku waa ammaanee
 Adna Maxamed Moogow
 Aakhiro halkay tahay
 Cabdi Qays ogeysii

 Ayaadaha Qur'aankiyo
 Araxmaan sidey tidhi
 Hadalkii Illaahay
 Ruuxuu Islaamii
 Sida uu aqoonsaday

 Waa ooman hawdoo
 Waa guri abeesoo
 Adeg weeye hoosoo
 Abataq ku yaaloo
 Waa iil madow oo
 Rabbigay adoomaha
 Kaga aar gutaayoo
 Waxa laga arooraa
 Irridaha xabaashoo
 Anban maayo ruuxii
 Qabri lagu adkeeyaa

 Marna oogadeeniyo
 Waa oosha guudkoo
 Waa beer udgoon iyo
 Duni wada ilaysoo
 Waa ceel irmaan iyo
 Togag wada ordaayiyo
 Ilo wada xareedoo
 Lagu oon baxaayoo
 Naftu eegmo sugashada
 Ashqaraar ka qaadoo
 Toddobaatan ooryood
 Lala aqal galaayoo
 Rabbigay addoomaha
 Ku abaal marshaayoo
 Dhibta lagu ilaawaa

 Afhayaha barbaartow
 Ababshaha dhallaankow
 Taliyaha abwaankow
 Aabaha jacaylkow
 Adigaan ogeyn baan
 Uurkaaga baadhoo
 Ula jeeddadaadaan
 Ka arkaa dhul dheeroo
 Arrintaadu Qaysow
 Af gobaadsi weeyee

 Aakhiro Cabdow
 Way aasan tahay
 Iilkay jirtaa
 Aakhiro Cabdow
 Anbatoo luntoo
 Ururkiyo laxaa
 Awrkii cirkay


 Ku ag-xidhantahee
 Dadku yuu ku eedayn
 Ha dhex gelin ammuuraha
 Isha xidho afkana dhawr
 Arag maqal warkana ood.


 

Araweelo   Dib U laabo


  Ooshu waa halkeedii
  Cirku waa engegan yahay
  Naxariisi kama iman
  Dhulku waa arradan yahay
  Oogadiisu damac ma leh
  Waa abaar dad qalata ah
  Waa sabaan la adhax jabay
  Ma aloosna geedkii
  Afti baana sii tiil
  Dadna waa ogsoonaa
  Anna baanahaygii
  Ku adkaysan waayee
  Sow iimahaygiyo
  Alabkayga lama baran

  Olol-reenka hibashada
  Uugaanka baxayaa
  Ma naftii asqowdaa
  Mar labaad arrumisoo
  Agabtii xidhxidhatoo
  Awrkeedu raran yahay
  Ma awaalihiibaa?
  Asmadiyo xanuunkiyo
  Aynfaadku saarraa
  Ma abaabulkii baa?
  Oohowda waallaa
  Ma dabkaan afuufee
  Aasee bakhtiiyaa
  Ololkiisu baxayaa?

  Kalgacaylku aafiyo
  Urugiyo dhib badanaa
  Kasha nugul ka adakaa
  Soo aarey nabarkii
  Ma alwadey sidii geel
  Edeg madhan ma deydeyey
  Sida bahal ma oogsadey
  Ma illaday kabtii jaan
  Ma ku jiitey awdalan
  Ma arooryadii baa?

  Waabayda udugga leh
  Idin laygu shidi jirey
  Abbaartayda saakana
  Ma adeeridii baa?
  Sidaan aar libaax ahay
  Araggaygu didin jirey

  Arraweelo dumareey
  Arrimaha dhexdeenna ah
  Asaraari maayee
  Igu tidhi "ha ii iman"
  Anna waan hubaayoo
  Inaan uurka kaa jaro
  Afar iyo shan goor baan
  Axdi kuugu qaadoo
  Misna oofin waayee
  Isma ogiye goormaan
  Tolow aqalka soo galay?

  Ma naftii ku eeddeed
  Obocdeeda karisee
  Ishu kaaga fagantaan
  Usha kaaga reebaan
  Igdhayee sabaayee
  Uubaale geeyeen
  Meelaanay kaa arag
  Ku ilaalinaayaa
  Soo jiidhay ooddii
  Ma adaahidii baa?
  Addinkaaga hoos taal

  Aburkiyo xarraankiyo
  Orka iyo mashxaraddiyo
  Alalaaska baxayaa
  Ma ujeeddadaasaa?
  Ma addoonsigeeda?
  Ajar kuugu sugan yahay?

  Arxanlaay karkabaddiyo
  Araggaygu murugiyo
  Yaanu umal ku saaqoo
  Anfariir ku geliyiyo
  Kugu noqon af kala qaad
  Arrintayda gabadh yahay
  Nin ambaday ka soo qaad

  Naftan oonku shidayee
  Deyn weydey ololkaa
  Amankaaga dhalisee
  Abhin iyo tusaaliyo
  Ergo waaya hadashiyo
  Imisaan karaankay
  La cuskaday aqoonta?
  Ma waxaanan odhannoon
  Ka illaawey baa jira?

  Hadday diiddey amarkii
  Ka irdhowdey taladii
  Oggolaatay dala'siga
  Eelka maanigaa dhigay?

  Indhahaagu kululaa
  Eebadaadu toganaa
  Warmahaagu adakaa
  Arammida ku haysiyo
  Aanadaadu weynaa
  Yaad ka aarsanaysaa
  Ma nin aabbahaa diley?
  Nin astaamahaagiyo
  Quruxdaada oog iyo
  Ubax dharan ku sheegoo
  Ammaantaada koobaa
  Eed beeli waayee
  Erey tuurleh ruuxii
  Afka kaa yidhaahdiyo
  Utin nimaad ku leedahay
  Waa maxay abaalkii?

  Sow ma tihid ilayskiyo
  Iidaanka noloshiyo
  Iimaanka lahashada
  Sidaan kaaga oolaa?
  Immisaan ku jiri baaq
  Heestii ukulidiyo
  Cabashiyo abla-ablayn?
  Xeerkii Islaamkiyo
  Wixii Eebbahay faray
  Olloggayga godobtiyo
  Aanfada ka doortoow
  Aabi loo badheedhiyo
  Ansax maaha digashadu
  Yaan inkaari kugu dhicin

  Ashqaraarka kibirkiyo
  Yaanay iiddu kula tegin
  Ha ku tuman aleelaha
  Ha afduubin xaajada
  Isirkeeda doon doon
  Ka ummuli tusaalaha
  Alif macallin weydii
  Bal abuurta dunidiyo
  Shalay iyo awaasheed
  Aashaa dib ugu noqo
  Bal oddoros hilaadaha
  Bal malee wax iman kara
  Berritiyo ayaamaha
  Ifafaale daymood
  Bal iskaa ka sheekee
  Wixi aadmi soo maray
  Taariikhda uur baadh
  Ugub maaha jamashadu
  Ma ishaaran keligey
  Kalgacaylku waa oday
  Asalkiisu waa geed
  Ab abkii lammaanaa
  Nabar oof wareemuu
  La abloobo mooyee
  Abidkii ma qaran jabo

  Gabadh yahay addduunyada
  Waxaa loo agaasimay
  Aayatiinka dhaqashada
  Agan maaha gamashiday
  Ma idlaan hankeedii
  Gabno ibo kuryowdoo
  Ablo lagala quustoo
  Maaha laga inaabsaday
  Weli way irmaan tahay
  Waa aroos toddoba baxay
  Oori weeye qurux badan
  Waa ammaano dhaxal gala
  Aayadaa ka soo degey
  Rabbi baa aqoolkiyo
  Abyiddeeda labadaba
  Ka afeeftay beri hore
  Duminteeda ma oggola
  Haddaad siibto udubbada
  Soo dhaafto Alamtara
  Miyaan eedda keligaa
  Cidi kuugu imanayn?
  Maadigaa awoodda leh
  Taladiyo ummuuruhu
  Ma sidaad u aragtaa?
  Ma Illaahay baan jirin

  Ula-jeeddadaydii
  Arar baan ku lumiyoo
  Warka waan agmarayoo
  Irbad baan ku qalayee
  Uus-miirka dulucdiyo
  Amba-qaadka geeddiga
  Waxaan guurti ku egmadey
  Hadalkana ku urursaday
  Irrid waliba kuu furan
  Haddaan iisho gabadh yahay
  Marna waa ayaankaa
  Marna waa itaalkaa
  Sheekadayda iib gee
  Aahdayda faallee
  Arladoo dhan gaadhsii
  Unuunkaygu waa hibo
  Kuma haysto aakhiro.

 

Axadii   Dib U laabo



 Waa lay addimey
 Axaddii sidaan
 Kuu eegayee
 Araggeeda taan
 Ku il-doogsadaay
 Ma illawsan tahay
 Axdigaad martiyo
 Meeshaad I tidhi
 Waan imanayaa.

 Immisaad farriin
 Ergo soo dirtood
 Oontiyo biyaha
 Hurdo aawaday
 Uga soommanayd

 Eed layga keeniyo
 Midna amar Illaahay
 Kuma aad maqnaanine
 Adigayska baaqdee

 Haddaad I tidhaahdo iman maayo
 Ma aadeen halkaad ogsooneyd

 Anigaa isla hadloo
 Mar waxaan idhaahdaa
 Ku illaawi maysoo
 Way imanne sii joog
 Mar waxaan idhaahdaa
 Axdigaydin dhigateen
 Kola oofin maysee
 Samir Eebbe qaadoo
 Ka fogow agteedaan
 Uurkayga geliyaa.

 Arimada jacayl baa
 I hogaaminaysoo
 Misna kuma adkaystoo
 Kama hoydo aydoo
 Naftu olol ma deysee.
 Indhaaga habeenkii
 Ku ilaalinaayoo
 Dhammideed addunyada
 Afarteeda waaxood
 Hadba gees u eegee

 Aammusnow habeenkii
 Ug baadka iyo dooggaa
 Tiiraanyo ooyoo
 Idilkood xiddigahaa
 Afar qaaday socodkoo
 Ubax baan guroo
 Soo ururiyoo
 Amranow golii
 Ooddii madhnayd
 Ku ag daadiyoon
 Ku ilaa xidhoon
 Weheshada idhee

 Eedaanka diiggoo
 Oogsadey salaadiyo
 Waagoo iftiimaan
 Keligey inaan ahay
 Asaraar ka saaroon
 Addimada cuskadayoon
 Dib u soo arooree

 Qof ammaano lumiyoo
 Iibsadey xilkeedii
 Samo uguma aaye
 Aan kala war haynaan
 Ku afgooyey heestee
 Maxay adiga kula tahay?


 

Baaq   Dib U laabo



Adigoon cirka u bixin
Ama boodin leexada
Ama badaha waaweyn
Nafta aan ku biimayn
Baariis adaan tegin
Ama Boon ka sheekayn
Barashada dalkaagaa
Horta laga bogtaayoo
Beryo laysku hawlaa

Dhulku baaxad sooriyo
Banan miidhan weeyaan
Ama waa bus iyo oon
Ninka buug ku haystow
Beentaada weeyaan

Balcad Jawhar Shalanbood
Barakada Qoryooley
Waxa canab bislaadee
Baydhabi u gaar tahay
Boosaaso iyo Beer
Bixin-Duule Laaleys
Biyo Guure Kalabaydh
Beeraha Wajaalee
Lagu reebay baahida
Baardheere iyo Jilib
Waa boqol kun oo mayl
Dhulka lagu badhaadhee
Beeyadu ku taallee
Badar lagu abuuree
Lagu ridey bariiskee
Balka lagu tallaalee
Muuskiyo babaygii
Barkadeen xareeddoo
Waxa taa ka sii badan
Dhulka bari samaadkee
Beeshaannu daaqdee
Barta aynu dhaqannaa
Barqo dhereg ka joogtee
Iyadoo barwaaqo ah
Balliyada xareeddii
Ku bariisanaysoo
Bidix midig dhan loo dayo
Barigiyo galbeedkaba
Waaberi cadceedii
Soo saartey baallaha
Bilcilkiyo maraagii
Shinbiruhu bulxamayaan
Indhihii basaasow
Boorame ma aragteen?

Ma ogtahay barbaareey
Heesaha Barawn tumo
Adigaan bogga u lulin
Beerrey Kabeebey
Bismillaahi Saylici
Hana-haybsantii bari
Batar iyo Wareegtaa
Kuu baadi soocee.

Ma ogtahay barbaarreey
Qalabkana bud dhumucliyo
Waran iyo billaawaa
Kuu baadi soocee

Ma ogtahay barbaarreey
Barshin iyo darfooley
Bayluuli xaradhlaa
Kuu baadi soocee

Ma ogtahay barbaarreey
Waxa loo buseelaa
Ama qurux ku caan baxay
Ama laysku baantaa
Ama lagu bogsoodaa
Kal bugtaa ku faydaa
Kugu deeqa baashaal
Guri bila ku magac dheer
Hablaheenna bilicdiyo
Biligiyo il-waadka leh

Bilcantii shisheeya ah
Ninka beegsanaayow
Waxaan kaaga baqayaa
Inaad baadi noqotee
Cidla baylah keligaa
Yaanu bahalku kaa helin

Isu buri geyaankaa
Barta gogoshu kuu taal
Bahda lagama maarmaan
Bud-dhiggaaga koowaad
Baaqaygu waa kaas.

Barabaraale   Dib U laabo


         Iyadoon bartiro jirin
		 Wax la yidhi lixlaha biig
		 Haddii Baashe lagu dilo
		 Marka qaybta laga baxo
		 Boolaynta laga dhigo
		 Shaxda booli-tuugiyo
		 Sharci boob ah lagu wado
		 Afar turub nin barashada
		 Ka bogtaa ku gacan gala
		 Baandheeyaa weligii
		 Wax ku beela qaabkaas
		 Waxa adag ka bowsadey
		 Isagaana badin kara


		 Shaashowdey bilicdii
		 Ban martoo la garan waa
		 Badhxantoo la maydhaan
		 Waxa lagu balllaysimay
		 Indho buuryo-goyseed.

		 Buurrantu muuniyo
		 Barkhad kaydsan maahee
		 Barar taws ah weeyaan
		 Bugtadiyo xanuunkuna
		 Haddaan baadhay waa ciil

		 Bahalow shabeelow
		 Hooy bara baraalow
		 Waaryaa nin buureed
		 Bulsho waxay ku leedahay
		 Beri waxaan ogsoonaa
		 Adigoon ka soo bixin
		 Casha boholaheedoo
		 Dhirta baaxad-weynta ah
		 Baarkeeda seexdee
		 Maqlay inad bannaanniyo
		 Timi badhaha hawdkoo
		 Bulbullow libaaxii
		 Boqortooyadiisii
		 Duhur ugu badheedhoo
		 Burjigii ka furatoo
		 Bili qaadi weydee
		 Beelahanagtaadaan
		 Kaa soo bariidshoo
		 Budulkay la soo galay
		 Barkintaad ku jiiftee
		 Waxba baadi xoolaad
		 Beryahaas ma kulanteen?

		 Bahalow Shabeellow
		 Hoy bara baraalow
		 Waaryaa nin buureed
		 Bulsho waxay ku leedahay
		 Beri waxan ogsoonaa
		 Adigoo baruurtiyo
		 Cunin bulad Ammaankoo
		 Riyahaaga baadhee
		 Bishan iyo bisheedii
		 Boqol iyo lag baa maqan
		 Wanankii Ba-Ceeblee
		 Badhi iyo leg goormaa
		 Boholyowgu kuu galay?
		 Balse waxa la yaab dhalay
		 Nin barwaaqo haystoo
		 Ka engegan badhaadhee
		 Bishmahaagu Caarrow
		 Maxay kuu basaaseen
		 Ma buskaad is-marisaa?

		 Bahalow Shabeellow
		 Hoy bara baraalow
		 Waaryaa nin buureed
		 Bulsho waxay ku leedahay
		 Dadka baylahdiisiyo
		 Baloolleyda tebiska ah
		 Koromada berdaa-le'eg
		 Iyo dibida beyga leh
		 Barbarriiji weligaa
		 Tarab tarab u boqol goo
		 Isku biirso liqanyada
		 Isku baano yeelkaa
		 Balse waxa la yaab dhalay
		 Barta aad ku qalatiyo
		 Baradaaada caydha ah
		 Raqi kama cidhaantee
		 Ma laftaad burbursaa.


		 Bahalow Shabeellow
		 Hoy bara baraalow
		 Waaryaa nin buureed
		 Bulsho waxay ku leedahay
		 Badda iyo nafleydii
		 Balliyada ku noolayd
		 Bogan waaye jiifkoo
		 Wadnahaa babbanayoo
		 Beerkaa legdamayee
		 Xaggay bayr ka yeesheen
		 Biyahana ma joogtaa?

		 Bahalow Shabeellow
		 Hoy bara baraalow
		 Waaryaa nin buureed
		 Bulsho waxay ku leedahay
		 Maxaa haadda buubtiyo
		 Baqayaha daruuraha
		 Balwadiisu noqoteen
		 Wax la baratamaa jirin
		 Ama booddo lagu qaban
		 Baqdintaada awgeed
		 Bogga uga qadhqadhayaan
		 Miyaad baalal leedahay?

		 Bahalow Shabeellow
		 Hoy bara baraalow
		 Waaryaa nin buureed
		 Bulsho waxay ku leedahay
		 Bari iyo Galbeedow
		 Haddaad baahdey aashaa
		 Qalwo bogox ku leedahay
		 Bidixdana ku furan tahay
		 Midigntana badhkaa yaal
		 Nin boqol ku tala-galay
		 Dhankee kaaga baydhaa?
		 Dhinaceed u badan tahay?
		 Barbarkee ka maqan tahay?

		 Bismillaahi yaahuu-

		 Degelyohow barkuma-taal
		 Bulsho waxay ku leedahay
		 Bisiq iyo xangeyiyo
		 Banji iyo dharkayniyo
		 Bilcilkaaga hawliyo
		 Dhirta boocda mooyee
		 Tolow baad la daaqiyo
		 Miyaan cawsna kaa bixin?

		 Degelyoho barkuma-taal
		 Bulsho waxay ku leedahay
		 Beertaadu hoog iyo
		 Bacad iyo habaas iyo
		 Bacow iyo qaniin iyo
		 Badso io shirqool iyo
		 Burso iyo khiyaaniyo
		 Beeraadka samihiyo
		 U buseelka godobtiyio
		 Boqon goynta nabaddiyo
		 Booraanta jarankiyo
		 Boholaha asaydiyo
		 Cabsi iyo ma been baa?
		 Biyaheedu dhiig iyo
		 Xinjir bururinteediyo
		 Ma baroorta dumarkaa?

		 Balka iyo sabuulkuna
		 Ma banbaane ololiyo
		 Waran iyo billaawiyo
		 Baaruudda huguntiyo
		 Birta lagu idlaadaa?

		 Baaq baaqu daab iyo
		 Bishil iyo ma soofaa?
		 Waxa lagu bislaystiyo
		 Badarkeedu dhimashiyo
		 Baga iyo ku digashiyo
		 Ma busaarad dhegalaa?

		 Bahalow Shabeellow
		 Hoy bara baraalow
		 Waaryaa nin buureed
		 Bulsho waxay ku leedahay
		 Beryahaagan ka horow
		 Bahda habar-dugaag yahay
		 Marka ay biciidkiyo
		 Koran buuran loogtaan
		 Inta boodhku qariyaa
		 Waxba yay badhkoodiyo
		 Helin bawdo hiliblee
		 Kolay biixii ruugaan
		 Marka biidhi-qaatiyo
		 Qawluhu is-boobaan
		 mid afkii ka buux samay
		 wax ka bililiqaystaan
		 badanaa ma qadi jirin
		 raqda baallaheediyo
		 badka kama maqnaan jirin
		 saw tan Buulalleydii
		 ku bakhtiday ag-taadii.


		 Burrusow Dameerow
		 Biyo ceel ma keenow
		 Hadba dhaan ku biirow
		 Beelaha aroorka ah
		 Iska daba boqoolow
		 Bulsho waxay ku leedahay
		 Geela baadi soocdiyo
		 Sumaddiyo birqaabka leh
		 Boodaanta wada xidhan
		 Meeyey baarqabkiisii
		 Baqal looma tu'iyee
		 Yaa baacso kugu yidhi?

		  

Beeraad   Dib U laabo



Aan baab tusaala ah
Ku bireeyo heestee
Waxa iga ballaysina
Bismillaahi waa kow
Cabdiyow ba'lagu yidhi
Beertii jacaykow
Haddii siinki buuq iyo
Badhax iyo cindiid dhalay
Kaftankeenna balliyo
Ba'ba aan u rogannee
Waynoo baloolley
Lugta bidix ka jaamee

Barni iyo Saluugliyo
Basradii Hargaysiyo
Burco Saxarladeediyo
Cabdiyow ma beenayn
Ballankii Suleekhee
Sed bursiinyo doon baa
Beled-weyn I geysoo
Badhidaan leggeedii
Is lahaa ku biirsoo
Waxaan buuxi leeyahay
Haantii barwaaqee
Bi'I waaye Qaysow
Hawshayda kala quban
Xilka aan u baydnahay
Barashada xusuusta leh
Ha ka dhigin bar kuma taal

Ana baadi hadaftoo
Iska badalli roortiyo
Hayga dhigin nin biya-dhacay
Sheekada bu'deediyo
Baaceeda sii raac
Gunta hoos u sii baadh
I baxnaani saaxiib

Ruuxaad ba'iisiyo
Iintiisa baratee
Bedenkiyo calooshiyo
Kuu baadha feedhaha
Boogtiisa Qaysow
Lama sii banneeyoo
Bacda lagama jeexee
I banbaani saaxiib

Beerlula warkeediyo
Buundada korkeediyo
Baaxaa deggaygiyo
Kalgacaylka beermiyo
Taliyaha I badhi-furay
Berigaas wixii dhacay
Bandhiggii nin joogow
Sheekada ka bogatoo
Uma baahnid faallee
Adiguba barbaartiyo
Bulshadaad la socotoo
Barbar baad ka saarayd
Baabuurka dhoofoo
Batarkiyo ciyaartaba
Adigaa ka boodee
Cabdiyow baroortuba
Ka badh weeye meydkee
Beybeysigaagiyo
Beeraadka iga daa.

Ragna biime weeyee
Taladii bir lagu jaro
Hadday baydu furatoo
Xadhkaheedu buubaan
Lama baraq nuglaadoo
Bishmahaaga Qaysow
Baqe lama qaniinee
Waxa loo badheedhaa
Biyo dhiijinteedee
Haddaad bayr ka leedahay
Biyo jira kashaadiyo
Buro adiga kugu taal
Boholiina lagu dhacay
Ma bir baynu xidhannaa.

Iska booqi maayoo
Bulxanka iyo qayladu
Wax bilaasha maahee
Beesheenna weyn baan
Ku baxaan baxaayoo
Hadba dhinac ka booqdaa
Hablaheenna biligiyo
Bilic lagu majeertee
Loo soohay baarkaa
Timahaa ka badannoo
Iyagaan bad iyo webi
Ugu baaqayaayoo
Anna biligta laafyaha
Baxsanaanta jaahaan
Ku baarugaayoo
Hadba tii I baabtee
Boholyow I gelisaan
Kalgacaylka Boodhari
Ku bariidiyaayoo
Boogaha jacaylkaan
Siiyaa badhkeedee
Waxa kuu bushaara ah
Berritana Jamaamiyo
Baar-Dheere iga eeg

Ido boqol kun gaadhoo
Barqanaaya doog baan
Hadba baal u rogayaa
Bahalaha ka rebayaa
Barkan maayo gacantoo
Baashaali maayee
Cabdiyow bal ila soco

Aan baab gunaanada
Ku bisleeyo heestee
Waadigan ba'iyo siin
Labadaba bilkeedee
Anna baadi doonkiyo
Budulkaan ku joogaa
Belo waa danbaysaa
Ha is boobin saaxiib.

Baladweyn   Dib U laabo


  Bi'i waa jacaylow
  Boodhari inuu diley
  Been baan u haystee

  Bi'i waa jacaylow
  Boog aan la dhayinoo
  Cidi baanan karino
  Beerkiyo wadnaa iyo
  Bogga kaaga taalliyo
  Inuu yahay bir caashaqu
  Been baan u haystee

  Webigoo butaacoo
  Beeraha waraabshoo
  Dhulka baadku jiifoo
  Dhirta ubaxu buuxshoo
  Canabkii bislaadoo
  Badarkiyo galleydii
  Laga tuuray baalkoo
  Bulladiyo ciyaaraha
  Lagu waa bariistoo
  Beeluhu gu' joogaan
  Sow beri-samaadkii
  Beled Weyne maan tegin

  Dhanka bari magaalada
  Sow boqorad joogtoo
  Biyo dahab la moodoo
  Cilicdii haweenkiyo
  Bili loo dhameeyoo
  Timo boqonta joogoo
  Baal gorey la moodoo
  Baarkana casaankii
  Bidix midig is gaadhoo
  Bul-cad lagu xiddeeyoo
  Badh ku xeexanaysoo
  Barkanaysa qaaroo
  Huwanaysa baaloo
  Igu beertay lahashoon
  U buseelay maan baran

  Sow goor barqa ahoo
  Bishu ay siddeed tahay
  Aniga iyo Beer luli
  Isku maannu soo bixin

  Sow bariidadaydii
  Iyo bedashadeedii
  Buundada ciyaartee
  Beled Weyn ku taallee
  Biyo lulata guudkood
  Badhtankeeda maahayn

  Sow bixiso weeyee
  Ballan maanu dhiganoo
  Beeri joog imay odhan

  Sow bayd go'aygii
  Layguma bushaareyn
  "maantaa la baxayaa
  bulshadii imay odhan"

  Sow waa bastey oo
  Socod beegsan maayee
  Ina baaja caawoo
  I baxnaansha maan odhan

  Sow taliye baasoo
  Ba'anoo war-moogii
  Taydii ma beenayn

  Sow badiba kooxdii
  Goortay badheedhee
  Baabuurki fuulleen
  Anna baal kamaan korin

  Boholyow daraaddii
  Sow baraq nuglaantii
  Belo lagu ducaystiyo
  Baryo kumaan maqnaynoo
  "Biri may xumaatoo
  batroolka daadshoo
  ka wadaa bukoodoo
  bogsan waayo" maan odhan

  Sow beriga waagiyo
  Barqo kulul dhexdoodii
  Geed baaxad weynoo
  Dherer iyo ballaadh-loo
  La yidhaahdo Baaroo
  Bilig dheer hirkiisii
  Ma bidhaan sanaynoo
  Bulxankiisa yeedhiyo
  Ma maqlaynin baaqii

  Sow baaxad soorii
  Iyo laba boglayntii
  Maan noqon bestey oo
  Bacadkii ma dheelliman

  Sow galab-baqoolkii
  Annagoo barwaaqiyo
  Meel baadle joognoo
  Tumanayna Beerrey
  Sow maan baraarugin

  Riyo beena weeyee
  Sow baalla daymii
  Baabuur lalaahyood
  Haad baalle mooddoo
  Fananaaya buur dheer
  Isma odhan ka boodoo
  Nafta sow ma biimayn

  Nin Banaadir joogoo
  Beled-Weyn la haystoo
  Waxaan ahay la baabee
  Sow baadi doonkii
  Weli baafi maan ihi

  Beled-Weyn Allahayow
  Ka dhig xiro badhaadheed

  Beerlula Allahayow
  Belaayada hareer mari

  Beled-Weyn Allahayow
  Ka dhig guri barwaaqeed

  Beerlula Allahayow
  Beryo samo ku noolee

  Beled-Weyn Allahayow
  Ka dhig beerta raaxada

  Beerlula Allahayow
  Ka barii wax yeellada.


  

Bulsho   Dib U laabo


  Talooy go'an baydahaa
  Xujooy taran bedenbedkaa
  Hawooy balaggaa furfuran
  Sengow dhimay badalligaa
  Biddoow camalkaa ku sheeg
  Badeey adigana muggaa
  Hirkaagiyo baaxaddii
  Buraashad miyaan ku dhuray
  Ballaadhkiyo mowjaddii
  Bilaale miyaan dardaray
  Shantaa hore bidix lisee


  Caroog kulul baa balwadey
  Babtiisii baa la naxay
  Dad baa isu soo bulladay
  Dhankee babbisadu jirtaa
  Baquhu yuu saaran yahay
  Ninkee boholaha Xargaga
  Balbalo u daboolan tahay


  Bulshaale wad buu sidaa
  Bahdoon buu maaggan yahay
  Ul boocuu ugu tukubay
  Berdaa lagu kala negaa
  Dhexdoodii buu ka baxay
  Dhammaa beydbeydsigii
  Ban weyn baa layska helay
  Fallaadhuhu gun iyo baar
  Bartii shiishkay hayaan
  Biciidkuna wuu arkaa
  Xaggeese la beegsadaa
  Badbaado miyay dhacdaa
  Belaaydu yaab lahaa
  Wax bay buun buunisaa
  Nin jeeday bararisaa
  Shantaana ballaysinkii dheh


  Bulshoy adigaa milga leh
  Ninkii boojimo ku yidhi
  Shalaad barataannu nidhi
  Bayluulida haw furfurin
  Bariidana kaama geyo


  Ninkii ballankaaga qaaday
  Ka baaqday xilkaad u dhiibtay
  Ka baydhay ujeedadaada
  Ku boobay adoo sabool ah
  Ku wiirsaday baaba'aaga
  Adoo bogan waayey taada
  Ninkii u buseelay raaxo
  Huwaday bulbushii libaaxa
  Buruudkiyo shaashka qaatay
  U booday cirkaa dusheenna
  Bilkeeday laboontidiisa
  Buurtuu koray waarin mayso
  Heddiisana baajin mayso
  Kub iyo bawduu ka jabi


  Shantaana umal fool bashiishtay
  Berdaanka xusuusta ii dheh


  Bulshooy adigay boqraday
  Beerkayga adaa gogladey
  Bogeyga adaa huwadey
  wadnaha adigaa barkaday
  bishmaha adigaa furfura
  Markii lagu bililiqaysto
  Markii baaqagu yeedho
  Ayaan boholyoow gabyaa
  Dareenku baraarugaa


  Bulshooy adigay boqrday
  Adaa bili igu shakalay
  Baruudka adaygu xidhay
  Haddaan ahay wiil bir kulul
  Burjiga adigaa iska leh
  Badheedhka adaa i faray
  Dagaalka adaa i baday
  Belaayo haddaanay dhicin
  Dantaada haddaan la bi'in
  Haddaan baradaadu guban
  Miyaynu is baran lahayn


  Haddaan wanka badhida weyn
  Baraarkana loo qalqalin
  Ninkii cunay booligaaga
  Haddaan buro loogu darin
  Saboolka haddan la badin
  Haddaan boqol ruux la korin
  Dhulkii beeraha lahaa
  Haddaan basanbaas ka dhicin
  Bal iyo xaab laga idlayn
  Dadkii qabay berisamaadka
  Haddaan badhax loo shubshubin
  Barwaaqadu tuugsi noqon
  Haddaan badar loo kaltamay
  Biyaha sixin looga dhigin
  Basaasta ninkii huwaday
  Badhaadhnay haddaanu oran
  Naftiisana been ku furan
  Miyaynu is baran lahayn


  Haddaan waa kuu beryaa
  Bayuur iyo ummal ku tarin
  Haddaan berritiyo sed maqan
  Bushaara lagaaga dhigin
  Baxnaanadu kugu adkaan
  Haddaan sida Baar-caddaa
  Baloolliyo badowyaley
  Naftaadu ku ciil belbelin
  Qabiilka haddaan la bilin
  Haddaan boodhka laga tuntumin
  Haddaan is bahaysigeenna
  is biirsiga wada-jirkaaga
  Budh iyo xoog lagu furfurin
  Bartaada haddaan la dhicin
  Bukaanka haddaan la nicin
  Haddaan bogso lagu daweyn
  Miyaynu is baran lahayn


  Barbaarta haddaan la layn
  Billaawuhu dhiig matagin
  Ninkii ku bud dhigi lahaa
  Haddaan baqayuhu ka lalin
  Halyeyga badbaadadaada
  Haddaan bahaluhu ku shirin
  Haddaan bir ma geydadaada
  rasaas loo berentensiin
  Waraabuhu baan ka dhigan
  Baroorta qofkii lahaa
  Haddaanu u rogan bil-khayr
  Belaayo xijaab ka dhigan
  Wixii hadhay baylahdaada
  Haddaan buntukh loogu talin
  xanuun lagu baraq nuglayn
  Nin bayr lihi salow ku gelin
  Miyaynu is baran lahayn


  Basaas iyo oon dartii
  Haddaan dhulku baali noqon
  Haddaan sida bagagidii
  Banaadir indhuu ka nixin
  Bariiso haddaan la qixin
  Boqoolku is daba taxnaan
  Bugaan bugtu gelin Xijaas
  Badroolka haddaan la yu'an
  Hablihii boqorkiyo dhacalaha
  Baftada lagu wada yiqiin
  Haddaan baxsadkooda dheer
  Baxreyn laga soo qab qaban
  Haddaan boqorrada Carbeed
  Amiirada baalka xidhan
  Kun jeer baryo loogu tegin
  Miyaynu is baran lahayn


  Haddaan bari ina qalayn
  Haddaan bogox ina fantayn
  Beelahaa ageheenna yaal
  Haddaynaan buro ku noqon
  Tukii baallaha caddaa
  Adduunyadu baadideenna
  Bannaanada kaga xeroon
  Boogteenniyo dhaawaceenna
  Haddaan baga laynna odhan


  

Ceel Walwaaleed   Dib U laabo


    Wahe dhalashadaadaan
	Farxad waalan gaadhoo
	Weedhkiyo dabaylaha
	Ama weriyahaagii
	Goortaan waraystaa
	Werwer ii dhammaadoo
	Wahab layga qaadoo
	Lugtu weerar mooyee
	Wahsigii illowdoo
	Wadar iga lib-haysaan
	Wiil curad sidiisaan
	Wanan kuu bireeyoo
	Waayeel duceeyaan
	Wacayoo u yeedhee
	Walqashaadii maadaa
	Cunay waaxyaheedii?

	Weger iyo ka waaweyn
	Tani waa ka waasacan
	Hadday ceel Walwaaleed
	Ku go'aan wadaamuhu
	Waan-waani dhacantee
	Wadnahaan farta ku hayaa.

	Inkastaanu weydeyn
	Waranlaha ilaashaa
	Waadaasha xooluhu
	Iyadaa waraabaha
	Wehelkeeda mooddoo
	Woohowda diiddee,
	Waddo halaq nin moog baa
	Waabay ka leefee,
	Wed hadday ka nooshahay
	Waageed ha gaadhoo
	Waxaraaha raacdaan
	Wakhti kuugu simayee
	Goormaad wadaadkiyo
	Weliyada sidoodii
	Ii waaninaysaa
	Wacdi ii furaysaa
	Werdi ii rogeysaa

	Weger iyo ka waaweyn
	Tani waa ka waasacan
	Hadday ceel Walwaaleed
	Ku go'aan wadaamuhu
	Waan-waani dhacantee
	Wadnahaan farta ku hayaa.

	Isla-weyn qabkeedaa
	Wiyil aan jaraysnayn
	Ugu wadha maqaarkoo
	Lugta webi u geliyee,
	Haddaan weel gun laga tolin
	Waayaha adduunyada
	Xog-ogaal la weydiin
	Ruuxii gu'kaa weyn
	Lagu odhan wax ii sheeg
	Taladaadu wiilooy
	Dalab waayi maysoo
	Qofna waari maayee
	Mudanaha walaalkaa
	Haddii weerar lagu dilo
	Isha lalama waabtee
	Weerkiyo baroorta
	Dadka lala wadaagaa.

	Weger iyo ka waaweyn
	Tani waa ka waasacan
	Hadday ceel Walwaaleed
	Ku go'aan wadaamuhu
	Waan-waani dhacantee
	Wadnahaan farta ku hayaa.



    

Cajeb   Dib U laabo


    Cajebey cajiibeey
	Cawo iyo ayaaneey
	Caqligaad xadaysaa
	Caku barashadaadii
	Iyo caabuqaagee
	Sida faras cag fududoo
	Cadda-horor yaqaannoo
	Gulufkiyo colaadaha
	Ninka lihi cad-goostaa
	Raggu kuu cugtamayaa
	Anna caashaqaagaan
	Hadba weel u culayaa
	Cimri-dherer hadhkaagaan
	Riyo kula caweeyaa.

	Dhulka oo cagaaroo
	Cosobkii dul-saarraa
	Isagaan car-jabin weli
	Cabbanaan daraaddeed
	Ciidda hoose raantiyo
	Kula ciiray fooddoon
	Cagta meel la saaroo
	La cuskado lahaynoo
	Calcalyada xareeddii
	Halka godan cuslaysiyo
	Fiid-cawl horraantii
	Cirka oo daruuruhu
	Midab wada cillaaniyo
	Ku dhigeen canjiidaha
	Xilli ay cadceeddii
	Dhar cashmiira xidhan tahay
	Sagal caasha saaraad
	La wadaagtey caanoo
	Haddaan caawo kale jirin
	Cidi kaama garateen

	Geed cal iyo buur dheer
	Carro-hodan ku yaalloo
	Cokanoo irmaanoo
	Dhirta kale ka caynoo
	Cimilada agtiisiyo
	Rugtu qurux ku caan tahay

	Dusha sare caleentii
	Laamaha is-celisoo
	Hoobaan casuus lihi
	Cartamayso dhinacyada
	Ubaxuna tin iyo cidhib
	Kaga dhigay cabbaadhyada
	Shimbiraha ka ciyayaa
	Intay heeso curiyeen
	Isku camal wareereen
	Dabadeeto carashada
	Markii laysku cayn go'ay
	Isu ciidan doonteen

	Halcabbaara goortay
	Isu calan walleeyeen
	Cadho kala maqnaayeen
	Cadcaadiigsi geedkii
	Ciddiyaha ku qariyeen
	Codka luuqda heestiyo
	Carrabkoodu kala tegay
	Carcaraha is daba maray
	Cudur jirey ku baaba'ay

	Dhallin caana diiddoo
	Guryihii ka caagtiyo
	Cadraddiyo barbaartii
	Sida goob ciyaareed
	Ugu soo carraabeen
	Calaf waa halkiisee
	Hadallada cawayskaas
	Ku calmaday u badan tahay

	Carshigaa nasahan baad
	Biyo wada cabteenoo
	Haddaan lay cadaabayn
	Rabbi ii cadhoonayn
	Dadku in ku caashaqo
	Madowgiyo caddaankuba
	Ku caleemo saaraan
	Sow kuma canaanteen.


    

Daalacan   Dib U laabo


Maansadani waa maansadii labaad ee
silsilladda Deelley ee uu Gaariye
Bilaabay.
wuxu yidhi Hadraawina:


Ma da'furin ogaalkay
Xaska dabada maan gelin
derejada ilhaamkiyo
hibadii dalaysnayd
uma dhiibin duudduub
Weli Dalawadaydii
Doobigeedi may dhimin
Dibu-dhigasho mooyee
Wax is doorshey may dhicin
Afartaa xan durugtiyo
Danni jira wax sheeggii


rag hadduu dagaal galo
Danta guud xilkeediyo
U dareero fuullaan
Ashkir deeddan badiyaan
xakamaha la doontaa
Duullaanka kama hadho


gaarriyoow dugaalkiyo
Shaxda Delebka taallee
Daawashiyo cayaarba leh
Sirmaqabe ku diirsaday
Aniguna hog baan degey
Digba waa digteedee
Deelleydu waa laba


Afartaasi waa duud
Arrin wadata diirkeed
Dulmar gabaygu lee yahay


marka dooddu kulushahay
daldaloollo muuqdaan
Doogashada qabiilkiyo
Dacar iyo ladh soo kaco
Nabaradu dillaacaan
dadku kala qaloodaan
Marka dhidar ku daadego
Booraan dahsoonoo
Hilbo laga diqoodoo
Damac-beelay yaalliin
Dabadeedna uuskiyo
Duufkiyo xumaystii
debedda ula soo baxo
Dadku shaamareeraan
Neecaw delleganoo
Doorsoontay uriyaan
Waxan ahay dareenkii
Noqon jirey daruurtee
Sidii roobka di'i jirey
Dalka wada dhammayn jiray


Indhaweyto daaf iyo
Cudur daansha socodoo
Duulduulay baa jirey
Daacuunse maahee
Asal-tira-ma doorshuhu
Duraygay abuureen
Ma og tahay nin doorkiyo
Inta neceb dir soocee
Derejeysa qarankiyo
Durdurrada aqoontiyo
Qalinkiyo Dawaadiyo
Deelleyda curatiyo
Innagaa ka daba tegi
Durbaankay tuntumayaan
Dawankaynu sidannaa
sida danaba u baab'in
Dugsadaha qabiilkiyo
Dib-ka-naaxa shaac baxay
Diga-rogashadeennii
Iyo dawladnimadii
Dib inay u celiyaan
Qorshahayga kuma darin
Nin kastaa ha duudsiyo
Ama dala'si haw xado
Ama duurka haw xulo
Ama dabinno haw dhigo
ama duhur ha weeraro
Ama damac ha dhaafsado
Gobannimadu waa degel
Dayax iyo iftiin nool
Dumimeyso weligeed
Anigaa dabka u sida
Dal-jirkeedi baan ahay
ninka xagal-ka-daaciyo
Goldaloola iga hela
Isaga iyo digtoonkii
Anigiyo dagnaantay
Taariikhdu duuggeed
Diiwaanka qarankiyo
Wixii deyn cad ii qoran
Dirirtiyo rogaalkay


Dahabka iyo maartiyo
lacag aan Dur wadannoo
Laba daabac sidatiyo
Dalaga iyo beeraha
dacalada Shabeelliyo
webiyada dugsaniyiyo
Danbarsada labeentiyo
Dirirradu habaaskiyo
Dusha sare ka maydhaan
Daarahan casuustaleh
Kolba midab la doortiyo
Diibka lagu mariimee
Shanta Datsun yaalliin
Hanti aan dal dheer iyo
laga keenin dibadaa
Karti iyo dedaaliyo
dardar lagula soo bixin
Duullaanna loo gelin
Duco waalid soo hoyn
Carshigana ka soo degin
Deeqdaa la yaabka leh
Ninka weel darsanayee
digashada saboolkiyo
Ku darsaday badheedhaha
Miyaan eedi daba ool
Godobtiisu dedanaa


Bulshadeenu waa duul
Daacad iyo xishood badan
Dun xariira weeyaan
Cidna uma darraadaan
Dar Allay ku dhaqantaa
Dareen waw dhegweyn tahay
Ogow doqonse maahee
Qofka maamul dalabliyo
Dabbaal-joogto hoosiyo
Dibindaabyo ugu maqan
Degdeg uma tilmaamaan
Nabar kulama duulaan
Dib bay ugu muddaystaan
Dulmigiisu waw kayd


Afartaa dun quruxliyo
Diillimaha Biciidkiyo
Dildilaha farshaxankiyo
sida delebka ma dhigay
Mid kalaase ii dihin
weli dooddu ii furan


Maansadan dabayshiyo
Duufaan sidiisii
Dalandool u socotee
Dalladii qabiilkiyo
Xidhan waranki deyllaa
Laga furay daboolkii
lagu gado dukaamada
Miyaan xeer dabbaaliyo
Sharci laba-dibleeyiyo
Dar u qaybsan loo hayn
Toloow daaya yaa yidhi
Duumadan xanuunka leh
Kuwa luuqda daba dhigay
Denbi miyaanu qabanayn


Dulucdiyo ujeeddada
Runta aan u daadego
Ducda hadalku waa hee
Inta gaajo doob tahay
Derbi tahay laxaad weyn
Dufan-jecesha ururtiyo
Dibna-leeftatarantee
Doorka maanta soo baxay
Dabatadu sad roon tahay
waxa yaal daldalayaan
Danyartiyo saboolkuna
Diingaraaro jiifaan
Dadku kala sarreeyaan
In qabiilku dabar-go'
Ama dumo ha eegina
Cilmi diidayaa jira


Deegaanta noloshiyo
Darantiyo samaantana
Ninkii doonayoow taas
Daw loo maraa jira
Umad yahay daryeelkaa
isku duubnidaa iyo
Adigiyo dedaalkaa
Dawadaadu waa taas
Dhan hadday ka debecdana
Gabbalkaa dam weeyaan
Ma dardaaran baa hadhay
Deexashada tusaalaha
Ama talada deeqda ah
Miyaad dood ka leedahay


Geenyadaydi Daalacan
Dabar saari maayee
Dibso aan idhaahdoo
Dagagara ayaamee
Sulmakii darbane mee
Dalandaliska Naylaha
Doonnanteenan boqorka leh
Deelleyda baaqa ah
Darka laaska beeshiyo
Duunyadu isugu timi
Dalbashada wadaantiyo
Adaa doojinteediyo
Haya dawliskeedoo
Dulqulaalka xanankiyo
Dogobkiyo Huuddiyo
Waxa tahay Bir-daaqeen
Ardaydiisa dooddiyo
deeqsiiya hadalkee
Sangahaagi Doolaal
mar labaad ha dananee
majaraha u sii daa
Sheekadu ha durugtee
Dawi Maxamed Xaashoow
Aniguna ku dayashada
Haddaan dayro kaa dhigo
Anaa daawadii furay
Waa innoo dantaas guud
Deelka-xeel-la'aaneed
Carrab dalab-la'aaneed


    

Daalo   Dib U laabo


    Daaloo korkeedii
	Figta iyo daruuruhu
	Isku soo durkeenoo
	Ceeryaamo daahii
	Ku dallaalimaysoo
	Dirir gaaxdey mirayoo
	Todobaad ku da'ayoo
	Danabkiyo hilllaacii
	Isu daba mareenoo

	Onkodkuna dayaankii
	Dhulka dakharo yeeloo
	Casar gaaban daadkiyo
	Durduradu kulmeenoo
	Isku soo darmeenoo
	Isla dulundulceeyeen
	Jarar moosa dumiyeen
	Hadba daw samaysteen
	Shinbiruhu mar duuleen
	Marna soo degeenoo
	Damaloo dhan qariyeen
	Dananka iyo foorida
	Darandoori heeseen
	Dayaxiyo cadceedduna
	Dacallada ka joogaan
	Isha daawanaysaa
	Kola daali maysee
	Bal aan daaha aan rogey
	Halal kale ku sii daro

	Dal ahaanna waa gobol
	Dullo iyo baannanba leh
	Badna way la deris thay
	Duni weeye cimiladu
	Dardarteeda dhigatoo
	Waxa loogu daray taas
	Inta qurux u damac roon
	Cirku dooba kama dhigo
	Degmo weeye hodanoo
	Dooxooyin madhaxliyo
	Deegaan ma guurtiyo
	Ilo wada darrooriyo
	Doog aan is dhalan rogin
	Dayib geed la magic baxay
	Dahab hoosta yaallaa
	Dalag looga dhigayoo
	Cudur kama dilaacoo
	Dulin kama abuurmoo
	Dabar-gooye kama dhicin

	Waa degel qabow oo
	Qorrax diib is marisoo
	Jidhka aan damqayn baa
	Loo soo deldelayoo
	Dadku kuma gabooboo
	Nimankii Darwiishkii
	Kula jiray dagaalkoo
	Weli doob la moodaa
	Birta daabka haystoo
	Gala duullinmaadkoo
	Iyagaa dorraatiyo
	Taariikhda duuga ah
	Dhul fog looga doontaa

	Duunyadiisu waa geel
	Daran iyo tigaad cuna
	Ido deexda lagu dhaqo
	Ardo lagu dabbaal dego
	Carro weeye dihinoo
	Dirka magac ugaadheed
	Lagu soo dareershoo
	Farow iyo dibtaag baa
	Derrimaha ku fara badan
	Cawl-aan didaynoo
	Cidi aanay dilinoo
	Qofna aanu dabannoo
	Dibindaabyo aragoo
	Dannigii ka ba'ay baa
	Dugsanaysa xoolaha

	Dad ahaanna waa qaran
	Waa duul is wada dhalay
	Qalo iyo dir sooc ma leh
	Dab dhexdooda kama huro
	Weligood ma diriraan
	Isma doca-doceeyaan
	Dumar kama baroortaan
	Dooxatiyo wereentiyo
	Budhcad duusha kuma maqal
	Daandaansi ma oggola

	Xumo uma dulqaataan
	Nabaddana ma diidaan
	Deeq kuma masuugaan
	Doodna waa yaqaanniin
	Diricyaa ka kacay badan
	Damdamtiyo mashxaraddiyo
	Sacabkana ma daayaan
	Danna kama fogaadaan

	Nin dabali wadatoo
	Waxaan ahay dalxiis iyo
	Doolaalo keentoo
	Deg-deg baa I soo galay
	Dibna waan u kacayaa
	Dunta gabaygu leeyahay
	Kama xulan hal-doorkii
	Dulucdiina kama bogan
	Balse daymo halacsiga
	Kolley doorkan manta ah
	Halkaas aan ku dagagaro



    

Daahyalay   Dib U laabo

Ka dib markii silsidladi caanka ahayd ee Deelley oodaha
jabsatay, nidaamkii dalka ka talin  jirey wuxuu si
toos ah iyo si  dadban labadaba isugu dayey inuu
silsiladaas wedka iyo waabeeyada    ku noqotay u helo
talo iyo xeel uu ku joojiyo ama farsamooyin
uu ku kala daadiyo  Markuu sina ugu guulaysan waayey
ku talo-galkiisii ee ku hungoobay qorshayaashii ka hor tagga
Deelley ayuu 8-dii Maarso 1980, Xuskii Ururka Haweenka, Golaha
Murtida iyo Maddadaalada ka     hanjabay Jananku,(Siyaad Barre)
kuna dhaartay in ragga Deelley hormuudka ka ah ee tiriya ama
maamulaya la layn doono, qaar kalena la xidhxidhi doono.

Heestan Daahyaley oo soo baxday 11-kii Maarso 1980, waxay ka
jawaabeysey go'aankaa doqonka ah waxayna nidaamkaa u sheegaysaa
in go'aanka shacbiga Somaliyeed beeninayo go'aankiisaas.


	Daalacan warkeedii
	Iyo faraskii Doolaal
	Dalan-doolka maansada
	Dar-dartiyo wacdarihii
	Sida danab u laba dhacay
	Dadku maqalyey shaalle.
	Dedda kaca rogaalkiyo
	Daahyaley car-caraaheed
	Maantana dinaahyaha
	Dayax Weerar baa sida
	Gaarriyow ku soo durug
	Malmalkiyo dab-qaadkii
	Iyo weliba deebaaq
	Dabray oo haddana furay
	Misna daah kalaan rogey
	Deelley wankeed qalan
	Daaheedu waa furan
	Hibashada dareen kacay
	Degmadeenna beer-qaad
	Sida daadka maanshee
	Hal-abuurku duunkiyo
	Dhul damqaday ka faalloo
	Ninba garashadiis direy
	Darka cagaha soo geli
	Sii durugtay sheekadu
	Dumarkiina soo biir

	Rag darmaano soo fuul
	Ragna dalawadiisii
	Iyo doobigii keen
	Ragna deer-cadkiisoo
	Baar-baq dooblyayaa wado
	Bandhigii ku soo daa
	Nin dameero soo horay
	Yaan la odhan denbuu galay
	Billay duunyadiis tahay
	Waxes iga dardaarana
	Ninka daaqasanaayow
	Dafac laa gosheediyo
	Dixda hayska joogtee
	Yaanay nagu dannaaniyin
	Ama geela naga didin
	Nirgo daaddah baradaa
	Derrimaha madheedhka leh
	Sida digirin jiifee
	Yaanay naga danbaabidhin
	Doqon yahay masayrkiyo
	Danni lagu abuuree
	Deeqdii Illaahay

	Deelqaaf ka mudataay
	Adigiyo dangaladaa
	Da'kastaydin qooqdaan
	Waxa aydin dihataan
	Daratiyo ma caal baa?

	Maansada dunteediyo
	Waxa lagu dir-soocdaa
	Degelkiyo dhirteedee
	Heellada ma danadiyo
	Dibowgaa ka gurataan?
	Murtidiinnu dakhariyo
	Dalab iyo lanlaamiyo
	Daldaloolo badanaa?
	Ma dareere miirtiyo
	Duddun bahal galeenaa?
	Dardartii aftahankiyo
	Dilladii farshaxankiyo
	Dux abwaan ma sidatoo
	Diiftii saboolkiyo

	Daal baa ka muuqdee
	Gabaygaba ma ducashiyo
	Dawersaa ku keentaan?

	Mise dagan ma dhaaftiyo
	Duul baa ka gadataan?
	Dhul dellegan ka soo xada
	Mise luuq dahsoon iyo
	Suuqa doqon ma garatiyo
	Ku-dhacdaa ka dayataan?
	Marka geel dar loo horo
	Diin maxawgu heestaan?
	Haddii reerku lama dego
	Meel daaq ka dheer yahay
	Degel oomman furan yahay
	Dadka guriga joogiyo
	Waxay duunyo haystaan
	Diihaalka wada qabo
	Daruurana ka hooraan
	Meel durugsan goortaas
	Maxaa daanka oo qudha
	Ula doogsin carartaan?
	Gudin-yahay dulbaaxdiyo
	Dufan lagu afeeyee
	Dareenkeedu laaciyo
	Milicsiga ku deexdee
	Danbarsiga cadceediyo
	Dabayoodka luunka leh
	Weligeed ku darartaa
	Maxaad doodad beeshiyo
	Danta qaranku leeyahay
	Dusduskaaga foofkiyo
	Damac uga hor marisaa?

	Noloshaba ma dirashiyo
	Damqashada calooshiyo
	Dalqadaa ka barateen?
	Midha-Daray raggiinaa
	Duudduub ku liqayow
	Kolley geedka duuggiyo
	Taariikh la daastiyo
	Laga diirto magac hadha
	Sida diirta xagatoo
	Dadnimada arradisee
	Dib maxaa u dhigateen
	Duniduba ma maantaa?
	Dab cunaannu idin nidhi
	Maansadu dan guud iyo
	Dalka hanashadiisiyo
	Dadka wada-jirkiisiyo
	Dawna way ku socotaa
	Dawladnimou samafala
	In kastoo dirkeediyo
	Dulucdeedu saas tahay
	Misna loo dardaar weri
	Ka hor yimi nin diiddani
	Deri iyo u yeel tuur
	Dunjigeeda maydhaan
	Xistegeedu daba gure

	Dibinada shirqoolka ah
	Inta boholo loo dedey
	Kaga gudubtey daanshood
	Digashadu ma saamayn
	Dhibta waw dul leedahay
	Dibin daabyo hoosiyo
	Dabra, weerar caabbiya
	Duullaanna waw hadhay
	Dibso aan nidhaahnoo
	Ha dekaanto mooyee
	Dabarkeeda geenyada
	Geedkee ka diirraa
	Qorshahaba laguma darin
	Doc wareenka sheelka ah
	Iyo saymo dawdilan
	Kuma dagato maansadu
	Xinka way ku darartaa
	Kulka way u dirantaaa
	Dabka way ku carataa
	Haddii jeedal lagu dayo
	Deeddankay ku badisaa
	Dakharada la yeeliyo
	Hubka lagula daalee

	Ha ku debecdo lagu wado
	Dardar bay ka qaadaa
	Haddii dayro laga dhigo
	Derejaabay tolataa
	Calan bay deldelataa
	Haddii seyga laga dilo
	Doqon geesigeedii
	Ninka daray billaawaha
	I dumaal tidhaahdoo
	Dakanada illowdoo
	Danka kale u durugtoo
	Diga-rogata maahee

	Timahaabay dabataa
	Dunta waxay ku xidhataa
	Wiil dardaarankeed qaba
	Magaciis Dulmane yahay
	Duqa dhalay sabool yahay
	Danyar hooyadiis tahay
	Inta xeerka dumisyo
	Deni waa ka garanuug

	Dacwadayda Ciinow
	Dire dire umaan tiring
	Deel-qaaf ka xeel dheer
	Uma jeeddo daw dhaaf
	Daandaansi kama wado
	Ka da'weyni ruuxaas
	Derejiyo xil-qaadkeed
	Nin u dudaya maan ihi
	Damac wayga xaaraan
	Dilla gabay ku faankiyo
	Doqonniino hadalkiyo
	I dayaay wax kum falo
	Maba lihi dareenkaas
	Waxa qalinka igu diray
	Dadku way tirsanayaa
	Deyna waa ka maqan yahay
	Dana jirena waan ahay
	Danyartiyo saboolkiyo
	Anigiyo doc-wadhantuna
	Isku digato miihine
	Daawaannu leenahay
	Diilalyada cuslaysiyo
	Daalaa-dhacoodaan

	Aniguna damqanayaa
	Xaq haddaan ku daakiro
	Ma deyrkii Maakaan gubey?

	Danbarkiyo karuurkiyo
	Caanaha durduurta ah
	Dadku haw sinnaadeen
	Haddii laygu dilo taas
	Taariikhdu duugeed
	Dirirrada sidkod go'ay
	Door-roone haw hadho
	Dibna mooyi saw noqon
	Dal Allee Dharkaynow
	Haddaad maanta dagan tahay
	Ninka duunyo kaa wada
	Afka kama daboosheen
	Maxaad deelka maansada
	Dacar iyo dhunkaal iyo
	Duumo uga arkaysaa?
	Maxaad uga didaysaa?
	Uga dhigi wax kuu daran.
	Armay doorba kuu tahay.

	Haddaan waawey roob da'ay
	Dayra-dhaafka jiilaal
	Guri laga dugaashado
	Aqal laba deryaala ah
	Dadabtiisu nooshahay
	Celin kara daroorraha
	Docaha iyo raartiyo
	Dhan kastaba ka dalab tiran

	Ummadduna dugsoonkaas
	Dermo qaran ku jiifaan
	Bulshadoo dar hoogiyo
	Taalla dooxa geerida
	Hadii daad u soo galo
	Miyaan waayey deelkiyo
	Dareensiinta dhiillada

	Duunyo waa la foofshaa
	Daaqna waa la geeyaa
	Doorna waa ilaashaa
	Isha daymadeediyo
	Digta luuqdu waw wehel
	Duhurkaa la ururshaa
	Tiro lagu dabbaalaa
	Dabadeed la hooyaa
	Kol hadday dareeraan
	Deegaanta raacaan
	Dildilaan ku goosmaan
	Wax daryeela waayaan
	Daaha hiimammowga ah

	Maqal daaqda lagu tebo
	Cawa-daran la raad guro
	Dibjirtaye ma been baa?

	Shilna wayna daan-weyn
	Demmanaanta kama foga
	Xoolaha dayacanta ah
	Inuu daayo mooyee
	Kam durugsanaan karo
	Doon-doonisteediyo
	Day-dayashadeeduna
	Darayada libaaxiyo

	Ninka damalka ka hadhsaday
	Deleb waw gudboon tahay

	Haddaan waayey doobkii
	Xilka doonnantiisa ah
	Dayrada u noqon laa
	Danyar habaqlaheeddii
	Duddo habalku kala tago
	Miyaan waayey deelkiyo
	Daba socodka qaylada
	Hayin sida dadweynaha
	Dalaggiyo dhaqaalaha
	Duuggiyo wixii nool
	Haddii layska dabo galo
	Hadduu aar dalaafiyo
	Arko belo ku soo diran
	Nafta dawdab roorka ah
	Daran doorri orodkiyo
	Durdurada ka buuxsado
	Maatada derderan iyo
	Deli iyo jar kala dhaco
	Dooggaan la maarayn

	Dibna looga soo kaban
	Didmadiisu keentee
	Haddaan waayey dabarkii
	Dhacdo lagu daweeyoo
	Lagu dagagaraa jirin
	Miyaan waayey doohdiyo
	Doobirtii la odhan jirey?

	Danta guud mudnaanteed
	Gobonnimo daryeelkeed
	Damaciyo hankaygii
	Haddaan waayey dawgaan
	Is lahaa ha lagu dego
	Berri degel ma dhaafaan
	Dadka wada jirkiisiyo
	Isku duubnidiisii
	Lagu doorshey reer reer
	Kala daadsan laga dhigay
	Mus duleedku xanan yahay
	Qarannimadu dagan tahay
	Gudahana dab kaga kacay
	Dawankiyo carooggiyo
	Miyaan waayey Daalacan
	Sengehayga Doolaal
	Ama faras dirkiisa ah
	Dayax-weerar oo kale?

	Ragga daawadii furay
	Ama daacaddi jaray
	Ama qaranka duudsiyey
	Hantidii dadweynaha
	Dacallada ka buuxsadey
	Dalku eed ku leeyahay
	Rag la deydeyaayoo
	Dedan oo qarsoonoo
	Damacooda xeel iyo

	Ku darsaday tab hoosoo
	Wixii deyn ku soo baxa
	Berri diidi karayoo
	Dufankiyo karriinkii
	Iska duugey maahee
	Sida buurta Daalood
	Dal fog bay ka muuqdaan

	Diricaasi waa kuma?
	Dawdar weeye shalay jirey
	Durba sawkan jeedladay
	Dhistay aqallo daah weyn
	Tolow duubka yaw xidhay
	Hadmuu tobanka doonyood
	Dekedaha ku soo xidhay
	Hadmuu dunida gaarkeed
	Intuu daawashaw tegey
	Demesh iy wixii yiil

	Sida daad u soo rogey?
	Kaftankaas dareenka leh
	Danyartaa ku heestee
	Dadka maanigaa baray
	Derejada hummaaga ah
	Magacyada dul-saarka ah
	Dorraad soo gadaal baxay
	Maxaa laygu digayaa?

	Dooddaa aan ku soo xidho
	Bi'I waaye deylooy
	Adna darayga hays dhigin
	Xaajadu dalluun iyo
	Dalow bay ka lulataa
	Ha ka tuurin daaddeys
	Anna hay dardaar werin
	Deelleyna aan faro
	Duco iyo sidii roon
	Dawgaagu waa sahan
	Dadku waa abbaartaa
	Isku dira bahdeediyo
	Kala dila ha noqonnine
	Isku dara ha lagu dhaho
	Nin xumaa daneeyoo
	Waxa jira damqanayee
	Yaanu xagal ka daac iyo
	Gol daloolo kaa helin
	Xidho duubka nabadeed
	Daacaddiyo runtaba sheeg
	Daaraanta magacaw

	Cadowgaagu duurkiyo
	Hadduu doogga cawskiyo
	Dareemada ka badan yahay
	Adiguna dab baad tahay
	Digo shidan hadduu yahay
	Adna daad socdaad tahay
	Damal adag hadduu yahay
	Adna danab dhacaad tahay
	Baaruudda duushiyo
	Dubbe culus hadduu yahay
	Derbi soo ceshaad tahay
	Mugdi lagu dayoobiyo
	Gudcur dama' hadduu yahay
	Qorrax duluca furatiyo
	Dayax buuxsamaad tahay
	Hadduu aw dillaaliyo
	Qalin duurre faashiyo
	Yahay fiqi dammiinana
	Cilmi durugsan baad tahay

	Dulin dhiigga miirtiyo
	Dulmi hilan hadduu yahay
	Xaq dillaacay baad tahay
	Nin qabiil daftiisiyo
	Sita daramalkiisoo
	Ku dan qaba hadduu yahay
	Qaran dawladaad tahay
	Hadday daana daaniy
	Dawliil ku heesaan
	Waxyi soo degaad tahay
	Inta dunidu raarkiyo
	Deyrka hoose leedahay
	Qof dulmani ku nool yahay
	Ilays daaran baad tahay
	Wed jiraana kuma dilo
	Anigana bir danantiyo
	Dabran iyo melmelan iyo
	Deldelaad ha lay sudho
Duuggaygu waa adi

    

Dabahuwan   Dib U laabo


	1. markay dani meeday tidhi
	2. maxaan talo meel ka deyey
	3. markaay dani maaha tidhi
	4. weydiiyey qof meel ka deyey
	5. markay dani maaha tidhi
	6. ku laabtay halkaan ka deyey
	7. markay dani maaha tidhi
	8. ka sii deyey meel la deyey
	9. Maxay doqoniiino tidhi

	10. ruuxaan jirin raad ku doon
	11. intaan isku duubay been
	12. ka buuxsaday labada dacal
	13 maxay runi daadi tidhi
	14. maxaaan arrin dawlis dheer
	15. ma diidoo la soo qoqoray
	16. ku daabacan baal madow
	17. ku daawaday meel madow
	18. wax aan duluc sii ridnayn
	19. indhuhu ku daraandareen

	20. Maxaan dogob beer is idhi
	21. daruuro u soo sasabay
	22. daryeelka ku maal is idhi
	23. biyuhu uga sii dareen
	24. Wax aan degdeg jeer ku liqay
	25. maxay shishe ii damqeen
	26. kashayda dalooshadeen
	27. muxuu hadba shay dellegan
	28. dareensigu soo tuf yidhi
	29. Ummuuraha duur xulka ah

	30. duunkayga maxaan qodqoday
	31. weydiiyey su'aal da'weyn
	32. dibnuhu iga aamuseen
	33. Dal xiiska maxaan bilqaday
	34. maxaan farax deeddankii
	35. maxaan sida daad jirfaday
	36. maxaan hadba daaf qulqulay
	37. maxaan hadba deex susumay
	38. maxaan deli jeer ka dhacay
	39. maxay jarar soo dedelan

	40. doolaaladu fuul i tidhi
	41. dushooda markaan u baxay
	42. ha soo degin laygu yidhi
	43. Maxaan dihin weel la galay
	44. ku dayga maxaan ummuur
	45. daboolka ka qaad is idhi
	46. cabsidu iska daa i tidhi
	47. indhuhu dib u soo noqdeen
	48. Maxaan dhilay doog lingaxan
	49. hal daahan maxaan furfuray

	50. inaan dib u sii xidhxidho
	51. garaadku ku daalay yidhi
	52. Maxaan dardaraa habeen
	53. anoo daba jooga raad
	54. dedaalku i soo xidhxidhay
	55. dakaanka anoo jiljilan
	56. muxuu dayax soo mirkacay
	57. degaan kale ii furfuray
	58. dayaan igu soo gilgilay
	59. Maxaan qoday doox sal weyn

	60. maxaan helay deeq mug weyn
	61. wax uu dad jeclaan lahaa
	62. u waayey wax soo daldala
	63. Wakhtigu boqol doocsanaa
	64. dersuu kugu beerayaa
	65. durduur kugu siinayaa
	66. dardaaran adoo qabuu
	67. dagaal kugu beerayaa
	68. dil buu kugu oogayaa
	69. markaad deldelaad gashuu

	70. haddana kugu diidayaa
	71. dorraato wuxuu ka yidhi
	72. intuu ku diruu haddana
	73. dabbaal kugu sheegayaa
	74. Rugaha dunidaa busho ah
	75. indhaha deyayaa xujo ah
	76. docaa laga eegayaaa
	77. deymaa lagu eegayaa
	78 danaa laga eegayaa
	79. u daana cid baa taqaan

	80. ka daana cid baa taqaan
	81. ta doora Rabbaa yaqaan
	82. ka dooro adaa yaqaan
	83. dildilo rogan baad tihiin
	84. sidaad isu doorisaan
	85. ayaad isu doorataan
	86 markay dihatay dhul tahay
	87 markay dihatay dhir tahay
	88 markay duhur tiigsi tahay
	89. ayay dalandool caddahay

	90. duf bay ku sarbeeban tahay
	91. dabay ku aleelan tahay
	92. lafiba diirkeed qodnayd
	93. Dal iyo magac bay lahayd
	94. dad iyo mudan bay lahayd
	95. duunyiyo mahad bay lahayd
	96. diin iyo dhaqan bay lahayd
	97. duug iyo dhaxal bay lahayd
	98. dan iyo tacab lahayd
	99. dedaal xejiyey lahayd

	100. xadhkiyo dabar bay lahayd
	101. aqoon durugtay lahayd
	102. xil daacada bay lahayd
	103. duleed jiratay lahayd
	104 duggaal hanatay lahayd
	105 daw iyo marin bay lahayd
	106. dareer taxan bay lahayd
	107. dardaaran cad bay lahayd
	108. dabool adag bay lahayd
	109. digtooni horey lahayd

	110. dabaylo hadday ruxaan
	111. durbaan weriyey lahayd
	112. awaal deyis bay lahayd
	113. dawiyo kabashay lahayd
	114. xidhiidh degsan bay lahayd
	115. dagaag sharafay lahayd
	116. duciyo nabad bay lahayd
	117. caqiibo danbay lahayd
	118. han iyo dugsashay lahayd
	119. deeq iyo hirashay lahayd

	120. duddiyo gacal bay lahayd
	121. dareen xidid bay lahayd
	122. xormiyo deris bay lahayd
	123.dul iyo magan bay lahayd
	124. xishood dedan bay lahayd
	125.dux iyo soddoh bay lahayd
	126. dumaashi dhan bay lahayd
	127. dad kala guran bay lahayd
	128. rag iyo dumar bay lahayd
	129. nin door taliyey lahayd

	130. marwiyo degel bay lahayd
	131. duq iyo garashay lahayd
	132. haween darbban bay lahayd
	133. barbaar diran bay lahayd
	134. habliyo dardaray lahayd
	135. halyey diriray lahayd
	136. darmaan boqran bay lahayd
	137. duud iyo oday bay lahayd
	138. da' weyn iyo da' dhexay lahayd
	139. da'aad yaryar bay lahayd

	140. is daadihin bay lahayd
	141. deryaale cad bay lahayd
	142. dalaandaliyey lahayd
	143. horweyn dalmaray lahayd
	144. irmaan dararey lahayd
	145. hal iyo dalawey lahayd
	146. wan dool culus bay lahayd
	147. sal iyo daab bay lahayd
	148. dallaayad saray lahayd
	149. shishiiyo duluc bay lahayd
	150. wixii dumey bay lahayd

	151. Iskuuladu waa dayeyn
	152. dammiinnimaday dhigaan
	153. dartay uma soo lug go'in
	154. duruustu falkay tiqiin
	155. daktoor cadoway sideen
	156. digrii nacabey sideen
	157. xaq bay garba duubayeen
	158. Diintay gibil saarayeen
	159. waxay dedayeen amuur

	160. dhibteedu dib iigu tiil
	161. waxay docfaruurayeen
	162. dedaal abid soo taxnaa
	163. Xafiisyadu waa dullayn
	164. dulmay ka horseed yihiin
	165. dikteetarraday dhalaan
	166. direyska wedkay tolaan
	167. dardaaran shishay qabeen
	168. dalkay shil u loogayeen
	169. dadkay u shidhaynayeen

	170. dardaar werin meel u tiil
	171. nin bay u danaynayeen
	172. dugaagnimaday dhalaan
	173. indhaha dannigay dhalaan
	174. intii daran bay dhalaan
	175. xadhkaha doqonkay tidcaan
	176. naftay damac raaciyaan
	177. wax bay daba qaadayaan
	178. qofkii biyo diid yaqaan
	179. darleefyey ninkay baraan

	180. sagaashan dabeecadood
	181. hadday kol ku soo degaan
	182. diihaal iyo saar gumeed
	183. ma aamino deeq ka weyn
	184. inay laba duul dhintaan
	185. Dukaamadu waa nuxuus
	186. sun iyo dacar bay hayaan
	187. daraandariyey hayaan
	188. dareen xagatay hayaan
	189. dalaaqda Tusmay hayaan

	190. waxay demesh soo rogeen
	191. waxay diric raarayaan
	192. durraaxad u heesayaan
	193. waxa lagu doonayaa
	194. wax aanan u daafad hayn
	195. waxaan diro lay carree
	196. wax soo degay lay cusbee
	197. ka dooro intaan lahaa
	198. ka sii dar intaan lahaa
	199. ku sii dil ayuu lahaa

	200. ninkii digashada badnaa
	201. Daaruhu tayo waa ka gaal
	202. dulmay taran leeyihiin
	203. bar duunyo ah waa ka caydh
	204. waxay ku dul nool yihiin
	205. nin daaqsada xoolo nool
	206. dubbaha fakhrigay tumaan
	207. waxay derbi jiifiyeen
	208. barbaarkiyo doobka nool
	209. carwada dibjirkay dhalaan

	210. hadday kugu soo durkaan
	211. ducaa laga hoos galaa
	212. maxay damal weyn shiteen
	213. maxay qudhac deebiyeen
	214. waxay dab sudheen dhirtii
	215. dhulkay midab dooriyeen
	216. bal eeg degelkii hufnaa
	217. bir iyo waxa daasad yaal
	218. bal eega dalkii xalaa
	219. waxay lafo daadiyeen


	220. Shil baa dunidii ka dhacay
	221. daacuun halisaa ku fiday
	222. duufaan simay baa la tegay
	223. doofaarrada aan gudnayn
	224. diinlaawaha gaalku dhalay
	225. maxay dulin faafiyeen
	226. maxay samo duudsiyeen
	227. maxay godob daaqsadeen
	228. maxay denbi xoogsadeen
	229. maxay dabar soo xardheen

	230. maxay dabin soo shaqleen
	231. danbeed maran soo asleen
	232. Waxay dumiyeen aqoon
	233. ilaa dura soo taxnayd
	234. waxay damiyeen ilays
	235. u daaran qof meel lahaa
	236. waxay kala daadiyeen
	237. daryeel isu dheelli tiran
	238. naf daahira bay legdeen
	239. docdeeda xun dhiiriyeen

	240. dan bay canlabeebiyeen
	241. dawgeedu xidhiidhsanaa
	242. waxay iga soo duween
	243. jidkaan isku daawan jiray
	244. waxay dibad yaaliyeen
	245. nin tiisa u door ahaa
	246. in loo dawaray rabeen
	247. da'diisa nimaan baryeen
	248. waxay ka dhigeen dadkii
	249. af iyo labadiisa daan

	250. duugii ubadkay cuneen
	251. wixii jiray bay dubteen
	252. dusuud madhan bay dhigeen
	253. halkii beri doobi yiil
	254. waxay danbas tuumiyeen
	255. rugtii digo loo yiqiin
	256. duxdii noloshay tireen
	257. waxay debciyeen naftii
	258. waxay dacwadheen hankii
	259. waxay isku soo dareen

	260. dadkii kala caagganaa
	261. intii gabadh diib lahayd
	262. daf iyo kaman baa la tegay
	263. dhulkii darrimaha lahaa
	264. deegaantiyo baadku yiil
	265. dabaylo cas baa ka kacay
	266. dorraatiyo guulihii
	267. dallaallimadii dhisnayd
	268. wixii dalag meersanaa
	269. daaduun qaxay baa ka dhacay

	270. wixii duluglaa ka nool
	271. dibnuhu dhubbad qaadayeen
	272. Dagaalku sal buu lahaa
	273. daad soo jabay baan intaas
	274. gacmaha ku dabbaal lahaa
	275. anigu dirir maan hanbayn
	276. doodayduna may hinnayn
	277. hub baa lagu diidanaa
	278. waxay igu soo dabreen
	279. halkay ila doonayeen

	280. aniyo debad baanu nahay
	281. cidlaan dildillaamayaa
	282. daleel madhan baan tubnahay
	283. sas iyo dala'asaan qabaa
	284. dareen dhidar baan gashaday
	285. dugaag falan baan qorrahay
	286. daaraantuna way fogtahay
	287. duullaankuna waa sidii
	288. Haddaad liqday daacadii
	289. adaa damacow yaqaan

	290. sidaad uga dayn baxdee
	292. ku sii dar tu kaa daran
	293. Cilmigan dib u heego dhaca
	294. cilmigan dul ka xaadiska ah
	295. cilmigan sam dawdarka ah
	296. caqligu ka daboolanyahay
	297. bukaankiyo daafka qaba
	298. gumaysigu diin u yahay
	299. Ilaah lagu diidan yahay

	300. Islaam la dagaalka ah
	301. Danaysigu weel u yahay
	302. dirsoocu u aabe yahay
	303. daandaansigu guul u yahay
	304. dabkiyo wada hawsarka ah
	305. dilkiyo wada dhiig cabka ah
	306. duullaankiyo boobka jecel
	307. cilmigan dalandoolka badan
	308. Damiirku ka meydka yahay
	309. khaansiirkiyo duufka cuna

	310. dillaalkiyo tuugga dhala
	311. daydaygiyo jeelka qaba
	312. wanaaggu ka dayro yahay
	313. xumaantu u doorantahay
	314. dadkiyo simay xoolihii
	315. raggiyo dumarkii furfuray
	316. intuu dumarkii is baday
	317. raggii dumar qaar ka dhigay
	318. af-duubkiyo qoolka taxan
	319. Run baa lagu daahayaa

	320. Dijaal korayaa qaarsoon
	321. Dalaal iyo been madow
	322. ninkii run ku doonayow
	323. abuurtu dumaal miyaa
	324. ma duur iska beermay baa
	325. ma baadi dibbootey baa
	326. dabaylo xagaa miyaa
	327. ma doonni hallawsan baa
	328. dusheedu ma goob jin baa
	329. durbbaan iyo jaas miyaa

	330. dawliil iyo quus miyaa
	331. ma buur lagu daalayaa
	332. ma boog damaqdaa wadnaha
	333. ma doonis calool bugtaa
	334. nin tiisu u diirantahay
	335. ma suu u dullaynayaa
	336. ma shay laga daawadaa
	337. garaadka nin daymo dhow
	338. ma Daarwin siduu yidhaa
	339. daayeer nin ka soo farcamay

	340. ma suu u dareemayaa
	341. miyaanay dastuur lahayn
	342. kitaab iyo diin lahayn
	343. miyaan laga sii danbayn
	344. sidii daraygii miyaa
	345. midhii daraygii miyaa
	346. duudduub ku liq yaa ku yidhi
	347. Nin diidey inaad run tahay
	348. ku dooday inaanad jirin
	349. Rabbow dunidaada bilan
	350. dunteeda ma sheegi karo


	351. Daayeerka waxaa ka yimi
	352. waxaan dad habboon ahayn
	353. innagu dir kalaynu nahay
	354. duudkii Nebigaynu nahay
	355. deeqdii Rabbi baynu nahay
	356. xil iyo derejaynu nahay
	357. dar loo buriyaynu nahay
	358. ka sii daray baynu nahay
	359. Ilaah ka durkaynu nahay

	360. Islaam dilan baynu nahay
	361. dugaag u dhacaynu nahay
	362. ka daatay muskaynu nahay
	363. Ibleys didsadaynu nahay
	364. doofaarada aan gudnayn
	365. u doortay runtaynu nahay
	366. xaqay garbba duubayaan
	367. ku diirsanayaynu nahay
	368. diin laawaha gaalku dhalay
	369. ku dayday ayaynu nahay

	370. dayeysan ayaynu nahay
	371. Sidee duni loogu lumay
	372. maxaa dad ku soo lug go'ay
	373. maxaa ku hungoobey duul
	374. diihaal kula soo dhex dhacay
	375. maxay duluc guud martaa
	376. maxay dersi yeedhisaa
	377. maxay nin u deexataa
	378. Iadnaan ugu duur xushaa
	379. hadhow xagal daacisaa

	380. maxaa degdeg wiil ku yimi
	381. dusheeda ku foos burburay
	382. jid uu nin ku daaqay ciin
	383. maxay dabadiis dhigtaa
	384. nin aan ka danbbayn karayn
	385. maxay doqon loogataa
	386. maxay laqan dooxataa
	387. maxay danab liicisaa
	388. maxay dabar liilisaa
	389. maxay dildillaacisaa

	390. ammuur kuu dabool lahayd
	391. maxay digdig soo xidhaa
	392. maxay sado daadisaa
	393. maxay amar duulisaa
	394. maxay dardar loodisaa
	395. maxay diric quusisaa
	396. maxay kibir daalisaa
	397. maxay damac beenisaa
	398. maxay nin dabbaal yaqaan
	399. dalluun ku waraabisaa

	400. maxay daldaloolisaa
	401. deeqdeeda hadhuub lahaa
	402. maxay lur u sii dirtaa
	403. ku sii dar ninkii yaqaan
	404. maxay dab ku sii shiddaa
	405. ninkaanay daweyn karayn
	406. Adduunyadu waa daryeel
	407. daryeelka wixii ku nool
	408. dad bay magantiisa tahay
	409. dardaaran cad baa ka yaal

	410. daymiyo garashay rabtaa
	411. hog loo dayo bay rabtaa
	412. Runteeda qofkii duwaa
	413. xaquu kaga dayro yahay
	414. dawgeeda haddaan la marin
	415. daliil rabbi looga dhigin
	416. deynkeeda waxaad guddaa
	417. mar aanad u daafad hayn
	418. ninkii dabinkeeda gala
	419. dib bay u xusuusisaa

	420. digniino horoo badnaa
	421. Abuurtu dahaysanaa
	422. sir iyo duluc raaranaa
	423. daabkeedu aroorsanaa
	424. degaandeg ballaadhanaa
	425. dawgeedu aloosanaa
	426. rugaanrugo durugsanaa
	427. muggeedu daruuranaa
	428. dijaallada soo if baxay
	429. weelkay darayaan yaraa

	430. damiinka waxaa ka dhigay
	431. amuurahan daalka badan
	432. siday u dul cararayaan
	433. kashii demman bay legdaan
	434. siday wax u duufsadaan
	435 daliil uma si hayaan
	436. Hubkooda dayaanka dheer
	437. markay darandoorriyaan
	438. cid bay ku dullaynayaan
	439. cabsay dad ku beerayaan

	440. korkeena inay degaan
	441. dusheenna ka soo hadlaan
	442. waxay ugu duur xulaan
	443. kasheenna inay darbaan
	444. hankeenna inay dilaan
	445. jidkeenna inay duwaan
	446 dawaafka is dhaafayaa
	447 duullaanka cirkee socdaa
	448. dedaal iyo maaha guul
	449. daryeel kuma baadhayaan

	450. wanaag kuma doonayaan
	451. inay cilmi daalacshaan
	452. aqoonta ku sii durkaan
	453. wixii dedan qaawiyaan
	454. dantoodu ka sii gun dheer
	455. rugaa dirir saaranyahay
	456. waxay u docaynayaan
	457. dayaxa u hadhaynayaan
	458. dagaar u cagaynayaan
	459. inay run ku duudsiyaan

	460. xaqiiqada daahsudhaan
	461. adduunyada dooriyaan
	462. iyagu u daliil noqdaan
	463. Nin diidey Inaad Run tahay
	464. ku dooday inaanad jirin
	465. Rabbow dunidaada bilan
	466. ammaan kuma daaqi karo
	467. Haddaan Runi diiddanayn
	468. haweeney dumaal ku timi
	469. waxay derejeyn lahayd

	470. inay gabadh doonnan
	471. diddii hungurow diddii
	472. kal daaf hagayaay diddii
	473. dhegaade danow diddii
	474. dareenka bukow diddii
	475. adduunyadu maaha dool
	476. dijaallada soo if baxay
	477. haddaanay war deeqa hayn
	478. sidaan u dayaaba waa
	479. docdaan u kacaaba waa

	480. dushaydiyo hoostu waa
	481. Daliil iyo waa Yiqiin
	482. Dallaallimadeeda guud
	483. siday u dalaysantahay
	484. siday u degmaysantahay
	485. siday u duggaashantahay
	486. siday u dalleensantahay
	487. siday u dammiin caddahay
	488. siday u dareersantahay
	489. sidaanay u daadsanayn

	490. da'deeda la yaabka weyn
	491. siday uga duug la'dahay
	492. siday dalandool u tahay
	493. siday u dekeysantahay
	494. siday u taqaan didmada
	495. siday u dareen la'dahay
	496. siday u daryeelantahay
	497. siday u darbbaysantahay
	498. siday u daraandaraan
	499. siday uga dayriyaan

	500. siday laba duul u tahay
	501. siday laba deeq u tahay
	502. siday degel degel u tahay
	503. siday degel qudha u tahay
	504. hal doorba hal doorka kale
	505 siduu ula daawa yahay
	506 amuurahan laysku dabay
	507. dawaarahan laysa sudhay
	508. sidii deleb loo dhigdgigay
	509. wadaagahan laysu diray
	510. lammaanahan laysku daray

	511. hadday is daboolayaan
	512. ilaah dejiyaan maqnayn
	513. Cadceedu dorraad ma dhalan
	514. kulkeeda dawaa ku shuban
	515. if keeda Run baa ku duxan
	516. dayuxu marin buu hayaa
	517. xil loo diray buu hayaa
	518. daw buu ku aroorsanyahay
	519. dilluu ku hoggaansanyahay

	520. dooggiyo dhirtu maaha baad
	521. caleen iyo ma aha daaq
	522. kasii duluc dheer intaas
	523. waxaa ku dareersan nuur
	524. Run bay ku dalaysantahay
	525. Wadduur culus baa ku taal
	526. daymaan lagu faaqidayn
	527. dareen akhriyaan la hayn
	528. indhaha damac baa hor yaal
	529. waxaan Dahab meel ka gelin

	530. waxaan magac doollar sidan
	531. diinnaar iyo lacag ahayn
	532. yaqiin kama sii dayaan
	533. damiirku hadduu qallalo
	534. hadduu dufan raadis yahay
	535. daliilka hortiisa yaal
	536. waxaa kaga beegan daah
	537. dadkuna badi waa sidaas
	538. dakano gacal bay qabaan
	539. dagaal ramataynoqdeen

	540. dabrrayn iyo weerar bay
	541. Runtii kaga duuban tahay
	542. Xaqiiqada daahir ka ah
	543. dulmay kaga hoos jiraan
	544. abuurta ma daawadaan
	545. denbay kala boobayaan
	546. dushooda ma eegayaan
	547. dux bay kaga fooraraan
	548. si bay u dar jiidhayaan
	549. dunuunuc bukay liqeen

	550. dalqay wax ku eegayaan
	551. dil bay u hamuumayaan
	552. dibnay la haliilayaan
	553. dedaal ma haleelayaan
	554. daryeel ma hanbbaynayaan
	555. dardaaran ma dhuuxayaan
	556. digniin ma dhabaynayaan
	557. dharaar kama doodayaan
	558. halkay ku dambbaynayaan
	559. dayow kama toosayaan

	560. Wax diiddo markay jirtaa
	561. wax doonkuna meel mar yahay
	562. naftana dabar baa xaslada
	563. dibsooduna waa ammaan
	564. digtooni haddaan la hayn
	565. dagnaaniba way jirtaa
	566. dannaani miyuu xunyahay
	567. markaan danan loo maqlayn
	568. xilkii dadnimay rabaan
	569. xuquuq dadnimay rabaan

	570. naf daallina bay rabaan
	571. inaan dulmigeedu qaban
	572. dawgii noloshay rabaan
	573. inay shar ku daydayaan
	574. xumaan qof ku daalayaa
	575. wanaag damaciis hayaa
	576. dammiinka halkii ahayd
	577. siday uga soo durkeen
	578. miyay dib u soo noqdeen
	579. siday u duleed baxeen

	580. ayay u dabayshadeen
	581. waxay dumiyeen Runtii
	582. waxay u dumeen Runtii
	583. markay dumiyeen Runtii
	584. nin daacad hoggeeda qoday
	585. miyuu ka danbaynayaa
	586. intuu bahalaha dugsado
	587. intuu Dubur hawd ka xulo
	588. ayuu qofku doonayaa
	589. dugaaggu inaanu cunin

	590. Naftiisa qofkii dulmiyey
	591. deyrkaaga Rabbow ka baxay
	592. muxuu halis daaqayaa
	593. Addoonku Rabbow ma dayo
	594. deeqdaada intuu hantiyo
	595. duntii maqan buu tebaa
	596. wax uu degdeg kaaga filay
	597. haddaanay ku soo dul quban
	598. cadhuu la dakaamayaa
	599. dibnuhu baryaday karaan

	600. daryeel kama mahad ceshaan
	601. jiilaal la darbbaysanyahay
	602. diihaal iyo gaajo kulul
	603. haddii beri roob ka da'o
	604. qof doogey markaas illow
	605. siduu u ducayn yiqiin
	606. xusuusba ka sii durduri
	607. Nin duunyadu mool ku tahay
	608. dadkiisuna maansha yahay
	609. ayaa misna kuugu duda

	610. waxaanu u daafad hayn
	611. qofkaad shar u diiddan tahay
	612. u doortay si kahyr ku jiro
	613. ayaa misna kuugu duda
	614. waxaad uga daacad tahay
	615. Sifaadkaa deyr ma xidho
	616. dareenku ma gaadhi karo
	617. garaadku ma duubi karo
	618. dibnuhu ma macnayn karaan
	619. qof doonay inuu dhex galo

	620. ku daaley ma dhaafi karo
	621. Dunjiga khalqigaagu yahay
	622. haddii gelin laysu dumo
	623. raggiyo dumar laysu guro
	624. jinkiyo insi laysku daro
	625. hadday ku dedaal galaan
	626. intay dardartoodu tahay
	627. hadday orod dooddiyaan
	628. hadday fadal deeddamaan
	629. muggood daranddoorriyaan

	630. haddii badda loo dardaro
	631. dawaad milan looga dhigo
	632. dureemada loo qorqoro
	633. waxay ku danbaynayaan
	634. inay dib u soo gurtaan
	635. Astaamaha dawladnimo
	636. markay derejiyo Run tahay
	637. Adaan cidi kaaga dayan
	638. In daalacan Baad taqaan
	639. intii dedan Baad ogtahay

	640. horraysana Waad digtaa
	641. dambaysana Waad sugtaa
	642. intii daran baad kartaa
	643. in doora rabbaad u tahay
	644. dulleynna Adaa ku filan
	645. daryeella Adaa ku faxan
	646. Sidaad damacdaaba fudud
	647. dardaar werintaada guud
	648. Adaa naxariis ku daray
	649. dannina boqor baad ka tahay

	650. dayrona Hodan Baad ka Tahay
	651. denbina Dhaafaad u Tahay
	652. dulqaadna Allaad u Tahay
	653. baryana Deeqlaad u Tahay
	654. Adaan talo kaa degdegin
	655. dorraato wax kuu ekaa
	656. Adaan dib u qoomamayn
	657. Adoo isla doonay laba
	658. Adaan midi kaa durkayn
	659. Adaan waxba kaa dibjirin

	660. Adaan damac fuushanayn
	661. Adaan waxba daba orddayn
	662. Aday dani kuu dhantahay
	663. Adaan xagal daac lahayn,
	664. wixii hadhay baa dellegan
	665. daalaa dhacu waw astaan
	666. waxaa doqonniino badan
	667. intuu dadba kow ka yahay
	668. waxaan dalab waayi karin
	669. intuu durey hoog ku yahay

	670. hadduu dib qallooc yaryahay
	671. naftuu damqayaan is bixin
	672. sidii dudurkaan socdaa
	673. sibaan u durdurinayaa
	674. hortayduna waa derderan
	675. hareeruhu waa deldelan
	676. gaadashuna waa damdaman
	677. aboor iyo waa dundumo
	678. Dhadhaaba xidh baan tognahay
	679. darmaan falan baan sudhnahay

	680. dameero jin baan intaa
	681. dib uun ugu guurayaa
	682. shax baan degayaa hog hogan
	683. hog baan ka ilduufayaa
	684. wadaamo dugeed ayaan
	685. darroor ka gufaynayaa
	686. qabyaan ku dul meerayaa
	687. iyadu daldalool ku nool
	688. markaan gudin daab u helo
	689. ayuu dumayaa habeen

	690. dab baan dab cunsiinayaa
	691. dab baan ku bakhtiinayaa
	692. ummuur dedan baan haddana
	693. dabool kale saarayaa
	694. bar baan kula doodayaa
	695. Bad aan bado daalin karin
	696. naf baan isla doonayaa
	697. is diiddo dhexdeeda taal
	698. duunkayga baqaa ku jira
	699. dareen cabsiyaygu badan

	700. hadduu dacaw meel ka ciyo
	701. didmaan isla boodayaa
	702. malyuun dakhar baan qabaa
	703. doogtooda ma ciidmi karo
	704. waxaan ahay ruux u dagan
	705. cadaawiyo duullan baas
	706. kal dooxani way habtaa
	707. dardaaran haddii la faro
	708. digniintu hadday caddahay
	709. dammiinku ma dhuuxi karo

	710. dorraad ma xasuusan karo
	711. waxaan dibindaabyo falay
	712. shalay kama daacad noqon
	713. dantayda wixii ahaa
	714. haddeerra si dawgu yahay
	715. dib baan ka illaawayaa
	716. dad baan ahayoo Rabbow
	717. kolley denbi way ag yaal
	718. hawiyo damac baa i sida
	719. hiyiga falan baa i dira

	720. dareenka xun baa i shidan
	721. ta ii daran baan jeclahay
	722. kas baan ahay daymo dhow
	723. kal baan ahay doonis badan
	724. inaan dumey maan ogayn
	725. inaan degey maan arkayn
	726. dermaan Run ku goobayaa
	727. dabaylo ibleys wataan
	728. sidii qori daad la tegey
	729. wed baan dul sabbaynayaa

	730. intii dabin ii xidhxidhan
	731. intii belo ii dahsoon
	732. intii dalag loogu dhaco
	733. dalluumaha ii qarsoon
	734. Rabbow debecaaga saar
	735. Miisaanku doc buu jiraa
	736. docdii halistuu jiruu !!!
	737. intaan dawan laysu tumin
	738. dayaanku intuu negyahay
	739. intay belo deyrantahay

	740. intay weli duur xul tahay
	741. duulduulka ku kooban tahay
	742. hadday tahay maalin daran
	743. ka sii daran baa jirtee
	744. intay weli doobir tahay
	745. dib iyo noqoshaan rabaa
	746. dan iyo nolol baan rabaa
	747. dawiyo nabad baan rabaa
	748. xill daahira baan rabaa
	749. naftayda inaan u diro

	750. wax uu dugsadaan rabaa
	751. hankayga inaan ku dayo
	752. dagaal xaq ah baan rabaa
	753. deeqdaada Inaan ku helo
	754. damiir xalan baan rabaa
	755. deynkaaga inaan ku gudo
	756. Rabbow ifka nooga door
	757. dedaalkana noo rumee
	758. Rabbow danbbe noo ogow
	759. wixii tegey duudsi yeel

	760. Rabbow dunidaada weyn
	761. dabaylo fayow ku xeer
	762. intii dulin baas dhex taal
	763. Rabbow digo xaadh ku fiiq
	764. Rabbow magac dawladeed
	765. intaan dugsan layn yiqiin
	766. rabow dumi waa hungee
	767. distuurrada baadilka ah
	768. intaan xaqa daafacayn
	769. ka reeb dambas waab dhex yaal


	770. Rabbow dalka kaanu nahay
	771. intii degel muumin yaal
	772. wanaag ku dallaallimee
	773. Islaamka kusoo dabbaal
	774. waxay ku dulloobayaan
	775. Dijaallada soo if baxay
	776. qof deymo leh haw shidhayn
	777. Haweenkuna waa duggaal
	778. deeqdaada badh bay yihiin
	779. waxaa lagu daaqayaa

	780. siday u dul leeyihiin
	781. shar daalacan baa jiree
	782. iyagu dedan bay dhasheen
	783. dunuubta ninkay badhxaan
	784. Rabbow ducadayda sii
	785. samaa dumar noogu dhiib
	786. raggana dummaddooda saar
	787. waxay dumiyeen Rabbow
	788. haddaanay xumaanta deyn
	789. Rabbow dalandoolka dhow

	790. shil noo dihin maalintaas
	791. Rabbow naga sii dabool
	792. hortaadana noo dalee
	793. degaankana nooga yeel
	794. daryeelku halkuu Run yahay
	795. haddaanay dir sooc lahayn
	796. falkaagu u daw bannayn
	797. cibaadadu waa ku daal
	798. Badbaado qof doonayow
	799. kashaada dareen ku beer
	800. dareenka samaa ku beer
	801. indhaha dib u soo muslimi
	802. Illaahay dartiis ku eeg
	803. daliilka hortaada yaal



    

Daalalay   Dib U laabo


	Marka hore dad baan ahay
	dad dad reebay baan ahay
	dunji dhalan rogtaan ahay
	hadba fadal durkaan ahay
	Nabi dooran baan ahay
	han dareersan baan ahay
	hiyi durugsan baan ahay
	da'da'deed u talisoo
	ugu damac fog baan ahay
	Dunidaannu wada naal
	Noloshaannu deris nahay
	Dalandoolka geeddiga
	Dan qudhaan u jeedaa
	Haddii taas mid lagu daro
	Ama daadku halis yahay
	Iinta mudan wax doorshaan
	Inta daran u leeyahay
	Dab waxa ku guban kara
	Intuu daaro mooyee
	Nimaan xeel ku damin Karin
	Docse aniga way wehel
	Iyo dulucda guulaha
	Intaan daw ku laalla.

	Daray waarayaan ahay
	Duufaanku ima lulo
	Dulin hoose ima galo
	Dardaraale ina rido
	Digdig beena kuma ruqo
	Cirka danab ka soo dhacay
	Deli igama raarrido
	Kuma dumo tab iyo xeel
	Dibin daabyo mooyee
	Digaxaadhku ima tiro
	Nin danaystay ima tebo
	Nin darjiidhay kama naxo
	Nin u go'ay daraadday
	Isba garey daraadday
	In dalleemo lagu huro

	Nin dushayda ku xajiyey
	Iska daansha daanshoo
	Siduu iigu diran yahay
	Ayuu iigu dagan yahay
	Nin Dagaar fog iga koray
	Anaa daaf u soo roga
	Marna waxaan dammiintaa
	Nin dil iigu xidhan geed

	Danni kuma tallaabsado
	Wax dahsoona uma tago
	Demmanida shil kama dhigo
	Ma aqaanno digashada
	Haddaan lay dardaar werin

	Dib waxaan u dhigan karo
	Degdegeeda kuma qalo
	Waxaan daadshey baa jira
	Intaan daastey baa badan
	Daymadaydu waa gelin
	Duur-xulkaygu waa seben
	Dul-qaadkaygu waa guun
	Digniintaydu waa boqol
	Diidmadaydu waa kow
	Hadday daahdo waa labo

	Dardartiisa gaarka ah
	Qofna iguma deeqee
	Dalabtaanan moogeyn
	Inaan dayro lagu mudan
	Qofna xagal ka daaciyo
	Dal-daloolka kuma naco
	Nin la yimi dedaalkiis
	Anigaa wax ugu dara
	Marna waxaan daboolaa
	Xubnihiisa derida leh

	Dedda kaca hayaan dheer
	Nin dekaanka ila lumay
	Inaan soo duwaan furan
	Hadduu daal la kala dhaco
	Dul la saaro kuma gabo
	Uma dudu karaankiyo
	Waxaan daafad loo hayn

	Doqonkana anaa xila
	Si aan dawga uga xidho
	Waracana anaa dira
	Si daddaabba lagu furo
	Damacana anaa dhiga
	Halka dabinku ii yaal
	Ninka daacad igu nacay
	Duudsigayga kuma helo
	Wuxuu doonayee baas.

	Ninka ii darraadow
	Anba waw darsanayaa
	Dibin-daabyadaadee
	Tirtirsiga ha iga deyn

	Carrab dananka laasima
	Wacdi dowdab lagu yidhi
	Ninka ii dudubiyow
	Kuma deexdo hadalkee
	Wax kaloon daneeyoon
	Ku damqado ma haysaa?

	Duni aanan weli maqal
	Nin I daawisiiyow
	Kuma arag daraandaro
	Midabbada dalxiiskiyo
	Ku dalaysan dheehee
	Dux la'aanta gadantee
	Wax intaas ka door roon
	La dugsado ma haysaa?

	Waxaan daanka soo marin
	Dalqadaaba celisee
	Wax dareenku iga jiro
	Ninka ii dardarayow
	Taas dameero loo sheeg
	Dirxi iima dhuuntee
	Midho daray nin jecelow
	Ku liq adigu duuduub
	Ninka dayday kaga dhacay
	Dad intuu u xilan jirey
	Noloshiisu duug ma leh

	Bad daruuran baan ahay
	Laygama dabbaashee
	Ninka doonidaydii
	Kala degey halkiisow
	Anba doonnidaadii
	Kala degey hankaygii

	Damdamtiyo shirqoollada
	Dirashada dhufaannada
	Shaxda dalagta lawlaban
	Waa laygu dagayaa
	Xadhig qoob la duulaa
	marba lay debcinayaa
	nin I deydeyaayow
	dhuka qaar ha iga deyin
	nin dorraad ogsoonaa
	halkii Daado lala maray
	jidh dubaaxi maayee
	nin gar iigu dudayow
	dermno haygu kala bixin
	duhur lays hor-joogaa
	la'I deedafeeyoo
	duqaydiyo wax garadkii
	dhulka ugu da'weyneyd
	dunbukh baan u dhiiboo
	meyd bay dul yaallee
	miyaan geedka damalka
	dooyaysan karayaa.

	Naxariisi kuma duxin
	Dhegihii dorraatee
	Hadday ii daloolaan
	Damqashaa ku dhalisee
	Dayo toobad laga filo
	Denbigeedu ma oggola
	Dawliilka hadalkay
	Nin qabow ku durataa
	Wax u dihin shar baa jira

	Shacigeeda dura baxay
	Dawadaydu kuma taal
	Da'day maanta joogtana
	Haddii loo kitaab dayo
	Waxay daaqdo mooyee
	Waxay deeqdo lama cuno
	Malaa waa duqawdee
	Haddii layska deyn laa
	Dulmigay ku tarantoo
	Dacawooyinkaa badan
	Boqol baa ku daba jira!
	Intuu daalac leeyahay
	Ninka doonan karayaa
	Dacwad qoro ma liqi karo.

	Marka deelba deel cuno
	Anaa tayda diirtee
	Toban daawo lala galo
	Derejiyo xil lagu taxo
	Ama duunyo lagu qubo
	Uma korin darmaantee
	Waxaan duullan u cuskaday.

	Inaan duug ku hubin karo
	Madal iyo shir ila da'a
	Inaan dood ka odhan karo

	Inaan daahan garan karo
	Dibnahayga bari karo
	In la diidi karo yeel

	Anigiyo dedaalkay
	Inaan door ka filan karo
	Anoo doogsin cararkii
	La durduriyey haamaha
	Inaan roob I daba maray
	Ufadiisu igu digan

	Debeciyo is dhigashada
	Haddaan duulo halabsiga
	Inaan hoos u degi karo
	Dersi qudha ka dhigo laba
	Dakharrada kol igu dhacay
	Misna inaanay doog noqon
	Ilaa daayin igu shidan

	Daribtayda malabka leh
	In dugaaggu nici karo
	Inaan doogistaydiyo
	Danahayga labadaba
	Nin direyska igu qaba
	Dummaddiisa lagu xidhin

	Dad inaanu kala noqon
	Dangalooyin kala jira
	Si la dayaba aayaha
	Dur u tuuran maayee
	Dufan iyo nin jecelow
	Rido adigu daabaca

	Laba duni ku kala mudan
	Doqonkaba u kala mida
	Waxaan doortay taydee
	Dirgan waaga hurisada
	Maqashaa is dadabtoo
	Dalanbaabi noqotee
	Dib u guuri maayee
	Nin da' furay kalkiisow
	Dalka waan aqaannaa
	Bahal iga da'weynoo
	Dad cunii ma joogee
	Ma didee hargoolow
	Haygu tumin durbaannada
	Iyo daasadaa madhan

	Talo duubka lafa furay
	Degdeggana wax lagu faray
	Iyadaa durduro falan
	Sebenkay derderan tahay
	Xadhko lagu dabbaaliyo
	Qabashiyo diddii ma leh
	Dib waxay ka noqotaba
	Below doorkan maanta ah
	Adaan daacad kuu ahay
	Haddii laygu kaa diro
	Digashaan ka dhigayaa
	Adna diid nin kula faqay

	Samana waysu dihinnahay
	Gabadh ii dambaysoo
	Ii doonnan weeyaan
	Waxaan dayday leeyahay
	Degmo lagu aroosiyo
	Gole lagu dabbaal dego.

	Dibno iima gooyaan
	Dakanooyinkaygee
	Laba daw mid iga xidhan

	Iga dayrsan nacasnimo
	Iga deyran lahashadu
	Iga duuban googoos
	Boholyowna iga dedan.

	Ha is deyso qiil ma leh
	Dushaa layska eegtaa
	Dib baa laysu eedaa
	Haba diillin badatee
	Shaxi duud u kala rogan
	Siba deleb u kala guran
	Weligaa ha igu degin
	Godka daraya qoolka leh
	Daran doorri nabarrada
	Xagga hore u dalandali
	Ha durduuratee sii
	Ha is daashatee lali
	Ha is daasatee hubi

	Dadna wada dad maahee
	Dalladaa habeenkiyo
	Danbas buu huwanayee
	Sawnigii rag kala diray

	Kuwa dayrta iyo guga
	Sida diinka sugayow
	Anaa daaqa cawskoo
	Ku higsada daruurtee
	Ka hadh-gala diraacaha.

	Nimaan diiftu saarrayn
	Dusha sare ka qolof dhicin
	Dubatadu ku shaacnayn
	Nimaan daawa shiillayn
	Ama degel ku sheellayn
	Ama dibad ku sheegnayn
	Daymadaydu suurayn
	Waxa loogu digayaa
	Dohdu Waamo maahee
	Dirir baa ka socotee
	Firdhisada iskaga durug

	Marka dirir gabaabsiyo
	Isma dayada dhiifta leh
	Iyo duraha jiilaal
	Dayawgiyo kulka is wada
	Doorsoonka garashada
	Daaddduunka nugukiyo
	Doc ku dhiidhigeediyo
	Dar-wisiisigeediyo
	Dambabeera ruqankiyo
	Daabaan u jedankiyo
	Duul duuka Jaahweyn
	Anigaa ka doogoo
	Weligay danbeeyee
	Dhulka deexda dharabka leh
	Nin dallaallimaystow
	Dad anaa ku hadhayee
	Dhanka kale u diga rogo

	Anoo daaya mooyee
	Godobteyda daah iyo
	Dadab yaa ku xidhi kara?
	Anoo daadsha mooyee
	Dabka yayga dhiga kara?
	Haddaan doohba lay barin
	Dibso yaa I odhan kara?

	Rag dagaal isugu yimi
	Haddaan guuli kala dirin
	Ama duubi wada jabin
	Isma dooda dhuuxdee
	Marka dhaylo dubantee
	Digsi xanan kulkaan bado
	Iska rogo daboolkee
	Fadhi dagagar yeeshaan
	Garan dooca hadalkee
	Debci qori hay faro.

	Dirirtaan dhanna u dhicin
	Dillo aan cuskanoo
	Dabar ugu badheedhaa
	Docna ima hor-taallee
	Waxaan dani I yeelsiin
	Is dugaashan maynoo
	Dalqad baa ka taallee
	Ilaa laysu dayn baxo
	Waa duurxul nabadduye
	Anigoo wax dili kara
	Duco qaadan maayoo
	Nolol kuma dardaarmee
	Haba diirran oloshoo
	Danba haw gilgilatee
	Aaway dawladdii Xamar?

	Duqri may maqlaysaa
	Daratiyo kud iyo caal
	Durey iyo kul iyo daaf
	Waxaad duumo hidisiyo
	Waxaad hayso daacuun
	Annagaa daweynee
	Dabaq qudha isugu gee
	Ha ka tegin duruustey
	Rag isaga danbeeyeen
	Isku soo daroo keen
	Cirka sare badh soo dumi
	Waxaad hayso soo daa!

	Dala'siga xanuunka leh
	Dadnimaa ka dhalatee
	Nolol aan ku dirirree
	Darxumooyin nagu fala
	Aan doombir qodonnee
	Durdurada si naga dhaha
	Dhirta aanu daaqnee
	Guba dalagga beeraha
	Dekedoo dhan naga xidha
	Aan diinka qalannee
	Cagta mariya duunyada

	Aan direyska jamannee
	Dirka maradu leedahay
	Duni yaanay nagu hadhin
	Marka salabku deeddamo
	Daran doorri laba dhaco
	Ardadaa dillaantee
	Dadku haysu boodee
	Ku dalbada hubka is wada

	Dawersaad ku dhaqantaa
	Dixda dhagaxa yaalliyo
	Dogob aan ku furannoo
	Farsamooyin dayannee
	Keen dabaabadii hadhay

	Cabsi iyo dardaan iyo
	Dacwad iyo baroor iyo
	Dugey yeedhi maysoo
	Hengel waa la daayee
	Ha mashxarado dumarkuye
	Deldelaadda boqol boqol
	Kala daran isugu xidha

	Dacartaa ku shidantee
	Ha darrooro hilibkuye
	Daldaloosha xididdada
	Marka toban la dooxaba
	Annagaa kun dihannoo
	Badhba diir u gelinnee
	Dubta beerka caydiga

	Dunqulaalka madagtiyo
	Xololaddada ka daba hura
	Annagaa ku daarroo
	Qaybo degel gufeynoo
	Duni kale abuurree
	Duddun waayi maynee,
	Idinkaa wax dumiyee
	Daari yaanay taagnaan

	Idinkaa degdegayoo
	Nafta doojinaayoo
	Diihaal la sahayee
	Dux halkaad ku aragtaan
	Dardarsada wadaamaha
	Isku lura daldalashada

	Docolkiyo hareeriga
	Annagaa ka diirree
	Furta dahabka ooryaha
	Iyo duluca gaarida
	Diriciyo malkhamadaha
	Kala baxa dukaannada

	Inta lagu dekeeyiyo
	Inta lagu dingiigsado
	Inta daabac lagu dhigo
	In durraaxad lagu simo
	Adaa dawladee guro

	Anna weliba deeqdaas
	Waxaan kuugu darayaa
	Inta igu dul-saarka ah

	Marka ay dibbootee
	Nin hagraday ka daryshee
	Dugsi looga leexdaan
	Daba geli aqaannaa

	Markay ciinka daaqdaan
	Dabka ugu xiddigiyaa
	Nin dumaala baan ahay
	Degel fule ka bara kacay
	Nin ku diirsadaan ahay
	Maalintay u daran tahay
	Marka daawad lala tago
	Nin didsani iskaga hadho
	Annagaa ku dirirnoo
	Halka daranku dhicinoo
	Sida loogu dabar go'ay
	Deelley ka tirinnee
	Nin debcow dhan uga guro

	Dibadda iyo gudahaba
	Dacallada hor iyo gees
	Doc kastaba adoo jiga
	Isu baydh dad-qalatow
	Isku daya kas iyo maag
	Inaad xeesha dalabta leh
	Igu laba dibleysaan
	Isku duuba qorigiyo
	Birtaan daabka haystiyo
	Midigtayda daalacan

	Rabbi derejadiisiyo
	Deeqdiisa culus iyo
	Diintaan ku dhaartay

	Culimada ducaysiyo
	Lagu hubo daliilkee
	Digrigaan ku dhaabtay

	Xilka dawlanimadiyo
	Dalka iyo shinkiisiyo
	Dad leh baan ku dhaabtay

	Dooddigii Mandheeree
	Laga qaxay dayaankiyo
	Darban baan ku dhaabtay

	Dhabbad iyo Gal-dogob iyo
	Digtii warayaal iyo
	Duman baan ku dhaabtay

	Birjeex deedankeedii
	Laga diday kulkeediyo
	Degsan baan ku dhaabtay

	Lixle damacyadiisii
	Diric Ina Saleebaan
	Duxan baan ku dhaabtay

	Ifku Xaamud daariyo
	Khaliif doorrankiisiyo
	Digan baan ku dhaabtay

	Hurre doonnantiisii
	Gurey Ina Dawaarriyo
	Dar kalaan ku dhaabtay

	Islow dara-digiisii
	Danab Aadan Shiiniyo
	Dadban baan ku dhaabtay

	Karuur duur-xulkiisii
	Iyo damalki Koosaar
	Dedan baan ku dhaabtay

	Dil-dillaanka dhiiggiyo
	Inta nacabku dooxee
	Dahan baan ku dhaabtay

	Inta daahya dhagartiyo
	Ku xidh-xidhan dalluuntee
	Dabran baan ku dhaabtay

	Dalan-doolka caydhiyo
	Dingaraarka mudankiyo
	Dibjirkaan ku dhaabtay

	Inta cadowgu dayrshee
	Dibadaha u hoyatee
	Dulman baan ku dhaabtay

	Aqallada daloolee
	Doolaabo huruddee
	Dansan baan ku dhaabtay

	Garashada dareenkiyo
	Inta laga dab-qaatee
	I dirtaan ku dhaabtay

	Dacar iyo ladh jiifiyo
	Inta doogta kicisee
	Damaqdaan ku dhaabtay

	Dhulka hanad ka duuliyo
	Duriyaan ku geydee
	Daalacaan ku dhaabtay

	Dar-daraa barbaartiyo
	Inta dirirta geydee
	Diran baan ku dhaabtay

	Dedda-ruxanka maankiyo
	Daaraanta godobtiyo
	Dunbukhaan ku dhaabtay

	Doodaha sinnaantiyo
	Dimuqraadinimadiyo
	Daacadaan ku dhaabtay

	Deebaanka noloshiyo
	Diiwaanka nabaddiyo
	Duuggaan ku dhaabtay

	Dil-dillaaca waagiyo
	Dabka iyio cadceeddiyo
	Dayaxaan ku dhaabtay

	Qalinkiyo dawaaddiyo
	Dugsiyada aqoontiyo
	Dawankaan ku dhaabtay

	Dalawada la maaliyo
	Daableyda gudintiyo
	Doobigaan ku dhaabtay

	Darka iyo wadaantiyo
	Inta doojinaysiyo
	Dawliskaan ku dhaabtay

	Digirtiyo galleydiyo
	Durdurrada waraabshiyo
	Dibigaan ku dhaabtay

	Inta dhididku deeqee
	Dan xalaala jiratiyo
	Dubbahaan ku dhaabtay

	Da'da soo kacaysee
	Dummaddayda xilatee
	Dagan baan ku dhaabtay

	Hirka Daalalleydiyo
	Dersan iyo Rashiid iyo
	Duculdaan ku dhaabtay

	Inta diib is marisiyo
	Naxariista dunidiyo
	Dumarkaan ku dhaabtay

	Dab haddaan hunqaacdiyo
	Haddaad daacdo dhabataba
	Haddaad adigu doontiyo
	Haddaad adigu diiddaba
	Haddaad ii darraatiyo
	Haddaad ii ducaysaba
	Haddaad maato dabatiyo
	Haddaad doobta lalisaba
	Haddaad doolli noqotyo
	Haddaad daasas fagataba
	Haddaad geelal didisiyo
	Haddaad dylo shabisaba
	Haddaad faan dudubsiyo
	Haddaad been daldalataba
	Haddaad kaara ducatiyo
	Haddaad geeri dihataba
	Haddaad dooddi oroddiyo
	Haddaad deeddan socotaba
	Haddaad soo durdurisiyo
	Haddaad xeel la durugtaba
	Haddaad waalli duushiyo
	Haddaad maan ku dirirtaba
	Haddaad daad faruurtiyo
	Haddaad soo da'fanataba
	Haddaad duusho kicisiyo
	Haddaad dawri carisaba
	Haddaad dawga xidhatiyo
	Haddaad deyr is marisaba
	Haddaad buur la deristiyo
	Haddaad dooxyo qodataba
	Haddaad doobir shidatiyo
	Haddaad diina taxataba

	Hadduu dhiigu daatiyo
	Hadday xaydhi dixataba
	Hadday guushu degatiyo
	Hadday daahyo rogataba
	Hadday qaanso debecdiyo
	Hadday shiish dellegantaba
	Hadday Daylo curatiyo
	Hadday deero tebisaba
	Adoo dool dhaqaaqiyo
	Adoo data mooyee
	Damac waa halkiisii
	Dabna waa dabkiisii

	Dusdukay ku dheregtee
	Haddaan daalku dheeraan
	Gabbal baas u dumin nabad

	Nin dalleensi lagu cunay
	Haddaan guuto loo dilin
	Dakharkiiba toban noqon
	Nin kastoo dun iga qaba
	Haddaan daab-cad lala dhicin
	Jannnada durduurta ah
	Haddaan daadku soo qubin

	Aqalada derbiga dheer
	Haddaan daaqad laga gelin
	Ninka dabin ka boodka ah
	Haddaan diirad lagu helin
	Haddaan duubka gogoshiyo
	Lagu dhuuman dalowyada

	Haddaan shaashka derejada
	Dallacaada laga nixin
	Dal Allay u kibirtee
	Haddaan iilka lagu degin
	Haddaan meydku duurkiyo
	Derrimaha ka fara badan
	Sanqadhaa dabayshiyo
	Haddaan fiinta laga didin

	Fadhigay ku daaqdee
	Haddaan soodhku dalandalin
	Halka doobi lala maro
	Haddaan raacdo daba gurin
	Dacfalaanka mahaddiyo
	Dardarsiga barwaaqada
	Iyo doosha subbaga leh
	Haddaan laysu dacarayn

	Inta daran intaw daran
	Haddan duulal lagu falin
	Haddaan deebta gumuciyo
	Lagu guban dabkaan shido
	Duhur laysla wada jiro
	Haddaan guusha lay deyn
	Alley-lehe docdaydii
	Ha Goblamo dad weynuhu.



    

Daryeel   Dib U laabo


	Markaan daafta hoosiyo
	arko daymo-bogashada
	ararha la daadshiyo
	dhirta lagu daleeyiyo
	waxa buuro daah wayn
	lagu daabay ciidiyo
	bado laba dibleeyaa
	ishu damac i gelisaa.

	Markaan daawashada guud
	dayixiyo cadceediyo
	dildilaanka fadadkiyo
	onkodkiyo dayaankiyo
	danab laba dhacaayiyo
	dardaraa hilaaciyo
	arko hogol darroortaa
	runtu igu duxdaayoo
	derejada Ilaahay
	dib usoo xasuustaa.

	Haddaan doogga cawskiyo
	deegaantu saarayn
	dhulku duug ma yeesheen
	dihaal mareebeen
	qofna kuma daneysteen
	Rabiyow dushiisoo,
	dunidaada eebow
	adigoon cid dirranbaad
	todobaad ku dadabtoo
	iyaddoo dambarisoo
	sida doonan gabadheed
	inta timaha loo dabey
	dunta lugu afmeershaa
	laga furey daboolkoo
	dalagkaad ku beertaa
	ninba weel darsanayaa.

	Inkastuu qof diintiyo
	dar illaahey jecel yahey
	labadaan af yeeshaa
	koley waa dambaabaa
	hadduu kaa abaal daro
	dadka kaad u roon-tahey
	adigaa dul qaatee,
	Rabiyow hanugu dumin
	cirka duudka weynoo,
	Rabiyow aannu nala degin
	dhulkan aanu daaqnaa,
	Rabiyow hannugu didin
	bahalaha derderanoo,
	Rabiyow hanugu dirin
	dabeylaha cartamayoo,
	Rabiyow hanugu dirin
	duufanadaadoo,
	Rabiyow hanugu darrin
	durdurada rogmanayoo
	Daad xoor hanaga dhigin.

	Rabow duunyo nool baan
	ka awoow dugsanayoo
	dibnaheygu caaniyo
	dux baruurleh mooyee
	uma baran wax doorshee,
	Rabiyoow diraaciyo
	jiilaal dab-kululoo
	dibad joogta cowshiyo
	dabar gooya xoolaha
	Dibirtooda naga hay
	Raboow roobka deyrtiyo
	guga doogsintiisiyo
	Dirirada xareedaa
	dacalada hanaga marinee.

	Rabow duumadaadiyo
	inta cuduro duushee
	Docwareenka feedhaha,
	sambadada dalooshiyo
	Dacuun hanugu ridin.

	Rabiyow dagaaliyo
	dabley gaatamaysiyo
	doofaarro badan baa
	musduleedka joogee
	kuwa diidey nabadiyo
	belo laga ducaystiyo
	manaxaan hanoo dagin
	duulaan hanagu jebin.

	Rabow dowladnimaduna
	kuma iman dalxiisoo
	doorroonayaal baa
	u daldaley naftoodoo
	dumar baa hugoodiyo
	dahabkii u iibshoo
	Doondoonisteedii
	dhiig baa ku daatee,
	Rabow dawlad curatoo
	ubadkeeda deeqdoo
	dakhrada bogsiisiyo
	dawa la isku baantiyo
	ka dhig malabka doocaan.

	Rabiyow dirkeygii
	gobolaa dambeeyoo
	u dib jirey caddaawoo
	darrayada gumeystuhu
	daran-doori lagu dayey
	rabiyow ka soo daa
	Dibin-daabyadoodoo
	shanta dagal isu keen.

	Rabiyo dadkaygana
	danwadaag isjeceloo
	darjaysa qarankiyo
	bulsho laga dabqaatoo
	Carro Edeg ku dayatiyo
	ka dhig ul iyo diirkeed.

	Rabiyow dugaalkiyo
	dugsi waa dhul hooyee
	dibad ruux u sahan tegey
	duli waayi maayee!!
	nin da'diisa tuugoo
	dawarsadey asaagii
	doqoniimo weeyee!
	dalkayaga Ilaahow
	dheregiyo daryeel iyo
	Wax nadeeqa nagu sii.

	Rabow doodda akhiro
	marka ay durbaankiyo
	dawanadu is dhaafaan
	dadku kuu yimaadaan
	deryka soo fadhiistaan
	rabiyow hanagu darin
	inta aad ku digatee
	u dareerta Naartoo
	labadaada daraarood
	rabiyow ta door roon
	Kuwa dagaya naga yeel
	Amiin Allahayow
	Amiin Allahayow!!!


    

Dayn maayo Heesta   Dib U laabo


	Laabtu way hugmanaysaa
	Afku way hud-hudayaa
	Hadal buu I leeyahay
	Anna waan hor joogaa.

	Wax la hado shil bay roon
	Wax la helo lib bay mudan
	Wax la huro naf baw culus
	Wax la hubo wed baa jira

	Senge hoohadaa baxay
	Habaqlaa ka daba tegey
	Inkastay habaaskiyo
	Ka dhergeen huq iyo ciil
	Hafashada asqoobeen
	Boqol jeer hungoobeen
	Weli way handanayaan.

	Ma hillaabni laan-deyr
	Ma hagoogni waabay
	Hagar-daamo kuma jiro
	Hurin diiddey nabaddiyo
	Wadar ii heshiisoo
	Huminaysa dhagar baa
	Hubku iigu tuman yahay

	Sacabkiyo haloosiga
	Hogolaha ku soo degey
	Haradiyo jidhaamaha
	Waxan hooyi-waalaha
	Ugu shubay hadhuubbada
	Dadku inu hamuuntiyo
	Kaga baxo harraadkee
	Hilin kale in lala maro
	Ama hawdka lala xulo
	Haanraawe daba galo
	Foolaadka kala hadho
	Hororradu bakhtiistaan
	Hiyigayga kuma jirin

	Hiirtaanyo lagu dhacay
	Haaraanku fara badey
	Higil iyo faq dheeraa
	Huradadii la deyi waa
	Habar wacasho lays gurey
	Hebel hebel canbaaree
	Hebel kale ka marag dhigey
	Nin hayaanka beeshiyo
	Danta guud ku hawshoon
	Hafarkiisa lagu dhaqan

	Hilbo ceedhin lagu waab
	Ninba harag u saynsaab
	Hataq madaxa loo geli
	Hoosaaso lagu qaley
	Beladiila halabsaday
	Hugunkeedu dami-waa
	Nin hinaasay deyn-waa
	Hibashada qumbacashada
	Hengeshiina furi-waa

	Hor Allaa la tegayaa
	Wax hanbaysta baan idhi
	Garta hubiya baan idhi
	Runta lagama hiishee
	Xaqa halacsadaan idhi
	Hawraarsan laga waa
	Haye way ku adag tahay
	Wax hallaaba mooyee
	Wax hagaaga ma oggola
	Qaska way horseedaan
	Xanta waw hiloobaan
	Guusha ay hufnaantiyo
	Si haboon ku waayaan
	Xisti bay ku hooyaan
	Hunguraa wax lumiyee
	Hawadoodu kama foga
	Haasaasa maalmeed
	Murtidoodu huubiyo
	Hal-dhac bay u badan tahay
	Ma karaan higgaadiyo
	Halxidhaale toolmoon

	Haamaha gun-dheerta ah
	Hilaygiyo lingaxa sudhan
	Ma helaan sarbeebtiyo
	Isha hoga-tusaalaha
	Sugaanta hodanka ah
	Hindisaha aloolka leh
	Ereyada hal-doorka ah
	Hab kalay u weriyaan
	Hawraar nin tiriyoo
	Hanaqaada ma oggola

	Ninka hooto-dhegaley
	Nabar hoos ka tuuroo
	Dadban igu halgaadow
	Hangaraarac baan ahay
	Lugo habay hal iyo laba
	Kuma hadho tummaatida
	Dabka aydin huriseen
	Hakin maayo socotada
	Hoogaansigaygiyo
	Hebednimada guudkiyo
	Hayal-samida muuqiyo
	Haaheyda malabka leh
	Ha ku dagan sabaalaha
	Hayin aan la raranoo
	Lagu qaadin heeryoo
	La hoggaansan baan ahay
	Hamrashada asaaggey
	Hooyaday iguma dhalin
	Fula-guulka harawsiga
	Hanjabaadda kuma dido
	Hataqaha si dalagta ah
	Haadaanta kuma jabo
	Dabin haad ka roor dhigay
	Yaan hilaaddu kaa lumin

	Halla waa ogeysiis
	Inta hoogga dacarta ah
	Ku halaan-halaysaay
	Hunbanida is gurataay
	Ladhka soo hinqanayow
	Nin haadaafa lama odhan
	Haybta nolosho kaa xidhan

	Nin habsadayna kama tegin
	Himilada adduunyada

	Nin la hago xil kama dhicin

	Aniguna hed mooyee
	Inta hibada Eebbiyo
	Hawraarta maansadu
	I hareera yaalliin
	Hal-abuurku ila jiro
	Hiyigaygu nool-yahay
	Hammigaygu shidan yahay
	Hanku igu lammaan yahay
	Waxa aan higsanayaa
	Dhul of iiga hirayaan
	Haasaawe furan yahay
	Qodob laga hadlaa jiro
	DEYN MAAYO HEESAHA

	Hollashada mijiiraha
	Nin hannaanka gabayada
	Hanan waayey naaskow
	Hashu waa ammaanee
	Haaneedka sii daa

	Hogga aad daboosheen
	Halistaa maleegteen
	Shilka aad habayseen
	Habbisada falkiinniyo
	Isla hela awaytida
	Habaarkiinnu ima karo


    

Debed Yaal   Dib U laabo



	Deelley karaankeed
	Inkastaanay duuduub
	Demmanaha wax ugu odhan
	Hadalkana u duur xulin
	Ama daaqsin geel marin
	Doc qudhay shifeysee
	Dhanka kale ma daaweyn
	Nin sharaystay kuma duxin
	Dhego debecsan kama helin


	Ma hirgelin dabuubtii
	Dooddiina lama garan
	Ama waa la dala'sadey
	Lama baanan doogtii
	Dakharkiina lama dhayin
	Wuu sii darsanayaa
	Daldalookii sii korodh
	Daba-keenna faalkii
	Ku dayow xiddigiskii
	Dugtey xeegadiisii

	Dildillaaca maraddii
	Wax la sii daneeyo
	La dugsado ka weynaa
	Misna deylo bixisada
	Dhaw dhawdu kama degin
	Gaarriyow dabuubtiyo
	La dardaarankeenii
	Doolaalo dheeraan
	Dira dire ka soo qaad

	Dabaqyada dhunkaasha ah
	Ninkii duubi kala baxay
	Durba soo rogaal celi
	Dooraalayaashii
	Weli ways dalbanayaan
	Damac iyo hungurigii
	Sii durug hankoodii
	Darka laysu mari waa
	Xaajada delleganta ah
	Weli dawliskeedii
	Dandan buu ku dhacayaa

	Qalinkiyo dawaaddii
	Weli ways dul-yaalliin
	Dul-fiqaarna lama dhigin
	Qubanaha la duudsiyey
	Isagana dagaal faran

	Daanyeerku laan buu
	Weli dacalka haystaa
	Bahal ceedhin deyn waa
	Anna waxa la ii diray
	Daaraanta godobtoo
	Nabarrada damqanayaan
	Hadba dacar ku noolayn
	Ilaa daayin abidkay
	Dawankaan ruxruxayaa
	Falla waan ku darayaa
	Marka doobi buuxsamo

	Intaan deebshey gaawaha
	Danbarsaday irmaantaas

	Adigaa hal-doorkiyo
	Suugaanta derida leh
	Dir ku kala kexeeyoo
	Midba dara-dhigiisiyo
	Dhirta looga diiriyo
	Dillo ugu abtiriyoo
	Dantu waxay u magan tahay
	Darka fayl is dhaafiyo
	Daran-doorri shubidee
	Inta aynu dirirtiyo
	Dood wadaagga leenahay
	Dabra celinta xeeshiyo
	Shax dalaynta togoshada
	Hindisaha godkaan dego
	Ku danbee Rashiidow
	Jire waa ii duufaa
	Jarta haygu sii deyn

	Intaan deebshey gaawaha
	Danbarsaday irmaantaas

	Wax la yidhi nin dooloo
	Beryo dibada meeroo
	Dani baajin weydaa
	Caal waa dib ugu kacay
	Degelkuu cid ku ogaa
	Fadalkiyo durduradii
	Wuxuu dacal ka soo galay
	Dooryaanle waagii
	Didibkii la oollaa
	Daaqsin buu ka halacsaday
	Dayr-dhaaf nin jiilaal
	Shitay dogobbo waaweyn
	Waxa duunka hoosiyo
	Damaciisu kula faqay
	Ninkaas daartay xaabada
	Wax u dagamsan baa jira

	Lugihii degdegayuu
	U duwadey dhankiisii
	Isla doonasho Illaah
	Doobku waa walaakii
	Waa ninkuu dad iyo maal
	Dummaddiisa kaga tegey

	Durba laysku soo bood
	Degdeg laysu gacan qaad
	Wuxu yidhi "bal soo durug"
	Hadalkana I deeqsii
	Marmar baan daraaddiin
	Degdeggiyo kalgacalada
	Odhan jirey ma duushaa
	Meel bay dalooshoo
	Dal tabyaa I haysee
	Duni waa ku dhaqannoo
	Dareen lagama waayee
	Degmadii ma nabad baa?

	"wuxuu yidhi Dareen ma leh"
	degmadana shil kama dhicin
	dadna waa fayow yahay

	kuye "dooddigaygii
	dardartaan u yeellaa
	imminkaan debcinayaa"

	ninba dabada meel saar
	warku sii dabayl raac
	laysu daaddeg toyashada

	Wuxu yidhi "hal ii daran
	Goreygii dufka lahaa
	Ma rakaatay doobtii
	Shinbiraha ma didiyaa?

	Wuxuu yidhi "ku daayaa"

	Maxaa daarey buu yidhi?

	Wuxu yidhin "dabaalkii
	Lafii Daabbad qaarkood
	Sow duleedka kama helin
	Duf ku bexe wedkiisii
	Doqonniino gurayaa
	Nacasnimo daldalayaa
	Dabadeeto eedyaa".

	Wuxuu yidhi dul-badanii
	"doonnidii la raran jirey
	ma nafbaa ka daydeen
	mise wuu dibboodoo
	dugaag caydha baa helay?

	Kuye "daayinkiisii
	Denbi dhaaf ha siiyee
	Sawti duugti loo qalay
	Ducadii adoogeen"


	Wuxuu yidhi "duqeennii
	Degta inagu sidi jirey
	Isaguna ma dubuq yidhi?"

	Kuye "seben ummulo doox
	Dabayaaqadiisii
	Intii aan duqduba hoyan
	Dabra weerar nagu dhacay
	Duullaan ku dhimayaa."

	Wuxuu yidhi "ma Daadana?

	Kuye "daad la orodyaa
	Daaddeys ka xooryaa
	Intaan danabadaaddii
	Ubadkiyo durriyaddii
	Dahrigaaga laga jaray
	Subax keliya duudduub
	Lagu darin xabaalaha"

	Wuxu yidhi "dabayshaday
	Dayaxay madoobaa
	Gabbalkay dam weeyaan
	Da'yartii cuddoonayd
	Iyagana docdoodii
	Ma daleel bannaan baa?

	Kuye "duumo xaaqdaa
	Intaan Dahabadaadii
	Duulal raacay loo tiring
	Iyagana ka daba gee
	Wixii aakhiraw degey"

	Kuye "Dahabadaydii
	Iyaduna ma duug baa
	Maxaa loogu daw-galay?"

	Ma dumaashiday baa?
	Kuye "waaban daalee
	Sawtii Duleedow
	Daandaansi keentee
	Jin dagaagay maagtee
	Aqalkii ka dumisee
	Lagu helay danbiga culus
	Sawtii la doorshee
	Dalandoolli laga dhigay
	Intaan xoolo dabar go'in

	Duugowyey xiisii
	Dirga waayey hadalkii
	Indhuhuna is daydaye

	Wuxuu yidhi "dad yaa hadhay?
	Maxaa duunyo weli nool?

	Kuye "duunyadeennii
	Daratiyo kud weydii
	Dadna waa anoo qudha".

	Duleedoo aqoonsaday
	Inaan guul danbaysoo
	Lagu diirsadaa hadhin
	Ayaa daymo murugo ah
	Dibno jiitamaayiyo
	Deelqaaf ku yidhi ciil
	Danab iyo warjaaf iyo
	Daacuun ku kala goo!!!

	Reerkan daaha loo rogey
	Dubbihii Illaahay
	Darandoorri ugu dhacay
	Dam daguugan laga dhigay
	Miyaad guul darraystow
	Nabad iyo dardaan iyo
	Igu tidhi dereen ma leh
	Waxa duur-xulkaagani
	Kaa daarran yahay sheeg!

	Dibadyaal kal adakaa
	Naxariisi kuma duxin
	Jidh dareen umaba dhalan
	Damqashada walaalkii
	Weji duban ku baabi'I
	Af daboolan kula hadal
	Ma degdegin jawaabtii
	Docdan iyo docdaas dhawr
	Dib xasuusta ugu noqoy
	Mirashada ku sii daah
	Dabkii xaabo saarsaar
	Madax diiran baaqbaaq
	Taataabey dakharrada
	Qosol buu ku yara daray
	Wayska dagagar jiifee
	Deexashuu la soo kacay.

	Wuxu yidhi "degmadayada
	Dugsi keliya baa jira
	Diric keliya baa dhiga
	Dersi baanu baranaa
	Dulliga iyo beentiyo
	Doqonniimo faankiyo
	Qoqobkiyo dirsociyo
	Ducadiyo yaboohdiyo
	Inta laga diqoodiyo
	Dawersigu ka kow yahay
	Digashadu u mudan tahay
	Marka qalin daraalaha
	Dilla sheega la cuskado
	Intixaanka loo dego
	Ka dul dhiga jawaabtiyo
	Doorkiyo wax-garadkaaa
	Inta daadataa u badan"

	Wuxu yidhi "degmadayada
	Dibnahaa la cunayaa
	Qosolkaa la deexdaa
	Adigoo il dabayaa
	Dadku inaanay kaa garan
	Misna lagu dedaalaa
	Marka aad Duleedow
	Sidaad doonto weydaad
	Sidaad diiddey yeeshaa"

	Wuxu yidhi "degmadayada
	Si dareenka garashadu
	Aanu nooga noqon duug
	Dawrigaan hayin ahayn
	Ma dagmaha indha qaba
	Tiisa waw daboollaa
	Waanu daadahaynaa
	Wuxu daymo boganlaa
	Dulmar bay ku gaadhaan.

	Ka dheguu daloolaan
	Daba gala wixii dhacay
	Xanta durugsan heli kara
	Dooca waw gufaynaa
	Deeqsiinta hadalkana
	Farahaannu dirannaa
	Iyagaa ka door roon
	Dibno sheega godobaha
	Hayska dagamsanaatee
	Yeedhow dam weeyaan"

	Wuxuu yidhi "degamadayada
	Roobabkiii ka di'I jirey
	Dirirradu ma baahaan
	Dalka uma sinnaadaan
	Annagaa daruuraha
	Deebaanka haynnoo
	Meeshaanu doonnaa
	Lagu soo dabbaalaa
	Dooxaannu seerraa
	Deyr ooda marinaa
	Hogolaha darrooraa
	Marka ay ku daataan
	Deegaan ka saaraan
	Waxa doog ka soo baxa
	Yaa daaqa ma og tahay?

	Inta duunyo dhaqatadu
	Docol ruug tidhaahdee
	Markay xaabka daaftiyo
	Inta dacaydu gaadhiyo
	Daab gaabta laastaan
	Dhirta hoose diirtaan
	Xoolaha dar-leefka ah
	Jeenyaha dul-saaree
	Laamaha duxleyda ah
	Damac fuul ku goostee
	Daamankaan wax sii marin
	Dira waxay haleelaan
	Gawsaha dalqada ku leh"


	Wuxuu yidhi "degmadayada
	Ninka ragga daryeelkiis
	Ama duubka sharafkiyo
	Derejada la siiyaa
	Dabar iyo nac weeyaan
	Darbbo waw ma dhaafaan
	Deldelaaddu xeer ma leh
	Kol haddaan xaq lagu dilin
	Denbi meesha kama dhicin
	Deero deero ma hirddiyin
	Sama diidna loo qaad
	Meydka waw baroor diiq
	Dumarkana hugoodiyo
	Diibkoodu waa weer
	Dacar bay ku dhaashtaan"

	Wuxu yidhi " degmadaydu
	Boobka way la dirirtaa
	In la duro garsoorkiyo
	In la dumiyo ma oggola
	Badi waxay danaysaa
	Dadku inay sinnaadaan
	Kefedaha dalooliyo
	Miisaanka dalabta leh
	Waxa laysu dacal sudhay
	Dibindaabyo maahee
	Waa daryeel sida u yaal
	Danyar loogu tala galay
	Si aan laysu daba gurin
	Dulmiguna xaqa u cunin
	Dayaxaannu awdnaa
	Qorraxdaannu daahnaa
	Nuurkaannu damiinaa
	Mugdigaannu daarnaa
	Dabadeeto fulinaa
	Sharcigii dalka u yiil
	Cir da'furay habeenkii
	Dallad baa la qaataa"

	Wuxuu yidhi " degmadayada
	Dahab baaanu shiillaa
	Lafta dhagax dixeedkiyo
	Bir-lab aan dubnixinoo
	Dabcin baannu shiidnaa
	Derbiyaannu fanannaa
	Daaraannu taagnaa
	Digir iyo galley iyo
	Dalag baanu keennaa
	Daacaddaannu beerraa
	In yar oo dalxiiskiyo
	Weriyaha dan-fulintiyo
	Marti daansha socotiyo
	Ragaan lo darraan Karin
	Lagu dararsho mooyee
	Isku dubnideedaa
	Dekedaha la geeyaa
	Duniday u dhooftaa
	Dulmigaannu gadannaa
	Dibadaha ka keennaa
	Waa daba qabsiye garo.

	Qabqabtiyo durbaannada
	Daran doorri dhacayaa
	Diihaal ma reebaan
	Dayac beel ma haynee
	Dundumaanu maydhnaa
	Sida ogaxda diinkaa
	Daymadu na korisaa"

	Wuxu yidhi "degmadayada
	Cudurrada dillaacee
	Aayaadka diintiyo
	Dadku uu Quraankiyo
	Daa'inkay ka magan galay
	Waaba lagu ducaystaa

	Haddaannaan dagaal ridin
	Ama ciidan soo dumin
	Dawliil ku naalloon
	Ama duul xeryo u goyn
	Ama keenin daacuun
	Ama daadad soo rogin
	Webiyada durdurayaa
	Jiilaal wax naga dilin
	Daba-dheer na salabayn
	Diigaanyo nagu dhaban
	Miyaa daasadaa madhan
	Dirham noogu dhacayaa?

	Wuxuu yidhi "degmadayada
	Ruuxii la duugaa
	Marka laga dareeruu
	Dardar soo ceshaayoo
	Dib u soo dhashaayoo
	Durba loo mashxaradaa"

	Wuxu yidhi " degmadayada
	Dadku waxay la yaabaan
	Dan quntaa u fara badan"

	Wuxu yidhi " degmadayada
	Dibida iyo weylaha
	Waxa dhala dameeraha"

	Wuxu yidhi " degmadayada
	Waxa jira Duleedow
	Habar doobir kululoo
	Dhererkana Dijaal le'eg
	Dadabkiyo ballaadhkana
	Dhirta daray ka xoog weyn
	Dhakadana il dooftoon
	Dawo Karin ku leedahay
	Mar inay wax dihatoo
	Ubad daaddahaysay
	Si kastaba u doontoo
	Markay ciil dellegantee
	Toddobaatan dayrood
	Dedan iyo si daalacan
	Nafta damac u gelisee
	Baryadii ka daashaa
	Rabbi deeqsi weeyee
	Ducadeedi ka aqbalay"

	Da'baa wiil gurracanoo
	Falanoo derderanoo
	Denbi iyo xasarad badan
	Curad guri danbaysana ah
	Dirqi iyo si fool adag
	Hoosteeda laga deyey"
	Iyadoo ha dagantii
	Digta qalabka reenka leh
	Kaga dannaninaysoo
	Demman guulaheedii
	U dabbaal degeysaa
	Suul-Cayn durduriyoo
	Dubur buu ka xulay Hawd"

	Damdamtiyo ciilkii
	Dib waxaan u dhici Karin
	Duqdu sow khalaawaha
	Wax kastaba iskuma deyin
	Dulucana umay xidhan

	Kolba daw shixnadan bay
	Sanqadhaha docdeeda ah
	Hadba ruux la duushaa
	Markay dayma bogashada
	Weji dadabka quusta ah
	Isha daawisiisay
	Qofkaan duud carrale noqon
	Daad xoor ku tuurtaa"

	Illaa maalintii dura
	Sidii bay Duleedow
	Xaajadu dudduuc iyo
	Deji iyo dul gee tahay"

	Ninkii dalawadiisii
	Duhur geed ka seexdee
	Dib jiree habeenkii
	Bahaluhu durduurteen
	Dildillaaca waaberi
	Dalag dalagta raacdada
	Ku dul dhacay raqdeedii
	Runta Magan is diidsii
	Indhahana dib ula noqoy
	Ruuxeeda doon doon
	Dad kaleeto weydii

	Wuxu yidhi " degmadayada
	Danbbar laguma maalee
	Dar-xumaa ka oloshoo
	Dalawadu nin moogow
	May gabin dadkeedee
	Waxa loogu daw galay
	Ninaan daawo xidhinoo
	Ilaa dalan-dalkiisii
	Doofaaro dhiqi jirey

	Duluglaha is haystiyo
	Dibiyada herdamayaa
	Dixda ay ku shaxayaan
	Waxa damashi weyneyd
	Dhirta looga dabar jaray
	Durba haysu muuqdeen
	Kibir haysu dooxeen
	Dacawaa basaastoo
	Dufan looga shubayaa

	Dooh doohdu waa been
	Nin dalaafsan baa yidhi
	Waxay daarran tahay waa
	Isku didi ibleysow
	Mid ahaan duxdiisiyo
	Daribtiisa noo loog

	Degelkaad xusaysaa
	Ma dal buu ka weyn yahay.
	Naf adaa u dudayee
	Afka sow ma hadal deyn

	Kuye "daba-likaalow
	Alleylehe dad baa ba'ay

	Waxaan doogsin cararkii
	Diihaal la orodkii
	Habeenkoo dalool tegey
	Socodkiyo dawaafkii
	Didmo caymadkaygii
	Deli iyo jar kala dhacay
	Wixii doox rogmanayaa
	Igu daray badweyntee
	Daad-xoorta iga dhigay
	Dalo iyo dir-soor iyo
	Waxaan diif la golongolay
	Dalan dool u yeellaa
	Daalaa dhacaygii
	Rugtaan soo duggaashadey
	Miyaa ii darraatoon
	Ugu imi dardaar werin
	Maantana degaankay
	Ma Dagaar u guur baa
	Iyo diillintii Gurey?

	Wuxu yidhi "Duleedow
	Dilalyada ku haysaa
	Amba iima dihinoo
	Intii ay dabayluhu
	Hadba meel deleeliyo
	Daaddeys ku dhigayeen
	Wixii daad mahiigaan
	Dal shisheeye kugu furay
	Dabataan ku noolaa
	Dhaxan baan dugsanayoo
	Anba dayro ku ahaa
	Dibadyaalla kula baxay
	Dooyeysigaygiyo
	Dunqulaalka hoosiyo
	Digsigaan babbinayaa
	Gacma daalis weeye
	Dux inaanan kala bixin
	Malaa daawashada guud
	Dunjigaygu kugu filan

	Haddaad diidday maandhow
	Bal ninkaad u tahay deni
	Iyo xaaji soo degey
	Saadaasha kugu daray
	Isna tiisa daymood

	Ninkii duurka caydha ah
	Duufaan ku soo ridey
	Halkuu daalac heli laa
	Markii dayn ku sii go'ay
	Intuu duubi quusiyo
	Dib u liqay candhuuftii
	Dirri-xaradh ku hawshoo

	Wuxuu yidhi " dulmanidaa
	Misna gacan degganidaa
	Aaway dawladnimadii
	Iyo doorarkeeddii
	Ma dad baan arlada jirin
	Ma nin baa daraaddii
	U daddaaba xidhantiin
	Caku aaran dubatada
	Iyo dooxatada baas
	Dabar maad u goysaan
	Xadhig maa u diirtaan
	Dibso maa tidhaahdaan
	Colka wadhaf ku daydaan
	Nafta deeq u bixisaan"

	Wuxu yidhi " degmadayadu
	Dareen way ka siman tahay
	Doogna way gudboon tahay
	Doorna waw midowdaa
	Libna way ku dirirtaa
	Xilla way daryeeshaa
	Daba gelisyadiisiyo
	Dad-qal way ka adag tahay

	Danna way wadaagtaa
	Duddadaa u kala rogan
	Mana kala dab qaataan
	Dadab baa ku kala xidhan
	Kala durugsanaantiyo
	Digadana nin baa shiday
	Dawaduu ku huriyaa
	Rag inay ku damiyaan
	Dannigoodu farayaa
	Gaas bay ku darayaan
	Meel daad u baahnayd"

	Waxes jira Duleedow
	Dibirrooti kulul baa
	Dingaraaradiisii
	Xaska lagula daatee
	Dakharrada la geystoo
	Waa daanno culusoo
	Rag iskaga danbeeyaa"
	Malaa wayla durugtee
	Aan soo dabbaalee
	Tartan laba ku dirireen
	Dahab loogu beretamey
	In la seexsho dacawada
	Danta laga lahaa waa
	Inuu diinku guul helo
	Dulmarkiyo ujeeddadu
	Dadka waxay baraysaa
	In dedaalku wacan yahay
	Dhanna dulucda sheekada
	Duur-xul baa ku yara jira
	Iyo dala'si laga wado
	Duqu inaanu dheerayn
	Sida loogu daran yahay
	Iyadoo ka diimmoon
	Dayo moog habaarkaas
	Awgiis ma daaree
	Isna duubka hibada ah
	Doomaarta cawskiyo
	Daristuu ka jecel yahay.
	Doqonniimo lama dhayo
	Hedna lama daweyn karo

	Dadka aad ka dhalatiyo
	Dalka aad u dhalatiyo
	Nin la yidhi danta u tali
	Hadan laga dabqaatiyo
	Diric iyo fariid noqo
	Dibin daabyo ku ogow

	Duco iyo xusuus iyo
	Duug aad ka dhaxashide
	Xilka daacad ugu hay
	Ha dullayne gaadhsii
	Meeshay daraaddeed
	U galeen dagaakii
	Diiftiyo kulka lahaa
	Dib u dhaca ka maaree
	Dumar iyo rag hawl geli
	Kartidooda deeqsii
	Derjow sugnaatoo
	Guul baa u dagatee
	Alla doori saw kaa
	Darka jiidhay Maaweel!

	Waxaan dooddi kaga baxay
	Hdalkana ku daa idhi
	Nin dab liqay Rashiidow
	Dhuxul buu ka daacaa
	Ma darmaanta booddee
	Didday baan u jeedaa?
	Ma daliilka muuqdiyo
	Dhamac hoos ka darartoo
	Is dallaallimaysiyo
	Danbas baan aqaannaa?
	Halka Deyr wakhtigu dhigo
	Dib baa looga sheekayn
	Kaddaraa u magac bixin

	

Dhahar   Dib U laabo


	Dhamme Maxamed Xaashow
	Ina Xaashi Dhamacow
	Dhaadmada dareenkiyo
	Dhacdada iyo waayaha
	Ninka ila dhadhamiyow
	Jiilaalku dheeraa
	Dhulka xaabki ka idlaa
	Dhalma deys cirkii noqoy
	Dabka dherigii saarraa
	Dhagxantii bislayn waa
	Inkastoo dhir xoogliyo
	Dhamac yaab leh lagu shiday
	Ma dhadhaab nuglaadoo
	Sida dhaylo suulkiyo
	Lagu goosto dhooshoo
	Hilib laga dhishaa jira.


	Dhamme Maxamed Xaashow
	Ina Xaashi Dhamacow
	Dhahar waa ninkiisii
	Garashadu dhibtiisiyo
	Dhaawaciisa weeyaan
	Dhalanteedka beentiyo
	Dhaymihiisu waa faan
	Shilka dhacay ma moogee
	Isagiyo dhanqalantada
	Dhacantaa u kala rogan

	Wuxu yidhi "dhibaa jira
	Dadku baahi dhigatoo
	Lafahooda dhuuxdiyo
	Dhugatay la jiifaan
	Arrin aan dhegeystoo
	I dhacaysa maahee
	Waxa aad dhafoorkiyo
	Dhabannada la haysaan
	Maqashay ka dhegalee
	Hadday tahay dhismaa guud
	Ka dardaarmay dhawr jeer,
	Hadal kuma dhabcaalayn
	Dharaartiyo habeenkii
	Dhawaaqaygu ma hakado
	Waxa weliba ii dheer
	Dhanbaalkiyo wareegtadu
	Weligood is may dhimin

	Annaa guusha dhaliyee
	Dadka wada dhergaan idhi
	Waxa hadha dhigtaan idhi
	Dhux-dhux iyo faq hoosiyo
	Dhagar qabe ha joogee
	Weli ruux dhammaysoo
	I dhalliila maan arag

	Dhugashada kormeerkiyo
	Dhaabaddiyo fagaaraha
	Dadku sacab is dhaafiyo
	Dhag-dhag iyo mashxarad bay
	Igu soo dhoweeyaan
	Dhan kastaba magaalada
	Inta ay sar dheer iyo
	Dhabbo iyo jid leedahay
	Waxa dheeh farshaxan iyo
	Sawir wada dhalaaliyo
	Waxa iigu dhigan faan
	Dhaayihiinu ha arkaan

	Dhug u yeesha maansada
	Dhubbad-qaadka heesaha
	Abwaan dhaartay suu yidhi
	Miyaa ruux I dhaamoo
	Lay dhaafsho haysaan?

	Dhallinyariyo waayeel
	Dhabba aan u hadallee
	Haddaan dhigo xilkaan sido
	Yaa u dhiibanaysaan?


	Dhamme Maxamed Xaashow
	Ina Xaashi Dhamacow
	Kolley buuxsan dhiilkii
	Toban saniyo dheeraad
	Lagu dhurayey ciilkoo
	Lugtu jeeni dhaaftee
	Dhaadashada ma sugan tahay
	Dhumuc iyo ma xoog baa?

	Dhillowyahankan geedkii
	Lagu beeray dhiiggiyo
	Dheecaanka wadhatada
	Dhexda tolow iskaga maray
	Dhirta maw abtiriyaa
	Sida dhalashadeediyo
	Dhaqankeedu kala yahay?
	Mise wuxuu ka dhigan yahay
	Habartii mar dhooftee
	Doonnidu la dhacantee
	Badda dheelligeediyo
	Dhaxantiyo dabaylaha
	Dhawawalan ka qaaddee
	Iyadooy dhaqaaliyo
	Nafba kala dhaqaaqeen
	Ka dib dhawr ayaamood
	Salka dhigatay ciiddee
	Dhulow kaama kaco tidhi.


	Dhamme Maxamed Xaashow
	Ina Xaashi Dhamacow
	Cashaday dhaharatee
	Geelu dhimo hadhuubkee
	Dhaqayiyo galoof yahay
	Rag ka dhoofa baa jira

	Dhamac yo hannaan iyo
	Saddex dhaqan wadaagtoo
	Isu dheelli tirantaa
	Dhuuni lagu bislaystaa
	Gaarriyow dhardhaarada
	Kol haddii mid laga dhigo
	Rag dhuyaala baa jira

	Maalintay dhanaan tahay
	Rag dhirbaaxo guudheed
	Inta ay ku dhaashtaan
	Xiddigaha is-dhalan roga
	U dhufaanan baa jira

	Inta qaran dhiskiisiyo
	Dhidibkiisu taagnaa
	Dheeraad nin dooniyo
	Nin ku dhega xaaqiisoo
	Dhacsanaayey baa jirey

	Dhederbiga colaaddiyo
	Rag hadduu dhabiiltamo
	Fule dhimashadiisaa
	Dhawr jeer noqnoqotee
	Wax la yidhi dharaartaas
	Ninkii dhiirran geeridu
	Isagay la dhalatee
	Hasha dhaxal wareegtiyo
	Dheeha furashadeedana
	Keligeen dhunkaashiyo
	Dhugtan kama go'aynee
	Haddii laysu jilib dhigo
	Kumanyaal dhigeenoo
	Waxba dhawrsanaynoo
	Sida awrka dhaameel
	Dhoomuhu gubeenoo
	Dhibta kula wadaagoo
	Isu dhaarsan baa jira


	Dhamme Maxamed Xaashow
	Ina Xaashi Dhamacow
	Dhidarkuba xabaalaha
	Kuma dhaadhaceenoo
	Kuma dhiirradeen ruux
	Celinkara dhawaaqee
	Kolkuu meydka dhiilliyo
	Dhaqdhaqaaq ka waayuu
	Hore ugu dhowaadaa
	Dhinacyadiyo feedhaha
	Muruqyada ka dheegtaa

	Kol hadduu dhawaaqii
	Dhicisoobey gabaydii
	Dheg ka maqal ha joogee
	Lumay dhaqan galkiisii
	Sheekadu Dheg-Dheer iyo
	Dhoor-doolis noqotee
	Gaarriyow dhammaadkiyo
	Dhakhso mawgu gudubnaa

	Bulbullahan dhabacashada
	Ku madhsaday dhallaankii
	Lafta dhabarka ka habsadey
	Waayuhu dhirbaaxeen
	Dhaadhaada taahiyo
	Dhuun-yeedhis mooyee
	Sida kale u tamar dhigay
	Beri buu dhinbiil iyo
	Dhuxul daba ka kululaa
	Weli lagaga dhawrsado
	Xaajadu ha dhabaqdee
	Dhabba maw abbaarnaa
	Dadka dhiillo culus iyo
	Dhakafaar ma gelinaa
	Wedka maw dhadhaminaa
	Dhagar maw badheedhnaa?



    

Durdur   Dib U laabo


Maansaba dir bay leedihiyo daabac gooniyahe
Ninba wuxuu ka doontaa halkuu gaar u daaqsado e
Dadka uma gudboonee ragbay duuunyadiis tahaye
Deebaanka ruuxii hayaa lagaga daydaaye
Kani waa dux iyo sooryo iyo malabka doocaane

Waa dood macaanoo nin ragu lagu daweeyaaye
Waa gabay da'weynoo sannado dabaqu saarraaye
Waa doog Massaarriyo ku yaal Doollo iyo Hawde
Waa damal hadh weynoo midhaa daafta soo dhigaye
Waa ceel dad liqahoon fudayd loogu daadegine
Waa danan Ganaanoo fatahay dirirta cawleede
Waa dayr Shabeelloo dhulkiyo doojey beeraha'e
Waa daad rogmadey oo hadhsaday dooxadii Herer'e
Waa duhur Togdheeroo hugmoo kiciyey duufaane
Waa doonbir lagu oon bixiyo daran Nugaaleede
Waa Haro Digeedoo biyuhu dhinac ka daateene
Waa geed Dayibahoo ka baxay sabarka Daaloode
Waa doobi xoorliyo karuur lagu durduurtaaye
Waa deer-cad geeloo rintiyo dahabta qaalmoode
Waa faras dakano raadiyo duullimaad galaye
Waa geesi ciil dirirayoo doog haruu qabaye
Waa gabadh da'deed joogta oo guudka loo dabaye
Waa daraya-muuskiyo dhaclaha Daadi xidhataaye
Durdur weeye laga dhaansadaa daayin abidkiiye

Waa gabay dihnaayoo wax badan ibo daboollaaye
Waa gabay duqii aabihii dayro ka ahaaye
Waa gabay dorraatiyo ogaa dakharradeediiye
Waa gabay durbaankiila tumay diif la soo kacaye
Waa gabay ku diirsaday markuu waagu daalacaye
Waa gabay dagaar iyo ka yimi diillintii Guraye
Waa gabay dushaa sare jiroo caawa soo degaye

Afartaa daleeyey waxaan dib ugu soo laabtay
Toban iga dardaarana hadduu hadal wax daaweyne
Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuutayda
Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin

Baribaa dadkuba qaawanaa dibad ku noolaaye
Ooy daaqayeen cawska iyo darista geedaha e
Dareemada marbay ugu koreen duudka buuraha e
Dalanbaabi iyo guuldariyo dooga cunidiida
Danbaa galisay inay raadiyaan nolol ka door roone
Dugsi iyo markii ay heleen dab i iftiimaaya
Duunyadiyo markii ay dhaqdeen bahaladii duurka
Ugaadhiyo markii ay dabteen deeradiyo cawsha
Beeraha markii ay degeen orodki may dayne
Damacbaa hogaanka u qabtoo door labaad raraye
Daar iyo markii ay dhisteen aqalo daah wayn leh
Markab aan dagayn iyo markii doonyo lagu dhoofay
Sabarayn dabaashiyo markii qalab lasii daayay
Nin waliba markuu daadsadee kibir la daanshooday
Yaa niman dalxiis ugu keceen meel dusheena ahe
Sawaariikh dilaantiyo rag baa guudka loo diraye
Duhur kaliya bay sii socdeen daala may arage
Dayaxay habeenkoo badh tagay degel fadhiisteen
Maantana dhulkii sii durugsan baa dirirka muuqdaane
Dabagaabahaa lagu socdaa awrka doobta lehe
Daalaa-dhac adigoo ahoo cudur ka soo doogey
Nin tunkiisa daawaday hadduu kuu dardaar weriyo
Libta looma daayee ushaa lagu dillaacshaaye
Innagiyo nin dahab sheegtayoo qubaya Doollaarka
In dagaalku labadeenna yahay dib u xusuusnaada

Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
Toban igadigniinaan ninkii dagan ogeysiine
Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin

Dibnaheeda waxa dhaafayee gelaya daankeeda
Yey qodoni eexaysataa dux u taqaannaaye
Ma og tahay ninkii doora baa hadalku deeqaaye
Ma og tahay sursuur daahan baa dabinku yaalaaye
Ma og tahay dalluun baa ka qodan doox hortaada ahe
Ma og tahay xadhkaa dadsan aan lana dareemeyne
Ma og tahay inaad door heshaan lagula doonayne
Ma og tahay tag kula doodayoo kuu dan laa jire'e
Ma og tahay shisheeyuhu nin dagan waa kuwii dila'e
Ma og tahay digtoonaan la'aan dacar inaan leeftay?

Diga-rogadka maanta ah gacmuhu ways dugsanayaane
Dawgaad banaysaa ka kale deylo soo marine
Degelkaad furtaa baa ka kale deyr u soo jariye
Dabka aad shiddaa baa kale saari dogob weyne
Wadaantaad dar keentaa ka kale laaska soo dariye
Dagaalkaad gashaabaa ka kale duub u soo xidhane
Derejada laguu dhiibey iyo guusha kugu deyran
Ma og tahay dallaallimada waa kugu deyeynaaye
Caleemaha ninkii daadiyow dan iyo xeeshaada
Ma og tahay nin daastow inaad dib ugu aayeyso

Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
Toban uu dalkii sheegtayuu daw u leeyahaye
Ninka caawa loo dadab dhigay maqal dabuubtayda
Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin

Wuxu yidhi badh baa dibad ku maqan degelladaydiiye
Cadaawuhu haddaan dooh la odhan dib uma laabmaane
Shisheeyuhu dux buu iga heloo laygu soo durugye
Dahab iyo batrool aan dhalaa daaha loo furaye
Derrimaha madheedhka leh halkuu daaqi jirey geelu
Doogaygu meeshuu ku yiil waa la duudsiyaye
Nacabkay wuxuu weli degaa Doollo iyo Hawde
N.F.D ninkii doonayow daabcad loo tumaye
Obokh dawyadii laga xidhyoo deyrka lagu gooey
Sidii geesigii looga diley waa dumaal weliye
Hadalka laguma dale waxaan idin dareensiiyey
Ban daleela, degel qaawan iyo ooda kala daadsan
Guri aan duggaal iyo gabbood daahna lagu reebin
Guri aan dulsaar iyo lahayn dadabta loo xeero
Oo aan darrooraha cirkiyo daadka celinaynin
Guri uu shisheeyuhu degoo daaqi ka idlaystay
Guri looga sii daray markuu dawladnimo qaatay
Guri daallin iyo weerar iyo dulin abaareeyey
Guri ay dabayluhu galaan amase duufaanku
Maska duula haaway derderan dagan ma dhaafaaka
Dawac iyo dhurwaa iyo shabeel daacuflaha aarka
Guri aan dad-qaad iyo orgobe bahalku deynaynin
Guri duugmay oo aasmayuu daacay udubkiisu
Guri debed iyo bannaan dhul dheer lagaga soo duuley
Guri hoosta doofaar qotoo diinku ku caweeyey
Guri Eebbahay daba qabtiyo doorka iyo xooggu
Adna aad Diktoorkiisa tahay waxa daweynaaya
Idinkaa Diblooma u sitee dib uga faallooda

Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
Toban uu dadweynuhu I yidhi duqayda gaadhsiiye
Ninka caawa loo dadab dhigaw maqal dabuubtayda
Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin

Rag baa weli dushaa laga rartaa sida dameeraaye
Daandaansi joogta ah ragbaa loogu daw galaye
Dibindaabyo niman baa ku lumay debec la'aaneede
Dacwaddooda niman baa dhegaa laga dabooshaaye
Dayaxaba rag baan arag siday dab uga baydheene
Degelkooda niman baanu helin dirirka hooraaye
Duunyaba rag baan lagu ogeyn xoolo daaq taga'e

Dambarkeeda niman baa ka qaday dihina Maandeeqe
Niman baa dalluun lagu ridoo daaha loo rogaye
Niman baa sidii awr dib jirey bahalo dooxeene
Niman baa halkii lagu deldeley daawasho u yaalle
Gumaystuhu dirkaa kula dhashy laba-dibleeyeene
Labadaadi daan iyo afkii daadku kala qaadye

Toban doora, toban daacadoo wada dedaaleysa
Iyo toban dannaa guud jiroo dayrshey noloshooda
Iyo toban dadweyna wax ka jira dacawga soo duulla
Iyo toban billaawaha wax dila daabka wada haysta
Iyo toban diyaarado watoo ina dul-meeraaya
Iyo toban sinnaan doonayoo xeerka daba jooga
Iyo toban sabool daadahshoo midigta deeqsiiya
Toban dudaya, toban uurka daba toban kaloo doorsan
Toban didaya, toban duuf-cunoo nacab la daaweysta
Toban dabata, toban toban duur-xuloo garab ku daaqaaya
Dushaa toban ka wada fiicannoo duunka milil jiifo
Iyo toban da'dii soo kacdaba dubata beerkooda
Dadqal iyo abees iyo orgobe diir wax xaganaysa
Iyo toban dibnaha leefayoo damacu heeryeystey
Dib u socod dillaal tuuga iyo daallin iyo gaade
Toban daallan, toban daahan iyo toban kaloo duuban
Diif iyo xanuun toban qaboo duumo wada hayso
Mid dakaansan, mid dayeysan iyo toban deddoonaaya
Toban dalab leh, toban loo dawero toban daleel jooga
Toban daasadaa wada sitoo xagal ka daacaysa
Toban daadsan, dibada mid jira toban dabayl raacay
Toban xoolo daba joogta oo doogsin cararaysa

Intaasoo is wada doonatoo ul iyo diirkeeda
Intaasoo gudmaha daabatoo degelka soo oodda
Intaasoo danaa guud jirtoo daawo wada qaata
Intaasoo fadhiga deysa oo wada dedaaleysa
Intaasoo ladnaan wada degtoo daacadda ogaata
Intaasoo daryeel wada heshoo gaajo dabar goysa
Intaasoo dagnaan loogu iman ama digtoonaata
Intaasoo is daba taaganoo cadow la doodaysnin
Intaasoo dagaal wada gashoo dab iyo baaruud leh
Taasaa la wada doonayaa dan uga faallooda!

Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
Toban uu Darwiikhkii I yidhi duqayda gaadhsiiye
Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duullin.


Wuxuu yidhi darwiishkii Taleex barasho waa doore
Dagaalkaan abaabuley ragii duubka wada qaaday
Daaraawiishta nimankii la baxay waxan u sii daayey
Daliilkii illaah iyo waxaan diinta ugu dhaarshey
Xeer laba dibleeyiyo waxaan daawo ugu yeeley
Waxaan daabcad iyo soodh af badan ugu durduuraayey
Haddii duullan loo baxo waxaan ula dardaarmaayey
Kolka ay dareeraan waxaan duco u taaraayey
Waxaan duhur illaahay baryee tiriyey deeqdiisa
Waxaan Daayimow idhi habeen doqonta oo jiifta
Darfooley la ii dhigay waxaan gees iga duubay
Dug madow waxaan keli ahaan umal la dooyaystay
Dibnahayga waxaan ciil saq-dhexe foolasha u daayey
Dawankaygu qaylada wuxuu gelinna deyn waayey
Dood iyo heshiis iyo waxaan nabad u diidaayey
Waxaan duubi weynow sengaha ugu duulaalayey
Dirkii Xiin-Finiin iyo waxaan seef isula doontay
Dabkaan shiday, waxaan gaal cad diley dabatadaan laayey
Dabayl ii cad goysiyo waxaan kiciyey duufaano
Danab iyo hillaac iyo waxaan weedh is daba joojey
Dillaalkiyo gumaystaha waxaan gooyey dabarkooda
Dulmadoobe iyo Cayn waxaan dhiigga ugu daadshey
Nolol dalab leh oo jaban waxaan geeri uga doortay
Gobanimo daryeel baan lahaa dawladnimo taage
Doorkiyo barbaartaan lahaa dawliska u dhiibe
Deegaanta Hawd baan lahaa goray ha daajeene
Maatada ha deeqdaan lahaa sidigta Doolaabe
Dadkii dhaxal la'aa baan lahaa doogga haw hadho'e
Shanta kala dab raacdaan lahaa degel ha ooteene
Dakharada bogsii baan lahaa doogta kugu taalle
Ha yeeshee sidaan damacsanaa Daayin odhan waaye
Dagaallamaye daad xoog leh iyo daafi bay ridaye
Halkii laygu duugiyo anoo jiifa duni hoose

Ayuun baa daboolkii sanqadho iga dul qaadeene
Calankoo deldelan baa habeen daaha lay furaye
Danwadaag heshiis iyo israac darammal yeedhaya
Laba deristayoo guul heshoo dawladnimo qaatay
Dadkiiyoo xornimo iidayaa daawo lay yidhiye
Dawaad iyo waraaq baan ka helay meel docdayda ahe
Hambalyada intaan deexday baan taarar soo diraye
Dibnahoo qoslaayaan gam'oon seexday dabadeede
Gabbal dumey habeenkoo dam yidhi aan dayaxu joogin
Dad bakhtiyey kul iyo dayro-dhaaf diqim wax laynaysa
Dibindaabyo xeer dabar go'oo doorashiyo beena

Dumar iyo caruur ooyayoo dugeydu yeedheyso
Xaq daguugmey daa'imo la dhacay dunida oo qiiqday
Gobannimo daryeel iyo xil iyo daacadnimo weydey
Dan hallawday guri daad watiyo dawladnimo qaawan
Calankoo ushii diidayoo daabku celin waayey
Fin dillaacay doog soo kacdoo arimi soo daacdey
Ayuun baa dareenkii labaad daaha lay furaye
Intaasoo darxumo oo dhacdaa daawo lay yidhiye
Dibin daabyo uurxumo waxaan dugul madoobaado
Ilmadaydu waxay yaab da'doon ciil isaga duugo
Garab daar maruun baa carshiga layga soo degaye
Maruun baa xabaaliii dednaa wada dayaameene
Dhaaxaan deddiyo taah kacoon soo dingiigsadaye
Dorraad tawradii dhalatay baa daaha lay furaye
Allaylehe durbaanki la tumay waan ku diirsadaye

Godkaygaa digniin iyo farriin laygu soo diraye
Anigoo darmaan fuushan baan soo dabbaal degaye
Waagoo dillaacaan arkoo duushay dhaxantiiye
Dayax soo iftiimaan arkoo nuuray dunidiiye
Dantii oo la helay baan arkoo loo dab shidayaaye
Deegaan is gaadhaan arkiyo xoolahoo dihine
Dadkiiyoo badhaadhaan arkoo reebay dacaskiiye
Dulmigoo carraabaan arkoy daacadii timide
Dikri iyo Quraan baan maqliyo diin la caabudaye
Dacar iyo rag dhuxul daacay baa daawo lay yidhiye
Door-roonayaashiyo raggaan anigu doonaayey
Duqa Janan Siyaad baan arkiyo dawladii sare'e
Dihin curatay oo igadh ah bay ii danbariyeene
Kolkii aan dardugey een dhergaan dooxay hadalkiiye
Dooddaan u jeel-qabey kolkaan madaxda deeqsiiyey
Yaan idhi dan baan leeyahoon duubtay gogoshiiye
Degdeg baan xabaashii ku tegey daal la'aan socode
Dacallada intaan feytay baan hoos u daadegaye
Inkastoon dalluun awdan iyo joogo duni hoose
Albab ii daloolaan carrada diirad ku hayaaye
Degmadiinnna waxa ii fadhiya duulan la aqoone
In dardaarankaygii fulaan helay daliilkiiye
Caawana mid daw iyo jidoo doora iga hooya
Inay dunidu hawl tahay sidii Daayinkuba sheegay
In dedaalku dhaxal waara yahay duugna laga dheefo

Inuu samuhu door dhalo hadday daacadnimo raacdo
Oy dhaqasho ruux doona tahay dib u xasuusnaada
Circa oo daruuraha marshoo darara mooyaane
Inaan roob da'aa laago rogin dib u xasuusnaada
Haddaan meesha doog iyo tayale duunyo lagu raacin
Inaan doobi loo culan hantida dib u xasuusnaada
Ruuxaan dantiisiyo aqoon waxa daryeelaaya
Inuu deeqda Eebbahay ka qaday dib u xasuusnaada
Daanyeer jarmaadiyo qadhaab gelin hadduu daayo
Inuu ruuxna soor uga durkayn dib u xasuusnaada
Hadday dunidu ber dheef lahayd dux iyo haaneedsi
Dufankii in laga laastay iyo dalaggi hoos yiilley
Oy maana dabagoosi tahay dib u xasuusnaada

Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
Waa toban dastoor tawriyoo deelku wada yaalle,
Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin


Dardarta iyo geeddiga socdee meella degi waayey
Gaadiid dadabtii sidee rarada loo duubay
Dabageliska baydiyo ratiga caynka lagu duugay
Baalaha dareeriyo hantida deyr laga leexshay
Dibnaa sheekadii laga xidhee hadalka loo diidey
Daabkiyodumaha laysu tumay warank loo deyley
Daawada la wada qaatay iyo hawsha lagu daastey
Danta loo dhaqaaqiyo fadhiga dabarka loo gooyey
Doorkiyo abwaannada kulmee laysla wada doontay

Ma daalaha hoggaanka u hayiyo cuurka daba taagan
Dabka shidan dayaxa soo bixiyo dirirka loo guurey
Deegaantu meeshay ku taal doqoni waa mooge
Dhul dabayshu toban sii dhaxdoo durugsan weeyaane
Daanshood waxa lagu tagaa boqol diraacoode
In la duulo mooyee si kale looma ood dego'e
Digdigtiyo hayaankiyo guclaha deeddankiyo heesta
Daruuraha in laga dhaansadaa laysku deyeyaaye
Ma dekaame awr daabbadaa lagu dul joogaaye
Doox baa la marayaa badweyn dulin ka buuxaaye
Inkastaad dabbaashiyo taqaan duurka xuliddiisa
Ood dabin ka bood tahay nimaan cidi dareemeynin
Waxa daadka lagu dhaafayaa daacaddoo qudhahe
Ninkastaa dawaar xiimayuu dacalka haystaaye
Doonnidu ninkii ay riddow dan iyo xeeshaada

Afartaa daleeyaye waxaan dib ugu soo laabtay
Toban Digriidiinnu tidhi sii diktoorada'e
Ninka caawa loo dadab dhigow maqal dabuubtayda
Diktoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin


Waxay tidhi dalkaan wada aqaan labada daamoode
Deyn nimaan ku leeyahay hadduu daw I marin waayo
Waxay tidhi xaqii iga durkaan doonan karayaaye
Waxay tidhi gammaan doobir leh oon daalin baan ahaye
Waxay tidhi halkii didib ah baan dibi ku jeexaaye
Waxay tidhi dixdiyo buurahaan dalag ka beeraaye
Waxay tidhi durduurtiyo khamriga waan ka daahnahaye
Waxay tidhi darmaan curatay baa lay dambariyaaye
Waxay tidhi surwaal duluc-lehoo daadsan ma aqaanne
Waxay tidhi go'duugaan xidhaa dacal hagoogtaaye

Madaxayga deeb uma oggoli waxaan daweynneyne
Darro iyo malaas baan timaa ugu dedaalaaye
Duunyadu hadii ay gudhoo dooga la idlaysto
Waxay tidhi diraacaha dhacaa ima durreeyaane
Waxay tidhi dibtaag naaxday baan daban aqaannaaye
Waxay tidhi galleydaan dubtaa duraha jiilaale
Digir iyo hadhuudh lay karshaa wayga degayaane
Dantu waxay I siisaan gutaa Daayin mahadshaaye
Waxay tidhi digaaggiyo ma cuno hilibka doofaare
Daribio mud baan kaga baxaa diifta gaajada'e
Waxay tidhi haddaan guur damcoo dumarka xiiseeyo
Dabagaab shisheya ah ma geyo imana deeqaane
Waxay tidhi hablaa diibka-laa aniga ii doonnan
Intaas hal oo dood ah iyo faallo daba joogta
Oon Deel ka wada sheegay baan daacad kuu idhiye
Waanada ha diidina rag waa lal dardaarmaaye.



    

Gabadh Madow   Dib U laabo


		Goonyahaygu waa dhagar
		guudkaygu waa xeel
		garayskaygu waa seef
		guntigaygu waa ciil
		gudahaygu waa yool

		Weligay gu´ iyo dayr
		guul oomman baan ahay
		hantidayda gawriyo
		gabayooxna lgu beer
		dayaxay u gudubtaa
		anigana gelgelintiyo
		garab rarato kama baxo
		gadh wadeennadayduna
		giddi inan-la-yaal iyo
		guur-doonno weeyaan
		geyaankoodu waa damac
		utintayda lama gudo
		gashigayga lama bedo
		galladayda lama karo
		dibnahaa ka gaabsada
		guubaabadayduna
		kama foga guraa-baas
		Guuguule yeedhii.

		Badi waan gadoodaa
		Cidda aan galaaftaa
		guurtidayda weeyaan
		anigays gunaanada
		hadba waxan ku giirtaa
		guuleedka ii kaca
		geeddigaygu sahan ma leh
		geenyo hadaftey weeyaan
		goob-yaalka milicsiga
		gabar-gaalka lahashada
		gacan haadis bay dilay
		iyo laba gar-daymood
		gurrantayda bidixdiyo
		garabkayga midig baan
		midba gelin u jeestaa
		ka cabsaday god naareed
		jannadana ma geli karo
		gooddigooda ku anbaday
		duniduna gabaabsiday.

		Tiradaa gedmaysoo
		i galaa baxaysee
		maxaa goolal igu maqan?
		dheeshan laygu goobtee
		gefka lagu heshiis yahay
		mee gar-sooreheedii?
		Geeddu xeer ma leedahay?
		Mise waa lug iyo gacan
		labadaba ku garangari.

		Goohu yuu kasoo baxay
		guurowga yaa wadey,
		maxaa keenay gabayada?
		Inaan gabadh madow ahay
		cadrad lagu gabbood yahay
		malaa waad i garateen?

		Sheeko gaaban baa tidhi;-
		"Nin ay gaajo haysaa
		guri yimi duleedkii
		soddoh garasho dheer uu
		gabadheeda qabay baa
		dhito godollo sheellayd
		ugu geysey meeshii..
		..Isaguna guddoon yiri,
		laysu guud mar toyashada
		caanaha gadhoodhaa
		inay guura-guuraha
		weelka gaararkiisiyo
		gunta badi ku ururaan
		waa ged lagu yaqaannee,
		godankii isugu tage.
		..Isaguna ka geyn waa
		inuu dhiilka gororsado
		gacantana ma dari karo.
		Isagoo xil-gubashada
		u daruuray gaashaan
		Isma gabe wuxu yidhi:-
		"Markii ay na gelayeen,
		waa nala gilgilayoo
		inta nala gun-dhebey baa
		afka nalaku gaacsaday".
		..wadnihiisu galow ma leh
		ku gadaangad ceebtii
		libintana ku geeraar
		xeeshiise lagu garay
		murti guun ah laga reeb.

		Jiiftada gar-dhaladka ah
		waxan uga gol leeyahay
		Allahayow gurracanaa
		marti goor xun socotood
		gobannimo ku soortood
		kugu tidhi gun baad tahay!

		Markii aan garaaddaha
		taariikhda kala guray
		illaa gogol-dhiggiinnii
		galabtaad is-wacateen
		taladana in lay galo
		Baarliin ku goyseen
		Ilaa gooshkan maanta ah
		hadimada i gaadhiyo
		waxaad geysateen baan
		gocahsda xasuustee
		maxaan reer Galbeedow
		godob kaa tirsanayaa?
		mise gabawar mooyee
		tolow maba garowdaan!

		Mxaas gaasas duuliyo
		guutooyin xoogliyo
		gurmad leedda-fuuliyo
		guluf weerar tooxdiyo
		dabley gaatan socotiyo
		geba-geba i saarteen?

		Maxaan goor la ssahdiyo
		habeenkoo gabbala-ridey
		laba gelin is-raaceen
		gaaf-meerka socotada
		iyo guura-bahallaha
		geesaaska fiintiyo
		galow fooridiisiyo
		galayaxa rasaastiyo
		col gurguuranaayiyo
		gellimaad ku sara kacay.

		Maxaad gaadde hoosiyo
		gurrac iyo shirqool iyo
		tabo igu gantoobteen?

		Maxaad garan-gartaydiyo
		guryahayga bi'iseen
		Gacal iyo tol wada yaal
		gobol gobol u u ooddeen
		laba aan is-gooyeen
		kala goonni yeesheen

		Maxaa laba gudboonayd
		midna garabka siiseen
		ka labaad u guusheen
		isku go´a tiraahdeen

		Maxaa wiilal gaammurey
		intaad ugu guduuddeen
		ha galgalan tiraahdeen

		Maxaa Gaanni ciidmiyo
		hanad aan gardaadshoo
		ku goblamay birayseen
		golxobkiinnu ku afuray
		maxaa geesi aan dhalay
		inta gowrac mariseen
		gorgor baahan siiseen
		Maxaa inan gashaantiya
		gayaxaha ka siibteen
		milgadeeda gawsheen
		ka xil baxay gayaankeed
		maxaad gaari weer xidhan
		godol-qaad ku daydeen

		Maxaa guul darraystiyo
		godadliyo hinaasiyo
		Gocor igu habayseen

		Giiba sow nin ma ahayn?
		Geeskayga bari yimi

		Maxaad gacan ku dhiigliyo
		gibil kala tabooriyo
		garma-qaate dhegaliyo
		garac igu abuurteen?

		Maxaad good mariidliyo
		gungumiyo abeesiyo
		goodaaddo jilifliyo
		garangoorri socotiyo
		inta bahal gurguurtiyo
		belo igaga guurteen.

		Maxaa gegi dabayliyo
		gocodhaley cagaagliyo
		galoof iyo candhooliyo
		geyi lama degaaniyo
		goonbaar habaasliyo
		guban lagu asqoobiyo
		gaajada rugteediyo
		gabno igu tilmaanteen?

		Goobtii harraadkiyo
		gurigii cadceeddiyo
		geedkii saboolkiyo
		gudcur maararrowliyo
		yaa go´doonka iga dhigay?
		adduunyada geddaas faray?
		gaasiray maxaan ahay?

		Maxaa gocayadiinniyo
		inta gaawihiinniyo
		gorof iga milaasheen
		gudhan iigu yeedheen

		Aaway guuyadaydii
		geeliyo lo´daydii
		faraskiyo gammaankii
		goolashaydi soocnaa?

		Aaway gaaxsantaydii
		dahabkii guduudnaa
		macdantii goshaydiyo
		gebiyada ku duugnayd?

		Warshaddiinna guuxdaa
		midhahay gadaysiyo
		miidday guntaysiyo
		ganacsiga abeerka ah
		xaggee looga soo guray?

		Guushkay tufaysiyo
		dheecaanka gabaxliyo
		xinxiraha galshaystiyo
		dhiigga gobo´leh yayska leh?

		Immisaa gabaarrey iyo
		garab-casigu koray?

		Maxaa gaatirtaydiyo
		galdaloolladaydiyo
		sida lay gabraartiyo
		garka laygu laylyiyo
		gedda lay salaaxiyo
		googgaa ku sabiddiyo
		gobortayda barateen?

		Dadku geed adaygiyo
		gudintay kol iyo laba
		lafa-geri ku dhuuxaan
		waxba kuma garaacdee
		miyaan tiinnu gaagixin?

		Maxaan geystay oo dhimay?
		maxaan galabsadee falay?
		anigoo la gamashiyey
		gondahayga seetadu
		waxay haar ku gedeftiyo
		Gurgurkii i saarraa
		boqol gu´iyo taartaar
		anigoo gun iyo baar
		korku wada gunaad yahay
		anigoo la golongolay
		sida caynku ii gubay
		gubuxsiga tallaabada
		graba-beekay dhowr jeer
		goob-joogna ka ahaa
		galab noolba waxa dhacay
		anoo uur-gululuca
		la gommoday dhibtaadii
		adoo gacan togaalaha
		gardarriyo is-yeel-yeel
		intaasoo gef muuqdiyo
		guul darrooyin igu falay
		maxaad weli guhaaddiyo
		gaadhka iiga haysaan?
		maxaa gumuca boodiyo
		gaara-bidhaantiyo
		hubka iigu gibisheen?

		Maxaad saymo gadataa
		dab gamaaray hurisaa
		Maxaad gawsahaagiyo
		miciyada golxaystiyo
		ciddi wada garaara ah
		shaadh u gelisaa
		maxaad geda-gedaysaa
		hadba geed is-marisaa

		Ummad geylameysoo
		gaarkooda taladii
		inta ay gorfeeyeen
		raba inay geyoodaan
		kuwa jira gadaashana
		gaadiid u celiyaan
		intaan gaasha-weyntiyo
		cawa-darantu soo gelin
		maxaa geeddigoodii
		gujis lama filaaniyo
		gal dad-liqa ku noqoteen?

		Hadba ruuxa goolmoon
		raba inad gunnaysaan
		ama guufaf timiriyo
		galley loogu sama-falo
		maxaa geeridiisiyo
		waran iyo gantaal iyo
		gaalleef u siisaan?

		U gurbaynta noloshiyo
		gacan-siinta nabaddiyo
		gudashada sidii roon
		maxaa kaa gabaanadey?

		Afartaas god madaleed
		gola-joog ku naanays
		Gaarriyow ka marag noqo
		ila gudubtay sheekadu
		geba gebana doontee
		bal aan soo gunaanado

		Ninka loo gol leeyahay
		issagaa is-garan kara
		sida goosan weer helay
		igu gaabi tuurtuur
		igu gado sir iyo caad
		halkaad gaadho taagtaa

		Aniguna il-galaclaha
		is-gamaarintaydiyo
		gadh-salaaxa maahdiyo
		gama´aan hurdo lahayn
		goroddaan lalminayaa
		gabbashiyo ma aha quus
		gar-naqsaan ku jeedaa
		talaan gawda ku hayaa

		Inkastaad gamuurteen
		geedka aan ka beerrahay
		ma qallalin guntaydii
		ganto xidid leh baan ahay
		dab baan soo gadaal-celin

		Gebi-dhaca i haystiyo
		gaalgaalka dheelliga
		ku guddoonsan maayee
		waxaan goobayaa raad
		jidkii guusha aadmiga
		gelbiskiyo mashxaradaha
		gafi maayo hawlaan
		guryo-samo ku tegi karo
		gaobannimo ku hanan karo.

		Guntashada xasuusaha
		gudashada habboonkay
		gabay gabaygan ciil-tira
		u ged-baxa falaadkay
		waxaan geysto magac-dheba
		Aan lahaanno goorteed.



    

God Madow   Dib U laabo


		Dumar geesi dhaaxay
		Gooyeen heddiisoo
		Ragna garabsi moodkood
		Ka gaboobi maayee
		Gunburreyda hoosaan
		Gurrac uga jarmaadoo
		Darantiyo gulaankaan
		Gebagebo ku dhaafoo
		Guban xeebaheedaan
		Sii maalin gaaloo

		Qorraxdoo godkeedii
		La gelaysa fooddaa
		Luguhu I gabeenoon
		Socodkii gadaashoo
		Gerriyaad dhexdiisaa
		Gudcur igu ballaadhoo
		Garan waa kaskaygii
		Geesaan u jeedoo
		Gabaddano naf joogtaa
		Gogol doonimaysee
		Dhaxantaan go'aygii
		Garbaha iska saaroo
		Good iyo abeesaa
		Igu soo gurguurtoo

		Gool qawdhamaysaan
		gondaheeda seexdoo
		naftu guure mooyee
		gama yeeliweydoo
		guntigaan adkayston
		marada isku giijoo
		waaygoo duduutaan
		goodiga abbaaroon
		eeyi laga hayaamiyo
		guri madhan is taagoo
		sida goraya cawshoo
		galab hoos u jeeddoo
		gu'barwaaqadiisio

		gaaroodi joogtoo
		baydiri gantaaliii
		geed ugula dhuuntoo
		ku gilgiley falladhoo
		meel halis ah gooyaa
		gucle iga dhammaadoo
		godollaan ordaayon
		sida awr gabrareed
		geeddiga higsanayo

		gobolkaan u jeedaa
		guulluhu I keenoo
		gabayoox duleedkaan
		weheshadey go'aygoo
		anigoo gandoodoo
		is-guhaadinaayaa
		waxaan geystey mooyee
		birta layla gaadoo
		inantaan gardaadsheen
		gaadiid sidiisii
		ku xambaaray guudkaa
		wedka ii guddoontee.

		Godob-reeb ha joogee
		Lay diid garawshoo
		Giddi habar-dugaag baa
		Waydaydu gaadhoo
		Gorgorka iyio haadaa
		Ilmo gabax ka siiyoo
		Garanuugta aydaa
		Geedaha ka soontoo
		Ma hallayn gartaydee
		Gacal baan u waayoo
		Golahay lahayd iyo
		Geedkeeda keenee
		Guddidaan u dhiibee

		Guudkeed xil-saaraa
		I gargaari weydoo
		Gaaliyo Islaamkaan
		Gacan-siin ka waayoo
		God madow dhexdiisaan
		Ku gunaanad seegaa
		Geeraarku joogaa

		

Gudgude   Dib U laabo


Gedgedoonka maankiyo qalbiga, gocasho soo boodka,
Xaajada garlayliga jartiyo, Gun u saluugayga
Gibladiyo mashxaraddayda iyo, farax la goohayga
Gandoodkayga taahayga iyo, goobo xaradhkayga


Gurmadkiyo haloosiga taxmiyo, guluf alooskayga
Gama'li'ida reenkayga iyo, jiif galgaladkayga
Goobyaalka caga-jiidka iyo, Meel-ka-gabargaalka
Gucla orodka seeraarka iyo, geyllan dirirkayga
Haddaan geestan eegana cabsida, gaarkay igu raaran
Gabranaanta qoollaalligiyo, mala gorfayntayda

Gadoobnaanta yeelkayga iyo, kala gantoobnaanta
Garab lida soodhkayga iyo, gooninnimadayda
Goofkiyo xabaalaha shixnadan, godadka buuxbuuxa
Cagta go'an lugaa iyo gacmaha, gabawar duugoobey
Naafada garbaha kaashatee, sumucu gaagaabshey
Geerida shinkeed dhaaftay iyo, Guri dambayskayga
Goodaadsigaygiyo hiyiga, garar tallawgiisa

Kol haddaan wadnuhu kuu garrayn, geydha kugu yeedhye
Garasow anaa kula hadlee, gacalkayow heedhe
Nafta gororaheediyo haddii, galowda lays taabto
Geesteyda waafule ninkii, goob ka saahidaye
Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar u faashadaye
Guri ba'ayna waa cadow ninkii, raarta sii guraye
Gobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye.

Ummad geeska loo tumay habeen, gocasho soo jeeddo
Haddii aan tashiga loo golayn, amase gaashaanka
Fallaadhiyo gabooyaha haddaan, godobta loo taaban
Iyadoo gadoodiya hadday, fadal garmaammayso
Hadba nabar gataatiya hadday, gebi dhac tuuryayso
Galladdeeda oo dhow hadday, gaadhi kari weydo
Inta gudashadeed tahay hadday, geysan kari weydo
Iyadoon garaysnayn haddii, gacantu ay daasho,

Gamaarshaa ku dhaca amase way, gabax tidhaahdaaye
Gabbashay liqdaa amase way, gamashi luuddaaye
Way kala guddaa amase way, kala go'doontaaye
Ways gawdhisaa amase way, feedha gurantaaye
Guushay nacdaa amase way, gubasho oydaaye.
Inkastoo guddoonkii burburay, loo gudcura joogey
Inkastoo go'aankii dulliga, geesinnimo diiddey

Inkastoo giyigu waa xormee, gaadhka lagu meershe
Inkastuu gaggaabkii cuslaa, garangar duul duulay
Xaajada god-raaca leh haddii, loo gabbala eego
Sida ay u kala geysan tahay, way gun dheertahaye
Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeeda
Inta maanku gaajeysan-yahay, guuli waa weliye.
Gashigayga way dhaqanyihiin, gaasaskii qabaye

Weli gaaf dugsoon bay hurdaan, ganacya weyntiiye
Dibjirkii gidaarrada hurdaa, laysu soo guraye
Gebegebe rag lagu keenay baa, layga gadayaaye
Erey gara haddii loola tago, godol ma waayeene
Gargaarkoodu wuu dhimi lahaa, guul-darrada taalle
Lafa gerina wayjebin lahayd, maalin gudeheede
Gobanimana way dhalin lahayd, loo gudboonyahaye
Gacalnimana way hubin lahayd , aan la goyn karine.

Weli gumucu meel baydhsan buu, gawda ku hayaaye
Gariirkaad maqlaysaan ka dhow, goobahaan rabaye
Gadhqaadkeedu waa leexsanyahay, waana gudayaaye
Garar loo maleeguu ku ridey, guura socodkiiye
Guudkeedu waa wada fin iyo, gaatir iyo booge
Hadday gooli-baadh tahay, waxaa gabay raggeediiye
Guyaal iyo guyaal bay rarteen , gocorro shaydaane
Iyadoon goblamin baa haddana , geelo loo hadhaye
Gol-dalooladeedaa ka badan, galalka ciideede

Gelin looma wada sheegi karo, xaajo geda weyne
Gawdiidka iyo quusta waa, lagu gumoobaaye
Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane
Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye
Geeddiga cagaa daaliyaa , lagu geyoodaaye
Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan habaqlaaye
Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye
Gargaraaciddeediyo ha deyn, geed ka didinteeda
Garashadu hadday ruux la tahay , suu u garanaayo
Garaadkiisu suu qabo haddii, loola garan waayo
Gardarruu u qaataa ninkii , yidhi garaadkiise

Xaajadu markay gobo'da iyo , gawda culus joogto
Keligii nin gaashaantay wuu, gola ka fuulaaye
Gadaashiisa uun baa durbaan, laga garaacaaye
Labadiisa geesood ma jiro , ruux ku gelayaaye
Arrin lalama guulee warkuu , gura yidhaahdaqye
Dadka wuxu u gacan haadiyaa, qof iyo gaarkiise

Gendi iyo dhukaan buu qabaa, cudurro guumeede
Gogol wuu ku shaashoonayaa, loo gudboonyahaye
Sida goray fallaagoobey buu, Gooni joogyahaye
Kol hadduu nin mawd lagu gudbadey, tiisa uga guuro
Xil uun buu guddoontaye ka baydh, gudashadiisiiye,
Ka galgaley habaar-qabe halkuu, gool ku cuno weyne
Nin hadduu tashiga guuto faran, keli ganaanaysto
Gaaraayucuuntiyo shinnida, gurucya dhaadheerta

Giiryaalayaashiyo fulaa, laguma guuraanka
Gumarta iyo maajeenta iyo, geed-xunkiyo tuugga
Gungunnaafka iyo maarta iyo, gocorka aan quudhin
Kun ninoo guraangura hadduu, goob isugu keeno
Guufkiyo haddii hooda iyo, giniga loo qaybsho
Dadka kale intii gudan haddii, gararka loo jiido,
Ninka gaaban meel dhow haddii, looga geda-sheegto
Guubaabadeedii haddii, loogu godadleeyo

Hadallada galoofta ah haddii, loogu mala gaaxsho
Guryo-noqoshadeedii haddii, lagu gawaan-raacsho
Gabbal daye sidiisii hadday, laba gar-daymooto
Shimbiraha gabraartiyo hadday, galow wax weydiiso
Kol hadday galaydh soo kallahay, laabta uga guuxdo
Garba-raar cadhaysani hadduu, gooyo taladeeda
Guulkeedu dheeraa sidii, geenyadii Bixine

Weligeed fal baa loo guntaa, lagu guhaamaaye
Mar uun bay gadooddaa siday, gees lo'aad tahaye
Galab xiisaheedaa wakhtigu, kaga gaboobaaye
Ninuun baa ku guuree iyada, geeddi waw weliye
Marka wiil ku guro Naarta iyo, godadka Yaahuuda
Ayay kii Jannada geyn lahaa, dayasho goobtaaye
Marka uu galaa buu iyaga, guba yidhaahdaaye

Markay raar guraysaba nin bay, gudub tidhaahdaaye
Gabno ugubi way quusisaa, gaawe Cumarowe
Garab-daar ninkii lagu bokhraa, geedad sare waabye
Gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa beera, ruux gudhane
Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo
Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo
Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya
Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaadho
Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunudye

Marka uu gadaan iyo gadaan, Gacan-togaaleeyo
Ayuun buu waxaan ganac lahayn, sii gorgoriyaaye
Seetada nin goostaba, wuxuu gesto lala yaabye,
Mar hadduu tallaabada gurguro, gaatan iyo booddo
Dhaaxaa gadaal laysla tebey, wiil galbaday jeere.
Toojaba waxaa lagu godlaa, say u gaar tahaye
Gurranidu mar waa dhalasho iyo, gacanba qaabkeede

Marna waa calool garac siddiyo, xaal ku soo gala'e
Kol haddaanay maankaaga gadin, talana kaa geynin
Gurracnaanta qiil lagu saxoo, loo gudbaa jira'e
Gudboonaantu way daalisaa, ruuxa meel gurane
Nin hadduu go'aankiyo sharciga, gawrac ugu jiido
Hadba goondhabaaliyo hadduu, Gooddi-furan keeno
Gacalnimo hal loo yidhi hadduu, gubasho sii beero
Guudaan haddii uu ku liqo, ereyga geedeysan

Runta wuxu u guul-guulayaa, way gun-dheer tahaye
Goldaloolo qudha maaha iyo, goonnidaa taliye
Gedaan loo filayn baa jirtiyo, Geel-la-daaq kale'e
Hadba geed-is-maris baa u hadha, guul dad leeyahaye
Miyaan Geeddi-Baabbow arladu, gelina waayeynin.
Gole miiggan, geed sheegan iyo, garangar muunaysan,
Gudban iyo cod laba geesa iyo, guurti kala soorta,
Garnaqsiga mudducigoo tashiga, gooni uga showrey,

Geda labe maddaacaley hadloo, dhaabad Wan geystey,
kala gurasho meertiyo rogaal, la isla guur guurey,
Maahmaaho wada guuna iyo, gabayo raac raacay,
Guddoon dhacay hubaal iyo go'aan , layku gacan qaaday,
shan god oo murtidu leedihiyo, gororka suugaanta,
Gedda hadalka loo ruga geshiyo, marin gobaadeed dheh.
Gobannimadu waa libin ku taxan, geeddi nololeede

Waa gumaro aadmigu hantiyo, guusha ugu weyne
Guddoonkeedu waa faral siyaal, loo gafaa firine
Geduun buu ka leeyahay khalqigu, maalintuu gado'e
marka uu gabaabsiyo xilliga, laga gu'weynaadey
Ayuun baa ninkii gudan karaa , dhan ugu guuraaye
Qabyadeedu waa guun intay, gaadho weligeede

Galab noolba ooddeedu waa , gudinta loo hay-ye
Nin gufeeya mooyiye ma jirin, ruux gunaanadaye
Gelbiskeeda oo qudha hadduu, tacabku kuu gooyo
Adigoo gadaashaday hadday , guure kugu dhaafto
Gommodkiyo yaboohdeedu way, goora badataaye
Haddii aan gantada loo adkayn, amase gaafaanta

Guddo iyo waxay yeelataa, gulufo shaydaane
Gaadaa dhexdeedaba ka kaca, maalin gelinkeede
Gacmaa lagu xejaa amase way, galab dhaqaaqdaqye
Waa lagu gam'aa amase way, geeri badisaaye
Gob baa lagu noqdaa amase waa, lagu gumoobaaye.
Garan maayo maalmaha intuu, soor gad leeyahaye

Mar hadduu gidaad bahal qabaa, gaajo kula ciiro
Gujo-dhaadhigeediyo hadduu, taabo gorofkeeda
Waxba kama go'aan ruux ku shubay, xeedho gudaheede
Hadduu gaar u maamulo qof, waa geel nin leeyahaye
Inkastoo gantaal iyo wed iyo, gawrac lagu hooyo
Meel loo gun-raaciyo haddaan, gogol dhig loo yeelin
Mar haddaan garaad loo lahayn, wayska gubataaye
Geedkeed ba'waa sixir haddaan, garasho hilayne

Hadduu gaws dhurwaa ruugi karo, waa lafguri taalle.
Gunti-furey nin caashaqay haddii, guudka loo sudho'e
Galacdeeda uun baa indhuhu, golongol eegaane
Giniis iyo hadday kala dhaxlaan, Gaar-la-ababkiisu
Waa maro gargaranoo adhyaha, lagu gabraartaaye
Mar hadduu waraabuhu gashado, Giiro waa halise
Iyadoo gashaantiya sidii, Loola gogol dhaafay

Guurkeedu tuuguu ahaa, Gaabsi iyo beene
Iyadoo garoobiyo markay, Guudka fidhanaysay
Inanuu gumaystuhu dhalaa, Gaadhka ka ahaaye
Gaboowgeeda way doonantahay, gedaha waayeele
marka ay geyaan sheelataa, garacu yeeshaaye
Hadba wiil is gaalaynayaa, loo gu'tiriyaaye

Nin dharaar wuxuun laga guntay, guushu jamataaye
Gobannimadu ruux kuma xidhniyo, Giib ninkii dilaye
Agaabaynta maalmaha gudbiyo, galaha taariikhda
Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade
Ganba-xoorka waayaha haddii, laysu minan guursho
Dad uun baa ma guurtada lahaa , goobihii baxaye.
Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide

Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede
Nin uun baa guddoonsha'e xil waa, laysu gororshaaye
Galladduna waxay saaran tahay , wax isu geygeyne
Inkastuu wax galo ama wax gudo , ama wax weyn gooyo
Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban
Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero

Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye
Noloshana galgalaheeda iyo, gebi ahaanteeda
Waxaan geesi karin baa jiroon, gaar ninawfaline,
Xaajaba gan baa loo unkaa, talaba waa goore
Ummadyahay tiraa kaa gedmane , wax isu geygeyso
Ninkii aad garaaddiyo shaxshaxo, saartay garabkiisa
Kol hadduu dharaar goonya kulul, kaa gelgelin doontay
Waxaad galabsatuun baa jiree, gaado kale yeelo

Ninkii aan gondaha kaala dhayin, gololo hawsheeda
Gardaadkaaga yuu baran inaan, taada lagu gaadhin
Hadday gibili kaa saarantahay, gocomo hooseeya
Waxaan geedna kaa qarin indhuhu, yay ka gabargaalin
Hadba soo gadaal eeg ninkaad, gadato hiilkiisa
Gol dalooladaaduu nin ogi, galagalaystaaye

Aduun bayse kaa go'an yihiin, maalmahays guraye
Godan baa la yeeshaa xadhkaha, haysku wada giijin
Geyigiisa wiilkaan ahayn, gibilka mooyaane
Gun-dhigiisu meel kaa fog buu, geed ku leeyahaye
Si aad uga go'daba ruux ku neceb, gaarar kala yeesha
Guushaada waa lala jiraa, gees ha ka ahaannin
Godobtaada meelee intaan, gacantu kaa boobin
Gacalnimada noolee intaan, gocasho kaa oodin

Guddoonkaaga reeree markay, kula gudboonaato
Gamaaddaada muunee haddaad, geeri huri weydo
Guntashana xusuusnow waxaad, godolba soo joogtey
Gurgurshaana haw raran nimaan, gudasho kuu doorin
Garashana ogsoonow inay, xaaja badan goyso
geeraarku waa sude hadduu, kuu ged-bixi-waayo
Adba goor is weydii intuu, gabaygu kaa dhaafo.
Cir gadoodey, dirir gaamur da'ay, galayax waalaystay,
Onkodkoo gariirkii ka baxay , galowgu yaab yaabay,

Guulaamo sawsaba kortiyo , dhibic garaaraysay,
Guluuluco mareegeysey iyo, gabadhle miish-miishtay,
Fad godladey, mahiigaan dhex galay, mayay ku soo gaadhey,
Waqal gaaftey jarar soo gabradey , gebiyo soo ciiray,
Gibil bururtay, gale foos burburay , galangal leexastay,
Gurdan baxay, xareed-gala1-jabtiyo, godanno midaystay,
Dadka oo intuu nabad gogladey, godob la'aan toosay,
Qorraxdoo garayskiyo martii , gees isaga xoortay,

Dayaxoo intuu gaadh ka degey, gacalo muunsooday,
Tigaaddoo ganbada uunsatoo, shidatay geed-saaqa,
Marka geela laantiisa dheer, gabantu soo reebto,
Guryahoo haleelada sidkani,, gaabis ka fooftay
Marka gorarka naasaha fatahay , goba'da deyn weydo
Galabuu kulaylkii ka jabay, gubayey jeedaalka,
Qorraxdoo gollaha kuulatood, gaari wacan mooddo,

Gaaraabidhaankiyo markay, taranto goobaantu,
Caweys ay gabdhuhu boodayaan, golaha saarreyda,
Dayaxoo galshada meersadood, geesi ba'an mooddo,
Xilligay gammaankiyo ifaan , quruxda gaarreydu,
Dhulka oo galaaluhu simeen, gun iyo baarkiisa,
Cosobkoo golxada fooraroo, laba gardhaalaystay,
Qorraxdoo gelgelimaysatoo , goroddu laallaaddo,

dayaxoo goyaal wada cas iyo, shaal galgala qaatay,
gu'xasilay, gudgudayaal habsadey , adhaxda Gaaroodi,
Marka awrku goojada ka simo, Gaasa-baya dhaartay
Qorraxoo guduud lagu bokhroo, meel garba ah saaran
Dayaxoo intuu garab la baxay, gooddi uga muuqda,
Gararkiyo taraaraha madow, Kala geddoonkooda,
Gabbal ururay, waa soo gurguray, labada worood dheh.
Ged ninkii ogaadaba shillale, guuto loo wacaye

Inta aan gar- waaqsaday intaan, garasho diidaayo
Inta laygu gaad gaadayaa, iiga geed ba'ane
Cishaday gabnowdiyo intay, gelinba heerjoogtey
Girif-giriftu way igu badnayd, gu'iyo jiilaale
Inaan gaabsho mooyiye cishana, tayda maan gabine
Galka seefta kuma haysan jirin, maalin gulufeede
Misna geeladay, gocoraday, iiga gaws kulule

Goonbaartu eelkay dhigtaba, gaari baw xidhane
Godobteedu waxay saarantahay, meelo aan geyine
God markaan daboolaba far baa, laygu godayaaye
Nin gefaaba lay tirinayaa, garasho waa yaabe
Waxan ahay nin lagu saan gatoon, raadba soo geline
Garraantayda qaar iyo, lag iyo, gaasas baa necebe
Gabbashayda duul iyo badh iyo, goosan baan rabine
Haddaan gaasho yeeshana dar bay, gawl la leedahaye
Hadba waxaan ku guul seegayaa, lama garaystaane

Garba-duub waxaan ugu xidhnahay, maan gurracaneede
Inaan geenyo buubsaday haddii, guuxu welijoogo
Gadaal baaba lay eegayaa, gool tirsaa jira'e.
Ummadyahay dib uma guuri karo , gooshkan maanta ahe
Gosha hooyo waa laga koraa, goodir kay tahaye
Gashi baxana waa lagu dayaa, geed ka hadalkiiye
Hadday gudubto yeedhaydu waa , sheeko ii gadane.
Geyigaygu waa kow intuu, waajib ii galo'e

Dhulka kale intaan gaadhi karo, waw gol leeyahaye
Adduunyada go'doon kagamajiro, garangar loo yaalle
Garaadkaygu waa dhaafsan yahay , xaajo goboleede
Dareenkaygu gooddiga sibuu , ii gilgilayaaye
Guhaad iyo canaan buu hiyigu, ii gab-leeyahaye
Inta garasho ii meel la'dahay , tayda maan gudane
Hadba waxan galiilyoonayaa, goobo lay tebaye
Asaaggay wuxuu galo ayaan , anigu gooyaaye
Anigiyo kuwii lagu goblamay, waa gudboonnahaye
Qayrkay intuu guul suntaday, gooni iifarane

Nin kastoo ganbadu saarantahay, dunida guudkeeda
Gurmadkayga waw baahanyahay, ruux la gaasiraye
Taydana ninkii igu guntadey, waw gar leeyahaye
Marba gooha dhiillada halkii, igu galoollaata
Karaankayga waan geyn intaan, geeri moogahay
Waxa ina rag ii guulayaa , tiisa gaarka ahe

Anna waxaan go'aansaday inaan, lay gaboodfaline.
Garawshiiyo jeeraan ka helo, gaanka dunidayda
Jeeraan galaa baxo arlada, gooddi iyo gooddi
Jeeraan gufaacada ku tago, meelo geriyaada
Gaaliyo Islaamkaba ilaa, taydu wada gaadho
Barigiyo Galbeedkaba ilaa, laygu gacan qaado
Gurey iyo Islow iyo Hurrow, gabaygu waa beene

Godadleysan maayee tashiga, waan guddoonsadaye
Waxba yaan indhaha laygu gubin, gaabsi ma aqaanne.
Gudcur laga tallaabsaday ilays, baadi lagu goobtay,
Gamas iishay, gaashaan burburay, gawrac laga maarmay,
Dunidoo giblada iidsanoo, gacal walaalowdey
Gudboonaanta xeerkeeda iyo, garasho nuurkeed dheh



    

Gol Janno   Dib U laabo


		Wakhtigaa is gurayoo
		Hadba xaajo godadliyo
		Ged la soo baxaayoo
		Garashada damqaayoo
		Gudgudaa hillaaciyo
		Geydha iyo fooraha
		Xasan Ganey ladhkiisii
		Goljannaa ka dhalatoo
		Galabta iyo sheekada
		Gorgor iyo Hargeysiyo
		Geeskaannu joogntaa

		In dhoweyd guhaankii
		Gulcub buu dhalaayoo
		Gorgor iyo wax yaabliyo
		Tuke hilib gadaayiyo
		Xuunsho geel la joogtiyo
		Golli heeryo sidatiyo
		Rati gorod madow iyo
		Geesoole boqoriyo
		Saadaal gurracanoo
		Gurran waa la filayee
		Ninkii beesha soo galay
		Gonad dhigashadiisii
		Ri garbaa iskaga taag
		Marna saaryey gaaddada
		Mar gadhkeeda feedh feedh
		Afka godan ku kaakici
		Marna geesaheediyo
		Kaga weehaya goonyaha
		Marna caws u soo goo
		Marna sheemi gaarkeed
		Ka takooryey gacalkeed

		Gabankiyo haweenkii
		Iyo gurungurcoodii
		Gurxan iyo colaad iyo
		Guulguul u saar-saar
		Ku gadoodyey beeshii
		Habeenkiina gaadhkiyo
		Gaaf-meerka tarantari

		Warka lays galaa bixi
		Dabadeeto goobtii
		Gurmadkii isugu tegey
		Afka gacanta wada saar

		Mar la yidhi ridaa guul
		Gallad hoose wadatoo
		Cidi aanay garanayn

		Marna gacal xijaabtoo
		Gunno iyo xusuus iyo
		Laga gooyey samahoo
		Godka lagu illaawoo
		Isa-soo galluubtiyo
		Nin gargaar u dudayoo
		Gibil doorsan lagu sheeg

		Marna aayad gaaroo
		Xidid iyo gun dheeroo
		Rabbi soo guddoonshiyo
		Deg la yaab leh lagu sheeg

		Marna duni gablooshoo
		Isa soo guraysoo
		Socotoo gudbaysoo
		Guuraysa lagu sheeg

		Marna caashaq guunoo
		Goobaayey beeshoo
		Rida Garo jeclaadoo
		Guur-doon ah lagu sheeg

		Googaadu badatee
		Xasan Gareyna tiisii
		Biyo gebi ka soo degey
		Dalka ay ku jeedaan
		Gurdankooda sii raac
		Godankiyo ishii doon
		Gunta hoos u sii baadh

		Gorgorkii xammurraa
		Gacan haadis ugu yeedh
		Dadka goonni uga saar
		Gole xaadhan soo taag
		Googoos u kala bixi
		Gobannimo ku sooryee
		Gelbi oo lugaysii
		Geyigoo dhan soo mari
		Gobolkana wax uga sheeg
		Guji oo wax weydii
		Fuley baa wax gaadee
		Go'e yidhi iskeen sii
		Xaajada gun iyo baar
		Geeraar ku xadantee
		Gudbi oo is dhaafsii
		Ragna galangal soo celi
		Gabayana ka daba tiri

		Gudcur baa arlada jira
		Gogoshaa la jiifaa
		Gama' waa la maqan yahay
		Goonyaha cabaad iyo
		Gurxan baa ka baxayoo
		Reerihii badh baa gudey
		In la guuro weeyaan
		Gaadiid ma laylyana
		Gadh-wadeenka baashuna
		Gabadh buu ku xidhan yahay
		Iyaduna galbeed iyo
		Dhul fog bay go'doonkiyo
		Gocashada ku joogtaa
		Wakhti waa is gurayaa

		Goor danboo xisaabtii
		Geba geba ku dhowdahay
		Ayaa Gaarriyow qaar
		Gabrantii dayeysnayd
		Garaadkii ku soo degey

		Talo laysu geegee
		Dadku hawlo gaaxdiyo
		Gale baadi doonkii
		Gudcur laysla soo taag
		Gabadhii la weydii
		Geedka aan tagnuu yidhi
		Garta jilibka loo laab
		Hadalkina go'I waa

		Gudcur baanihiisii
		Markuu soo gunaanadey
		Guunyo keena buu yidhi

		Gucle orod la soo roor
		Goolal soocan loo miidh
		Ahminkiina loo gee

		Gudcur baa hadana yidhi
		Waxaa goobta keenteen
		Magtii Giibba maahee
		Gashigii badh baa hadhay
		Hasha gabanku maaliyo
		Gaadiidka beeshiyo
		Geyigiyo dhuloo idil
		Waxa geelal joogiyo
		Inta gorod madowliyo
		Geesleyda soo tuba,

		Iyadoon la kala gurin
		Hanti oo dhan loo gee
		Lagu yidhi guddoon hoo
		Inantii ma gadan tahay

		Yaa is gaadhey buu yidhi
		Googarada dumarkiyo
		Waxa aad go' haysaan
		Iyo googo lacageed
		Iska soo guru yidhi

		Guryihii la baadh baadh
		Guntintii danbaysiyo
		Kawlkiina loo gee

		Gudcur baa haddana yidhi
		Xinjir gaatamaysiyo
		Cadraddiyo gashaantida
		Inta wiil gantaashiyo
		Gaashaanka hanatiyo
		Ordoo geesigiinniyo
		Gaaridiinna labadaba
		Goobtan keena buu yidhi

		Codsigaasna loo gee
		Wuxu yidhi guddoonsadey
		Gabadhiina waa taas

		Guul-Allaa la wada yidhi
		Gaaridii la soo hoy
		Geesigiina loo door
		Guurkeeda hananlaa
		Gobolkana xilkiisiyo
		Geeddigiisa koowaad
		Gadh wadeenka noqonlaa

		Golihii la dheehee
		Harrarada la goobiyo
		Googooska lagu xidhay
		Gelbiskii rugtii yimi
		Gurxankiyo mashxaradii
		Dadku gooli baadhkii
		Gumucyada rasaasta ah
		Sida galayax loo tuur
		Isna goobta quruxda leh
		Hadba gees u daymoo
		Guurtidii isugu timi
		Mahad celin ku gaalgaal

		Markii waagu guubaha
		Iyo furay garayskii
		Gaafkiyo xusuustii
		Inta ubax guduutiyo
		Duco lagu gunaanadey
		Gaarriyow halyeygii
		Hanbalyada la gaadhsii
		Gacan qaadka lagu dhaaf

		Ka gadaala wiilkii
		Intuu gaadh u diray qaar
		Gargaraacyey aqalkii
		Soo gal baana lagu yidhi

		Gobaad foolku ka hor yimi
		Isha laysku galac sii
		Garashaa fogeysoo
		Gabadhuba ma heellana
		Wejigeeda guul iyo
		Gacaltooyo kuma taal

		Gacan qaawan soo fiiq
		Kaa geysan bay tidhi
		Xiisihii ka gaagaxay
		Hogashada gandoodkii
		Soo laabtay gorodkii
		Isaguna guhaaddiyo
		Guul guulka ka hor yimi
		Gabbashada is weydii

		Waxay tidhi "guntiga xidho"
		Go'a iga fur "buu yidhi"
		Gudin iyo hangool iyo
		Garab qaad is weheshay
		Tidhi "qabo guddoonshow"
		Gogol buu ku yidhi keen
		Ganbadh bay ku tidhi hoo"

		Gargariirka lahashada
		Cabashada is gabangabi
		Durba gaajo soo qaad

		Dib u guratay Joogdheer
		Eeg eegtay guritii
		Gudur meel halkana yaal
		Iyo gocay hadoodilan
		Ugu geysey meeshii
		Gurracow ku tidhi hoo
		Isaguna guddoon jidhi

		Baahiduu ugolon golay
		Gunnadii xujaysnayd
		Markii u gondaa dhigay
		Galladii ku rayray
		Hadduu gaar xil leeyahay
		Gabadhiiba kuma lurin
		Kaba goosey hadalkii

		Dadkii soo gadaal noqoy
		Hadba goosan soo biir
		Higsi laysku soo gaadh
		Gawraha duleedkii
		Gacalkii isugu yimi
		Golihii la weynee
		Dhagxan laysku soo gurey
		Shaxda loo garraaddee
		Lagu guulyey meeshii
		Sheekadu gabaabsiday

		Badh gataatigii ciir
		Galaayuuska hibashada
		Guuxa hoos ka tuurka ah
		Gocashada kor loo qaad

		Gorey baa ka ciyey meel
		"Gurayow war lagu sii
		gobonimadi waa halis
		geesku baylah weeyaan"

		Kaalay gawrac neefkaa?

		"Gurigiina dadab ma leh
		lagu gurey wixii yiil
		dadkii waa la gaasiray
		lama gadin xilkoodii."

		"Goosaradihii qaar
		Gurac kuuma dhiginaa"?

		"Gabadhiina waa ugub
		iyaduna geyaankeed
		guumeys ka noqotoo
		guudkaa u daban weli".

		"Sarar gool wan shilisoo
		geedaysan hooyaa?"

		Goraygiina yaabyoo
		Ka gu Qaafo buu yidhi.!!!

		Guray oo xuslinayoo
		Baahi geylameysiyo
		Gabaddano eryeysaa
		Gooddiga ka soo kudey

		Gobaad leexadiisay
		Meel dheer ka garatoo
		Waa gaal la joogii
		Yaradkiyo gabbaatiga
		Gudcur siiyey berigii
		Waa ninkii gumeystuhu
		Marka uu gabraar tago
		Garanuugta celin jirey

		Isna soo galaydh yee
		Iyadana talaw go'an
		Haan bay garaysiyo
		Ganbo iyo hagoog iyo
		Googgarad jacfaaniyo
		Maryo dumar u gelisoo
		Gunta iyo furkii bay
		Xinne ugu guduuddoo
		Waxay tidhi "Gadaan-Dheer
		Ninka soo gurdamayaa
		Gabadh doonimaayoo
		Gogol looma fidiyee
		Guushkiyo qadhaabkiyo
		Gawska ugu roonow
		Dhaxantana wax uga geli
		Aniguna gadaashiyo
		Guradaan ka baxayaa
		Gurigiina waa kaas

		Geyllankii xawaaraha
		Gurma go'an xaskeediyo
		Guban raran leh soo jiidh
		Dadkii qaar galaafaha
		Gaadada ku soo qaad
		Gurigii ku soo biir

		Gurrac xadhig ku taandhee
		Ku gaggabi tumaatida
		Garba duub iskaga reeb
		Ginbirkiina soo fuul

		Yidhi yidhi Gobaad yidhi
		Gacan dhiig leh soo taag
		Laye gooha soo reen
		Haantiina kama gurin

		Kol hadduu gobaad iyo
		Goosarado caammiya
		Is la helay ninkii Gurey
		Cidi lama gudboonee
		Hanbaddii ku gooraan
		Gufarkii ku naalloo
		Hadba goobo soo qaad
		Ku gufee calooshii

		Haki Maxamed geenyada
		Hash Garaw u yeedh yeedh
		Godol oo u gaal gaal
		Gabantana ka yara celi

		Wax la yidhi guyaal hore
		Bahal geed is-marisaa
		Maqlay gobol Islaamoo
		Wadaad gaasa baxay raba
		Gadh intuu samaystuu
		Kutub garabka soo sudhay
		Soo gaadhyey beeshii

		Hadba dadabta loo goo
		Hadba goolal loo loog
		Badhi iyo leg loo gee
		Gallad loogu roonaa
		Hoosna gaadhku kala socoy

		Gahan gaha abaaraha
		Sida weerka guuree
		Hadba reer ku soo gaas
		Hadba galab carraabaha
		Masallaha gabboodkiyo
		Hoos galbeedka soo dhigey
		Gelin qudha maqnaan waa
		Guryihii ku fara badey
		Galgal iyo xasarad keen
		Gacan dhaafna lagu arag

		Gungunuuska beenta ah
		Ku galgaley Quraankii
		Guudaankii dhayi waa
		Goosan lumay bariin waa
		Lagu barey gaddiisiyo
		Naan Geeddi Baabow
		Nag gunaanadkeediyo
		Garshada ku dheerayn
		Misna gogosha loo badi

		Isna laba gar-daaqii
		Hadba taako sii gudub
		Ganacsiga ku sii durug

		Guul-darraa ka salaglee
		Galab buu ka kacay meel
		Gegi laysu soo baxay
		Dadkii joogey goobtaas
		Kadin geela weydii

		Warka Geedi Baabbow
		Gujo iyo faq hoosiyo
		Isha laysku gaadhsii
		Waa dad soo gubtoo jabay
		Dhegahay gufaysteen

		Sii garooc hankiisii
		Gu'rin qaalinuu yidhi
		Yaa godkiisa hoosiyo
		Geysanaaya aakhiro?

		Shirkii ruux garaaboo
		Gacan taaga laga waa

		Iyadana ka sii gudub
		Kuye gacallayaalow
		Boqol shilin ha lay guro

		Goroddaa la wada lulay
		Ku go' baana lagu yidhi.

		Gonduhuu u sii degey
		Kuye geed is-mariskii
		Gini lagaca yaa hura?

		Laga gaabsey hadalkii

		Wuxuu yidhi galkiisiyo
		Yaa kitaabka naga gada?

		Gaw baa lawada yidhi
		Go' boodhka laga tumey
		La bannee gawaankii
		Dadku galab carraabaha
		Badhba gees u siigee
		Raabe raabe loo guran
		Golihii ku noqoy keli
		Goobtaas la kala dhimey

		Isna Geeddi Baallow
		Galalkiyo khamiiskiyo
		Garan gari kitaabkii
		Ged kaluu u diga rogey
		Miciyii gahaydhiyo
		Daba goojinaysiyo
		Gawsihii u sheellaa
		Gibishii u duubnayd
		Gashey saamihiisii
		Gaaleemadii tuur
		Gafi waa runtiisii

		Dadku gacan macaannaa
		Gobsanaa furfuranaa
		Gacaltooyo badanaa
		Gaarriyow shabeelkaas
		Gabbal iyo galaal iyo
		Maxaa gaasho loo qalay
		Maxaa goobo loo shiray
		Maxaa guulo loo qoray
		Taariikhda guunka ah
		Maxaa baalal loo gubey
		Immisaa garaaddiyo
		Billad gaara lagu tolay
		Immisaa g'sharafliyo
		Shaal guduudan lagu xidhay

		Gurey baynu haynee
		Hadda goosh labaadkii
		Aynnu guulihiisii
		Isla sii gorfaynoo
		Gurigii ku noqonnee
		Markuu guufafkii liqay
		Ayuu daaca goodlaha
		Guulaamo kiciyoo
		Geeribuu ku yidhi tali
		Waxay tidhi dadku ha gudo
		Golxobkana u diro sahan

		Dadka gees biciid dheer
		Guubaabo ugu lali
		Gurgurshaaga loo yeedh
		Lagu giiji caynkii
		Guryo samo allahayow
		Ku dareeryey geelii
		Luuqduu ku garan jirey
		Gosha lagu hayaanshee
		Goonbaarta wadatiyo
		Guuguuda hugunkiyo
		Goofaadhtankii yaab
		Codka gaban ka xoorka ah
		Hadba soo gadaal eeg

		Beeshu waa gawaan raac
		Dayax rogey gadaafaha
		Gudcurkiina sii baah
		La is waa go'doonkii
		Gelliyada dugaaga leh
		Hadba goosan lagu dhaaf
		Hadba guura raacii
		Laba guuto loo reeb
		Gamas iyo warmaa raran

		Halkan gaban yar baa qalan
		Halkan geesi baa yaal
		Halkan gaari baa wadhan
		Halkan waxa ku gawracan
		Guurtidii xulka ahayd
		Dhankan culimo gaariyo
		Gadh-cas iyo wadaad iyo
		Golfof iyo raq baa quban
		Gaadiidku waa naxash
		Gadh hayuuna waa mawd
		Waxa geeddi lagu degey
		Godadkiyo xabaalaha
		Dhulka hoose loo guur.

		Waxa la yidhi duq guunoo
		Golxoshoo idlaadoo
		Lafta dheeri godatoo
		Gaabshey oo cuslaadaa
		Guudadley ku soo baxay
		Mayracaysa galab adhi.

		Gooli baadhka sheekada
		Haasaawe goo goo
		Hadalkii gar adag iyo
		Gendel iyo alool saar
		Hadba garagar oodee
		Hadba gooddi kala bixi
		Galka ulo ku baadh baadh

		Goobyaalka inantii
		Garan weydey baanuhu
		Geesuu u dhacayoo
		Waxay tidhi geddaa hadal

		Aan is guursannuu yidhi
		Alla yay gujay tidhi
		Kol hadduu gedmado hadal
		Goobta waan ka dheelmaa
		Ayay gololadii tidhi"

		Wuxuu yidhi god bay hadhay
		Waxay tidhi Gadh Cawsow
		Adhigaa galbanayee
		Aan gadaal u soo rogo"

		Isna yidhi ka gaadhsii
		Guusha maanta kuu dagan
		God-dalooladiisiyo
		Guga faraqa haystiyo
		Gedihiisa qari yidhi
		Ganbaraashka sii luud
		Gumar buu ka jaray qodax
		Geed kaluu ku soo mudey
		Gabbashada ku soo noqoy
		Ku soo laabey goobtii
		Gabadhiina ugu timi.

		Gol castii dhacaysuu
		Go'a sare hagoogtiyo
		Gacantiisa ka hadhsaday

		Wuxu yidhi "galoolkaas
		Maxaa gaari dumareey
		Gunta hoose kaga mudan?

		Ma gammuun ku jabay baa?
		Ma fallaadh ku ganan baa?
		Ma gafuudh maxaadh baa?
		Ma atoor gadoodaa
		Geesihii mid kaga tegey?

		Geedka wey u jeedaa
		Waxa gaar u raacee
		Guur-doonku sheegee
		Gunta hoose kaga mudan
		Indhaheedu gabadhii
		Markay gaadhi waayeen
		Waxay tidhi inoo gee
		Runta aynu gunudnee.

		Fadalkaa la wada gurey
		Garo oo barbaarkii
		Gebgebtiyo is waalkii
		Wuxuu guudka kaga dhacay
		Hal fadhida gelgelin
		Sow ka sokaysa geedkii

		Qosol guuli keentay
		Hayn weydey gabadhii

		Isaguna gilgilashada
		Gebi dhaca is yidhi toos
		Misna gudub u soo ciir
		Gabaxdii is qaban waa
		Gadhka ciidda kula duul
		Show illayn gardaadkiyo
		Garab iyo shanshaa jaban

		Jaljalleecday gegiduu
		Ku burburay geyaankeed
		Laye Guud-haldhaaley
		Garangarisay laafyaha

		Isna gocasho sii dhawr
		Baalal goof ku yaalliyo
		Indha gudhay ka daba tuur
		Dabadeed galgalashada
		La gurguurey boodhkii
		Gawdiidsey meeshuu
		Salka dhigey go'doonkii
		Ku wadh wadhay gabaahiir

		Waxa hodey garaaraha
		Golxadiyo cabaadhyaha
		Goobtaasi hadal ma leh
		Goolkaasi dhalan waa
		Guurkaasi beenow
		Gabow baa da' mehersaday

		Gurey baan xusuustee
		Gobor iyo turxaan iyo
		Ninku gaatir badanaa
		Qudhun buu far geliyaa
		Marka gacal la yaabuu
		Guudkiisa mariyaa
		Gaarriyow ma naagtii
		Loo maydhay gacantiyo
		Gambadii la sheegiyo
		Gabaygii la tiriyaa!!!

		Gol jannaan ka shaxayee
		Goormaan dawaafkii
		Tegey webi Gannaaniyo
		Gabbala dusheenna ah?

		Waxba yaan ku raad gadan
		Nabarrada I gubayee
		Gorof legedka hoosiyo
		Gunta aan u soo dego
		Xaajadu galoof iyo
		Nin gawaan ordaayoo
		Cidla' gelelefaayoo
		Gariyaad jafaayoo
		Garab maray abbaartoo
		Iska gola ka fuuliyo
		Garo iyo jacayl iyo
		Gorgor iy ri maahee
		Murti gooli baadhiyo
		Gibil saran weeyaan
		Gudban iyo shax weeyaan
		Gunaad biiray weeyoo
		Gumac lala dhacaayoo
		Umal gaaxdey weeyaan
		Gubashiyo ladh weeyaan
		Gocashiyo dan weeyaan
		Gabay iy xil weeyaan
		Bahal loo gabbanayoo
		Nin geddiis yaqaannaa
		U gurguuraanaayoo
		Gaadaayo weeyaan

		Xasan Ganey tummaatida
		Ummaddana gudddonsii
		Gocorkana ku naafee
		Gunta taabey eelkii
		Maansada gef kuma jiro
		Hasha Gorey siddeedaba
		Waxa loo gayaxa maray
		Inay Geeska deeqdoo
		Saameesho gaawaha
		Ama garo ama ha garan

		Rag gudboon sal iyo baar
		Haddii geel isugu jiro
		Gar maqaate dhega li'I
		Go'aan wadari leedahay
		Hadduu goonidiisiyo
		Gaarkiis u maamulo
		Keligii nin gob yahay
		Inta badan gun hoosiyo
		Garax iyo qadhoon iyo
		Gaagaab ka wada dhigo
		Marka loo ged sheegtana
		Galka seefta kala baxo
		Wuxuu goosto keligii
		Ama geysto dabadeed
		Garashaa ku tidhi yeel.

		Ninka kale gilgilashada
		Hadduu giirto hibashada
		Ama goosto dabadeed
		Gacan inuu ku ciil baxo
		Dala'siga la gaasiray
		Garashaa ku tidhi diid.

		Dabadeeto goobtaas
		Dibno foolku goostiyo
		Gogoshoo la laaliyo
		Gama' oo la dayrshiyo
		Dhulka oo guhaad iyo
		Gubashiyo xanuun iyo
		Gulcub lala xarriiqiyo
		Godob baa ka dhalatoo

		Iyadana go'aan iyo
		Guubaabo tarantiyo
		Gurmashaa ka dhalatoo
		Iyadana gantaal iyo
		Gaashaan is jiidhiyo
		Baadidoo is guratiyo
		Gocondhaa ka dhalatoo

		Iyadana col gulufiyo
		Galow fooridiisiyo
		Geesi haadku loogtiyo
		Gaaridoo hengelatiyo
		Guryo laga baroortiyo
		Goblan iyo xabaal iyo
		Geeri baa ka dhalatoo

		Iyadana go'doon iyo
		Gacashiyo hagoog iyo
		Gacal kala fogaadoo
		Weji gabax is dhaafiyo
		Nabaddoo gurracantiyo
		Gob jabtaa ka dhalatee
		Iga gunud Rashiidow

		Geba gebada heestiyo
		Gabaygaygan kama wado
		Gaax-nuux la talintii
		Gabbal dhacay ka hadalkii
		Hadda galabta sheekada
		Waxaan uga gol-leeyahay
		Samihiyo is garabsiga
		Berri yaan la gees marin


    

Gudban   Dib U laabo


		    Waa duni la gaadoo
			Iyadoon gabow iyo
			Geerida ka dhow iyo
			Geeddiba ku talo gelin
			Seeftii qudh gooyada
			Galka looga siiboo
			Soo guur la yidhiyoo
			Waxay gaaxsanaysiyo
			Khasnadii guraysoo
			Daba goosanaysoo
			Is gunaanadasoo
			Waagii guduutaba
			Ged kalaad ku aragtaa
			Gurrac lagama waayee

			Sheekadu ged iyo xeel
			Af-gobaadsi weeyoo
			Raagaa sar-gooyoo
			Cali baa gardaadshoo
			Gadihii Qamaan iyo
			Gabaygii Salaan iyo
			Gudbantii Darwiishkiyo
			Murti weeye gibilloo
			Isku joog gun iyo baar
			Madabkii is-gaadhiyo
			Inan gacan farshaxanii
			Harraray garaariyo
			Gaashooyin marisiyo
			Googoos la saaroo
			Nin gardaadsha mooyee
			Ruuxii gudaanii
			Ka sal-gaadhi maayee
			Googgaa abwaankow

			Gabadh caana nuugoo
			Gugan maanta dhalatoo
			Dhul gurguurad mooyee
			Garanaynin socodkoo
			Gosha lagu xambaaroo
			Hayaanka iyo geeddiga
			Awr loo gureeyoo
			Gaadiid la saaroo
			Misna guudka dabatoo
			Garka aan furaynoo
			Debcinayn garayskoo
			Guurguurka noloshiyo
			Godadkii isdaba yiil
			Isku garab maraysoo
			Goormaan lammaanaan
			Ama lay gelbinayaa
			Taladeed ku gaw tidhi
			Waa xaal gurracanoo
			Gurranoo la yaablee
			Waxaan uga gol leeyahay
			Ruuxii gartow sheeg.

			Geel aan irmaan iyo
			Gabno iyo candhooliyo
			Madi guuto deeqdiyo
			Gaaniyo horweyn iyo
			Awr goola wadannoo
			Gaban daadahaynoo
			Gallad ciddi ku qabinoo
			Lala gelin hadhuubkoo
			Geedaha aqoonnoo
			Garow loo bisleeyoo
			Geeslow Biciidkiyo
			Garanuugta seenyoon
			Loo soo gabraaroo
			Misna guul-darraystow
			Ganac loo wardheeroo
			Cidi gaadhi weydoo
			Ninna goosan waayoo
			Dhaqankiisu gaar yahay
			Waa xaal gurracanoo
			Gurranoo la yaablee
			Waxaan uga gol leeyahay
			Ruuxii gartow sheeg.


			Waayeel godoodoo
			Gacalkii ku duuloo
			Guluf weerar saaroo
			Gamcihii dhiigii
			Gororshoo ku maydhoo
			Ma hadhooyin geystoo
			Misna loo garaaboo
			Godob reeb la siiyoo
			Inan loo guddoonshoo
			Gudbiyoo is dhaafshoo
			Gocor aan xil hanan iyo
			Nin labaad u guurshoo
			Ka gabbaati qaatoo
			Yidhi gaari maahayn
			Waa xaal gurracanoo
			Gurranoo la yaablee
			Waxaan uga gol leeyahay
			Ruuxii gartow sheeg.

    

Halabuur   Dib U laabo


		Hal-abuurku waa geed
		Hufanoo udgoonoo
		Higil iyo caleen iyo
		Hoobaani fuushoo
		Ubaxuna kor iyo hoos
		Hilqadaha ku dhigayoo
		Hadh qabow ku darayoo
		Shinbiruhu hiraabtii
		Ka haloosiyaanoo
		Cidi aanay hurinoo
		Ishu haybta meel dheer
		Uga soo hilowdoo
		Higsi lagu yimaaddoo
		La habaarin weeyaan

		Hal-abuurku waa diin
		Bulsho hadalladeediyo
		Haasaasaheediyo
		Hinqashada dareenkiyo
		Hibo weeye Eebbahay
		Hanti aan la gadinoo
		Halladaad ku gelinoo
		La hagoogto weeyaan

		Waxa lagu habeeyaa
		Hiddahaad ku dhaqantiyo
		Himiliyo ujeeddo
		Waxa lagu hayaanshaa
		Hagar li'I dadkaagoo
		Waxa loogu hiishaa
		Lama hure dhulkaagoo
		Haqab-beelka noloshaa
		Horta lagu yagleelaa

		Hal-abuurku waa roob
		Hogol weeye curatoo
		Waa heego diriroo
		Ka hillaacday meeloo
		Dadku ruux hilaaddiyo
		Hindisaha yaqaannoo
		Jidka toosan hubiyoo
		Dhakhso ugu hayaamoo
		Hela doogsinteediyo
		Qof habaaba socodkoo
		Ku hungooba weeyaan

		Hal-abuurku waa deeq
		Waa Haro-Digeedoo
		Is harraartiyaysoo
		Dadku ruux hal adagoo
		Horu socod ku darayoo
		Ka hirqada xareeddiyo
		Hawo niman ka qabino
		Hayin gaadha waayoo
		Ka harraaddan weeyaan

		Hal-abuurka guul aad
		Nacabkaa ka hanatiyo
		Libin aad la hoyatoo
		Ku haloosiyaysaa
		Dabka loogu huriyaa

		Marna hoga tusaaliyo
		Maahmaah hawiranoo
		Noloshuba ku hiratiyo
		Murti hodana weeyaan

		Marna haan gun-dheeroo
		Hilanoo lingaxanoo
		Habaqlaha dhextaalliyo
		Halxidhaale weeyaan

		Marna hoy bulsheedoo
		Ku habboon caweyskiyo
		Halab lagu bariistoo
		Laga helo naruuriyo
		Haasaawe weeyaan

		Marna hugunka uurkiyo
		Hadimada ku gaadhiyo
		Hogashada gandoodiyo
		Hiyi kaca calooshiyo

		Nafta hibashadeedaa
		Kugu huriyaa naaroo
		Hal-abuurka nabar baa
		Hollo kugu yidhaahdoo
		Dacar kugu hulaaqdiyo
		Hiirtaanyo murugaa
		Hadba lagu bakhtiiyaa

		Marna hadashadaadiyo
		Isha halacsigeediyo
		Hengelaha jacaylkiyo
		Waxaa loogu heesaa
		Hablihii kalgacalkoo
		Marka aad hawootaa
		Lau hoodo sheegtaa

		Marna geenyo hororoo
		Hardaf waal ku socotoo
		Halis iyo wax yeelliyo
		Hagar daamo badanoo
		Heddu saarantahayoo
		Nin bartaa ka hadhinoo
		Ku hodeysa weeyaan

		Marna waa hummaaggii
		Qofka kula hadlaayoo
		Intuu soo hankaabsaday
		Iska rogey hillaabtoo
		Kugu yidhi hankaygiyo
		Habka maansadaydiyo
		Hiyigaygu waa kaas

		Hal-abuurku wa awr
		Sita heeryadiisiyo
		Hirar kale shisheeyoo
		Wa hilib mergiyahoo
		Isagoo hal keliyaa
		Dadku harag shabeel iyo
		Ka dhigaan bariiryoo
		Qof kastaa hab gaaruu
		U higgaadsadaayoo
		Waxay ugu habboon tahay
		Sida uu u haystiyo
		Halka uu la doontoo

		Gabadh weeye hensaha
		Hore loogu xidhayoo
		Shaqalkiyo hagoogtiyo
		Huga way ku dhalatoo
		Sida naas hablood buu
		Horaad iyo danbeed yahay

		Hal-abuurka niman baa
		Hawraar u bixiyoo
		Toddobaatan hebeloo
		Hana-qaad is xigey baa
		Hasha maali jirayoo
		Haaneedka Raagaa
		Qaban jirey hadhuubkoo
		Cali-Dhuuxna hooduu
		Ragba kaga horreeyoo
		Hidda raac Qamaan bay
		Habar wada jaqeenoo
		Ha'da gabay Salaan baa
		Dhigi jirey higgaaddoo
		Hammi Faarax Nuur baa
		Ledi jirin habeennoo
		Hitiqsiga Gamuutaan
		Hamrashada aqoonoo
		Mahadhada kal gacalkiyo
		Hodan iyo xusuusaha
		Cilmi haadka duuluu
		Fari jirey hayaydoo
		Sayid Maxamed hawlaha
		Halgankiyo dagaalkuu
		U hor kacay Daraawiish
		Hurintiisa jiiftaa
		U ahayd hal-haysoo
		Ha noolaatadeennii
		Hubka lagu dagaal galay
		Murti baa halbowliyo
		U ahayd hoggaanoo
		Soomaali hurudday
		Hoobey ku kicisoo
		Xamar iyo Hargeysaba
		Dhagax iyo hangool iyo
		Heellaa xoraysoo
		Wallee hoobalkaan jirin
		Libi sooma hoyateen

		Anna heesta luuqdiyo
		Hawraarta maansada
		Kuma xidho hunguriyoo
		Kama taliyo hoodoo
		Ummaddaydu haabkay
		Ugu heellantahay baa
		Hanti iigu filanoo
		Hangal-taagga xoolaha
		Waxa uga han weynahay
		Hambalyada salaantiyo
		Hadal haynta magacoo
		Hindisaha wax sheegiyo
		Hoga gelinta jiiftada
		Ma hawaawi tiriyee
		U horseed tagaayoo
		Horta waan u sahan shaa

		Marka aan hoggiisiyo
		Feleggiisa hubiyee
		Habaskiisu yeedhaan
		Hudi hudi idhaahdaa.



    

Haatuf   Dib U laabo


			Cilmi sow hoggiisii

			hindisuhu imuu geyn
			Hambalyiyo salaan iyo
			Sow hees umaan tirin
			Hakan uu ku noo yahay
			Hanti wuxu guddoontee
			Hor Illaahay ugu tegey
			Hubi sow is maan odhan
			Hodan sow ma weydiin

			Sow waa nin hoydoo
			Ifka taar la haystee
			Kama helin jawaabtii

			Xalay fiid horaadkii
			Sow haatufkiisii
			Hud-hudkii u soo diray
			Gacan haadiskiisii
			Kama halacsan sheedoo
			Hurin bayla socotee
			Kama hadhin barbaartii

			Sow maan hor-gelinoo
			Hayhaato maan geyn
			Dabadeedna haybtii
			Haye kow ma aan odhan
			Wuxu yidhi halyeygii
			Ama haada soo faray
			Ku billaabay heestii:-

			"Ninka ila hadlaayee
			ii soo hiloobee
			hawdkiyo xabaalaha
			hiilkaygu keenee
			hambalyada isiiyee
			hogga iiga yeedhow
			hab-dhaceeda maansada
			adigaa higgaadshee
			anigana war iga hoo"

			"Waxay howli joogtaa
			ama lagu harraadaa
			hanad lagu cidhiidhyaa
			hanti lagu gumeystaa
			dumar hoodo leeyahay
			raga hoos u eegaan
			hoogtada adduunyee"

			"Qofka samir hanbaystaa
			godka kuma hungoobee
			ifka hadimadiisiyo
			dhibtu way horreysoo
			ma huraanta aakhiro
			anigaa ku haystoo
			hogol bay kor joogtoo
			onkod iyo hillaac baa
			dusha iga hadheeyoo
			haro aan g'ayn baan
			darayaa hadhuubkoo
			hoobaan bislaataan
			habaq li'i dhex joogaa
			ishu halacsanaysaa
			guri hoos qabow bay
			halabtaydu taallaa,"

			"Naftu waxaan u habaya
			sida hooyo wiilkeed
			naasaa horaadkiyo
			haaneedka siisiyo
			nirig hooto nuugoo"

			"Hodan iyo jacaylkeed
			dani igama haysoo
			hablo Xuural caynaan
			haasaawiyaayoo
			huwanahay taftoodoo
			lagu yidhi u heesoo
			geelii hor weyn baa
			igu soo hormanayoon
			u hayaa wadaantoo
			hawl bay sugaysee
			haye nabad walaalow"



    

Hooyo   Dib U laabo


Hooyooy la'aantaa 
Aduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Xiddig hawd ka lulatoo
Sida haad ma fuuleen
Dayax heego joogoo
Hubka laguma tureen
Hawo laguma gaadheen
Cirka hirar ka muuqdoo
Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigow horseedoo
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaab iyo 
Tiro lagu heleynoo. 
Marka aad nin hiilloo
Laga baqo hashiisiyo
Halyey diran dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa
Marka aad nin hoo-loo
Gurigiisa habaqluhu
Isku soo halleeyoo
Hayntiisa quudhoo
Hor Illaahay geystiyo
Lama hure dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Mar aad nin himilada
Hilin toosan mariyoo
Hir markii la gaadhoba
Ku labaad hilaadshoo
Haga maatadiisoo
La higsado dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Marka aad nin hoogiyo
Ka hor taga daalkoo
Garta hubin yaqaanoo
Xaqa hoos u eegoo
Halistiyo colaadaha
Dabka hura bakhtiiyoo
Ku haggoogta dhiiggoo
Dadka kala hagaajoo
Kala haga dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Markaad hoobal caaniyo
Hindisaa farshaxanoo
Hab-dhaca iyo luuqdiyo
Hawraarta maansada
Heensayn yaqaanoo
Rabbi biyo u siiyoo
Labadaba hannaanshiyo
Hal-abuur dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Dumar iyo haween baa
Nolol lagu haweyntaa
Kuwa lagu hammiyayee
Sida hawd caleen weyn
Rag u wada hammuumee
Ishu calacsanaysaa
Hablahaaga weeyee
Marka guur la haybshee
Gabadh heego dheeroo
Hoobaan la moodoo
Karti iyo hubqaadloo
Quruxdana ka hodaniyo
Hira laga aroostaa
Hooyo lagu xasuustaa
Hooyoy la'aantaa 
Higgaad lama barteenoo
Hooyoy la'aantaa
Hadal lama kareenoo
Ruuxaanad habinoo
Kolba aanad hees iyo
Hoobey ku sabinoo
Hawshaada waayaa
Hanaqaadi maayee
Hoygii kalgacalkee
Naxariistu hadataay.
Hooyoy dushaadaa
Nabad lagu hubaayooo
Hooyoy dhabtaadaa
Hurdo lagu gam'aayoo
Hooyoy taftaadaa
Dugsi laga helaayoo
Waxa lagu hal-maalaa
Hooyo ababintaadee
Hayin lagu badhaadhaay
Hogol lagu qaboobaay
Gogol lama huraaneey
Dugsigii hufnaantaay
Hidda lagu arooraay.
Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo xaq dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa
Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo
Weligay hoygaagaan 
Ka dul heesayaayoo
Hengel baan u xidhayaa
Inta haadka duushiyo
Idil habar dugaaggee
Ifka hibo ku noolow 
Aakhiro halkii roon

Hablaha Geeska   Dib U laabo


Ma geyoon ma gamashiyin
Ma gommodin ma gaagixin
Ma gabloobin maan gudhin
Mana gabin halkaygii
Gabaygiina maan deyn
Geeraarradaydii
Imminkaan gardaadshoo
Weli maan gunaanadin

Murti nimaam gunteediyo
Baran gogol-dhiggeedoo
Gonda degi aqoonoo
Garab-daar lahayn baa
Gawl-gawla hadalkoo
Kolba dhinac garoocdee
Sida Webi Ganaanoo
Cirka godollo maaloo
Biyihii ku gaaxdiyo
Gebiyadii kusoo degey
Ku darsaday gufaaciyo
Gullama diriroo
Galli jabay habeenkii
Kolba gacan masoo rogay
Qudhaciyo galoolkii
Gunta xididka maw jaray
Dhulka wada galaal iyo
Gabbalaha makaga tegey

Afartaa geddaydii
Dhaha laygu garan jirey

Gurmashada dagaalkiyo
Gulufkiyo colaadaha
Goobaha naf waagiyo
Halka laysku gowroco
Marka gorodda lays daro
Haddaan dumarku goonyaha
Guubaabo kicinayn
Sida galowga dhiilloon
Illaa geesi qayrkii
Birta kuma gumaadeen!

Gu´ hagaagay oo da´ay
Dhulka geedo jiifaan
Gurya-samo barwaaqa ah
Haddii geeddi lagu furo
Dhallinyaro is gurataa
Gurdan raaca fiidkii
Gole weyn ku kulantoo
Cagta garan-garkeediyo
Isu geysa jiibkoo
Googooska luuqdiyo
Gedda sacabka loo jaro
Hablahaa u gaaroo
Garashada codkoodaa
Qof gaboobay kicisoo
Gelbiskiyo mashxaraddaa
Gama´kaa ilaashee
Haddaan gabadhi boodeyn
Illaa gegi cayaareed
Wax ma dhaanto geriyaad

Haddaan guudka laga jarin
Gudihiisa xaabkiyo
Cayayaanka laga gurin
Marwo dumar garka u xidhan
Illayn guri dugsoon maleh

Gaadaha habeenkii
Kelidaa galgalashiyo
Ged-geddoonka dhalisoo
Adigiyo go´aagaa
Hadba dhinac u guuroo
Barkintaad gabbood iyo
Gaashaan ka dhigataa
Haddaan guud haldhaaley
Kolba gacan la saareyn
Illayn gogoshu wehel ma leh

Kuma galo adduunyada
Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Illaa noloshu guul ma leh

Gocashada xanuunka leh
Waxaan uga goleeyey

Go'i waa barbaareey
Gobi waxay ku dhaqantaa
Garab waxay ka dhigataa
Gallad waxay ku dheeftaa
Samo waxay ku gaadhaa
Gololadda haweenkee
Hiddaheena gaarka ah
Hablihii gabowgiyo
Geerida ku sugi jiray
Hablihii garayskiyo
Xiran jiray guntiinada

Hablihii gu' iyo dayr
Sida baarqab golongolay
Dhexda xarig ku goyn jiray
Hablihii garaaraha
Gaatan-socodka laafyaha
Sida gorayga ciideed
Gelbin jiray tallaabada
Hablihii gun iyo baar
Isha gacalo-eegtaa
Gama aanay ledi jirin

Hablii talada guunkiyo
Gunti jirey xishoodkee
Hadlakoodu gaabnaa
Hablihii gef hooyiyo
Qarsan jirey guhaadee
Haday godolo soomaan
Haddey gaajo liitaan
Cidi aaney garan jirn

Hablihii gammaan faras
Iyo geela ugubka ah
Guur doon ka bixin jiray
Hablihii Gargaariyo
Guuleed ku curan jiray
Goldaloolo iyo ceeb
Hablihii ka guban jiray

Hablahaan gankoodiyo
Hilibkooda gadi jirinee
Haddii aad gujeysaan
Guulguul ku leysaan
Godol qudha ku moodaan
Gabal kooda dumisaan
Hadba tooda goosha ah
Ganacleyda jabisaan
Dadku gabanaa xooriyo
Garrac ley yidhaahdaan
Inagoo gumeyniyo
Dhaqan guurey weeyee

Gocashada xanuunka leh
Waxaan uga gon leeyahay
Godob aabbe faleybaa
Ubadkiisa gocondhiyo
Gumarshiga ku noqotee
Gabi dheer ku dumisee
Ninka inan ma geyda
Golqaniin ku maalee
Guraac kaga daneystow
Waxaad gaax saneysiyo
Gashigaad cuneysiyo
Xumahaad galeysaa
Ruuxey ka go’an tahey
Gabadhaada weeyee
Gafka aad faleysiyo
Waxaad geysanasaa
Galabkale ka sheekeyn

Gebagebada sheekada
Bal aan soo gunaanado
Guddoonsiiyo jiiftada
Gabigeed adduunyada
Gobol-gobol u qaadoo
Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara
Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Garashana iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah
Geesteena mooyee
Gayi kale ma joogaan



    

Hambaber   Dib U laabo


Maansadani waxay ku soo caan baxday ama dadku u yiqiineen
Hargeysi Ma Toostay Markaa maansada magaceeda dhabta ahi
waxa weeye"Hambaber" waxayna soo baxday 1982 markii shacabka
reer Hargeysa ay mudaharaadeen kuna kaceen dawladii Siyaad
BarreMarkaas oo uu Hadraawi joogay Muqdisho, sidaas ayey
nagu soo gaadhay maansadu,

Habeenada weysha
Dhurwaa habarteeda
Dorraad ku hiraabtay
Haan-haabadka naaska
Haaneed ka deyeysa

Nirgaa hugun yuuska
Halkii lagu ooday
Hammuunta ka yaw leh
Riyaa hoganaaya
Idaa tuban heelka
Cadceedda hagoogtey
Haleelada weydda
Dhaqaaq hidin waaga
Hareeriga taagan
Dantaa ku habsiisey
Inay hakadaane
Dhulkoo hanad joogo
Intaan gadadh heerin
Ka sii degin heerka
Hadeer la yaqaano

Intaan habqan beeshu
Huluulaha oodan
Ku saan go'in hawdka
Intaan habac jiitan
Badhkeed ku hallaabin
Markay habaq baahdo
Dugaaggu hilbaysan
Intaan hawa boodka
Fardaa higil raacay
Kuwii higsanaayey
Hummaaggu ka reebin
Xayeeshku habaabin
Intaan halladaadka
Hayaanku is waayin
Habeenku dhex qaadin
Hadhow la shallaayin
Hadaadunka naaftay
Sidii habas daalka
Hawaarsadey ciidda
Anaa hiddiddiida
Hobey hobe hooda
Durbaankiyo heesta
Ku soo hoga geyne
Adaa hal abuurka
Tixraaca ha'leyda
Ujeeddada hoose
Hawaala yaqaane
Haruu orod Faarax
Horweynta jiciirtay
Hadhaaga u jooji

Haydaartiyo doogta
Hantaaqada ciilka
Dareenka huqdiisa
Qamuunyada haarta
Caloosha hugmaysa
Hiirtaanyada raagtey
Dhinbiisha hulaaqday
Dabkaan hurin doono
Colkaan humin doono
Hargaa igu laalan
Dhowaan henggel baasta
Ninkaan huwin doono
Sabaanka hagaagey
Barwaaqada hoortay
Daruur iyo heego
Waxaa hogol gaaxsan
Hadhaysay dushayda
Harooyinka buuxa
Hoobaanta bislaatay
Haraaciga daadka
Caleenta hiraysa
Indhaa halacdooda
Hibaaqiyo laaca
Naftayda hankeeda
Waxay hibanayso
Haddii wedku daayo
Inay heli doonto
Anaa huba taase

Hambaaber dhowaanta
Dareen ma hurdaana
Dagaal wata heeso
Hidday u lahayde
Hargeysi ma toostay
Hogaanka ma diiday
Harqoodka ma tuurtay
Inaanay hummaaga
Hadoodilan yeelin
Sidii hebel geel ah
Heshii Nebi Saalax
Horaadada dhiibin
Hankeedu ma siiyey.
Waxay hibanayso
Ninkay la hadlayso
Hagaag ma u sheegtay
Hadday sama weydo
Inay hantideeda
Nafteeda hurayso
Hubaal ma caddaysay

Allaylehe waa hog
Shax aan la hilmaanin
Malaa Hugur tiisa
Waxaabu u haystey
Inaan hayal toosan
Harraatii aqoonne
Maskii Hilqadaale
Ma soo hardaf boodey

Horaanse u sheegay
Inaan hadda beeshu
Hadhiimo ahayne
Haddeer waxa jooga
Hadmaan ka afeeftay
Hasaasaha muuqda
Wallee hagar daamo
Falkaagu habeensay
Higlooy gabbalkaa dhac
Hangaalli hungaalli
Hegaan hega gaalli
Hunjaalli hantoolli
Bidhaan had-hadowga
Hiwaali hahoodka
Jibaanjib hunnuunnu
Huraalka hiraalka
Hambaaber mardaali
Hadeedab mardaadi
Kallaal himbiriirsi
Hawaawir hayaayir
Sadaad herimooya
Hunnnuushle hannaashle
Sareedo hamboori
Hankooble hayooshe
Falaad habbabbaale
Hanquusle halowle
Garaad himhimowle
Hayaayub xumaanta
Humbaalle dhaqaaqa
Hallaallimo soofka
Hallaasiga sheelka
Harawsiga qaawan
Hiliiliqa jeexa
Higiishis boqoolka
Galbeed hiyi raaca
Maraykan ku hiilka
Shirqool la hadaafka
Habheeb alalaaska
Hinraag qayayaabka
Haraaryada neefta
Hantaatac ergeynta
Hagaas caga jiidka
Walaaac haghagoodka
Tawaawac higgoodka
Hamuun taltalawga
Calaacal hungowga
Heshiis macaluulka
Hunfey salsalaaxa
Hinfaal wax u sheegga
Wasiiro habaynta
Hoggaanno samaynta

Hadhuubada daatay
Hareero ka leefka
Jalbeebta hal leyda
Rogaal halalleyda
Hamaal shaqalkeeda
Higgaadda shanlleyda
Halkaan ka abbaaray
Hadhauudhku Carraale
Huftoo hufmi waaye
Maxaad kala haadin?
Intaas haqab beelka
Hadhoodho horteed dheh
Hal baase xasuus ah
Nin tiisa u heellan
Haddaan taladayda
Hayaankiyo beesha
Hoggaami idhaahdo
In taydi haallawday
Annaa huba taase
Hadhow iyo fullan
Waxaanan huraynin
Inaan hadda yeelo
Ayaa ka hagaagsan
Qabiil ku hadaaqa
Hobsheyntiyo faanka
Masayrkiyo haybta
Hinaase la boodka
Holayntiyo maagga
Hirrooda qab dhaafka
Tollaay hebel meeyey
Sidii horror waalan
Hilbaa igu yaalla
Halgaad kula duulka
Colaad hurgumootey
U sii hangagaarka
Heleysada dhiiggu
Markuu heleleyda
Sidii harawaati
Hamuun tiro ciidda
Dagaal lagu hoobtay
Halyey ku idlaaday
Ka soo hindiwaaska
Tabaalada huursan
Hangoollada qaybta
Fulaa halistiisa
U sii gacan haadsho
Halkay godobtaydu
Ka soo hullanayso
Ninkay huntutuulka
Ku soo hullaanayso
Inaan dib u haybsho
Hillaabta ka qaado
Ayaa ka hagaagsan

Shirqool hadiwaaga
Hiqlaynta riyaaqa
Hubsiino la'aanta
Haloosiga luuqda
Hawaawi la boodka
Hanuun la jibboodka
Dhurwaa halab saarka
Waraabe u heeska
Hufnaanta kashayda
Nin aan hibo saaray
Xariir ku habsiiyey
Markuu hal haleelka
Sidii hurin yey ah
U soo hal haliilo
Anoo hadhsan waayey
I soo hungureeyo
Inaan hanqalkayga
Sidii habla weynta
U soo rogo hoosta
Inaan af-lahaarka
Harraati ku diido
Ayaa ka hagaagsan

Hanraawe I boobay
Markuu iga haago
Inuu hadhadaydu
Hafeefta xanuunka
Markay hurgumooto
Hoosaaso afuufo
Halbawlaha kayga
Sidaas kula hoydo
Nin haad I cunsiiyey
Inaan horror siiyo
Ayaa ka hagaagsan
Hawraar iyo sheeko
Haween laga reebay
Beraa habar guurtey
Hayaan rarygeeda
Culaab iyo haamo
Waxay hilif saartay
Haldhaa kici waayey
Hiyeeda gadh jiidka
Markuu hollan waayey
Ayey hindiskeeda
Halaanhal ku keentay
Midaan kolkaa haabka
Markaa lagu haynin

Waxay tidhi "Hoogey
Hayaay Cabdi-Qaadir
Hareer qabo awrka"
Markuu hayinkeedu
Hagaag isu taagey
Ayey tidhi " haakah"
Hebloo gabanteed ah
Hilowna basteeda
Malaa u han weynna
Karaamadan hiirta
Ku soo hormanaysa
Hilmaanina weydey
Wadaadka hoggiisa
Ka soo hangallaystay
Siduu ugu hiishey
Ayaa tidhi "hooyo
Muxuu horta sheekhu
Inoo yahay haybta"?

Waxay tidhi "heedhe
Hibooy ratigeennu
Markuu hingan waayo
Ayaan huriwaaga
Haleel cuskadaaye
Habeen ma wadaagno
Haddaan magaciisa
Dantaydu higgaadin
Ma soo hadal qaado"
Ujeediyo haatan
Nin tiisa u heegan
Halyeynimadiisa
Hashiisa ku dheelmay
Iddiisa ku hoystey
Inuu hantidayda
Habaynta xilkayga
Dhismaa hodankayga
Hiddaa sharafkayga
Waxaan nolol haysto
Horsed ka ahaado
Ka haayir idhaahdo
Ayaa ka hagaagsan

Hashayda nin maalay
Markuu hordhaceeda
Habniin kaga daalo
Inaan hanbadiisa
Hafriinyaha beenta
Habeedda qalaysan
Ku hoorsado weelka
Gobaad ka hillaabto
Inaan ku hagoogto
Ayaa ka hagaagsan
Anoo qaba hawsha
Habeen iyo maalin
Intaas sida heeryo
Habaaska I fuushan
Inaan ku hungoobo
Hulleeka madhnaanta
Hamaansiga quusta
Hamuun la carrawga
Heshiis ku ahaado
Naftayda ka hiisho
Hugaas doqonniino
Hurrow nin I saaray
Inaanan u hoogin
Calaacal harraaddan
Xaqayga ku haybsho
Ayaa ka hagaagsan

Habkii xidinxiidka
Dugaag huwantiisa
Horyaal ka ahaaye
Markii hankakoobka
La soo helay guusha
Libtii lala hoydey
Tukaa yidhi "hoy day
Hashaan qalay saami
Hagaagna u qaybi
Hadhowna I toosi"
Tukow hayedaadu
Waxbay huwanayde
Dantiisa ka haybi
Qorshii hiyigiisa
Halkay talo joogtay
Ka sii wadey hawsha
Ninkiina hilmaanyey
Saqdii dhexe hawda
Ninkii hurdey toosyey
Hareeraha eegyey
Raqdii ku hungowyey
Hanqaar warwareegga
Hankaag jaljaleeca
Haqdii samri waayey
Tukii hanfariirka
Waldeys kula haadyey
Gar laysu hankaabsey
Hamuun gorayaale
Ninkii Halac-dheere
Wuxuu yidhi "hoy war
Intaan hana qaaday
Hadeer iyo caawa
Haddee weligayba
Inaanan hanbaynin
Horaad u ogayde
Maxaad igu hiifi" ?

Ninkayse ka hoostay
Mar bay hawireene
Ka soo kabey haarta
Bahaysiga haadda
Hilbaa cuniddooda
Habeen gama'iisa
Inaanu haweysan
Ayuu han fogaanta
Halkii kaga dhaartay

Ujeeddiyo haatan
Rag waa hal adayge
Heddeyda wedkeyga
Inaan habalyeeyo
Tubaa halaq yaalka
Hog laygu qaniiney
Ku sii hiradkiisa
Ka haari agtiisa
Ayaa ka hagaagsan
Haddaanan haddaanan
Haddaanan dhawaaqa
Hireyda wireyda
Hayaay ka kacayda
Jahaadka Hargaysa
Barbaartu hagayso
Haweenka godoodey
Ka qayb gelin hawsha

Haddaanan haddaanan
Intii isku hiila
Hargaysiyo Bayla
Intii la hal maasha
Bakool hilinkeeda
Heeraarta Kismaanyo
Ilaa Hobyo geynin
Hiiraan u tallaabin
Runtay la hudmeene
Haddaanan haddaanan
Sidii hanqar yeedha
Hillaac iyo maayad
Dhulkoo dhan hadhaynin
Banaadir ka heesin
Wixii hurda toosin
Halyeyada ciilka
Ka haajirey ciidda
Halkay talo joogto
U sii farin haadda

Haddaanan haddaanan
Waxaan huro caawa
Dhammaan huga xaaska
Hayla maryahayga
Sariirta hanbaadha
Kuraasta hagoogan
Ashuunka hunbuuca
Haraaq iyo haadyo
Waxaan jaqaf haysto
Haddaanan xaraashin
Waxay hanti goyso
Intaan hub u siiyo
Dadkayga habaynin
Dagaal u hormaynin
La soo hadhin guusha
Hawraartiyo luuqdu
Cabdow hadalkaygu
Hawaawi kac weeye
Ninkii hebel miihi.


			

Heego Muuq dheer   Dib U laabo


Is helloo gabadhii is heli-mayno
Huminnoo taladii hunsami weyday
Halyeynimadayda kuma hadhin
Hayntayda yaraatay bay hagratay
Dan baa ka hor timi heshiiskii
Hoh iyo caku heegantaydii

Hilowga arradan bir baan ku hiloo
Kashaydu hubaal ma heellana
Hengel baan ka sitaa haween dumar
Markaan ku hungoobay baan huray
Haankiyo wadnahaa biyaa habaya
Hantaaqo i gaadhay baan la hurday
Huq iyo ma filayn hayaan kedisa
Hayeeshe hayaaydi baa badatay
Hammiga kalgacaylku waa habaqle
Hed iyo waa dabayl hab soo tidhi
Hiyigii lingaxnaa ma huriyeen
Ma halabsaday geenyadii Hudi

Hindisaa wax kalaan halkawgu socdee
Hurintaan weheshaan ka hadhiwaayay
Codkiyo hugunkaa isoo hagay
Hoosaasada mayla hiishaday
Haasaasaha muuqda hirigooda
Caawana hambadaydu waa halis

Horyaalka da'day hadhuub la dhantaay
Hiddiyo dhaqan baad hagoogantahoo
Waxaad huwantahay hugii sharafka
Sidaad u habaysay heensaha
Hadoodilka muuqa higilkaaga
Haldhaaga sidiisa hooshaarka
Hilbaha kugu yaalla heemaalka
Hanqalkaad la kacdiyo hubkaad sidato
Hab-joogga timaa hal-qooqa leh
Hufnaanta xishoodka aad hogatay
Hawaarta ku saaran heeraarta
Hilqadaa boqorkiyo hariiryaha
Habuurka, udgoonka, soo haarka,
Sidii hayin haamo culus sida
Hubsiino dhaqaaqa hanashada
Hormaynta hannaanka laafyaha
Hal qaadka tallaabadaad hollatay
Lugtaad hakisaan hoggaansamay!

Dhul habatacay ciidda oo hodantay
Dhirtoo hamashowday doog hadhsaday
Xareed hilo iyo harooyin degtay
Hantidoo dhashay deyladoo horratay
Haleello maqasheeda heel ku furtay
Horweyno ku foofay meel hadow leh
Haloosiga baarqab hoobala
Higtiisa higgaadda dhiillada
Haadkii diday keenay hoosiis
Hibaaq ka dhalaalay Haadaamo
Hareeri ka muuqday Heegaale
Hoobaan ka bislaatay Hawd sare
Dayaxoo himir iyo huruud marsadoo
Caweys ka hinqaday hoggiisii
Horseed la socdiyo hoggaanno wata
Qorraxdoo halabtiyo hillaabta dhigtay
Daruuro ka hooray hoosteeda
Fad iyo hogol loolli habar wacatay
Hillaac iyo heego soo curatay
Sidii hir fog baan ku soo higsadoo
Indhuhu ku harraade halacdaada

Hubsiinadu way hagaagsantahee
Hadhow iyo mooyi hawlo danbee
Horjooggaagu heello igu dhali..

Hugiyo dharku haybta waa ka badh
Hablihii kacay qaar hawaa lumisoo
Xilkii hooyo way ka heermeen
Hummaagay run moodayaan hodaya
Hebliyo hebla hiil ka sugimaayee
Hankaagu ka weyn hinaasaha
Waxaad haysataa jidkii hore
Sidaan hubo waad hal adag-tahay
Hambalyaan kugu siiyay hirashada

Hawraar murtiyeedda hadalkayga
Waxaan hidiyaaba waa hees
Hortaada, gadaal, hareeraha
Hibaan ku daleeyay hilinkaaga
Habeenkaagu waa mid hooda leh
Ku hoyo nabad Heego-Muuq-Dheer


    

Hoobal   Dib U laabo


			Ninka hirarka dhaadheer
			Dadka kala hadlaayee
			Qof kastaba la haystee
			Ugu taga halkiisow
			Kolley waan hubaayoo
			Haasaasahaygiyo
			Waxa aad had iyo jeer
			La haloosiyeysaa
			Hibo gaar ah weeyee

			Hiddo maxaad ku dhaqantaa?
			Hanti maxaad ka leedahay?
			Hub maxaad ka sidataa?
			Adduunyadu hir weeyee?
			Maxaad haabanaysaa?
			Maxaad haybnaysaa?

			Waxa hoobal lay yidhi
			Aan kuu higaadshee
			Hiddo waxaan ku dhaataa
			Afkii hooyadeennoo
			Hanti waxaa ka leeyahay
			Suugaanta hodanka ah
			Hubna waxaan ka qaataa
			Hal-abuurka midhahiyo
			Hannaankiyo sargooyada
			Qalab lagu hufaayoo
			Lagu haadiyaayoo
			Hugunkayga yeedhaa
			Lagu hawl galaayoo
			Heellooyinkaygaa
			Bulsho lagu hagaayoo
			Ka hallawsan weligii
			Lagu hoga-tusaayoo
			Hawraarahaygaa
			Dhasha lagu habaayoo
			Dadku hadalladayduu
			Ka dhigtaa hal haysoo
			Dhegtu heesahaygay
			Hanqal taag ku maqashaa

			Hayhaato meelaan
			Halistiyo wax yeellada
			Ka arkaa hog dheeroo
			Hoydayda yeedhaa
			Nacab soo hillaabtiyo
			Horror lagu ogaadaa.

			Birta waxa u haystaa
			Hubka waxaan ku laayaa
			Qofka himiladaydiyo
			Neceb horu markaygoo
			Hagar-daamo taliyee
			Jecel hadimadaydoo
			Horsed sheelan baan ahay

			Hammi baa I lumiyoo
			Hogashiyo wareerbaa
			Hilbahayga laastoo
			Haraggiyo laftii baan
			Ku haddafayaayoo
			Ma haleelo dhaymaha
			Ma dhasado kalliilaha
			Mas ku jiro hoggiisoo
			Cawa daran la hoydoo
			Hurdo loo mar dhigay baan
			Anna haro-walwaaleed
			Hora hora idhaahdaa

			Inta aan higgaadiyo
			Hindisaha ku jeedaa
			Dadku iga hayaamaa
			Hore layga guuraa
			Inkastaan u heegnahay
			Xilka aan hagoognahay
			Misna habaqlahaygay
			Haadii ka dheregtoo
			Hanbo feenna mooyee
			Hordhac kuma badhaadhoo
			Hayinkaygu ima geyn

			Weli hogol da'aysoo
			Haaneedka uma qaban
			Weligey hal curatoo
			Duco iyo habaar baa
			I hareera yaalloo
			Waxan ahay nin hodanoo
			Hayntana ka madhanoo
			Adooigu hamiyayaan
			Waxba ii huraynoo
			Halac laygu dhaafiyo
			Gacan-haadis mooyee
			Qofna iima hagar baxo

			Adduunyadu hir weeyoo
			Hanti uma dudaayee
			Halis igu dardaarana
			Nafta haysan maynoo
			Mar qudhay hallowdaa
			Furataa hoggaankee
			Dadka ii han weynow
			Marka aad I hoysaan
			Waa in lay hagoogtaa
			Waxan hiil ka geli jirey
			Ama hoo ka tari jirey
			Hengel lagu taxgeliyaa
			Hadhow lay xasuustaa
			Hebbel lay yidhaahdaa.



    

Hud Hud   Dib U laabo


Boqorkay huq iyo ciil
Hagardaamo lumisow
Hadimada kalgacalka leh
Cilmigii u hoydow
Heesaha baroorta ah
Halqabsiga jacaylkow
Hambalyiyo salaan iyo
Hibo iga guddoomoo

Kolley waan hubaayoo
Hawlihii addunyada
Heshay aayahoodee
Hal yar aan ku toydee
Jannadii ma hurudaa?
Hadh qabow ma jiiftaa?
Hoobaan ma gurataa?
Hablo Xuural-caynii
Sow kuuma heesaan?
Waxa aad la haysaba
Hoo kuma yidhaahdeen?

Wedka lama huraayee
Reer soo hayaamiyo
Hayin raran ma kulanteen?
Hor Illaahay adigiyo
Hodan maysku aragteen?
Ma is dhaafsateen hadal?

Bal maxaan haweenkiyo
Dumar ugu hilloobaa?
Ama kula heshiiyaa
Ugu hagar la'aadaa?
Sowtay hir beeniyo
Ku tuseen hillaacee
Hogol aan da'ayn iyo
Hanfi kuu aroorsheen
Hirwo kuu garaaceen
Hungo kuugu baaqeen!

Sowtay ku hawleen
Ku jareen halbowlaha
Haadaan ku koriyeen
Hore kuugu riixeen
Hogga kuu dabooleen
Hoos kuugu tuureen!

Sowtay ku heereen
Hengelaa ku saareen
Gudcur kuu hillaabeen
Ku dhigeen habaaskee
Cidla kaaga hoyden
Hororkiyo waraabuhu
Hilbahaaga jiiteen
Haadda iyo xuunshadu
Hanbadooda feenteen!

Waxaan ugu hamranayaa
Hooyaa ka dhalatoo
Naaskii habreed baa
Iga hiilinaayee
Wallee hawlahaan galo
Iyo heegantaan dhigo
Dumar lama haweysteen
Ragba ma hungureeyeen
Hanti lagama dhiibeen
Guri laguma hoysteen
Hadal lalama yeesheen!


Isa Sudhan   Dib U laabo


Garan waayey sheekada
Waxay gacallayaashay
Geed iigu bixiyeen
Dhirtu waysku gogol qudha
Mase wada gudboonee
Giddi maysku qaadaa
Kay gaar u jeedaan
May goonni sheegaan
Maxay uga gabbanayaan?

Gudub magacu waa hore
Galbay oo la wada maqal
Dunidoo dhan wada gaadh
Gabdhihiina loo sheeg
Iyadaan god loo deyn

Gibishay I saareen
Geestee u duubaa?
Go'a lay huwinayaa
Ma dhaliil gurracan baa?
Gumar iyo ma ciin baa?
Ma ganboor sunaan ahay?
Gaagaabka cilinka ah
Ma gadaal bax baan ahay?
Mise gocondhadaan ahay?
Mise gawlallaan ahay?

Ma ammaan gayaxan baa?
Gabre iyo madheedh iyo
Ma galool mudhaan ahay?
Mise tolow gobkaan ahay?
Iyo lama garaacaan?

Ha ka guban mar baan idhi
Gacan baaban u holladay
Inaan geysto dhawr jeer
Misna waxaan gudoonsadey
Horta inaan u kuur-galo
Halka loo gol-leeyahay
Waa goorma goorteed
Gef dhacaan u haystoo
Godob baan tirsanayee
Sow waa gartoodee
Garas jilif leh baan ahay.

Guudkayga boqorrada
Garaareeya heesaha
Gallad qurux cod iyo luuq
Shimbiraha u gaarka ah
Gashan labada qaybood
Haddii ay galaydhkiyo
Galgalkiyo fadhiistaan
Geesigooda caan baxay
Gunta iyo salkaygana
Goodaaddo nacabiyo
Maska goodka halista ah
Inta bahal gurguurtiyo
Gungumaa ku shiri kara

Waxaan ahay ma guuraan
Gantadaydu adakaa
Gaashaan biraan ahay
Goblan tala adduunyooy
Gabay jaaba-jaaba ah
Jajab iyo guraangura
Geel-kiiska maansada
Suugaanta gocorka ah
Xulka inan gumeedka ah
Ninka maalin gelinkeed
Moorkoos ka gurayee
Garcan waayey baan ahay
Alle gaarrisaniyaa
Oo maxaase iga galay
Intuu Gaasir ii wadey
Googaalihiisii
Anba ways gujinayoo
Markuu gooddi meershaba
Garashaan ku dirayee

Ninku ways galaalee
Murti wax ka soo go'ay
Bal aan soo godlee qabo

Isagoo galgaladkii
La hadlaaya gabadhii
Wuxuu yidhi guddoonshuhu:-

"Samirkiyo dulqaadkiyo
naxariista badan bay
dadku igu ogaadeen
nafta aad sugaysaan
ma awoodahaygaa
yamyam iyo qadaad weyn
xataa caanaleydii
booc uga tukubayaan
markaan diiri waayaa
laysii qodqodayaa"

"Doofaarka ficil li'I
naar loogu daayimi
kol haddii dubbiyo waran
duunkayga lala dhacay
yaa dabarka igu xidhay
horta maan dagaallamo
anigu maan is daafaco"

"Sow duruustu maahayn
mudankiyo hal-doorkiyo
marka geesi laga dilo
dadku inay fadhiistaan
waatan geenyadii Diran
iska soo durdurisee
duufaanka wadatee
ma la waayey dabar adag
iyo wiil dardara qaba
ma inaan dumaalay
dantu igu khasbaysaa?

Duqu wuxuu u haystaa
Dilku inu qardhaas yahay
Dulmi lagu adkayn karo
Duqu waxaanu garanayn
Inuu dhiigga daataa
Yahay dogobbo waaweyn
Iyo xaabo lagu daro
Dabka qoran kulaalee
Lagu shido dareen guud

Isagoo galgalad kale
La hadlaaya gabadhii
Wuxuu yidhi guddoonshuhu:-

"Soddoh yahay la duufsaday
sowdigaan bannaankiyo
dibadaha u bixi jirin
sowdigii dusuuddiyo
weelkaaga xalan jirey
yaa ciyaarta kugu daray
kugu yidhi ku soo bood
yaase kuu cimaamaday?

Ma Rashiid Gadh-weynaa
Kugu yidhi ganbooley
Iyo guuri waayeel
Garta waa u simanyiin?
Ma ogtahay xilkaan sido
Ruuxa soo damaaciya
Inuu kiis bileys yahay
Meesha yaan habaaskiyo
Gabayooxu kugu dilin

"haddaan doonto gaadhsii
gaarriyiyo Hadraawiyo
Gunxan iyo Burhaan iyo
Ninkay Guush yidhaahdaan
Ama Boobe ugu gee
Gurigii Taywaan
Bal aniga wax iga gura
Horta garanba maynee
Fara geliya yaa yidhi
Arrimaha gudahayaga
Xaggee bay ka kululyiin
May shaqaalahaygiyo
Xaajiyo khamsiintiyo
Caasi waalideyntiyo
Jinka naagihiisiyo
Anigiyo darmaanaha
Isu kaaya daayaan
Jaas aanu dheellee
Nin la soo kiraystoo
Lacag doona baan nacay"

Duqu wuxu jeclaan laa
Ninkuu doono mooyee
Dar kaloo ka geesii
Daf inaanay soo odhan
Dalan doolka Filibbiin

Isba waxa ku dacal jira
Dubatada dhallaankiyo
Diin laawa-yaashee
Wuxuu ii durkinayaa
Wuxuu ii arkaa dool
Nin dabaylo keeneen

Duqu waxaanu garanayn
Dunidaba sal iyo baar
Inaan deyrku kala xidhin
Ama diirku kala gurin
In dagaalka joogiyo
Dadku laba bahood yahay

Isagoo galgalad kale
Dadka gooni ula shiray
Wuxu yidhi guddoonshuhu:-

" Qarafsiga aroortii
qadhaab doonashada guud
qofna looma diidee
haddii aan quwaax helo
dadka kalena wada qado
maxaa lay qaleeyaa?
Ma wax baan qalloocshoo
Qarankiyo dalkaan dhacay?
Ma wax qiiro kiciyoo
Laga qoomamoodaa?

Dalku lacag ma haystee
Shilimada ka soo baxa
Qof haddaan la wada siin
Qiyaash maashka ugu weyn
Miyey qaybsamaysaa?
Haddii laysku wada dilo
Hadhow yaa mas'uul ka ah?

Haddii berrito lay rido
Ama geeshku igu kaco
Anigaan wax meel dhigan
Sidaan yeeli doonaa?
Miyaan tuugsan doonnaa?
Ma waxaydin jeceshiin
Inaan daasad qaatoo
Ceebeeyo Filibiin?

Intii ay dhul weynaha
Raggii dhoofay haysteen
Sida awr dhufaanaa
Usha laygu dhaqayoo
Labadayda dhaban baan
mid markay dhirbaaxaan
ka labaad u dhigayoo
intaas waan dhursugayee
inta dhiisha qabada ah
wuxuun iigu dhacayaan
idinna maa I dhawrtaan?

Wixii roob ku di'I jirey
Wuxuu doog jilbaha dhigay
Diihaal ma laqanyoon
Dibnahaa qallalan weli

Duqu wuxu ka marag kacay
Danni horeba loo qabey
In dorraad gumaystuhu
Dusha sare ka raran jirey
Duqu waxaanu garanayn
Kol haddii dabuubtaas
Dibnihiisa laga helay
Denbi kale inay tahay

Isagoo galgalad kale
La hadlaaya gabadhii
Dadka guud ahaantii
Wuxu yidhi guddoonshuhu:-

"Tartan xaashi tiris galay
xujo socota weeye
xabbad baahan haystaa
ma xashiish can baan aha
bilaash-xaytayaashiyo
markaan naag asay xidhan
xilka anigu aan sido
u xayuubbinaayee
xafiiskayga kuul iyo
xinne iyo huruud iyo
lala tegayo googarad"

"Danyartay wad-wadatiyo
naagtan waalaneey maqal
dadka kuu gurmanayaa
shalay daahir yaa shamis
sawtay I doorteen
wuxu diino badanaa"

"Doorashadu mar weeyaan
nin la doortay baan ahay
sidii baan u doorrahay
doorashoo dhan waan xidhay
dabadayna lama furo
haddii kale dab baa kacay
imminkana digtoonow
dib u jeesta oo taga
ka su'aal ka keenow
magacaaga ii sheeg
ama diiddo weeyee
anti baan ku qorayaa"

duqu wuxu jeclaan laa
midho daray had iyo jeer
duuduub in lagu liqo
waxse aanu kuba darin
in la yidhi ha laga dayo
dirxi inu ku hoos jiro

isagoo galgalad kale
la hadlaaya gabadhii
wuxu yidhi guddoonshuhu:-

"Madaxnimada Filibbiin
ma dadkay u siman tahay
miyaan aniga lay siin
miyaan Riigan odhan hay
kun miyaanan shay dilin
kuman kalena dhaawicin
kumanyaal xabsiga dhigin
duqa iga sarreeyaa
markii uu warkaas helay
sowkii maqsuudee
hambalyada qoraalka ah
deg deg iigu soo diray
hubka yidhi ha loo raro
haddii aanan toosnayn
sow muu cadhoodeen?

Anna ima canaanteen
Ma duruusihiisaad
Igu beeninaysaa?
Dal hadday ku badan tahay
Deldelaada dhimashadu
Dabar go'u bannaan yahay
Hub markaaba soo dega
Dawladiisu waa caan
Inaan doorkan maanta ah
Deeqdas cid kale bixin
Dunidu way ogsoon tahay.
Axdiyohow ha lumin
Ugxan yahay ha dhicin
Ashkiryohow ha jabin
Ubax yohow ha dhiman
Udub yohow galool
Oggolow dhiggaa

Nin cuskaday Illaahay
Eebbay ku magan galay
Kuma qado agtaadee
Arrimaha Rabbow
Soo uruuriyeey
Adduunyoy hadduu
Nin ku aaminaa
Helo aayatiin
Ha lagaa arkee
Ishaarada nin goba
Ha ka eexanneey

Iima badan naftaydaay
Dadku waaya-arag buu
Hadba awr ku guuraa
Wax Illaahay kuu qoray
Cidi oolin maysee
Ukuntii dillaacdoo
Ababoo fogaatoo
Kambalkiyo ardaagaad
Ku ogeyd ma joogtoo
Shimbir ay ku nooloo
Laba baal aroortii
Urur kale la duushaad
Umal taah naftaydaay
Ku ugaadhsanaysaa

Ruuxaan aqoon iyo
Axdi naga dhaxayn bay
Dadku igu sidkeenoo
Eebbow runtii bay
Asaraarayaanoo
Qof ammaanaddaadiyo
Wacadkaaga iibshay
Addin iigu xidhayaan
Anna xuural-caynaad
Rabbiyow abuurtoo
Amranoo la yaabloo
Ka qarsoon adduunkoo
Circa oogadiisiyo
Abataqan ku nooloo
Qof ilaasha mooyee
Cidi aanay aragoo
Maalmaha Isniineed
Iyo labada Iidood
Eedaanka subaxdii
Dhulka soo abaartoo
Awliyada jacaylkee
Arammidu ku mudan tahay
Marta aqalladoodoo
Wadne abur tufaayoo
Olol iyo dab yeeshoo
Aslanoo casaanoo
Ooyaaya dhiigoo
Dhexda eebo kaga taal
Ku afura tidhaah-daa
Indhahaysgu haystaan

Ul madheedhahoon
Hor Illaahay iyo
Abaal laysu siin
Orod lagu helayn
Awood lagu hantiyin
Ayaan iyo nasiib
Ma ka adag yihiin?

Adduun iyo kalgacal
Haday wada ordaan
Hal-abuur tolow
Wax ma iibiyaa?
Beer oodanoon
Irrid furan lahayn
Haddii ubax jacayl
Ula sare ku yaal
Naf oggoli talooy
Illinkee martaa?

Nin abwaanahoo
Ka arradan gacmaha
Ka irmaan dibnaha
Tolow Ina Suldaan
Afku maw gudaa?
Hadday welli Alliyo
Uur-ku-baale tahay
Hadday aawadeed
Adhaxdiyo wadnaha
Waxaa iin ku yaal
Kail-sugan lahayd
Indhaheeda tolow
Ilmo lagu samara
Ma ka iman lahayd?
Oda lama filee
Afti iyo haddii
Ergo loola tago
Tolow aabbaheed
Muxuu odhan lahaa?

Urugiyo xusuus baa
Asaraarka faallada
Saqda dhexe abuuree
Umal iyo ladh soo kaca
Wakhtiyada inkaarta ah
Maxaa lagu illoobaa?


Indho Badan   Dib U laabo


God abeeso ninkii
Illinkeeda degow
Taladaadu iyaa
Ma allow sahal baa?

Arraweelo markay
Laba eefka lahayd
Igadh geela haddii
Nin aroorsan lahaa
Amarkeedu hor yiil
Odhan mayno kolkey
Awooddii rag dhintay
Sii agaasimatoo
Aakhiruu ku maqnaa
Ugaaskay dhaxashoo
Arrimii dhacay qaar
Utintooda haddeer
Lama oogi karoo
Abba looma hayoo
Sheekadaaba iskeed
Ma amaahan karee
Halka aahdu ku taal
Waa la sii axadhaa
Godob oofa ruqdaa
Aabudhkeeda riddoo
Alolkay jaratoo
Ibahay furatoo
Aslimayno dhaliil
Odjamleedi durkee
Immankaynu hubnaa
Waxa eegga jirree
Awgayow taladii
Ifka maw rogannaa

Naca jooji arbow
Eela weynta hambee
Ayaxow ayaxow
Ayaxow weligaa
Ayda waad dhilataa
Eelna waad ka tagtaa
Aafadaada miyaa
Aagna looga gudbayn?

Ashkirow farasow
Aadyar baa la socdaa
Orod kaagu labbaa.

Ban aroori kaxaa
Mar ugbaadku simaa
Dhal aboodi halkuu
Ogxantiisa dhigtaa
Aadamuu mar jantaa
Meel aboor degey baa
Mar iftiin ka baxaa
Gole aammus badnaa
Mar mar baa idhi taas
Anda-qaad ku bataa.

Ma aqoon ma aqoon
Ma aqaanno darkii
Isagii han-hinnaa
Waxa loo egmadee
In dhoweydba sidaas
Afartiisa rugood
Agab baa la dhigtoo
Oommanaa fadhiyee
Ifafaalaha guud
Abshir baa dhalatee
Waxaan awda hayaa
Ma ishaara san baa!?
Ma abaabul shar baa!?
Onkod gaaxdey miyaa!?
Ma cir soo olkamaa!?
Ma illiilo socdaa!?
Ma xer tuugi Allaa!?
Ma hayaan ulan baa!?
Ma dagaal uganoo
Laysu eeba gurtaa!?
Ma col awdalan baa!?
Ma ibleys qaxaya!?
Ma insaa ma jinnaa!?
Ma ardaa ma shinna!?
Ma aleelo qubtaa!?
Ma adeeri dhashaa!?
Ma arraa ma urraa!?
Ma awaarre kacaa!?
Ma ufaa ma dabayl!?
Ma asmaa ma Xanuun!?

Ubaxeey Ubaxeey
Indh yaab badanaa!
Kugu eegma batee
Maxay soo uriyeen
May ayaamaha qaar
Kugu soo ururaan
Immisaa jirey waa
Oontu kuu tirsanayd
Immisaa jirey waa
Arradkaagu sinnaa
Immisaa jirey waa
Noloshaadu adkayd
Immisaa jirey waa
Ajakaagu furraa
Immisaa jirey waa
Abaalkaagu sugnaa
Immisaa jirey waa
Ayaankaagu dednaa
Immisaa jirey waa
Adduunkaagu madhnaa
Immisaa jirey waa
Ishu kaa han-fogeyd

Wax aqoolka haddeer
Uskag baa ku jiree
May ayaamaha qaar
Korka kaa asturaan
May ayaamaha qaar
Wuxuun uu illiyaan
Uurku wuu ku madhnaa
May waxuun Ubaxeey
Afka kuugu riddaan
Adoogaa dabadiii
May agoonimadii
Aabbe kaaga noqdaan
May illaahay hortii
Irbad kuugu huraan
Alif waa derejee
Aqoon may ku geshaan
Erey may ku faraan
Loo adeegsado meel
Aayahaaga hor yiil
May ammaan ka dhigaan!

Abeer baanad ahayn
Oogadaan ku billayn
Awrtan qooqday haddeer
Abaar ba kulanteen

Ummaddeennu jidkii
Kii islaamnimadii
Ahabtii faralkii
Asalkii dhaqankii
Isirkeedu lahaa
Way ka soo ambatoo
Aarankay dubatoo
Ubaxeey hablihii
Ololaa ku socdoo
Ubaxeey sannadkii
Boqollaal ugub baa
Axankooda qashoo
Ammintiiba kolley
Inan baa dhimatoo
Aqal baa dumayoo
Udub baa jabayee

Arartaydu malaa
Asaraar ma gashee
Ubaxeey warar baa
Agaaha jiroo
Olloggaaga badh baad
Xog-ogaal u tahoo
Adigaaba yaqaan
Gabdho ooda rogtee
Ba albaabkan garaac
Ummul baa hurudee,
Wax ku oogan xanuun
Aamanuun gubayoo
Umal baa shidayoo
Ammuurii dhacay bay
La asqaysantahoo
Ilmahay dihataa
Xalay eydu cuntoo
Naxariista illayn
Anshax baa dhaliyee
Haddii uurka habreed
Astaan gaara lahaa
Hooyadii amranayd
Arxan goysey markuu
Xeer illow ku dhacoo
Ubadkii magantaa
Haadku eeganayaa

Eerashoy bi'iwaa
Iil dhexdisa haddaan
Obocdeedu qubnayn
Sow ma soo olosheen
Aaway beer debicii
Aabi baa lumiyee
Arladeena miyaa
Naas irmaani jiraa?

Shan afraad shan afraad
Birta kii ka aslaa
Oori deydeyayee
Aroosow magacaa?
Ilko dhiigle maxaa
Lagu aaminayaa
Dhego awdan miyey
Odayeyntu gashaa
Irdha qaado ragow
Naftaad aasi taqaan
Waad abuuri kartaa

Rag miyaad Ubaxeey
Alabkiisa taqaan
Asaydaada mar buu
Ashqaraar huwiyaa
Al-alooska gobeed
Waa ka aar gudashoo
Lama ooyo dhurwaa
Ishinkuu legdadee
Gabadh iilatay hooy
Ayaanteeda madow
Alwadkeeda ninkuu
Alalaas geliyaa
Uur ku taallada wuu
Wuu ka iidsanyahoo
Iman mayo halkuu
Ka alaabo gurtee
Ool waxay ka sidaan
Ergo waa ta dhahdee
Eedi hayga hadhee
Waan afeefanayaa.

Ubaxeey bahalaa
Ku ilaashanayoo
Ubaxeey hororaa
Ku ugaadhsanayoo
Araraa kugu dhow
Orgobaa fadhiyoo
Aarna waa gudayaa
Iimo kaa deyayaa
Geenyo aamus taqaan
Tuugba waa eryadaa
Mar baa ayrada geel
Oohow loogu digaa
Anfariirka dareen
Adhibaaba didee
Ahmin baa la gataa
Hilbahaaga Ardooy
Lama iibsan karee
Aanadaada ha deyn
Rag ul baa celisoo
Ka adkayso qudhay
Ammaantaadu tahee

Waa arooryo horoo
Orka kuu baxayaa
Amba qaadka salad
Weeye loo addimoo
Hadal waa la abyaa
Waa la soo ururshaa
Arrintaada marwooy
Wixii iiga ekaa
Horaan kuu idhee
Arbacuunkani waa
Abhintayda danboo
Waa ilayska hadeer
Addinkaagu halkuu
Ku abaaranyahoo
Waa ammaano dadeed
Amarkaan ku faro
Waa asaaska halkaan
Ka awaala digoo
Axdigaas culus baan
Adhaxdaada furee
Sheekadaada ogow
Idlaadkeeda hadhow
Adduunkaa sugayee
Af-dhabaandhab haddaad
Oofin weydo xilkaas
Way ahaan jirtey saas.




Jeegaanta   Dib U laabo


Jeegaanta dhalatee
Cirka lagu dhexroore
Dayaxoo dhammaysoo
Dhulka dacal ku haystiyo
Qorraxdoo dhacaysoo
Dhiganaysa baallaha
Midba dhool ku mudataay

Weli waxaan dhafoorkiyo
Dhabannnada la haystaa
Heegandan dhaqaaq-joog
Waxay dheelli-socotaba
Soo caana dhuratee
Kugu qabatay dheeggee
Dhammidaa tin iyo cidhib
Kugu dherersanaysiyo
Ta kalee ku dhaaftee
Dhican kaaga rutatee
Dhudhun kaa fogaatee
Ha hillacday dhuuxee
Dhibic iyo mahiigaan
Ku dhirbaaxday ciiddee
Dhirta wada ruxaysoo

Waxa dhaygag ii diley
Midabadan dhinbiilaha
Dharka wada xariirta ah
Dhexda kuugu duubee
Midba dheeha gaarka ah
Xubin kaaga dhiibshoo
Waxa adiga kaadhigan
Ama baro ku sii dheer
Qurux kaaga sii dhow
Middan dhaxanta jiilaal
Dabka iga dhex shidatee
Wadnahayga dhilatee
Dhillow-yahan sidiisii
Dhan kastaba u raacdee
Xididdada u dhaaftee
Dhiiggii ka shubatee
Xinjirtii ka dhuratee
Sida dhaanka jiilaal
Dhabarkayga raratee
Dhoomaha I saartee
Jidka aan dhammaanayn
Igu tidhi ku dhererow

Waxba yaan ku dheeraan
Arrintayda dhabaqdiyo
Sunta igu dhalaashiyo
Dhigtan udubka weydiyo
Lurka dhaawacaygee
Dhallinyaro rag iyo dumar
Dhawr baan aqaannaa
Dhugatada kalgacalkiyo
Wada qaba dhukaankoo
Dheehashada jalleecada
Isu dhaafi waayee

Dhede xidid ahoo qudha
Dhaayaha ku wada yaal
Inkastay dhaqmaadkiyo
Dhalashada wadaagaan
Dhayal iyo fudayd baa
Wed u kala dhaqaajaa
mid dhacdaa halkeedii
ta kaleeto dhaxashaa
nafta laba dharaar qudha
isu dhiibi laayoo
sida dhegaha oo kale
isu dhiman lahaabay
dantu oodo dhacameed
midba dhinac u saartoo
arrintoodu dhiif iyo
dhul ku foorar joogtaa

kala dhiman adduunyooy
ninkaad dheriga siisaa
intuu dhuxusha hoosiyo
dhardhaarrada ku maqanyaa
dhagarta iyo geeridu
dhoobada u qooyaan
dadba wuxu dhammadaa
intuu dharabka doogga leh
dhutis ugu tukubayee
hadba meel ku dhaxayee
maxaan kaaga dhololaa?



Jiitama   Dib U laabo


Dhudu geenyadaydii
Dhex-yartii shakaallayd
Dhirifkiyo wisiisiga
Dharjadii ku tumatoo
Jarihii ku dhabatoo
Dhufsataye u sii daa


Magaceedu waa dheel
Heensaheedu waa dhiin
Shalmad dhabaq-guduudiyo
Dhowloosyo dahabiyo
Sitaac dheeh leh baw xidhan
Baal dhalalaayaa sudhan
Kun hal bay u dhagantaa
Dhanbaal bay siddaa culus
Dhalandhoolka tiigta ah
Hadday maagto dheemaal
Ama dheelmad soo galo
Dhudhubaha shareerka ah
Iyo jararka dhiibta ah
Iyadaa dhanbalatoo
Dhabbadeeda falatoo
Tubta sugan ku dhacantoo
Abataqan dhoweysee
Dhaxaad humhumatee
Ma dhan tahay Sarmaanow
Isma Dhiba ku soo bood.

Sida badowga haw dhiqin
Dhiiftu way cabudhisaa
Yaanay dhaadin guul guul
Xakamaha sal uga dhawr
Ha la dhicin rakaabbada
Nabar kulul ka dheeree
Dhengeddana ha ku adkayn
Yaanay koora dheelliyin
Dhacadiidka fara badan
Dhabarkaa ku daalee
Dhaqdhaqaaqa tarantari
Tabahana u dhiib dhiib
Dhabdhab orodka booddada
Ha ku dhegin majiiraha

Hadba dhaad isugu taag
Hadba dheeg iskaga looh
Uga suul dhabaalee
Hadba dhinac u diga-rogo
Dhudhun iyo badh sii soco
Isku dhereri gaaddada
Bogga dhaxanta kaga qabo
Dhulka gacanta saar saar
Hadba dhagax ka soo qaad
Dhanka kale ka soo fuul
Hadba dhool ka muunsood
Dhoorka raanta tuurtiyo
Taataabo dhabannada

Dhaw-dhawda kala quban
Hal-abuurka dhabaqda leh
Hawraarta kala dhiman
Tixahaan dhugta lahayn
Way ku dhega barjowdaa
Dhudda gabaygu leeyahay
Ereyada dhexroorka leh
Suugaanta dhaladka ah
Kula hadal af dhawrsoon
Ha ka dheregto maansada
Dulucdana dhacdo u yeel
Nin la dhawrayaad tahay
Waa lagaa dhursugayaa
Yaan darmaantu kula dhixin
Dhakhsaheedu waa laydh
Badi soo dhirbaaxdee
Dhag-dhagtiyo xawaaraha
Yaanay dhaafin yoolkii
Ina Dhamac ku sugi jirey
Isba waa dhigaygee
Dhoodaanna tala geli

Dhugashada ayaamaha
Haddaan dheehdo waayaha
Sooyaalka dhaxalka ah
Waxay dhaayo joogeen
Hadda shalay ma dheerayn
Waxa dhacay ma fududayn
Weli dhaar ma beenayn
Maalmihii dhanaanaa
Wixii dhiif la soo maray
Iskastoo la dhabar jabay
Laysma dhiibin goobii
Dhederbiga la geylamey
Mana jirin qof dhawrsaday
Dhaqan iyo hiddaa jirey
Dheg la xeeriyaa tiil
Dhaqashadu hal maahayn
Dhiigna waa la huri jirey
Dhumuc waa la ridi jirey
Badna waa la dhuri jirey
Guulna waa la dhalin jirey
Dhiiri buu hubku ahaa
Dhaadashaa hanku ahaa
Marka dhabi dhabteed tahay
Dhidar wayska tegi jirey

Miyaan dheelallaysnahay
Mise waan dhadhabayaa?
Dhammaan guulahaygii
Riyo iyo ma dholol baa
Ma dhibaad nin bixiyaa?
Ma runtaan dhacdo ahayn
Dhagaxtuur ma been baa
Labadii dharaarood
Mee ninkii is dhinac sudhay?
Miyaan daayey dhagartii
Mise dhiilladaan jirin
Mise tolow dhalooshaa
Dhibidkeedu adag yahay?

Dhirta waxa ku jira geed
Wac wac iyo dhalaal badan
Dhulka hoose kama baxo
Dhuuni yaalla kama qado
Damal dhuumo maaliyo
Dhamastii hadhka lahayd
Marka dhuuxu ka engego
Ma ogtahay dhillowyahan!
Hadduu dhaashto jiilaal
Ama dhiibsho laamaha
Naxariis la kala dhaco
Dhardharraanta quruxdiyo
Dhaaddanaanta liqanyada
Si kaluu u dheegtaa.

Maan dhabtayda faaqido
Dhubbad-qaad la daba galo
Cidla maan is kula dhaxo
Horta ooda dhacameed
Maan tilmaan ku kala dhigo
Dhalliishaydu waa tuma
Dhaymahaygu waa maxay?
Dhabadaan ku taagnahay
Hadday laafyo dheer tahay
Dhowrteedu badan tahay
mid ka dhow ma helayaa?

Haddaan dhay la heli Karin
Ama sixin la dhami Karin
Maan dhunkaal ba heensado

Dheeraad nin haystoo
Aqalkiisu dhalo yahay
Nabaddiyo ku dhaqan keed
Hadduu tuuryo dhaafsaday
Miyaan kiisa dhagax Karin
Maan dhadhaabta xaabsado

Hadday dheeshu laba tahay
Anigiyo dhurwaagay
Ka dhaxaysey guushii
Dhiniciisa ka holladay
Maan dhankayga ka guntado
Qayl- dhaanta sama-doon
Nin hadhkiisa uga dhacay
Dhawaaqayga sahashadey
Inuu ii dheg taagoo
I dhegeysto maan baro

Haddii awr dhufaanii
Isku saydhay dhibidii
Dhirta maan jejebiyoo
Anba dhoosha ka cartamo
Haddii dhoobi fara baxay
Dhoobeeyey taladii
Anba maan hengelo dhigo

Nin dhukani hadduu jiro
Anba maan is dhega maro

Nin dhibtayda magan galay
Anba dhiillo maan bado
Dhaawacayga hoog iyo
Dhimasho maan ku soo bedo

Ninki Dheeha gawracay
Hadduu dhuuni qaatiyo
Hubkuu ciidda dhaafsaday
Dhan kastaba iskaga xidhay
Xilli aanu dhaadeyn
Sida jibin dhinbilo kulul
Ama danab dhanbala ridey
Ama dhibic gudgude wado
Dusha maan ka soo dhaco

Hadday dhooftay nabaddii
Cirka looga xero dhigay
Dhoonbir maan ku soo rogo
Hadday ceel dhexdiis taal
Dhiigba maan ku soo guro

Dhambaalkaasi waa baaq
Dhawaaq weeye joogta ah
Dhahay oo haddana dhahay
Dhigay oo haddana dhigay
Hadba dhinac ka soo diray
Hadba midab u dhalan rogey
Nin dhegaystey fara badan
Ninse dhuuxay sheekada
Wax ka dheegtey mooyaan
Anna dhaawac igu gaadh
Dhimashiyo hed mooyee
Suugaanta dhacanta leh
Dhibba haygu noqotee
Inaan dhaafo lama sugo

Ma intaan dhitinayee
Arrintayda dhilayee
Dhebigeeda qorayaa
Bahalkii dhabbacan jirey
Iga galay dhufayskii

Dhayalsigu lur weeyee
Ma dhabbiibyey nabarkaan
Dusha sare ka dhayi jiray
Dhulka iyo dadkiisii
Intay dhiillo saarayd
Toban iyo ma dhawr baa
Dhaqaaq joogsigaygii
Sannad kale dib may dhigay

Intaan hawlo kala dhiman
Dhirin-dhiris ku foognaa
Maygu dhalatay Jiitami
Dhaylo dubato caawana
Ma ku iiddey dheel-dheel !!!

Goobtu dhaygag badanaa
Meydna waa dhex-yaallaa
Dhiigna waa qulqulayaa
Dhabataala cunayaa
Dhamac baa la tuban yahay
Dheella waa la tumayaa

Ma bishii dhabcaalkiyo
Dhaar jiidhka fuleyga ah
Dharaar-maalka tuugga ah
Nin gumeysi dhaansado
Taladii u dhiibtaa? !!

Ma bishii ma dheregtada
Iyo dhaysa weyntii
Gobanimada dhaawacay
Nimaan dheefta mooyee
Dhiska qaran ku hawshoon
Dheeraadka siisaa

Ma bishaan dhoweystee
Dhololee ku dhololee
Dhawraayey sebenkee
Sugey dhalashadeedee
Dhiciddeeda raadshaa

Ma bishaan ku dhaatee
Dhidibkeeda taagee
Dhismaheeda ficilkiyo
Dhudhunkiyo laxaadkiyo
Ku dhabeeyey kaarkee
Dhoobadeeda ciidda ah
Dheecaanka seeddiyo
Ku waraabshey dhididkee
Dhaxan igu bannaysaa

Ma bishaan u dhacartee
U kal tiriyey dhaaxee
Dhiilkeeda tolayee
Ceeryaamo dhacantiyo
Dhedo lagu hungoobiyo
Dhalanteedka beenta ah
Dhibicdeedu noqotee
Dhicisee is nuugtee
Waxba dhiiqi weydaa

Ma bishii dhallaankiyo
Dhallinyariyo waayeel
Dhaddig iyo lab labadaba
Dhammidood qalqalatee
Waxba dhaafi weydaaa


Ma bishii dhaqaaliyo
Dhaqankii burburisee
Isku dhuuqday labdaa

Ma bishii dhadhamadiyo
Dhafan-dhaafka hogoshiyo
Wax la mariyo dhuuntiyo
Qaran lagu dhillaystiyo
Dharabbada u xilatee
Dhulka lacag ku gadatee
Dhirta wada arradisee
Dalku dhaxal wareegaa

Ma bishii la dhuuntee
Sida eeri dhabankii
Dhabbadiyo jidaashiyo
Lagu jiitay dhoofkee
Dalka laga dhuyaalaa

Ma bishii dhanqalankiyo
Dhawa-welanka hooggiyo
Xabbad dheelli socotiyo
Qabri laysku dhacanshiyo
Xabsi lagu dhabriiriyo
Dhaca iyo colaaddiyo
Dhagartiyo shirqoolkiyo
Dhimashada jideysaa

Ma bishii laf dhabarkiyo
Afarteeda kala dhigan
Udubkiyo dhigtiisii
Dhoomihii is celin jirey
Dhaayihii is tebi jirey
Gacal wada dhaqnaan jirey
Hilbihii is wada dhalay
Dab dhexdooda gelisee
Dadku kala dhaqaaqaa

Dhugucdada xajiinta leh
Waxa loo dhab dhabayaa
Toddobaatan iyo dhowr
Ama boqol dharaarood
Ama tiro wax sii dheer
Nafta loogu dhibayaa
Dadka loogu dhacayaa
Dhaxan loogu joogaa
Dhafar iyo hurdo la'aan
Dibad loogu dhaxayaa
Dalka oo dhan nuurkiyo
Dharka loogu xidhayaa
Dhaanto loogu tumayaa
Dhaldhalaalka beenta ah
Ayaan dhuux ka hoosayn

Dheeha muuqa guudkaa
Nuxur looga dhigayaa
Hadii ay dhabeel tahay
Dadka lihi ku dhaataan
Wuxuu dheefa lagu qabo
Dhag dhag iyo durbaan iyo
Dharba looma baahdeen

Ninka dhacanta jiitow
Dharka ceebta qariyaa
Hadal iyo dheh maahee
Dhaqan suubban weeyaan

Dhimashadu xabaashiyo
Kafan laba dhudoodiyo
Rubaddoo ku dhaaftiyo
Iil dhexdiisa maahee
Dhilashada jidhkaagiyo
Sharafkoo dhantaalmiyo
Dheg xumaanta weeyaan

Haddaad dhuuxday bawdyaha
Miyaa dhawrsi kuu hadhay
Ma xanuun la dhaadoo
Lala dheellintaa maqan

Dhib waxaanku marinlaa
Adigaa dhammaystee
Haddii dhoof ku soo galo
Adigaan is dhalan rogin
Ama dhuuman saas yeel

Haddii mawdku kugu dhego
Dhabaqsigu ku sii hodo
Dhamme kuugu soo galo
Dhakhso iyo si kedisa ah
Isha oo ku dhugatoo
Ku dhalliisha mooyee
Dhoonbirkaygu kuma geyo
Nabar geesi kaa dheer
Birsol kaa dharaarow
Kuma darin dhallaankiyo
Dhasha oo ku ximisoo
Dheesha maarrarowga ah
Kugu jiidha dhoohnaan
Iyo dhoobo digasha ah

Dhinbilaha I shidayaa
Dhiciddaada maahee
Dhulluxaad abuurtiyo
Dhidhkaad reebtay baa badan
Dhiilladaydu waa taas

Hadal iyo dhammaantii
Bal aan dhaarsho heestee
Waxay dhaabadii tahay
Marka dhamac la huriyee
Dhuxul iyo dab ololee
Dhirta nooli gubataa
Gari dhaaya furataa
Dhafoor taabashada qaar
Ha is dhigan nin diidow
Ha u dhuran waraabii
Laftuu dhuuxay eersaday

Adoo dhiibey hayntaa
Dhaxdin iyo dalkii huray
Adigoo dhashaadii
Dhawaqiyo codkoodii
Ku dhaqaajin waayeen
Yaan ninkii ku dhaxal tiray
Adoo caara dhuubtiyo
Dhulka nabarku kaa yaal
Dhaxan kaaga daba iman
Dhillistiisa kugu dilin
Yaan lagaaga soo dhicin
Dhinacaan is bixin Karin
Dhacadiid iska ogow
Dhagartana is weheshada

Hayska dhiman sidii neef
Horta dhiig ku faraxalo
Dhudhun kaa hor jeedaa
Ku dhirbaaxi maayee
Dhumucdaadu waar hooy
Dhumucdaadu yay hooy
Dharab-roorka kugu jebin

Inantaada dhege culus
Dhiidhiibso kula tali

Gacan baa wax dhalisee
Ha dhur sugin ayaamaha
Hana dhawrin maalmaha
Dheeshu xeego maahee
Waa dhabiiltan gobanimo
Dhidar fule gashaantida
Boqorkiyo dhaclaa xidhan
Yaanu kaaga dheerayn

Baadi dhiilka buuxsamey
Dhici guusha maganta ah
Nidarkiina dhaqan geli


Jacayl Dhiig   Dib U laabo



Jacayl dhiig ma lagu qoray
Weli dhuux ma loo shubay
Qofna saanta dhabarkiyo
Ma u dheegey feedhaha
Dhabanada cad laga jaray
Hadalkii ma lagu dhigay
Xinjir aan is dhalan rogin
Midabkeedu dhiin yahay
Laga dhuray halbowlaha
Weli dhiil ma lagu shubay
Laba mays dhansiiyeen
Sida dhayda xoolaha
Dhag dhag maw wadaageen

Weli laba is dhaarsaday
Beryo dhacan nasiib iyo
Dhul ku kala cillaalaa
Subax dharabku kowsadey
Dhedaduna cuddoon tahay
Cidla aan dhir mooyee
Wax dhaqaaqayaa jirin
Jabaq maysku dhaadeen.

Kulankii dhabta ahaa
Riyo dhiifi keentiyo
Dhalanteed ma moodeen
Sida ay dhadhabayaan
Dhawr jeer ma seleleen
Af dhabaan dhab jamashada
Ma ka dhoofay hadalkiii
Bal dhaqaaq na kay tahay
Dhihidii ma waayeen
Ma ka dhabaqday xaajadu

Ilma dhalatay xiisuhu
Sida dhibic ma hiigaan
Ma ka qubatay dhaayaha
Ma ku qoyey dharkoodii
Naxariis ma dhidideen
Iyagoo dhanqalankii
Dheel dheelli mooyee
Dhegna aanay kaga jirin
Kolba erey dhex roorkiyo
Dhumucdii ka maqantahay
Dhitinaaye keligii
Ka dib tooban dharaarood
Carrabkiyo dhanxanagii
Dhirindhirid ma ku heleen

Laba guul u dhalatoo
Isu dhiganta weeyee
Dabadeed dhabeeshii
Hanadkii ku dheeraa
Dhudi mays bariidsheen
Dhubbad qaadka sheekada
Qofba dhagarta caashaqa
Wixii dhaaxo soo maray
Ma dhex galay kalkiisii
Ma akhriyey dhambaalkii
Warka maysu dhiibeen.

Kalgacayl dhito ahaa
Dhamac iyo dab huriyeen
Dhuxuliyo ladh soo kacay
Hadba dhoon ma buuxsheen
Kolba dhacan ma jiideen
Dhacdadiyo u jeedada
Qofba dhaadashada guud
Qofka kale dhankiisii
Inaan looga soo dhicin
Ma ku dhaabadeeyeen
Sannad mays dhegeysteen

Ma dhalaalay waagii
Dhag ma tidhi cadceedii
Intay soo dhaqaaqeen
Iyagoon ka dheeraan
Dhaqankiyo xishoodkii
Dhaymana u jeel qaba
Iyadoo dhexdoodii
Dhulka suxul banana yahay
Dhibta maysla taageen
Wax intaa ka sii dhow
Ma ku dhiiran waayeen
Dhayal laysu taabtiyo
Dhallinyaro habkeedii
Ma ka dhega adaygeen
Dhadhansiga miliilica
Isha mayska dhawreen

Dhabbaday is taageen
Qofba dhaabaddiisii
Sara joog dhankiisii
Kun habeen ma dherernaa

Dhudhummada aboorkii
Dhulka hoose kaga baxay
Dhilashada jidhkoodii
Ma dhanbalay sartii guud
Ma dhammeeyey hilibkii
Xidididada ma dhaawacay
Ma u dhaafay seedaha
Lafta hoose maw dhacay

Dhiilluu ku geliyaa
Ama waad dhalliishaa
Dhagartiyo wedkaagee
Dhimashada kal iyo laab
Ma ku soo dhaweeyeen
Dhoollaha ma ka qosleen

Ubax dheelka subaxdii
Naxariis ku dhaashtoo
Afka dhiin cas mariyoo
Dhaddigiyo labkisii
Laba dhude isugu maran
Ma is dhaafsadeenoo
Dhaxal maysu siiyeen
Dhuuni kawlka caashaqa
Maysu sii dhadhamiyeen
Ereygii dhinaa hadal
Dhegta maysu saareen

Dhafan dhaaf aboorkii
Ma dhufsaday cammuudii
Ma u qaatay dhoobada
Dhab-dhabkiyo kabkabidii
Labadaba ma dhalan rogey
Dhismo kale ma soo baxay
Ma ka dhigay wax yaabliyo
Dudun dherer ku caanoo
Dhumuc iyo laxaad weyn

Dhalan dhoolka maantii
Dadku dhacarta jiilaal
Ma dhasaday dharaartii
Ma ka dheelmay galabtii
Iyadoon la dhaadayn
Sheekada dhabteediyo
Dhabar weyntan hooska leh
In dhexdeeda laba ruux
Runta kaga dhur sugayaan

Haddaan laysu dhamanayn
Nafta laysu dhiibayn
Ama dhaxal tis qaadiyo
Dhismo aqal la taagiyo
Ubad iyo dhaqaaliyo
Dhaqan reer la kala sugin
Dhunkashiyo u jeedadu
Tahay dhaayo guudkood
Waabay la dhabaqsado
Dhereg iyo markaas qudha
Ama sida dhurwaayada
Hilbo gabadh dheg roonoo
Higlo loogu dhuuntoo
Dhakhso loogu kala baxo

Ninba waxa dhabbacashada
Dabinkiisa ugu dhaca
Dhidar iyo xabaashii
Sharaf lagu dhabcaaliyo
Dhawrsooni laga tegey
Dhalanteedka beenta ah
Bulshadaa u dhaawacan

Hab jacayl u dhaqan galo
Ma holladay ka ugu dheer
Maamuusna ugu dhow
Mise weli wax baa dhiman



Ka rogoo hadana saar   Dib U laabo


Ka rog oo haddana saar
Sabkax oo haddana seed
Seemman oo haddana sulan
Sidkan oo haddana sagan
Sahlan oo haddana sudan
Sal leh oo haddana sigan
Sillan oo haddana sugan
Subkan oo haddana solan
Af Somaligaygow
Wax sawaaban noqotee
Maxay kuu sameeyaa?

Ka rog oo haddana saar

Waa lagu sugayoo
Lagu saadinaayee
Cabdiyow ma socotaa?
Xeebaha sintoodiyo
Ninka Saylac joogow
Sagalkiyo daruuraha
Wararkaagi saaraa
Xamar bay bishii soon
Saxal-qaaddu keentoo
Sahankaagi noo yimi
Sahaydiina noo keen
Xagayaga sareediyo
Waa Seer-ma weydee
Maxaad saaka joogtaa?

Ka rog oo haddana saar

Tiro siman sagaal tuur
Soddon keen sided hoo
Waxa hadhay bal suuree
Ma so'baa ma saan baa
Saddex iyo shan waa kee
Sakalaha ha laga guro
Laba sulub ha lagu daro
Guryo samo ha lagu furo

Ka rog oo haddana saar

Siinleyda maansada
Haddii saami loo dhigo
Dadku uma sinaadoo
Suuganta hadalkiyo
Cabdiyow sargooyada
Lagu kala sed roonoo
Rabbi wuxu ka siiyiyo
Sida ay la noqotuu
Ninba seylad keennee
Ha saluugin Riiraash
Ina Saalax haw dudin
Af-qallooc ha saamayn

Soomaali weyn baa
Xaajada la socotoo
Iyagaa ka seegiyo
Ka sugaaya garanoo
Kala sooci doonee
Laba seeble yeelkii
Ha ku lumo sursuuraha
Sixirkiyo shan xuubluhu
Ha ka dhaco sallaankee
Xidho saanadaadoo
Sulufkiyo colaadaha
Samaydaadu yay jabin

Ka rog oo haddana saar

Badadheena Saaqiyo
Samawada ku magac dheer
Rag Saluugla ula baxay
Marna Suuban lagu yidhi
Sumaddeedu waa caan
Kula siistay Baaruud
Adna haygu sara tegin
Waa Saxarla sheekadu

Ka rog oo haddana saar

Hararada sal iyo baar
Lagu taxay sitaacee
Loo soohay baarkiyo
Saddexlaha ujeedaa
Dhigta loogu saabboo
Marti sama falkeedaa
Koramada sagaal jirey
Loo sudhay hoggaankoo
Sooryaa la hurayaa
Safar baa la furayaa
Sumallaa la qalayaa
Xididkiyo sokeeyaha
Laga seexan maayee
Salliyada xariirta ah
Socotada u kala roga.

Ruuxii saboolow
Xilku saari maayee
Saca maatada u godol
Saadaal ku noolow
Samirkana ha moogaan
Ruuxaan wax sidinoo
Shirka soo salaamow
Adigaa wax sugayee
Sarar iyo leg iyo badhi
Kee baan ku siiyaa
Sacabkaagu qaadaa?
Iimaan sed weeyee
mid haddaad saluugtana
saddexdaba bal iga hoo.

Ka rog oo haddana saar

Sidig maqan ninkeedii
Talo waw sar go'ay tahay
Jid-Siraad korkiisiyo
Suudaa la marayaa
Sanadaa la dhaxayaa
Sahay lagama maarmee
Ha la jiro sibraarada.

Ka rog oo haddana saar

Saanteena guudkiyo
Suntu hilibka dhaaftoo
Sal waxay ku leedahay
Saableyda uurkiyo
Sambabada dhexdoodoo
Maal baa la sarayaa
Selel looma baahnee
Kii seedayow toos.

Ka rog oo haddana saar

Soodhkiyo billaawaha
Sinta midig ha lagu xidho
Faraskana silsiladdiyo
Seetada ha lagu furo
Seefaha ha lala baxo
Seeraa la furayaa
Saryan baa la dabayaa
Wiyil baa la sabayaa
Xaajada sal fudud iyo
Sakatiga ha laga jiro
Sahwi yaanu kala ridin
Sahal yaan wax loo odhan
Dhulku waa sanqadhayaa
Cagta saari maynee
Socodkeenu xeel iyo
Ha ahaado laba suul
Sirna yaan la faallayn
Murtidana ha saafina

Ka rog oo haddana saar

Maansadu ha socotoo
Sida daad mahiigaan
Dhulka haw sabbaysoo
Kolba sabo ha gaadhoo
Culimada salaaxdaa
Senge hawgu joogtoo
Ninba subax ha maalee
Ruuxii suldaarow
Garo inad sabool tahay

Soddoh weeye xeedhadu
Ragna waa u siman tahay
Ninka suunka taabtee
Ka sal gaadhi waayow
Garo inaad sabool tahay
Waa gabadh su'aal iyo
Halxidhaale sidatee
Ninka Abu sarnaantiyo
Saddex qayda boqorka leh
Kaga fura si-dalagtee
Male kaga sinaystow
Garo inaad sabool tahay.


Mulya   Dib U laabo


Muliya saaseey
Hay saasey
Muliyaa saasey
Hay saasey
Muliyay saasaa
Hay saasaa
Mulliyay saasaa
Hay saasaa

Yaa mullaaxda galool
Maydhax looga jaraa?
Yaa masaarriyo Hawd
Maadha looga guraa?
Yaa mageyno irmaan
Dhasha looga maraa?
Yaa hadhuub madaleed
Moroh looga tolaa?
Yaa maraa hadh qabow
Maydal loogu xidhaa?
Yaa marleyda haween
Taan maqaarka lahayn
Looga maarmi karaa?
Qurux aan masanuun
Male loogu tegeyn
Yaa macnaysan yaqaan?

Miyireey dhibtaydiyo
Meeraysigaygii
Dhegahaad ka maratoo
Hadal mooyi keliyaad
Ma huraan ka dhigatoo
Maya baad ku koobtoo
Il mugged wax joogiyo
Midig baad ka talisee
Hawraar magooshoo
Ubax iyo man bixisaan
Kugu meherin-laayoo
Marriinkaaga hees iyo
Maahmaaho yaabloo
Nin magtii ka culus iyo
Murti baan ka dhigillaa

Mudan baan u noqonlayd
Dumarkiyo marleydoo
Masallaha jacaylkaad
Maamuli lahaydoo
Gabaygaan madhxinayee
Hore ugu masuugaan
Kugu madhin lahaayoo
Cidi kulama maasheen
Maskaxdaydan curatoo
Malyan kula gudboonoo
Muuqaaga aragoo
Maqlay sheekadaadaa
Ku majeeran-laayoo
Inta gabadh is mooddaa
Masayr kuugu iman layd

Murankaagu duniduu
Maan dhaaf ku ridi-laa
Kuwa maqasha raaciyo
Ma-kastaa ku baranlayd
Jidka waxad ku marilayd
Sacab iyo mashxaradoo
Miyi iyo magaalaad
Maamus ka heli-layd

Midabbada dhabeesha ah
Qurux daadan maydhee
Rabbi kugu manaystaan
Hadba meel ka sari laa
Madaxuu ku socon laa
Mar qofkii dhegeystaa
meexaanahaygoo
Midho laysku baantaan
Kuu marin lahaayoo
Muqdishiyo Hargaysaan
Madadaalo waayeen

Hadba mahadnaqaagaan
Mirta dhexe la kicl laa
Gacalkiyo mataanaha
Wedka kala muquunshiyo

Haddii mawdka geeridu
Iga kaa hor mariyaan
Kama aad maqnaateen
Maankayga gelinoo
Magic baad ka dhiman layd
Marti soorka Eebbiyo
Inta melg ag-joogtiyo
Marwadii Rasuulkaad (S.C.W. )
Magan kaaga dhigi laa

Qabrigaaga maansiyo
Murugiyo xasuus iyo
Mahadhaan ku qori laa
Maka iyo Madiiniyo
Halka Maxamed yaallaan. (S.C.W.)
Calan kuugu mudi laa

Muliyaa saasey
Hay saasey
Cishqi baan miraayoo
Kolba mayracayoo
Muddo dheer isagaan
Majaraa u hayoo
Guntii soo murdiyoo
Kal gacaylkan madow
Aan murwaadka lahayn
Ninkii meel u hayee
Ku muraadsanayow
Hoo muftaaxa jacayl


Quduro   Dib U laabo


Cabdi Aadab Qaysow
Qoffi soconayaan ahay
Qaro iyo laxaad iyo
Qoton waa halkoodii
Ul qallalan umaan dhalan
Qurux kama madhnaan jirin
Hana qaad filkaygiyo
Ka da'weyni qayrkay.

Hilbahayga qoonmiyo
Qayaxnaanta jaahiyo
Sida qaansadii godan
Joogaan soo qandood sadey
Qurubsiga tallaabada
Qalqalloocan igu dhacay
Ma lahayn qallaafee
Qoontayda hoosiyo
Waxa qaabkan iga dhigay
Qisadaas ma haysaa?

Maxaa iga qabyo ah hawl
Wax ka qabashadeeduna
Qayrkay ku xidhan tahay

Maxaa qalinku sheekiyo
Qubanaha dharaartiyo
Kolba qodob la yaabliyo
Mahadhooyin qorayaa!

Maxaa feedho qaaxiyo
Qulub kala kexeeyeen
Qoomammadu damqaysaa

Maxaa ciin la qooshiyo
Waabay qadhaadhoo
Dacar lagu qasaasiley
Iyo quudhsi dabayaal
Afar aan is qabannoo
Cabsi loogu qumayaa

Qamuunyada dibnaha iyo
Qacda labada fool iyo
Maxay qaawinta ilkuhu
Qanja barar isku hayaan

Maxaa qiiro hoosiyo
Ilmo qubatay gocashadu
Ha I qarin ku leedahay
Isaguna qabaal iyo
Qaba dheer ku shubayaa

Maxaa ruux qaldhebayoo
Qormadii rugtiisiyo
Qudha laga toleeyoo
Misna quusan waayoo
Nafta quudhi waayoo
Qarandida sideedii
Qodanaaya booraan
Godka meel qarkiisa ah
Qoobley ordaysiyo
Fardo qaxay ku jiidheen

Maxaa seefo qawliyo
Gudmo lagu qadhaabtaa
Damal adag qarqooreen

Dadku dhagar qaboobaa
Qaantoodu fududaa
Qarqarsigu ku adakaa
Ninka qoofashee yidhi
Qoorta hoos u wada roga
Qoontooda badiyee

Iyagoo qiyaamiyo
Bad qaloonbiyeysiyo
Ku dhex jira tog qawlay
Qoyanaanta diidaan

Iyagoo qaldhebayoo
Qatannoo arradanoo
Gabaddano qadhqadhayoo
Nolol qaawan joogay
Burka qaraf ka dhawraan

Qawdan waa nin keliyee
Haddaan qaybta loo burin
Wiyil qoodh ah laga dhigin
Qaran kuma hoggaansheen
Qaadhaan gumaystiyo
Qalle lagu hungoobiyo
Qalam jalam hadoodilan.

Ma lafaa qandoodiyo
Saadaal qallalanoo
Lagu qiil banaystiyo
Riyo qabaxtankeediyo
Qaadaa dheggeediyo
Qashar iyo salool baan
Qalalaasahaan gabay
Ii gumiya leeyahay

Ma quruumo ciiddiyo
Qawlallada aboorkiyo
Inta dulin qadhaabtiyo
Qablantadu ku kulantee
Canka lagu qadhiidhiyo
Qabri lagu ducaystay
Qabyaday ku xidhan tahay

Ma qorshaa badheedhkiyo
Quxub lagu hirgeliyee
Qori tuurka Saadooy
Lagu kala sed qaatay
Qadder dhacay u haystaan?

Jidku qarar xidhiidhiyo
Qodax iyo dhib badanaa
Qaringaynu joogniyo
Qard-jeex yays baray?
Dadka yaa qareenkiyo
Qolo qolo u kala raray?
Qoqobbada dhex yaalliyo
Tolow qalada yaa baray?
Qorannimada waa tii
Qoor-gooyo laqan iyo
Qaryad weer cad xidhatiyo
Lagu helay qisaastee
Hadmaa qaabkan loo roggey?
Bulsho qudha la saanyadey
Qaydar iyo galool iyo
Qansax miidhan laga dhigay?

Qandigiyo mareegtaay
Qalwadiyo sursuurtaay
Iyadoo qaskaagiyo
Raggii aad qalqalatee
Qawlaha u loogtee
Tidhi qaybi dacawada
Qoyan tahay raqdoodii
Qummanii degaankiyo
Qadhadheytiydiisii
Qumayada dabkeediyo
Lagu shiilay qaxankee
Qunbeyaasha lagu shubay
Adigoo qudhqudhiyoo
Ku qubeystey dhiiggii
Iyadoo qalfoofkiyo
Hadhadoodu quban tahay
Haddaad soo quturan tahay
Ama weli qor kuu hadhay
Qoysku waa hadhiinoo
Qabku maaha beentaa

Qudha loo kal tiriyaa
Qusur kama fogaatee
Ina Qayte yeelkii
Ha qudhqudhiyo caanaha
Qadda ruuxna haw dhamo
Hadaan qaamudkay gelin
Anigiyo rag ila qaba
Qoomaasha murugada
Qodkan bixiyey laamuhu
Dabna wuu u qolof dhici

Qaybdiid haddii uu
Qado wadari leedahay
Qoondaystay keligii
Gaariyow nin qadanaa
Qiimeeya noloshoo
Weligii qadderiyee
Qaska iyo colaaddiyo
Kama naxo qulqulaadaha
Qarfihiyo abaaraha
Rati qooqan baan ahay
Maskaxdaydu qayliyo
Qiiq baa ka baxayoo
Bulsho qawqab diidaan
Bal inay qamaamaan
Qabqabaha u tumayaa
Nin qab ii dhigaayaan
Anna qool u xidhayaa
Qoortaydu waa iib
Wax ka qaaya-weynoo
U qalmaan u hurayaa.


Shan Ubaxlay   Dib U laabo



Ugubey ma seexdoo
iintaada hoosaan
Uur-baadhayaayoo
Toddobada ayaamood
Kolba ood ka rogayaa.
Meel uurku tebayoo
Ergo kuugu maqantahay
Indhahaagan haystaad
Ku illowdey ruuxaan
Cidi kula arkayn iyo
Eegmadan jacalkiyo
Ilmadaadan qubatee
Dhabannada ordaysiyo
Dhirtanaad arradisee
Ubaxii ka madhisiyo
Waxan kaa ambaday baan
Indhashooda waayee,
Arrintaada gabadh yahay
Udubkeedu dheeraa !


Waxaad tahay qof uguboo
Iimaanku buuxoo
Sidan qabo Allaylehe
Aqalkaad ku dhalatiyo
Gurigaad ku ababtaa
Alla lagu xusaayoo
Awliyadu ku kulantaa.

Badi wuxuu arooraa
Arday macallinkiisee
Edebtiyo xishoodkana
Idil hooyadaabaa
Kugu tidhi adkeeyoo
Malaa aammusnaantana
Iyadaad ka wadataa.

Sida ruux abwaaniyo
Waaya-arag da'weyn baad
Arartiyo tilmaamaha
Kolba madax unkaysaa
Hadba dhinac aabyeysaa,
Malaa aabbahaa baa
Taliyoo arrimiyoo
Gabadhyahay af-tahamada
Isagaadka wadataa.


Timahaagan adhaxdiyo
Ka arooray dhabarkee
Garbahaaga ootaan
Erey lagu tilmaamiyo
Hadal lagu ammaaniyo
Wax asteeya waayoo
Afartaada waaxood
Indhal baysu haysoo
Luquntaadu inanyahay
Waa aaran geriyoo,
Sanku waa abuurtii
Fardo Adari joogiyo
Ashkirkii Nugaashoo,
Indhahaagu ruuxii
Sal-fudayd ku eegay
Ashqaraar ku ridayaan.

Afkaan midabka luulka leg
Mahadhada ilka furan
Labadaba Allaylehe
Ninka eeday waa ani.

Dadkanuu Ilaahay
Ka abuuray ciidee
Goblantada adduunyadu
Ka idlaysay dheehee
Dhaxantiyo awaaruhu
Araggooda doorsheen,
Oday lama wadaagtide
Ma cadceed arooryoo
]sagal oogadeediyo
agagaarka geesaha
kaga taxay aleelaad,
uur wada gasheenoo
ma cir-jiidha oogtiyo
xiddigaha iftiimaad
dhalad kula aroortaa.

Ma hadlaa af-saarkiyo
Indha saabka qaatiyo
Amran xuural-cayntaad
Isir hilib wadaagtaan?

Ubaxley shan ubaxley
Magacaagu waa udub
Gacmahaagu eegmada
Waa laba ulooddoo
N.F.D ku yaalloo
Unuunkaagu waa Xamar
Adhaxdaadu waa Hargeysiyo
Obokh bay ku beermeen
Abtirsiimadaaduna
Afrikoo dhan weeyaan.



Saxarla   Dib U laabo


Ku sinaan dharaartii
la sargooyey dunidee
Rabigaay sameeyee
cirka sare u taagee
xiddigaha siraatiyo
dayax suudi meeriyo
lagu sugay cadceeddee
sagalkiyo daruurtiyo
lagu xidhay sitaacee.
Dhulka gogol laseexdiyo
sabo lagu negaadiyo
laga dhigay sin-dadabkee
buuraha la saaree.
Dhirta samayda ciidiyo
salka loogu joojee,
saddexlaab badiyo webi
lagu yidhi sabbeeyee.
Dabadeed la saanyee
qofba meel la siiyee
saldhigeedu qaydnaa.
Cidi uma sinnaynoo
dadku ruux sabooloo
saranseer ku raagiyo
guryosamo nin yaalloo
sidka dhalay ku haystoo
heley seermawaydiyo
laba kala sadroonbaa
subax noolba joogee.


Waan soo socdaa kowdhe
waxna waan sidaa labo dheh
samir yeelo weligaa
Saxarlaay ha fududaan.
Salfudaydku Xaawuu
jannadii ka saaree
ruuxaad sugaysoo
maqan waa la saadshaa
sahan waa la dhowraa.
Ha sahwiyin ha salelin
sarka-dhaban ha noqonnin,
ha saluugin qaybaha
qalinbaa saxeexee.
Waxaan Saatir kuu qorin
ha u suul-dhabaalayn.

Kala saar run iyo been
kala garo sir iyo caad.
In salaadu weligeed
kala tahay sunniyo faral
u ogow saxiyo maan.

Inaad saamo jiiddiyo
sanqadhtirasho kala daa.
Naf jacayl sawaaboo
sanka kuu dalooshoo
kuu sudhay hoggaan baad
u siddaa maqaarkee,
haku daba-saqlaysee
ha gaabin seetada
sogsogtiyo cadaaddiyo
ha ku saydhin laamaha.

Waan soo socdaa kowdhe
waxna waan sidaa labo dheh
samir yeelo weligaa
Saxarlaay ha fududaan.

Todobaatan Midablay   Dib U laabo


Dadka muuqa guudiyo
Magac kala sinnaadaay
Marwo dumar garaystiyo
Marta kala sinnaadaay
Doqontana masayrkiyo
Mukur kala sinnaadaay
Miidaamo dhegalaay
Badda mawjadeedaay
Kolba maayad keenaay
Ruuxaan malayayn
Dhiigiisa miirtaay
Maasaar afweyney
Mindi lagu qadhaabtaay
Marti uma shidheeyaay
Magan kuma hagoogtaay
Mahadhooyin reebaay
Maahmaahda yaabkaay.

Maandeeq irmaanoo
Maraqeeda xoortoo
Nacabkeedu maaloon
Maqasheeda korinneey
Mayey iyo hillaaceey
Miiraale roobaan
Manjaroor biyeyneey.

Maydali fardoodeey
Ashkiraan murkucanneey
Madow iyo casaanneey
Maariin dhallaalaay
Magarkii la sheegaay
Todobaatan midabeey

Geedaan magool iyo
Midho iyo caleen iyo
Ubax iyo man dhalinoo
Aan maydhax laynoo
Lagu oodan maalkoo
Milic laga hadh gelinneey

Maartii dhalaashee
Aan moodey dahabkee
Milantee caddaatee
Isku miir dillaacdaay

Meydyohow qoslaayee
Milgihii xishoodkiyo
Maamuuska weydaay
Manjihii ku daaloo
Madaxaad ku socotaa
Meelaad ku nooshiyo
Muslinka iyo Gaalada
Midka aad la dhaqantahay
Mooyaan adduunkoo
Ma huraanka aakhiro
Madhax kuuma yaalloo
Maantay xisaabtiyo
Miisaanka joogtee
Naftu kugu muduci tahay
Maanlay afkaagaa
Kugu marag furaayee
Sawtaad I mudatee
Igu muusannawdaan
Fartan malabka kuu daray
Sawtaad melmelateed
Murdisada ka leefteed
Mahad iigu celiseed
Igu tidhi macaannaa

Ma filayn abaal laay
Maxrashoon kaliileed
Ama maangad iyo hawd
Waxa kuu maleegtee
Danahaaga maamulay
Muran inaad ka keentoo
Midiggeys u baydhoo
Moqorraysi baratee

Mugdigaan u heesaay
Gudcurkaan majeertaay
Maansooyinkaygiyo
Murtidayda lumiyaay
Madadaalo beeneey
Maaweeladaaddii
Meexaanahaagii
Iyo muhashadaydii
Maankaan ka saaroo
Kaa maydhay laabtoo
Masallii jacaylkiyo
Kuu dhigay maqaarkaad
Maydhaamanaysoo
Nafta kaa maquunshee

Ruuxii merganayaa
Miyir qaata soortee
Laba midig ku daaqaay
Kola miigan mayside
Caawa yaad miraysaa
Tolow yaad ku maqan tahay
Cidhibtee ku mudan tahay
Micyaha ku haysan.


Togdheer   Dib U laabo


Ninba waxuu ku taamaa
ama hees ka tiriyaa
tixo gabay ku sheegaa
halka lagu talaalee
hawadiisu taallee
uurkiisu tebeyee,
dumar taan ka sahansaday
waa gabadh Togdheeroo
Maxamuudi tooxwayn
saddex-qayd ka tolatoo
tusbax luqunta gelisoo
tafta daraya-muuskii
taakiyo badh muuqdoo
dhaxalihii tarraxayoo
sida boqorad taash xidhan
hadalkeeda tirisoo
hadba erey tukubisoo
todobaatan jeerbaan
soo toosay xalayoo


Sidaan timo haldhaaleey
ugu tebey hurdada xalay
anigaba Togdheerbaa
tusku iiga muuqdaa.

Ninba wuxuu ku taamaa
ama talal ku sheegaa
ama gacan ku taabtaa
halka lagu taftaafee
Burco waxay ku taalaa
xididdada tin iyo cidhib
tebinaaya dhiigee
hadba dhan u talowshee
dayax taabba-qaadoo
toban iyo shan joogiyo
xidigaha tartamayee
isku taxay dushiisaa
tahan iiga hirayoo
Tusmo barashadeediyo
taltallaabsigeediyo
taratarinta laafyaha
meeshay i turuqdiyo
tawstey i gelisaa
igu sii tarmaysoo,

sidaan timo haldhaaleey
ugu tebey hurdada xalay
anigaba Togdheerbaa
tusku iiga muuqdaa.


Tuke bari ka yimibaan
tusay boogahaygoo
u tilmaamay beeshoo
tebi idhi dhambaalkii;
taarkii ma geynoo
isma tarin dedaalkuu
u tabaabulshaystoo
taab-gaabnidiisey
naftu xadhiga towseed
ugu turunturootoo
latawaacaysaa.
Miyuu tuuray hadalkii?
Miyuu tiray jacaylkii?
Mise tulud raqdeeduu
ugu taaganyahay geed?
Mise wuxuu tukanayaa
faral iyo Taraawiix?
Mise wuxuu taraarkii
kala dhacay Tabciyo Sheekh?

Sidaan timo haldhaaleey
ugu tebey hurdada xalay
anigaba Togdheerbaa
tusku iiga muuqdaa.


Taawilo   Dib U laabo


Takri fale ma maqasheen
Afkii toori dhooblaha
Markuu gacan togaalaha
Ku madhsaday tigaadii
Tusmadiisa gogashiyo
Tuugeysi kaga baxay
Xagashada tammuuxdii
Gujadiyo tantoomada
Kaga tuujey mililkee
Sida qalin tahliileed
Tutuwaha cantuugee
Yidhi "toojo wiilkaa
Tooggadiisa kaa waa
Isna tuurin kuu qorey
Hadba tiisa kugu maal
Taana waa naqaannaa
Toobbadayna yeelkaa"

Isagoo tigtiganoo
Tawan oo werwerayaa
Teelifoon ku soo dhacay
Wahan tooxan loo dhiib
Teneg iyo qabqaba maqal
Taammilooyinkii dhawr
Ka taweli astaamaha
Wuxuu yidhi "tartiib hoos
Igu timi cadceeddaan
Toban guuraheedii
Iyo weliba taartaar
U tumaayey saantoo
Waanigan tin iyo cidhib
Tifta dhididka hooree
Alleylehe tus baa jira"

Wuxuu taa ku sii daray
Weedhayda tooxnayd
Warankaygi toosnaa
Tubihii qorshaysnaa
U tallaabi waayoo
Tabahaygi maalmahan
Togog soo rogmadey baa
Dib u soo tufaayee
Maxaa toobiyii helay?

Wuxuu taa ku sii daray
Tarmi weydey beentaan
Taabba geli is idhiyoo
Tiradaydu meel bay
Ka takoorantahayoo
Marka aan toddoba jeer
Toban toban u geeyaba
Taf kalaa furmaysoo
Wadar aanan filanayn
Iska kay tusaysee
Bal tabaaladaa daya!

Wuxuu taa ku daray
Tahar aan liq idhi baa
Igu turunturrootoo
Waxay taagan tahay meel
Taladeedu dhimatee
Tolow yaa farreeya ah

Wuxuu taa ku sii daray
Wakhtigii tin laga goo
Wax tashiilo igu yidhi
Anna taawintaydii
Idhi hay tafaafulin
Isagayga toosnaa!

Gaarriyow tareenkii
Lagu tacab khasaaree
Taabka riixi waayee
Tamartiisu guuxiyo
Tallan qudha ku koobnayd
Mar horuu tolweynii
Guradiisa tuurraa
Tarab tarab u daadshee
Tun ku shaashlayaashay
Hasha wada tadcaarteen
Ninba toogti garangari

Tawstii bacaadkaa
Teedkii hoggaankiyo
Taxanaha wereeggiyo
Tolommada burbirsoo
Tayo socod ka dhimatee
Biro wada tafiir go'ay
Wuxu soo tukubiyaba
Markuu taagi hoos yimid
Toolmoonayaashiii
Tuugna aanu xadi jirin
Inuu daafta kaga tago
Ayay sheekadii timi

Waxay ugu tiraabeen
Dhaxaanu tiirkiyo
Tiska culus Samaalow
Kaa tiirinaynee
Hanna tuurin jaallow

Wuxu yidhi "maxaan tari
Ama idinku taakulin
Iyadaygu turatoo
Ina kala taxaabtee"

Wuxuu taa ku sii daray
Waxaa toogta feleggiyo
Toommantiyo guhaankiyo
Tusbaxaygu igu yidhi
Xiddiggaagu tuuxee
Toommo oodan buu galay
Galbashada ku tiigaal
Kula dhacan taraarkii
Waad is tukhun tukhaysee
Ama taarka kala goo
Ama tab iyo xeeshaa
Ka tallaabso oodaha

Taxanaha awaalkiyo
Toyashada ayaamaha
Taawilooyinkaygii
Runta iigu tudhi jirey
Toddobaad ma gaadhay
Tafta iigu laabeen

Wuxuu taa ku sii daray
Haddii yoolka lays tubo
Naïf taada weeyee
Anba waxaan hor taagnahay
Taariikh I neceboo
Qayrkayba taashkiyo
Billadaha u tiriyee
Haddii aad tasawdeen
Anba tegey sidiinnee
Maxaa igu tuhmaysaan?
Bal tafeenahaygiyo
Taagtayda milicsada

Aniguba tib culus iyo
Tukubaan cuskanayaa
Kuma taagni lugahee
Haygu tiirsan Laangadhe

Dhan kalay ka taabteen

Ninkii taarta Libaan
Uma tooggo qumiyee
Ma tix gelin dhegoolee
Talan taalli laafyaha
Cag jiidka taran tari

Wax la yidhi tin caarow
Looxa waad ku taallaye
Haddii Alifki kaa tiray
Ta'da yaa u magac dhaban?

Wuxu yidhi sir baa taxan
Tartankay ka mudan tahay
Taban taabshaheeduna
Nin tar sheegta ma oggola
Waxes teeyo lagu dhaqay
Halaan awrba loo tu'in
Ninkii tuudiyaa falan

Wax la yidhi "Tinniixow
Tu Allaba ku biirsoo
Xaggee taadu sudhan tahay
Warka nooga tibix sii?

Wuxu yidhi "tibaaxdiyo
Toyashadu gar weeyee
Hadday tuludi caadkeed
Takar dhabasho badan tahay
Nin turxaan ka filayaa
Ka tabaabulshaystee
Miyaan laba tagoogood
Garashada u taba baray?

Boqorkii tilmaannaa
Mar labaad tareenkii
Tooc tooci keligii
Hadba dhinac u tooree
Tabca saar qalfoofkii

Markuu tiiradii horay
Ayaa taayir boodoo
Tafan toofe waa kaas
Dib u soo taaraaree
Alla taako yaw dhiga.

Isagoo tarwadhayoo
Tarshaduhu sitaan buu
Tan-tannida ka soo degey
Tacsidii dad baa yimi
Tiiq tiiqsi digashada
Turqe meydka weli nool

Wax la yidhi "gol taahiyo
Tiic tiica murugada
Adigaa tallaashoo
Tiiraaanyo beeree
Ka cantuug tif yo daran

Adigays taftaafee
Ha ku taamin shaalkii
Taabka aad ku haysee
Siduu kaaga tegey sheeg?
Tub hayowna aashaa
Ha is taawin keligaa
Waannu kaa tab haynaa
Bulshadaa tixraaciyo
Taladiyo gudoonka leh

Wuxu yidhi " tawaawacay
Turubkana sukaan degey
Wax kaloon tammediyoon
Tobanlaha ku waabshaa
Taabkayga kuma hadhin
Tuur tuurka geba gebo
Toddobaale igu dhiga
Lixle dhiirran igu tuma"

Boqorkii tilmaannaa
Taagtiisa kibiryoo
Qayrkii ku tanaxwee
Tagganaan ku raacdee
Inay tiisa noqotee
Tartankaa ku dheeraa

Wuxuu tiigsanaayiyo
Tuun-tuunsigiisii
Taabba qaadi waayoo
Tafa xaydadkiisii
Labadaba tukaa cunay.

Duni toocsi mooyee
Ninna taab ku qaban waa
Qofba wuxuu ka taransaday
Teel teel ku noqotoo
Inkastuu ku talax tago
Wuxuu tabanayaa badan
Tagtadiisa xiise
Tiisa joogta haaraan
Kaga daran timaaddadu
Tixdu waa abbaartaas.

Sidi Qabax   Dib U laabo


Saaxiibkay Qaysow
Marka hore salaan guud
Marka xiga sedkaagiyo
Waxa aad ku sugan tahay
Waa inaad na siisaa
Marka xiga silsiladii
Murtidaadi soocnayd
Subciyoo dhameeyoo
Solayoo bisleeyoo
Dabadeedna siistee
Saaxiib ma nabad baa?

Sumaddeedu waxay tahay
Roob saaka da'ay baa
Sar-ka dhaban la yimiyoo
Anna seexan maayee
Saaxiib ma nabad baa?

Sumadeedu waxay tahay
Heestaydu waa siin
Sidig weeye dihinoo
Waxa loo saddexa maray
Dadka haw sinnaatoo
Ruuxii sabooli
Caanaha ha saydhee
Saaxiib ma nabad baa?

Heestaydu waa siin
Waa sooryo xididoo
Saxar laga ilaashoo
Laa sugay bidhiiqoo
La saluugi maayee
Saaxiib ma nabad baa?

Sumaddeedu waxay tahay
Saxan-saxo ma roob baa?
Seed geel ma hilib baa?
Seko adhi ma xoolaa?
Far-dhexaad ma suul baa?
Sakaraad ma lool baa?

Biyo sare u jeedaa
Halka ay sul-dhigayaan
Sahan raacay weydii

Sumaddeedu waxay tahay
Cabdiyow sabeenii
Way sumal-xadeenoo
Midi haysa sidatee
Saddex dhalay warkoodiyo
Waxay saaka joogaan
Xogta aan ku siiyoo
Sarta kaaga jeexee
Saaxiib ma nabad baa?

Sumadeedu waxay tahay
Sheekadu sal-fududaan
Ama socodka qaarkiis
Kuma sama-falaysoo
Cabdiyow ka saan weyn
Suxullada la gaadhoo
Sinta waxay ku haysaa
Subulaha galbeedoo
Ninka saylac joogaa
Sanqadheeda mooyee
Ma yaqaan sirteedoo
Orgi sarara weynoo
Sogoboo dhufaaniyo
Inay tahay ri'seenyoon
Kala saari maayoo
Haddii looga sacab tumo
Salmihii Gurracaneed
Selel kama baxaysee
Ha la boodin seeftee
Saaxiib ma nabad baa?

Sumadeedu waxay tahay
Inta waranka sooyaan
Samaydii ka maqan tahay
Inta laba su'aalood
Sakaluhu dhex yaalliin
Inan dunida saabkiyo
Laga saarin tiirkoo
Qorraxdana siraadkiyo
Laga siibin nuurkoo
La afuufin suurkaan
Rabbigay ka sugayaa

Sumadeedu waxay tahay
Ninka ootay seeraha
Saxarlana ku guursaday
Haddii uu nin sare yahay
Aan laga sed qaadayn
Saadaasha mooyee
Si kalaan ka yeelaa
Suuroobi maysee
Aniguna sidaydaba
Soddohaa rag kale qabo
Kuma toobbad seegee

Sumaddeedu waxay tahay
Sidi-qabax shan maalmood
Sahay loogu talo galay
Soddon laguma gaadhee
Hadal lama sudhnaadee
Saaxiibkay Qaysow
Waxaad Suuban leedahay
Saca Faarso nacayow
Sagaal beri adoo qaday
Samsam iyo Bullaalaa
Saarkaagu kaa hayn
Saxarlaay ma kula tahay?

Suleekha   Dib U laabo


Idaa subag laga lulaa
Lo'baa saan laga baxshaa
Geel baa sidig loo ogaa
Sengaa orod lala ekayn
Sareedo Illaahay baa leh
Hablaa Soomaaliyeedna
Haddaan quruxdooda saanyo
Haddaan miisaanka saaro
Sagaal tobankii adaa leh

Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta

Sansaankaagiyo jaaha
Sara joogiyo tooska
Dhexda soohane tooxda
Sayn fardoodda ka dhuuban
Biixiyaa isa saran
Gaaraara kala soocay
Sanqaroorka la dhiibshaa
Nafta aan sasabaayo
Somal-haad gelinaaya


Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta

Saatirkii ku abuuree
Saluuglaay indhahaaga
Saldhiggooda qorsheeyee
Saxarkii ka daboolee
Baalashooda ku saabshee
Suunniyaa ku hadheeyee
Hareeraa kaga seeraa
Hibo gaara ku siiyoon
Cidna kuula sed qaybin


Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta

Saatirkii ku abuuree
Qoortan aad samay mooddo
Cabbaadhyaa ku sargooyiyo
Sidrigaagiyo laabta
Timahaagan ku seexdee
Kolka aad doc u saydho
Sararaa ka degaayee
Sabarkaaga tegaayaan
Samayskooda la yaabay


Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta

Saaray baanad ahayne
Saancad weeye jacaylku
Surradaan la dhigaynin
Heeryo weeye ku saran
Soodh halbowlaha gooya
Seef ku guud sudhan weeye
Nin ka saahidey oonta
Aawadaa uga soomay
Saymo looma horseedee


Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta

Rag Siyaasi wada Noqoy   Dib U laabo



Suugaan ka hadalkiyo
suradiyo murida culus
hadalada sadexa maran
halka laga sameeyaa
kolba laga salaamaa

Duniyahay sabool diid
siyayaaba badanleey
majaray ku socotaa
xumo lagaga saahiro

sulax noolba waa guul
laga helo sax iyo maan
qofka xiga samaantay
agihiisa sudhantahay

ma ogola suldaameyn
iyo diro ku sabashada
Hadba sarakaceediyo
sababaha ka dhacayaa

nafta lagu sargooyaa
labadeeda saanqaad
marba kii sokeeyaa
nafta lagula seexdaa

dadku sogordaheediyo
siraheeda culus buu
u su,aalo badanyahay
saridiyo rogrogidiyo

marba saab kabixintaa
hanku ugu sitiriyaa
Sugidaa leh maahmaah
iyo sawracgobanimo

hiyi baa leh saadaal
iyo saami lagu qado
marba sadadu waa meel
sabirkaa la qaataa

badhna qaybtu waa sarar
inaan suuska digashada
Marka saacu gudhanyahay
Waxa seeto laga dhigay

dadku inay ku soomaan
xilka sabanku leeyahay
iyo weedha saaloon
Sacab madhanba loohayn

Sadarada laqaybka ah.
Qof saluuga mooyee
hadda cadaygu waa soor
sirta waa ka dhigashada

marka aan si kale jirin.
Sange orod la dabagalo
salyar buu u necebyahay
codka salalka bayrtiyo

Dadka qaar sacsacanoo
sirqa ba,an ku noqotoo
marba suuf ku dedayoo
sawirkeeda necebyahay.

Rag siyaasi wada noqoy
wada furay silsiladaha
hadba taanu suurayn
Yidhi anigu aan saxo

Sarif hadal ku daaldaal
Marwo dumar ku noqooy saxal
subkeey heeganteedii
silicana ku keli yeel

suxulada habaaska leh
sabadiyo rugtiisii
sarajoog ku laablaab
ama jiif ku siigee

nina seeg ku noqon waa
xil sariirta kaligeed
adna hooyo saxarlaay
surin kugu banaanaa

Aqalada xiimraa sudhan
sigashay ku baridaa
dadku sabanka maantii
sahwi bay ku joogaan

saqda dhexe habeenkii
sardhadii ku lulanyahay
surmi bay ku hurudaa
ama ciil la kala socoy

ama cadho la kala suur
Dhasha saxalku hayn waa
Surbacaadka raacraac
Lagu qaad far iyo suul

Mar salaada jiidh-jiidh
Marna umalka seeraar
Si sawaaban yeel yeel
Dadku segeger moodmood

Sunbo loogu yeedh-yeedh
Dulucduna ka samarkiyo
Nin waxsaaray maahee
Sinji hirashadiisiyo

Saameynta wadartiyo
Xogta garashada aan sulin
Sumad baanay weli hayn
Cidna la gula saayido

Mar hadday sirgacan tahay
Dadku saangab wada yahay
Sanadaha ku kala weyn
Lixdan iyo sagaal kulul

Kuma kala sareeyaan
Kula mada sa waxanka leh
Suti muranka yaaliyo
Salowgooda baxayaa

Suruq buu dugsanayaa
Derejaan la kala sidan
Kala soocda laba ruux
Haki iyo sed baan jirin.

Dhulka suur ku yeedh-yeedh
Bulsho loo sanqadho badi
Sac sac raaca loo diid
Sakaraad lawada noqooy.

Dhaqan lagu sariigtiyo
Barigii sodohaleey
Saranseer kadaba yimi
Dadku wada salfududaa

Sanifaada wada baray
Iyo saarka tumashada
Baday seef la boodkii
Sunta qoosh la kala dhaxal

Sahan iyo baxnaaniyo
Noloshuba sansaan
Ma dhexyaal sureerkii
Haddaan soohdin kale jirin

Waxaan suuragalin karin
Dadku inuu sidalagtiyo
Afka suuq ku kala baxo.
Rabi samafalkiisiyo

saka weeye garashadu
lgu saanto xigatada
Satiyada aqoontiyo
noloshana sal iyo baar

waxaa looga simanyahay
waa siraad kadhigashada
hadba tii ku seegtoo
waxa laysu siiyaa

salka lagu fadhiistiyo
inaan seesku dheeliyin.
Hadday saancad dunidii
adoo sayn cad kugu tahay

saymaheedu meel buu
Ilaa saaka kuuyiil
haddaan sooryo waayeel
sanku neefle kuu hayn

cid baan saaf la dheegtiyo
xadhig soohan kaahayn.
Haddii duul ku sahashado
ama sebi xaq kugu luro
sed kamaqan tirsanayaa

sumalhaadka shidayaa
waa saruurad haysee
selel yaanay kugu ridin


Sirta Nolosha   Dib U laabo


Saaxiibkayow heedhe
Safar baan ka imi dheere
Marka hore salaan diirrran
Marka xiga samow heedhe
Ha ka nixin si-dalagtayda
Sacab fara-madhnaantayda
Suugaanta yaabkeeda
Salka iyo fadhaa keena
Marka xiga sugnaanteeda
Socodkiyo falkaa sheega
Xeerkeedu waa saase.

Saaxiibkayow heedhe
Anba saaka qaybteeda
Sirsirraan ka joogaaye
Xadhiggiyo bal eeg suunka
Iyo sabarka gaadiidey
Iyo salabka ii qaaran
Iyo suudha guudkayga

Hilaygiyo waxaan saabka
U gilgiley Samaw haanta
Subag inay ku dhiiqdaaye
Saasay ku badisaaye
Sannad weliba xeeshiiye
Kol hadday silloonaato
Samaheedu waa dhiige
Sumuc talada loo dhiibye
Sida sida sidaas weeye
Si la yeeli jirey weeye

Marka xiga Samaw heedhe
Talo sibiq dhaqaaqeeda
Soof-daran habawgeeda
Sal-fudaydka hooggiisa
Bal sallaankan fuul laalan
Iyo sagabtan heensaysan
Dhulka saas u jeedaali
Sidan iyo sidaas fiiri
Sidan iyo gadaal dheeho

Raqda solan lafaa soogan
Bal su'aal u celi meydkan
Sababtuu u go'ay raadi
Bal dhegeyso saylaanka
Iyo salowga beer-qaadka
Iyo sebiga yeedhiisa
Waxaad aragtay oo saasa
Waxaad maqashayoo saasa
Maxaad odhan lahayd Suudi?

Samalaho furfuriddooda
Godka seer-ma weydaanka
Marka ay sabbuux gaadho
Si kalaan u dhigi taase
Saaxiibkay Waayaale
Suurtuu dhalaay heedhe
Heedhee Sahraay heedhe.
Waxaan adiga kuu saantay
Dadka kaaga soo soocay
Sahra kuugu yeedh-yeedhay
Siduu aabbahaa heedhe
Samo ii faraan heedhe
Kuu siinayaa heedhe
Sooyaalka taariikhdu
Iyadaan salguurayne
Murtidaan Sahraay heedhe
Sadar kuugu qorayaaye
Heedhee Sahraay heedhe
Curad suubbaneey heedhe
Summadii Rashiid yeelo
Iyo weynidii Saado
Iyo sawracii hooyo
Sinjigii hablaa geeska

Subaxdii indhaa kuulo
Tintu saqafta yay waayin
Iyo diibka loo saaro
Subko oo xayaabayso
Korka siigo yey taaban
Ku illaali saabuunta

Dharku siifad yuu yeelan
Suyac iyo bar gaasheysan
Ku ilaali saahoodka

Garashadu Sahraay ruuxa
Sed u gaara weeyaane
Hadduu saamigaas yeeshay
Qurux ma leh saluuggeedu
Dadku siigga dida maaha
Sogob iyo ri'weyn maaha
Sumal iyo laxdiis maaha
Rati iyo sabeen maaha
Falka iyo sugnaantiisa
Socodkiyo abbaaartiisa
Dhaqan sida xishoodkiisa
Dabar iyo silsilad haysa
Iyo suun ma dhaafaan ah
Wuxuu soofka xoolaaba
Kaga soocan yahay weeye

Waxan uga socdaa heedhe
Naftu seeto yey waayin
Hana falin sidaad doonto

Hadalkana sar weedhiisa
Una saaf qofkii waaya
Ha ka tegin sarbeebtiisa
Hana gelin sursuur oodan
Hana lumin sargoyntiisa
Hana liqin sangaabtiisa
Ha ku saxan badheedhkiisa
Runta sogordoh haw yeelin
Ha suldaarin dooddiisa
Sisibaa wadaaggiisa
Sababee abbaartaada
Hana badin su'aashiisa
Sarrifkiyo tilmaantiisa
Saddex erey halkii dooni
Soddon yaanay kaa qaadan
Siddi-qabaxi yay raacin
Sare haw dhig-dhigin luuqda
Gacantana ha saydh-saydhin
Hana odhan wax sawliila

Heedhee Sahraay heedhe
Sarta hilibka dheehaaga
Samaydaada dhererkaaga
Sarajooga muuqaaga
Sanqaroorka jaahaaga
Dahab iyo xariir saran
Uma baahna saantaadu
Hadda silis ha xidhan maaha
Luquntana ha sudhin mahaa
Waxan uga socdaa heedhe
Marka aad sunuud hayso
Waxa suuq mug-weyn yaalla
Ha la simin kitaab weeye

Hurdo iyo Sahraay jiifka
Marka hore sariir raadi
Salli iyo furaash dayday
Saddexdaba hadaad weydo
Lama seexan kari waayo
Hadda saantu qodox maaha
Suugaantu gogol weeye.

Ninku qaday Sahraay tiisa
Hadduu seed liqliqiddeeda
Ku saruurad goyn waayo
Subag iyo baruur doono
Sidu jecelyahaa been ah

Dhadhan iyo sibraar kayda
Sidig caanaheedaa leh
Badar iy sarreen shiidan
Iyo sixin ku iidaaman
Wax la cuno sabiib baa ah
Nin samaystay baa faan leh
Waxaad haysataa saasa ah
Ka sokow intaan sheegay
Hadda soortu dacar maaha

Dharku Saadhi qudha maaha
Saylooni garan maaha
Iyo sabarandaa giiran
Mana aha surwaal biid ah
Haddaan saarku kuu diidin
Saddex-qaydu ceeb maaha.

Heedhee Sahraay heedhe
Sar daruuran oo maasa
Mar Abu Sarmaantiiya
Dhacle baarka loo seesay
Boqor wada xiyaakhaysan
Sildiyaal jiljila dhiibsan
Tusbax dhawr sagaal laaba
Iyo qool sunaar dheehan
Subeciyad xiddiyo laaf leh
Adigoo siddeeddaas hal
Iyo timaha oo soohan
Ku darsaday sifaa guudka
Garashiyo sarriig sheegtay
Ma qofkaa sitaa jooga.

Hadda salamadhlow gaabi
Ha ku jabin saqlaa waalan
Sallow ololka hoy jooji
Ha saloolan xayndaabka
Ha ku bixin saloognaanta
Ha sarriiran waayeelka
Sakatiga ka daa beesha
Saha iyo af kala qaadka
Ha ka nixin hiddaa suubban.

Gabdhayahow sidee waaye
Ilbaxnimadu saas maaha
Hadba suf karkaro maaha
Sararaha bannee maaha
Qorqor suunniyaa maaha
Dhabanada sibbaaq maaha
Sanka oo la mudo maaha
Sakhrad iyo xashiish maaha
Sawir iyo riyaaq maaha
Filin iyo sarcaad maaha
Saxan reer galbeed maaha
Kabo sookal dheer maaha
Suuriyo durduro maaha
Salsalaw cid kale maaha
Qof silloon ku dayo maaha
Wax sawaaban noqo maaha
Sinta iyo lafaa duudka
Saddex goor jejebi maaha
Dhaqankaaga saydh maaha
Soomaali diid maaha
Sidaad doonto yeel maaha
Dhulka oon ku sidi waayin
Samadoo la koro maaha

Xilliyada wax saareenka
Iyo saacadaa reebban
Sabbadiyo rugtay joogtey
Gabadh timi ma saalloona
Ku salliya Rasuulkiina (C.S.W)
Salka dhiga guryaa seexda.

Sunsun falan siddaha feyda
Sati fudud salaan sheegan
Indha suhub af geed saarrey
Hadba surin ka sheekeeya
Sidan iyo sibaas yeela
Ereyada saluuuggoo dhan
Kuma lihid Sahraay meella.

Sunbo iyo maraadaa leh
Inta sibiq dhaqaaqdaa leh
Sagan daaqa jiitaa leh
Inta marinka seegtaa leh
Waxba aan sugeyn baa leh
Inta sharafta saydhaa leh
Suuraafta maqan baa leh
Xadhig lama sitaan baa leh
Saca Faarsa nacay baa leh
Barni sumal xadkeedaa leh

Heedhe Sahraay heedhe
Suugaantu iib maaha
Erey iyo sunnee maaha
Hugun iyo sitaad maaha
Siddi iyo I daya maaha
Sadho iyo xajiin maaha
Laba saaq ku gado maaha
Waxan seylad gelin weeye
Sahdi iyo dareen weeye
Bulsho saaasaheed weeye
Samaheeda mudan weeye
Sawdkeeda diga weeye
Sacabkeeda kulul weeeye
Marna baadi sooc weeye
Sahan iyo tilmaan weeye
Dhaxal soo jireen weeye
Wax ku saabsan meel weeye
So'da iyo ka guro dhuuxa.

Heedhee Sahraay heedhe
Sirta noloshu xoog maaha
Dhagar iyo suryee mahaa
Surma seegto dedan maaha
Sibqi iyo hunguri maaha
Sacab iyo ka leef maaha
Sukhrad iyo fal xumo maaha
Hadba seeb u rogo maaha
Salfo iyo ku faan maaha
Damac iyo sandaho maaha
Derejiyo saldano maaha
Saro io dhalaal maaha
Sidan iyo sidaas maaha
Hadda sadadu lacag maaha

Heedhee Sahraay heedhe
Bulsho saami loo tuurtay
Shan siyood wax loo yeelay
Samir inay xigtaan maaha
Surka inay dhigtaan maaha
Sas inay didaan maaha
Inay suudalaan maaha
Sardho inay galaan maaha
Sixir inay dirtaan maaha
Inay kala saftaan maaha
Nin I sugayayow heedhe
Anigoo ku sugey heedhe
Maxaad ii sugtaa heedhe?

Heedhee Sahraay heedhe
Marka haaddu socod deyso
Dhirta sare tukuu fuulo
Gorayadu sanqadha reebto
Adna soonka xidho maaha
Mugdi talada sii maaha
Berri iyo siday doonto
Sug cadceedda maqan maaha
Saqda dhexe habeen soocan
Gudcur simay adduunkeenna
Wax siraata noqo weeye

Heedhee Sahraay heedhe
Saran seerka jiilaalka
Surbacaadka jaahweynta
Sumal-haadka roob waaga
Iyo solanka daaduunka
Cirka oo sabaad guurey
Dhulka oo huwadey siigo
Iyo dogobbo soogsoogan
Marka beladu sooyaanto
Saadaashu beenowdo
Saca nuguli kaa leexdo
Adna sebenka raac maaha

Inan sabadu duugoobin
Sayax iyo ugbaad waayin
Sudda iyo degaankaagu
Surmi iyo harraad leeyan
Ama saacu guur-guurin
Sohda ceelku dheeraannin
Adaa yeeli kara saasba.

Heedhee Sahraay heedhe
Saxariirka aafaadka
Saxallada kal-meerkooda
Sambabkuba col weeyaane
Marka saymo loo iisho
Ama soofku jaan qaado
Ushu way sabooshaaye
Ha ku dagan sidsidadkeeda
Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara ku hayntiisa
Weligaa ha sii deynin.
Sisin iyo ku beer muufo
Iyo laanta saytuunka
Ku qotomi sungaan waarta
Iyo nabadda seeskeeda
Samo iyo ku doon heedhe
Dunidiyo sinnaanteeda
Ku dawee sawaaceenka
Iyo siica daacuunka
Ku burburi sarbaa mooska
Iyo soohdimaa meersan
Ku midee samuud raaca
Midabada la sooc soocay
Dadkan tobanka saamood leh

Weligaa ha tumin seefo
Iyo sabaradaha mowdka
Dar samaysan baa yaalla
Sancayahan gaboobaa leh
Sahankaynu diranaa leh
Nin sokeeyeheenaa leh
Ninka sida xilkeennaa leh
Ka sarjara heddeennaa leh
Salab ciiddu hayn weydey
Ninka sudhay xiddigahaa leh
Nin sabuul la aayaysto
Dhulka siib ku ridin baa leh
Nin Sahraay adduunkeenna
Sacad gubi karaa haysta
Ninka sigay kun jeer baa leh
Waxa nolosha saameeya
Sako nimaan ka bixin baa leh
Nafta saawa-saawaysan
Santi nimaan ku furan baa leh

Nin aqoonta soorkeeda
Sida kale u rogey baa leh
Ninka sulubka maadhiinka
Ugu roon saboolkaa leh
Nin samaa ku adag baa leh
Sannadkaynu caydhowney
Kaynu suus ka weynaa leh
Naftu waa sir xeel dheere
Nimaan suubin Karin baa leh
Wedka qudha sameeyaa leh

Sulda iyo xanuunkeeda
Shalay iyo sadaaddeeda
Iyo saawihii hoogga
Naxdintii badh baa suuxsan
Selelkii badh baa waashay
Dad sawaaban baa buuxa
Dumar waayey saygooda
Hengashii sidaa muuqda
Ololkii badh baan seexan
Sarihii dumaa jiifa
Qabrigii sinmaa jeexan
Waxa saaka joogow ah
Surrad baa I guud taalla
Salabkii horaa tuuran
Samadiyo dhulkaa buuxa
Baddu waa sakalo miidhan
Qalab suruc leh baa laalan
Sanqadhuhu hub kacay weeye
Sabarkii dadkaa baahan
Saantii dadkaa qaawan
Weli talo ma saalloona
Waxa soo socdaa yaab leh
Wershed suufiyaa daaran
Waxay soo siddaa geeri
Midhaheedu waa saymo
Belo aan fan seeraarka
Saxar loo mar-maran weeye
Waxan ahay qof cayn saaban
Deldelaad u sudhan jeebka!

Allow yaa wax suureeya
Salka dunida yaa dhawra
Iyo seeska jiriddeeda
Wacanaa sansaankeedu
Badanaa sudaaddeedu
Saxanaa hannaankeedu
Allow yaan sugnaanteeda
Saymiyo u rogin duullan
Subax noolba dhiig daata
Xadhig iyo silsilad shiilan
Allow yaan sinnaanteeda
Ku beddelin saraar oodan
Iyo seere wiil qaytey
Dadka saran guudkeeda
Yaan ka dhigin sabool qaawan
Iyo soobir caydh jooga
Erey sami wuxuu gooyo
Allow yaan ku jarin soodhka
Garashada ka dhigan seefo.

Allow yaa su'aashaasi
Sida ay u tahay yeela.

Heedhee Sahraay heedhe
Dhulka iyo wixii saran
Sare iyo wixii laalan
Inta sudan intii seemman
Waxa jira sir iyo caadba
Rabbi qudha sax weedhiisa
Sida uu ku yidhi buuxi
Waxa hadhay salka iyo baarka
Inta sool qarsoon joogta
Inta seel xidhxidhan jiifta
Inta saydha waabayda
Maroodiga siddaa dheer leh
Wiyil iyo sahboodkeeda
Inta laga subxaanaysto
Kolay tahay libaax sayn leh
Marka aad Sahraay meel fog
Uga suul-dhabaaleyso
Deg-deg inay sujuuddaada
Suxullada dhigtaan weeye!
Sidashada awooddaasi
Sahal io wax fudud maaha
Qofba waa si garadkiisa.

Heedhee Sahraay heedhe
Badda iyo sulaaqeeda
Iyo buurta saysaaban
Onkodkiyo sawaxankiisa
Salowgiyo jibaadkiisa
Danabkiyo salsalihiisa
Sarka dhabanka duufaanka
Ha ka didin sawaxankooda
Duni kuu sakhiran weeye
Sayid baad u tahay caana
Suubaali oo layli
Ku sasabo aqoontaada
Senge iyo ka dhigo doonni
Sallo iyo ka dhigo oori
Gabadh weeye caad saran
Badi saayiraadeeda
Iyo laab salaaxeeda
Guro saadka guudkeeda
Iyo sahayda uurkeeda
Kordhi noole soorkeeda
Iyo baahi saarkeeda
Hubi nabad sugnaanteeda
Iyo sabo negaanteeda
Ha ku deyin xannun saaqa
Ha ku badin saqaaf ciiddan
Suluf iyo colaad waarta
Ha ku saaxin naabaalka
Iyo sulubka baaruudda
Ha ku didin sabbeeyaanka
Sabareynka boodbooda
Iyo sukhula naareedka
Ha la dhicin sawaariikhda
Iyo saanadaa miiggan
Ha sumayn macaankeeda

Salabaha ha marin doogga
Ha burburin sansaankeeda
Quruxdiyo sureerkeeda
Ha sadhayn hagoogteeda
Sagalkiyo daruurteeda
Ha sukuumin uunkeeda
Saryankiyo ugaadheeda
Ha furfurin sin-dadabkeeda
Ha ka rogin dul saarkeeda
Udubbada ha siibsiibin
Ha afuufin suurkeeda
Subax qudha ha duuduubin
Sakaraadka taaheeda
Uga xilo samaanteeda
Sacabkiyo mashxaraddeeda
Garashadu mid soofaysa
Ha ka dhign sadqaynteeda
Ha ku solo wanaaggeedu
Ku sin inan-dumaalkeeda
Kuwa saadanbee laalan.

Heedhee Sahraay heedhe
Seben tegey xusuustiisa
Raad raaca Siinleyda
Socod barashadii doodad
Saxarliyo abbaarteeda
Anigaan wax saaraynin
Sannad iyo garaadkiisa
Saadaashu been weeye
Waxba samir ma liileeyo
Ha sarwicin qof kaa jeeda
Hana sugin nin kaa maarmay
Hana sigan mar mooyaane.

Nin ku siray ha faallaynin
Sababana ha weydiinnin
Ha u seeta dheeraynin
Hana sidin culayskiisa
Siriq iyo ku qabo baydo
Hana falin siduu yeelay.

Nin ku yidhi anaa saasa
Ha ku odhan sidaas weeye
Sida uu ku yidhi heedhe
Haddii ay siniin weydo
Ama sarin sanaan weydo
Waxa furan sidaas maaha

Qof saluugey maankiisa
Ama suufay muuqiisa
Ka sal kacay xaqiiqdiisa
Qabku saami ladha maaha

Nin sitaba bar baa saran
Ninka sii sitaa jooga
Raggannimada sooceeda
Adigoo sagaal buuxshey
Hal ku seegay baa yaalla.

Sogotiga qof tegayaa leh
Si hadday u dhici weydo
Si kalaa u waan waan ah
Dunidaa sidaas yeesha.
Sooryana qof yimi baa leh
Si hadday u noqo weydo
Si kalaa u waaceen ah
Dad horaa sidaad yeelay.

Nin salaad u kacay oogan
Sahwi galay xalaaleeye
Adna sahankan beel loogan
Ha ka dhigin socdaal baada

In halkii sal hayn waayo
Laga saba rogtaa doora
In su'aal jawaabteeda leh
Lala sara kacaa fiican

Nin ku yidhi sinnaan mayno
Adna buri sarrayntiisa
Sidka waa wadaagtaane
Ma sagaashan baa tiisu.

Selelkaba hurdaa keenta
Haba seexan goor baas leh
Han sareedo loo waayey
In saraayo loo daayo
Sida aan u idhi weeye
Bela saacaddeed joogta
Sabti nabada haw riixin

Subax dhalatay caadkeeda
Ha ka bogan wax saarkeeda
Adiguba samee maanta
Berritona sargoo heedhe
Noloshaba inaad saafto
Qaabayso saabkeeda
Waxaan suura gelin maaha

Garashiyo sugnaan hoyso
Falka sami ha kuu raaco
Mana jiro sed kaa baaqday
Ilbaxnimadu saas weeye
Sirta noloshu taas weeye.  Weriyaha   Dib U laabo  

Weriyaha socdaalkaan
Ka hayaa war subaglee
Weeye weeye ii dhaha
Wanankii mid baa jaban
mid kalaa wad-wadataa
la walwaal Siyaadoo
shan wasiir la socotaa
laga wacay xabaashoo
wefdi baa baxaayoo
waaleed u kacayee
ku dhakhsada waraaqaha
wararkiyo farriimaha

Dogobyohow walhanayaa
malaa saaka waayuhu
ma sitaan wanaaggii
shalay iyo wacnaantii
wakhtigaaga buuxsamey
haddii weel ceshaa jiro
weynayso xeedhada
wadhidaada dib u dhigo
dawliskii Walwaleed
inaan waarna kuu hadhin
bal dadkoo dhan weydii
wir haddaad sal adag tahay
iska waabi geerida
wedka adiga kuu qoran
ku wareeji qayrkaa
inaad waarto goormaa
waxyi kuugu soo degey
haye dee wadaadkow
xil wareejintii hoo
iga qabo waliinjada
anba waalli heensaday
wadwadkeeda geeddee
adna sii walaandee

In Wilwilo ciyaar tahay
Is waraari badan tahay
Wiglo iyo hab leedahay
Marna walax dagaal tahay
Warmo iyo hub leedahay
Wejigeedu laba yahay
Waayeelba noo sheeg

Wallee iyo Billaan maray
Iyo wacad Illaahay
Wershadaa saboolkiyo
Wadhatada la qaybsaday
Wiilay dhashaan ahay
Weeraarta hoosiyo
Waaheel rug sare furan
Marka laysu kala waco
Ninka labada waaxood
Danyar weheshadaan ahay
Waayo waayadeed dee
Sow geel ma wadi jirin
Weris caano kama dhamin
Walacsiga nin hodaniyo
Sow wiirsi kuma korin
Sow aabbe weydiyo
Waxma hayste ima dhalin
Ina Walanwal maan ihi
Hurre lama walaal ihi

Derejooy wid lagu yidhi
Wid widaanwid lagu yidhi
Walahaana kugu raran
Hantiyeyna kuma waco
Woohowna kuma dhaho
Weligeyna kuma sugo
Wed haddaanad celinayn
Nin ku sheegtay waarayn
Maxaan kuu warsanayaa?

Waxaad aniga ii huri
Kuwa kugu werdiyayee
Sida weli ku caabuda
Ku wanaaji qayrkay

Is wanneehintaadiyo
Wadha hayla soo gelin
Weysada ha iga jabin

Alle weger haddana weger
Weger iyo ka waaweyn
Weger iyo ka waasacan
Ma wadiiqo lulatiyo
Waaq laan ku dhabar jabay
Ma wartaan jidka ahayn
Ma lugtaa wakala jedan
Ma warkaan tilmaanayn
Ma dhegtaan wax shubanayn
Waar hooydu badatee
Xaajadu wajaqanaa
Ma waraabihii baa
Wadhan iyo ka ciyey Togan

Walbahaarka gocashada
Iyadoo wash iga tidhi
Waxa dhacay Cabbaasow
Ila wabax tarareen
Duni iyo wacaasheed
Iyo werinta dhiilladu
Wadnahayga shidayaan
Ku wahsadey su'shaas
Wydiinna kuma maqan
Garashiyo war-celinteed
Ayaa waaya waayaha
Webiyada aqoontiyo
Wacdaraha adduunyada
Wixii laysla soo maray
Waayaale hagar baxay
Wacyigayga koriyaan
Waddo ii jideeyaan

Waayahay Diktoorkow
Hadday weedhu muuniyo
Walanqiyo dux leedahay
Anba sow walaalow
Wadar kela ma kaashado
Sow wawga jiiftada
Dadka waayahoodiyo
Wejigooda kama qoro
Anigoo werwerayoo
Talo iga wansiixdoo
Wana waani lulatoo
Wiswis leexadiisii
Igu weehanaysoon
Wadha reer galbeedkiyo
Weysaaqa Naatoo
La walaac asqooboo
Welwel jiifi waayoon
Sida wiira wiirada
Warwareeg ku lumayoo
Hadba way ku kacayaa
Warac meel ka ciidmaa
Wax la yaable geystaa
Wahad laydho keenaa
Walwal soo afyeeshaa
Waaceeni dhalataa

Anigoo wadeecada
Wantataca gumeystaha
Wakinaaya socodkoo
Wiiwiida dumarkiyo
Weehaadka maatada
La wareer sahsahayaa
Dhulka waax madoobeyd
Inta waa ku sara kaco
Qorrax Gaandi weheshaa
Wac ku soo tidhaahdaa
Bulsho weerka xoortaa
Aniguna wajiiniyo
Waqal igu gadoodaa
Wahabkii I saarraa
Waanwaani dhaxashaa

Dunidoo wajaqantoo
Cagta lagu walaaqoo
Inta weerayaal iyo
Bahal iyo wareentiyo
Kun waraabe boobeen
Shan walleys u taliyeen
Dad wanaag ku ledey xalay
Inta weerar lagu furay
Lagu galay war ma qabtada
Shil ku waabariistoo
Wadhantooda haaddii
Ku wishiirriyaysoon
Anna wadhida dhiillada
Murugada wahwahayaa
Weyrax meel ka toosaa
Senge waalan fuulaa
Isticmaar la wiiqaa
Wabar lagula ciiraa
Waydiisa taahaa
Anigana wajaaf iyo
Warmo layga siibaa

Hadba laba is weydoo
Kala weecanaysoo
Nacab kala wareejoo
Weji dadab is dhaaftiyo
Sac warraaqa jiilaal
Weyshiisa diidoo
Weydaartey xeradaan
Waanwaan dhex dhigayaa

Hadba duul wahsanayoo
Inta waayir lagu xidhay
Wadhaaf lala hor joogoo
Wanshax meel la jiifaa
Wacdigaygu sooraa

Hadba wadar la dhacayoo
Inta ay wisiisidey
Warmaheeda gurataan
Ina wadiya leeyahay

Hadba wiilal baxayoo
Wacad qabe bahdiisii
Wallihii ku baajoo
Waddadiii ka leexdiyo
Nin wabiina doontoo
Wisin maqan ku duuliyo
Waqle jiibka saaraan
Wararkooda sugayaa
Walamsade la tuuriyo
Wadal lagu gadoodiyo
Hadba meyd la wacay baan
Digashada waddaacayaa

Hadba wacal la toogtiyo
Dadqal cayn wareegoo
Inta wegeradkii go'ay
Waabay kabbaday baan
Warqaddiisa jarayaa

Hadba waaq la ridey baan
Weylaalistiisii
Wilgaduu fadhiyi jirey
Wasakhdii ka dhaqayaa

Hadba damal wacnaayoo
Webigii Ganaaniyo
Salka gacanka Waaheen
Waraqyada ku fidiyoo
Inta wahan ka daba yimi
Wiriqyada u bixiyoo
Wakhti soo qandoodshoo
Walcan go'a lalmanayoo
Wegdihiisa laabtaan
Ubaxii ku waabnaa
Maqal weyd la togantiyo
Waxaraha u tumayaa

Hadba Shaah la waayiyo
Boqor weer cad goostoo
Inta wish la sara tegey
Waaq waaq ka ridey baan
Taajkiisa warasiyo
Hanti shacab wadaagiyo
Waqaf guud ka dhigayaa

Hadba Janan wanjalanoo
Dhulka laga wandaafshoo
Cirka looga webiyoo
Cidla dhex walhanayoo
Wedku deydeyaayaan
Waxa lumay ku darayaa

Hadba feleg wareegiyo
Yididiilo walacliyo
Saadaal wil furatiyo
Waaleeyo curataan
Weelkeeda culayaa

Wiyil dabarka goysiyo
Hadba umal wallacay baan
Werdigooda rogayaa
Libin fool waliishiyo
Hadba maalin weyn baan
Wanankeeda loogaa

Xinjir wararacdeediyo
Hadba guul washiranoo
War wareeg ku dhalataan
Walqasheeda tiriyaa

Onkodkiyo wannaaniga
Iyo dhibicda weedhka leh
Walanwalinta maansada

Walwallaynta geenyada
Wanqaraarka jiiftada
Waxa looga jeedaa
Ama loo wacwacayaa
Wacdaruhu u dhacayaan
Lugta waarrinaysiyo
Isha waabanaysaa
Ha ku waano qaateen
Wegenkiyo colaadaha
Nin dulmani ha weheshado

Waddammada adduunyada
Afarteeda waaxood
Dhibta iyo wax yeellada
Inta ila wadaagtaay
Aan heeso weriyee
Kici weerarkaagii
I waraabsha geedkii
Waxyigaygu saarraa.  Xamareey Ma Nabad baa   Dib U laabo 

Xayaabkii cir da'ayeey
Daruur shalka xayddaay
Xulad geenyo ugubeey
Darmaan xoosh u dhalataay
Xil-dhibaanka nabaddaay
Xajkii Geeska Bariyeey
Cadceeddoo xab-bururtaay
Marna xabag barsheeddii
Nafta xiisa gelisaay

Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?

Xiddigtii bahdeediyo
Xubnaheeda kala maqan
U ahayd xusuustee
Sumaddooda xaynkiyo
Shanta gees u xidhataay.


Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?

Laamaha xorriyaddiyo
Xayn-daabka calankee
Xejinaaya dhalashada
Xididkay ka beermaan
Xinjir laga waraabshaay.


Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?

Carra-edeg xanteediyo
Xaska weli dhex-yaalliyo
Xaskulaha in laga guro
Danahooda xigashiyo
Xagal-daac in laga jiro
Tii loo xil-saaraay.

Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?

Isticmaarku xeel iyo
Xanaf iyo wax-yeelliyo
Xanan iyo dhibaatiyo
Xadhko miidhan weeyoo
Sida geed xajiinluu
Xagxagtaa kor kaagee
Xadantada gumeystaha
Xaram lagaga maydhaay


Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?

Danta inay xaraashaan
Dembi inay xambaartaan
Ama sharafka xooraan
Isticmaar la xididaan
Ama xeer la yeeshaan
Nimankii ka xila-furay,
Naftu waxay u xilataa
Dhegta xeerinteedee,
Nolol aan xarrago wadan
Nimankii xanuunkiyo
Xabsiyada ka door-biday
Gobannimo xaq weeyee
Inta geesi loo xidhay
Ama xawda laga jaray
Geerida xalaasha ah
Nimankii xantoobsaday
Halka lagu xormeeyaay


Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?

Shinnida Xumbaaliyo
Sida xaydha-weyntii
Nimankay Xawaashiyo
Xaab-qaaddu keentee
Xagga sare ka soo degey
Dhulka xaabadii tiil
Nimankii xambaartee
Dhirta xaalufka u rogey
Dunidaan is-ximinnoo
Xasillooni loo yaal
Dadku kala xishoodaan
Nimankii xaduurkiyo
Xadaafiirta geliyee
Inta ay xifaaliyo
Xumo iyo colaad iyo
Xiisadaa ku kiciyeen
Xolad daba ku olosheen
Xadhkaheeda kala furay
Xidid iyo tol wada yaal
Nimankii hub xoogliyo
Xakamaha ku kala raray
Kala xaday walaalaha
Marwadii xanjeerrayd
Nimankii xabbaadhee
Xawawaray dhasheedii
Kuwa midabka ximiyee
Xaqlahana addoonsada
Xistigiyo gumeystaha
Birta looga xiiriyo
Halka lagu xabaalay


Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?

Sida xuur wedkeedii
Xan ahaa ku maqashaan
Amba xiisahaagii
Xamarey la dhuubtoo
Xalay waxan baraarugey
Iyadoo xiddayseey
Inta xaysku kuu da'ay
Dhulku wada xareed iyo
Xamash iyo ugbaad iyo
Xilli yahay barwaaqoo
Dayaxaagu xaynkiyo
Xuubkii dillaacshoo
Inta uu xanjaadkiyo
Xagal qudha la soo baxay
Dusha sare xinnaystoo
Dhallinyaro xariiriyo
Halbo Xuural-caynii
Isasoo xusheenoo
Xeebtaada yaabka leh
Inta ay xaraaraha
Laba laba u xaadheen
Xusullada dhigteenoo
Xeerkii kal-gacalkiyo
Lagu jiro xisaaboo
Xantu hoos u socotoon
Aniguna Xayaad iyo
Xiddigtii jacaylkee
Shanta xaraf mid lagu daray
Xog-waraysanaayoon
Kolba xaada cududdiyo
Xaradhkiyo garaaraha
Il-badhkeed ku xadayee

Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Maxaad aniga oo xidhan
Lahashada xanuunka leh
Ii xusuusinaysaa?

  Dhulgariir   Dib U laabo 


Maansadii Dhulgariir.

Axmedow nin dheeraad sitoo dhiibsan baad tahay
Tukalaad u dhaaftaa kolkaad dhaliso tii roone
Dhalintii caleemaha lahayd waygu dheertahay
Dhawr iyo shan dhawr iyo haddana dahwrarba jiraa
Haddaan beegsi kala soo dhexbaxay, tooda meel dhigay
Labadii dhallaanimo lahayd ways dhar urisaa
Berberaawi dhuub iyo ka dhuub waysu dhurannaa
Ilhaamay dhiggaagiyo hablaha dhuude falanqee
Hadduu dhaguxu kala hayb tirsado dheemman baad tahay
Suugaantu waa dhaqan haddana waa sud iyo dhiib
Dhidib iyo lud bay leedihiyo dhaabad iyo meel
Dhuuxuu ka eegaa ninkii dhilan yaqaanaaye
Qofba waa dhankuu ka arko iyo meesha uu dhigo
Dadka dhiiri iyo qawl sanbaa lagu dhacsiiyaa
Sida loo dhahaabu khalqigu ugu dhegtaagaa
Dhunkaal iyo xajiin lama marshiyo dhuumatiyo sheel
Sida dhuuni qaataha murtida looma dheehtiro
Dhiidhiga nin laasimay hadduu dheegto waa halis
Dheeldheelligaa laga jiraa waa la dherersha
Dhexrooriyo waxa lagu hojaa weliba dhaad dhaad
Dhoomaha waxaa laga xushaa teeda dhumucweyn.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidhehbaa dilay
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi
Iyagaa dharaarba intaan dhaafay sii odhan
Gabaygani dhambaal buu sidaa waayo soo dhaxay
Dhulgariirna waa kii la baxay dhalashadiisii
Dhawdhawda qaadkiyo ka culus dhaan wadaa yidhi
Kana dheer is yeelyeelka iyo ii dheh iyo faan
Qof dhabcaala mooyee nin kale waw dhadhamayaa
Xaajada halkaasaan dhigoo dhaabad baw dihin
In la sii dhaqaajay rabtaa dhaygag badanley
Oo loola dhaadhaco halkay dhuux ka leedahay
Waxaa lumay dhudhumintii runtiyo dheeli tirihii
Inta samaha dhuxulayn kartaa waa dhif iyo kow
Dhalool bay isugu biirtay iyo tii dharjo ahayd
Dhulka wuu ku soo badanayaa baal ku dhooruhu
Dhan-xiiradu haddii ay maqlaan ways dhufanayaan
Sinnaantay dhaliil moodayaan tii ilaah dhigay
Dhinacay ka joogaan sharciga waa dhis foorara
Marka ay dhanaaniga gashiyo dhiibta kala guurka
Dhiillaha nin buuxshaa ma jiro dhacart jiilaal
Dhirin-dhirintu waa shay sanoo lagu dhabriiraa
Hal dhabaalahaa awgaayow tii dhamayd geliye
Hays dhigan nin nooloow hiddadu waysu dhimataa
Hadalkana nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilay
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi
Iyagaa dharaarab intaan dhaafay sii odhan.
Laan dharab ka toostiyo hibooy dhool cas baad tahay
Dhalankaagu waa luulka iyo dhirahay yaaquu
Malaa roob la dhaca waad taqaan dhiinka jookha leh
Dhalankiisa shaygaa gobta ah waad u dhigantaaye
Dhibic iyo cadceed looshan iyo dheel gu’baad tahay
Qurux iyo dheg baad leedihiyo dhaabad iyo sees,
Dherer iyo laf baad leedihiyo dhaygag iyo yaab
Dhebi heeg u baxay baad ka tahay dhoobo jiifyada
Dhul fog baad ka laacdaa sidii dheenta laalida
Ruuxii ku dhawraa si buu kuugu dhegayaa
Dhabeelnimana way kugu jirtaa dhab iyo misaan
Dhiidhiibsigaagiyo haddana dhuda wanaagaaga
Dheehaaga maahee shishaad dhuux u leedahaye,
Dhulka lagama soo qodin dadkee aadan baa dhalay
Adiga iyo hablaa dhinaca kale waysu dhigantaan
Dhud qudhaa ka wadda beeranteen dhaadashada guud
Dhab-dhab baad ku kala leexateen adiyo joog-dheer
Dhawaweylanka waxa kuugu wacan amase dhoohnaanta
Dhab-darrooyinkoodaa qalbigu dhaawac dumayaa
Dhimir bay ku sareen dabool baali kaa dhigay
Dhafoor taabadkoodaa qod-qoday dhabannadaadiiye
Dhaqaaq joogsiggaagiyo wejiga dhaxanta saar-saaran
Dhadhansiga dareenkaa ka culus buuro soo dhacay
Intaad adigu dhiilaysan tahay taydu waa dhicis.
Hadalkana nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilay
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi
Iyagaa dharaarab intaan dhaafay sii odhan.
Dhaf dhaf iyo hal hays beena baa soo dhab dhabateene
Dhugatiyo cad xaaraan ah iyo dhoohan may cunin
Dhamaas lagu takooriyo ma jirin caado dhaaf kale
Dhab cad iyo ma haysaan daliil meel la sii dhigay
Dhaqankaas canbaarayanayaa saaray dhiillada
Labadii hiyiga dheehi jirey way ka dheertahay
Weligood dhibaadada aduun looma soo dhixin
Dhaan dhaano maahee kashaa dhooli dmood tahaye
Intii aad dhisnaydeen iyagu waa dhur sugayeen
Dhufaannimo hagooglay intaas kula dhex joogeene
Dharaar uun in waa kale beryey dhawrayeen abide
Dhegahay intaas la hadlayeen waa dhab may odhan
Dhibaatadana way eegayeen dhaayihii jirey
Cishaday dhanaan tahay haddii laysu dholol fayto
Dhab u dirirka waa lagu yiqiin dhaanto iyo shiishe
Ragg hadduu dhabiiltamo naftay dhigi yqiineene
In kastuu xiniin dhaafyuhuu dhiirinimo sheegto
Mar haddaan dhalliil lagu gudbayn dhgalsho mooyaane
Dareenkiisu wuxuu dhaadayaa hoos in loo dhigay,
Dhar-dhaarray ahaayeen intaa dheri lahaydeene
Dhaddig iyo labkoodaa ka kale dhinacyo taagnaaye
Ninka ay dhisaan baan isagu tooda dhaydhayin
Gudmahay dhabeeyeen ka badan lag iyo dheeraade
Hadday dhigan lahaayeen mid uun maalba may dhaqane
Dhaxalkiisa may soo xarayn dhogorta xoolaaye
Weligood dhalaal subag ah iyo dhaashi may heline
Dhay iyo karuur labada wel dhoosha may geline
Hadday dhami lahaayeen miduun dhiilba may tolanne
Dhegahooda maag baa qabsaday shayna may dhimine
Sibaa loo dhaliilaa haddana ruuxna may dhibine
Dhuyaal iyo kudaal bay damceen dhiigna may galine
Dhulka waa ka sii guuraayaan ruuxna may dhicine
Dhoof bay ku daasteen inay sibiq dhaqaaqaane
Dhalashada nay dooriyaan bay u dhowdahay
Dhagar inay galaan bay damceen dhaarse may marine
Dhaxaan ogsoonaa halyey dhuuntay keligii
Hadalkana nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilay
Inaan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebi
Iyagaa dharaarab intaan dhaafay sii odhan.
Godka dhidarka beelaha qotow dhowr kal baa hadhaye
Hadduu dhiillo leeyahay dulmigu waad ka dheregteene
Intaad weel manno ah dhaamiseen waa dheg weyntahaye
Dhanihii bad weyntiyo yuryuran waydinkiii dhuraye
Ulihii dharkaynkiyo cayada waydinkii dhilaye
Dhamacdiyo dabkaad quudateen maahadhalanteede
Dhayl maaha maalmaha intaad guulo dhigateene
Sabirkiina dheer iyo xaqaa tiina soo dhicine,
Adduunyada ninkii dhalad yaqaan   waw dhab tiriyaaye
Dhibaatiyo waxaa lagu yaqaan teeda dhinac taale
Markaasay is dhaaf dhaasiaa\ labada dhoomoode
Meel dhowna wuu kula kulmaa kay ka dheertahaye
Meel dheerna way kala taagan kay ku dhowdahaye
Nin xaqiina meel hoos dhigay tiisu waa dhedo,
Xumaantana wanaag baa dhaxlee wayda haw dhimane
Naftu dhaaba dhaabaha hiyiga way ku dhacantaaye
Kol haddii dhabbada loo qorqoro way ku dhilantaaye,
Mar haddii qalbiga ciil dhufasado dhaaftay taladiiye
Sidxa dhooddi meerkii taleex haw dhaqaaqina
Dhirbaaxooyinkii quudhsigaa dhuunta yuurura’e
Haddii dhagar inaad gaysataan laabtu dhigi waydo
Sidaad dhaab u soofaysateen haw dhabaynina
Cishadaad wax dhiilayn kartaan dhaafa tii culus
Dhanka eebahay xiga adduun wayska dhalanteede.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilay
Inaan dhaabbadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaan-dhebi
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan.
Dhab dhabluhu markuu yimi arlada may dhammayn talo
Waatay dhufaannadu khalqiga soo dhex geliyeen
Waa kii dhammaastiyo falkiyo keenay dhallanteede
Waa kii dhibaabada la yimi dheegga dheegaha
Waa kii dhufaysyada qotee dhoombir soo rogaye
Maatay dhankaas iyo dhankaas baahday dhiilladu
Markay dhabaqday waa kii shacbigu soo dhalaashadaye
Waataad dhadhaabtiyo budkiyo dhagaxa boobteene
Gobannimada waa tii dhagdhago dhaanto loo tumaye
Dharaartaana waad wada jirteed dhiiftu kululayde
Waa loo dhammaa maalmihii laysu dhaarsadaye
Hayeeshee ma sii dhugan caqligu teeda dhinac tiille
Dhiilladu halkay weeran tahay looma faal-dhigine
Waa tii la dhaawacay markay dhalatay guushiiye
Weligeed dhan baa qaawanaa dhidibadeediiye
Xaajadu intay dhowdahay dhaymo leedahaye
Shinkeedii markay dhaaftay bay keentay dhabandheebe
Dhab-darro uma tgoosine nabsigu wuu dharaarsadaye,
Dhacan baa la saaraa halkuu eel ka dhowdahaye
Markaasay dhurwaagiyo colkiyo dhawrta celisaa
Nin dhug lihiba wuu garanayaa suul dhabaalaha
Dhabbadaad u xaadheen ninkii soo dhus layn jiraye
Dhextaalkeeda goortuu hubsaday soo dhabacateeye
Dhalliilaha markuu sahansaduu meel ka soo dhacaye
Dhawaaq toosiyow baxay lugtii dhaaftay jeeniga
Waa kaas dhaqaaliyo hub iyo dhoof u soo helay
Dhuxul hoos ka nool iyo dabbaa soo dhabiib kici
Dhacadiidka xaajada gashiyo dhabano hayskeeda
Markii aan dhab deyey baan is idhi dhacanta sii saare
Af dhabaan-dhabkeedii haddana waan ku dhiiradaye
Dhanbaalkii digiintaan is idhi caawa yuu dhixine,
Dheehda rashiidow mar baan neefka loo dhigine
Magaceeda oo laba kordhaban yey dhawelantaa
Marka dhiilka lala hoos galay meelo dhugtaaye,
Ummadyahay dhabbaa loo hadlaa waa is dhigateene
Dulmigii lafaa dhuuxaybaad dib-u-dhar-dhaarteene
Ummad baad xaqeedii dhammaa dhababka saarteen
Gunaadkii naftii weli ma dhigin waase dhiig baxaye
Garaadkiinu waa dhaafsan yahay dhiilka buuxsamaye
Maantana waxaa idin dhex taal tii dib loo dhigaye
Caaway u dhowdahay haddaa dhugasho siisaane
Haddaan dhaymo loo helin xujada mooyi tii dhici.
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa siidheh baa dilay
Inaan dhaabbadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeed
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaan-dhebi
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhan.
Dhillow yahaynku waa geed ka baxa dhuunta geed kale’e
Iminkuu dhabbada soo hayaa dhaankii reer Yurube
Nin kaastoo is dhoob-dhoobi jiray dhigaha loo laabye
Dheweraad hadday kala lahayd laysu soo dhuraye
Markii dhuuni loo rogay arlada dhoorku wada daalye
Dhalliinyaradu way dayriyeen dhalashadoodiiye
Waa taa ninkii dhowrsanaa qaad ku soo dhacaye
Waa taa dhabeeshii hiddaha dhaylo loo dubaye
Dhuuq-dhuuqlayaashii batiyo heen dhalaashuhu
Dheribay wada foortaa diidan dhaqankii
Dhaddigiyo labkeedii waqtigudhaal isugu keen
Ummaddii dhiraa kala lahayd ways dhex hurudda
Dheg dhegiyo lafaa dhuubtay iyo dhogor xumaantooda
Qaraamaad markay wada dhantaa dheehu doorasamay
Hadday dhoojo wada yeelatiyo dhiico iyo tuure
Haddii dhawrasaan lagu yiqiin dhimay hankeedii.
Dhibaatada xilkeedii horaa ugu dhabcaasheene
Maantana sidii dhagax dixeed hawgu sii dhegin
Inta shay la dhawrtiyo haddaan diinta kugu dhaarsho
Haddaan dhaar carriyo caaggan iyo dhaar cas kugu dhaarsho
Inta gabay dhaf leeyahay haddaan kaaga dhira fuulo
Haddaan dhaho haddaan dhigo haddaan weli dhiib-dhiibo
Anigoon wax kuu dhimin haddaan dhegaha kuu buuxsho
Dhaq-dhaqaaqa ma kaa iman karaa dhiillo lagu baajiyo.
Dhabtuun baa khalqigu diidayaa meesha dheer tegaye
Dhulgariirka waa laga baqaa waayo soo dhaxaye
La dhex joogi mayo arlada dheelmashow qorane
Qofba wuxuu dhigtaa baa u yaal dhiilka aakhiro
Ninkii dhiiri sheegtow is furo waa dhanaan tahaye.
  Awaal Tiris   Dib U laabo 


Awaal Tiris

waa Maanso uu tiriyay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi)
waxa uu sammeeyay Muddo imika laga joogo Laba Bilood.
Waxa ay si gaar ah uga hadlaysaa Dhibaatada Qaadka iyo...

Maansadan waxa tiriyay Abwaan Maxamed Ibraahim
Warsame(Hadraawi) waxa uu sammeeyay Muddo imika
laga joogo Laba Bilood. Waxa ay si gaar ah uga
hadlaysaa Dhibaatada Qaadka iyo Hagardaamooyinka
uu Dhaxal siiyo Qof kasta oo Cunidiisa Caadaysta.
Waxa aanay si gaar ah ula hadlaysaa Ragga ay Balwadaasi dishootay.
Macnaha iyo Ujeeda dhabta ah marka aad si wacan u
akhrido ayaad aad u sii fahmi doontaaye Shifo ku af saara,
Sharna idiin ma leh.



1. Uub baad ku jirtaa qarsoone,
2. Ka soo baxa iilka Qaadka,
3. Adduunka ragoow mar kaalay,
4. Abuurtiyo heega daawo,
5. Awoodaha saaran daawo,
6. Falaadkiyo alabbadeeda,
7. Ilaah samihiisa daawo,
8. Udbaha iyo teedka daawo,
9. Aloolka ku jeeran daawo,
10. Hagoogta aslaysa daawo,
11. Cadceedda ifaysa daawo,
12. Ilwaadkiyo nuurka daawo,
13. Abaabul-caddaanta daawo,
14. Ummuuraha toosay daawo,
15. Dayaxa ishin-buuxasankiisa,
16. Aashaa socodkiisa daawo,
17. Cir-jiidhiyo ololka daawo,
18. Rugaa afo-gaalladiisa,
19. Laxaa iyo ururka daawo,
20. Aleelaha guudka daawo,
21. Habeenka amuuman daawo,
22. Shareerkiyo aqalladiisa,
23. Haddana ashqaraarradiisa,
24. Ardaayada gogosha taalla,
25. Ammuuraha seexday daawo,
26. Haddaanu arbeebigeedu,
27. Ku barin abtirsiimadeeda,
28. Inbiig ku dhex joogi maysid;

29. Ugaas bokhran baad ahayd’e,
30. Irdaha noloshaad ahayd’e,
31. Ilayska dhulkaad ahayd’e,
32. Ragoow indho-beelistaada,
33. Asaayo maxaa ka beermay!
34. Halkaad ku lahayd astaanta,
35. Maxaa umal soo fadhiistay,
36. Maxaa gudcur soo af yeeshay,
37. Naftaada markaad illowday,
38. Bal soo tiri aafadaada,
39. Wixii lumay aynabkaaga,
40. Bal daawo inkaarahaaga!

41. Unuunka dhirtaad ka goysay,
42. Aahdeeda bal soo dhegayso,
43. Hashii iyo awrka geela,
44. Abaaludda loo dareershay,
45. Ureenkiyo tiinka daawo,
46. Rasaasta alwaysa daawo,
47. Oomaarkiyo dhiigga daawo,
48. Areerinka meydka daawo,
49. Islaan curadkeeda weyday,
50. Asayda la saaray daawo;
51. Habliyo ubixii dalkeenna,
52. Markay Ingiriis u xiistay,
53. Markii Inglan looga yeedhay,
54. Wedkay ku aroortay daawo;
55. Uneexada gabanka xoortay,
56. Abaydinka dooxa yaalla,
57. Abkiisa la sheegi waayay,
58. Aboodigu boobay daawo;
59. Addoonka addoonka maagay,
60. Ku yidhi isku Aadan miihin,
61. Gabooye agtiisa yaalla,
62. Walaalnimadii ka ootay,
63. Aayaadkiyo diinta qeexan,
64. Sidaas kaaga aayo beelay,
65. Halkuu illin mooday daawo;
66. Cirkii onkodkiyo hillaaca,
67. Daruuraha alabaskooda,
68. Cuslayn jiray alalagtiisa,
69. Bal daawada uummigiisa;
70. Dhulkii ubixiyo caleenta,
71. Ugbaadkiyo doogga laaca,
72. Ilwaadkiyo nuurka sheegtay,
73. Awaaraha jiifa daawo;
74. Basaastiyo oonka daawo,
75. Geyiga umal-toobankiisa,
76. Ayaayurantiisa daawo,
77. Bal dhawr laba-eefiddaadu,
78. Waxay af-dhabaandhab keentay!
79. Garaadka abloobay daawo,
80. Adduunyadu baadi maaha,
81. Mudkeediyo bulad ammaanka,
82. Afkii cunay quusan waaye,
83. Hadduu laba-aabudh saaray,
84. Hadduu ugubkeeda leefay,
85. Muxuu ka dhex joogi uuska.

86. Ugaasadu meeday? hee dhe,
87. Dorraato miyaan la aasin,
88. Miyaan kafan loo amaahan,
89. Miyaan axan loo yaboohin,
90. Markii araggaa la waayay,
91. Miyaan jinku qaylo oogsan,
92. Miyaan insigii gadoodin,
93. Miyaan ollogeenu yaabin!

94. Ishaaro san kaama hayno,
95. Shidaad naga oollin maysid,
96. Ogaal nagu caymin maysid,
97. Itaal nagu xoojin maysid,
98. Qudhaanjo afuufi maysid,
99. Dalool naga awdi maysid,
100. Xashiish nala ururin maysid,
101. Aqool nala seesi maysid,
102. Aqoon nagu biirin maysid,
103. Xilkaagana oofin maysid,
104. Afkaagana dhawri maysid,
105. Sidii gabadhii Ayaan’e,
106. Ayaan-Hooday dhahaan’e,
107. Abwaannimo sheegan maysid,
108. Aroor qudha toosi maysid,
109. Dhiggaagiyo aynigaaga,
110. Adduunka la qaybsan maysid,
111. Iskaaba xusuusan maysid,
112. Wixii Rabbi kuu abuuray!

113. Intaydu ku deeqi mayso,
114. Intaada ku biirin maysid,
115. Hantida arladoo dhan taalla,
116. Haddaad irbad nooga keento,
117. Ducaa ku asqayn lahayd’e,
118. Inkaar naga waayi maysid;

119. Ufiyo bacad baan fadhiistay,
120. Anfaaciga aad cunayso,
121. Ilaaqda raggaan ku keenay,
122. Waxaan u adkaystay maagis,
123. Amaah iyo qaylo joogta,
124. Uurkayga waxaan ku haysto,
125. Afkayga ka sheegi maayo,
126. Asluubtana qoomi maayo,
127. Awaashiyo waayahayga,
128. Ka daalaco oogadayda.

129. Haddaad na ilaalin weydo,
130. Axsaanta ku laaban weydo,
131. Abaal nagu yeelan maysid,
132. Ammaan naga dhowri maysid,
133. Anigu kugu faani maayo,
134. Dharaar kugu aarsan maayo,
135. Adiga kuu uunsan maayo,
136. Agtaydana jiifi maysid,
137. Haddaan beri kuu il-duufay,
138. Haddeer ku abaysan maayo;

139. Markay ajashaada gaadho,
140. Cidina kuu ooyi mayso,
141. Ilaahay ka dhuuman maysid,
142. Jannada ku aroori maysid,
143. Cadaabta ka oolli maysid,
144. Godkaaguna waa aboor,
145. Abeesiyo waa ciqaab.

146. Ragoow amarkaaga weyni,
147. Haweenka uleeya maaha,
148. Dhibtooda ku iida maaha,
149. Ufaan uf qadhiidha maaha,
150. Albaabbada kheyrku seegay,
151. Caqaar ku aroosta maaha,
152. Asaasaq ku gaadha maaha,
153. Ku aakhiro-seega maaha.

154. Ragoow irdho qaadan maysid,
155. Ugaadhsi ka seexan maysid,
156. Abeerka badbaadin maysid,
157. Ugeybkana dhaafi maysid,
158. Haddaad cunto aayahaaga,
159. Xulkooda haddaad abbaarto,
160. Unuunka haddaad ka goyso,
161. Areebo sidaad ka yeeli?;
162. Sabeen inanteennu maaha,
163. Adeeri ka sii mug weyn’e,
164. Asoolka hablaa ka daaya!

165. Abaartiyo roobka dhoofay,
166. In waalan, intiinna dhoohan,
167. In qaawan, intii sawaaban,
168. Dhammaan ifafaalayaasha,
169. Ka muuqda adduunyadeenna,
170. Ragoow ubadkaaga leexday,
171. Islaamnimadii ka baydhay,
172. Agoonnimadooda buuxda,
173. Dhashiinna ku aabbo weyday,
174. Asmay ku calool galeen’e,
175. Ammaanada boodhka taalla,
176. Ragoow ololaynta Jaadka,
177. Haddaad kaga ood fogaatay,
178. Maxaa arrin kuu dambeeya!

179. Ragoow ka adkoow xilkaaga,
180. La saayira ooryihiinna,
181. Irmaanta xaqeeda siiya,
182. Ragoow ubadkaaga toosi,
183. Wixii arrin kaa daboolan,
184. Iimaanka ku baadi-doona,
185. Afeefna ka yeesha xaajo,
186. Ilaashada baylahdiinna;

187. Alhuumadu way fiddaaye,
188. Haddaad ummad liil ka weydo,
189. Hadday ahab yeelan weydo,
190. Waayeelku hadduu ab-guuro,
191. Hadduu odaygeedu waasho,
192. Hadduu la anbado xilkiisa,
193. Hadduu runta aamusiiyo,
194. Hadduu kolba eed xanbaarto,
195. Asuulkiyo xeerka soohan,
196. Hadduu marba oof-daloosho,
197. Hadduu laba-eef caddaysto,
198. Iimaanka hadduu xaraasho,
199. Hadduu wacadkiisa iibsho,
200. Araadi hadduu ku doono,
201. Ilaahay ka yaabi waayo,
202. Hadduu kolba iin’ caddaysto,
203. Hadduu umal saaqa yeesho,
204. Sidii abris qooqan guuxo,
205. Hadduu sida awr xunbeeyo,
206. Hadduu abur xoor leh saydho,
207. Hadduu ilko jiira yeesho,
208. Hadduu noqdo aadun huursan,
209. Abeesada meel la daaqo,
210. Aqoonta qofkii ku dhaama,
211. Hadduu asaraar ku beensho,
212. Dhirtuba kala ayni weeye,
213. Hadduu Garan-waa’ abuuro,
214. Hadduu kala geeyo uunka,
215. Hadduu marba qayb la ooyo,
216. Hadduu marba iil banneeyo,
217. Hadduu yahay uur-ka-gaal,
218. Wanaagga ku aabi badan;

219. Aleelo hadduu ku waasho,
220. Islaan iyo foox karaarsan,
221. Agtooda hadduu fadhiisto,
222. Ijaabo ka baadi-doono,
223. Ibliiska hadduu la showro,
224. Hadduu marba ood ka boodo,
225. Ishaaro xun baa qarsoon;

226. Haddaanay astaan lahayn,
227. Abbaar iyo nuxur lahayn,
228. Aroor iyo raad lahayn,
229. Ammaaniyo qawl lahayn,
230. Asluub iyo dhaqan lahayn,
231. Islaamnimo sheeganayn,
232. Hadday wada eexo tahay,
233. Hadday asaroorin tahay,
234. Asaasiran lagu bursado,
235. Hadday dabin aasan tahay,
236. Shil iyo wada eeso tahay,
237. Hadday wada aano tahay,
238. Hadday agaraadam tahay,
239. Addoonsigu diin u yahay,
240. Hadday orgobaysan tahay,
241. Iimaanku ka qooman yahay,
242. Hadday Arraweelo tahay,
243. Hadday abnawaasad tahay,
244. Af-duub iyo beeno tahay,
245. Axsaantu ka maydhan tahay,
246. Hadday orgi iyo ri’ tahay,
247. Or iyo wada qaylo tahay,
248. Hadday adhiyaysi tahay,
249. Hadday adhax-tuujin tahay,
250. Ilduuf iyo jeeble tahay,
251. Hadday wada ‘Aniga’ tahay,
252. Siyaasadi aabbe ma leh.

253. Ku daalka abaabulkeeda,
254. Alooskiyo baanaheeda,
255. Ujeeddo ka keeni maysid!!!


Kala Maan   Dib U laabo




Sidii maansha loo yidhi
Allahayow mariiqiyo
Aanu maanku naga tegin
Miyirow na kaalmee
Dhaxan baa melmelatee
Dabka aan malkadiyee
Madagtiyo usha i sii.
Muqdishiyo Hargeysaay
Kol haddii mar iyo laba
Muudaa ku gaadiyo
Maalooti qaxayaa
Muska kaaga soo dhacay,
Kol haddii mar iyo laba
Makri iyo xaqaagii
Khasab lagu maroorsaday,
Kol hadduu mar iyo laba
Kula tegey mahiigaan
Kol haddii mar iyo laba
Maxlal lagugu qaybsaday,
Kol haddii mar iyo laba
Moqorraysi lagu baday,
Kol haddii mar iyo laba
Mooyi mooyi lagu yidhi,
Kol haddii mar iyo laba
Muurmuurris dala ‘siya
Muhmal lagugu soo wadey,
Kol haddii mar iyo laba
Mashqac lagugu deydeyey,
Kol haddii mar iyo laba
Bir-ma-geydadaadii
Iyo mudanahaagii
Lagu diley kas iyo maag,
Kol haddii mar iyo laba
Cudud lagugu meersaday,
Kol haddii mar iyo laba
Haanraawe kugu mamay
Sida malabka doocaan
Miish-miishad kugu liqay,
Libta kaa murkucatiyo
Gobanimada kaa maqan
Maal baad ku furatoo
Meyd baad ku bixisoo
Midnimaad ku dhalisee,
Kol haddaanad moogeyn
Masalooyinkaas dhacay
Muddaduna ka badan tahay
In sidii ma-yeedhaan
Isha miirta laga dhigo,
Maxaa weliba kuu hadhay!
Alla magane sheekadu
Si kastaba u murugtoo
Muggeed dhaaftay xaajadu.
Haddii layska dhega maro
Runta kugu mudduciga ah
Murugaa ku dhaxashoo
Saqda dhexe ku miratoo
Sharafiyo marwaad dhimey.
Noloshaan milga lahayn
Horaa looga maarmee
Muqdishiyo Hargeysaay
Muruqiyo laxaadkaan
Kala maarmi jirinow,
Taariikhdu waa marag
Waxay maanta joogtaa
Yaa maalijirayeey,
Ama waa la muuqdaa
Ama waa la maqan yahay,
Labadaasna kala miyo.
Haddaan lays maqmaqashiin
Midho hore u caan baxay
Qorigiyo masaartana
Madfac loogu jilib dhigin
Maahmaahna lagu darin
Maya,Maya-na lagu odhan
Ninka cunay magtaadii
Maandeeq la soo dhicin,
Anuun baa mataanaha
Mooyaha u tumayee
Madiixayga luuqdiyo
Masafada gadooddiyo
Malahaygu waa been,
Sidaan moodayaan jirin.
Muqdishiyo Hargeysaay
Cirka meelo ka onkodey
Milliqsiga hillaaciyo
Hanqarkiyo mardaaddiga
Meexaana carashada
Majaraha ha dherersado
Maanshaynta gobollada
Maadhiinka gaaxdiyo
Miyi sumuca haw xidho
Ha ku fido magaalada
Dalka subax ha wada maro
Ha ka maydho daafkiyo
Meegaarka qaybtiyo
Waabayda lagu mudey
Mirta hawgu kuur galo
Habartii masayrrey
Halka macandideediyo
Maxasteedu yaalliin
Ha jabsado misciriraha
Ha dhufsado mareegaha
Maqashana ha kala tago
Iyadana ha maraqsado.
Muqdishiyo Hargeysaay
Mukhawigu ha kaashado
Maaweeladiisii
Wuxuu maalintaa falo
Dadka hawga marag dhigo
Kolba dhagar ha mehersado
Ha ka dhigo marriinkana
Mucsur iyo waxba la ‘aan,
Ha ka dhigo minxiiskana
Murugiyo jar soo dumey;
Ha ka dhigo mashxaraddana
Muusannawga ooryaha
Martidana hadhkiisiyo
Ha ka dhigo malluugaha
Muunaynta xididkana
Ha ka dhigo macsiyo dhiig.
Mahwi laysu soo baxay
Madal iyo shir lays wacay
Marta hayska wada furo
Hayska dhigo mudh iyo gacan
Heesaha maraadka ah
Ha ku marin habaaboo
Masanuunka beenta ah
Musaraarka selelka ah
Murugada shallayga ah
Hawadiisa meydka ah
Meermeerka quusta ah
Falka meehannawga ah
Hanka mala awaalka ah
Ha ku maararrooboo
Runta muran ha geliyee
Makallaha u saynsaab
Sakalaha u maydhaan
Mindiyaha u soofee
Maddanaha dabkaw geli
Nabarkana u miisaan
Madhaxii u yiilliyo
Dhiilashii milaallaa
Ha maggaabiyee sii,
Dabadeeto meeshaas
Inay maalintii tahay
Madmadowgu kaga jirey
Adna macallinkeediyo
Tahay mudanaheedii
Hadal miiggan ugu sheeg.
Wallee maadi waa meel
Qabsoo waana meel dhow
Cagtan maagi weydee
Malafsiga ku dhacantee
Manka tiigsanaysiyo
Sida mool u qodan-yahay
Waxay muujinaysaa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala-nahay.
Madaddaala beenlow
Muhashada ku haysiyo
Macal saad u baratiyo
Macaluusha kuu taal
Waxay muujinaysaa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala-nahay.
Xadhkahaad maleegtiyo
Sidaan kuugu meel deyey
Waxay muujinaysaa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala-nahay.
Waxa aan mag iyo qaan
Gashi magac leh oo jira
Iyo xoolo kugu maqan
Isu soo minguurshiyo
Sida aad u madhan tahay
Waxay muujinaysa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala-nahay.
Waxan anigu maagiyo
Waxaad mooye qooqaar
Ku malaysanasaa
Waxay muujinaysaa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala-nahay.
Laabtayda milantiyo
Magligaan afaystiyo
Guntigaan maleegtiyo
Maydalkaan jaraystiyo
Sida Moora duugow
Martu kaaga furan-tahay
Waxay muujinaysaa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala nahay.
Wakhti baa muddaysnaa
Musku waa sanqadhayaa
Masna waa ka urayaa
Miciyaanay ku ogtahay
Meel dheerna kama jiro
Mundulkuna kor iyo hoos
Mugdi oodan weeyaan,
Habartuna mandheer iyo
Marjo weeye naafa’a
Muslin-yohow islaantii
Malmal-li ‘ida haysiyo
Wedka hoos marmarayaa
Mashaqiyo dhib badanaa!
Gabay waa mullaaxoo
Mergi weeye leexdoo
Adigoo midhcaanyiyo
Maygaag u jeedaa
Moxor loogu dhuuntaa
Micnahaan gurracayaa
Xaalku waa maqaar saar
Midho dahab haddaad tahay
Maar baan shillalayaa
Marso aanad geyin baa
Hal-qabsigu i mariyee
Gaarriyow miliilica
Marba daad rogmanayaa
Igu soo mir kacayee
In yar Maxamed ii noqo.
“Maxaan kugu idhaahdaa?
Ma wax aanad odhanood
Hore ugu masuugtood
Ila maagtay baa jira?”
“Mayee taas la soo dhaaf
Hadday maanso dacar tahay
Suugaantu milil iyo
Tahay maal qarsoon iyo
Nabar adiga kugu mudan
Hadal madhey Suldaanow
Lagu yidhi muggaagii,
Mid se aanan falinoo
Marar hore i seegtoon
Kula maagay baa jira.”
“Ku maqlaye bal soo daa
Waxa igaga kaa maqan.”
“Marka diriro hooraan
Dhulka oo mucsur ahaa
Gobannimo marriimaan
Dhirtu wada magool iyo
Ubax iyo man saaraan
Miiraale gaaxdiyo
Mayay godol la sara-kacay
Rugta dhibic ku miisaan
Alla magane sawtii
Kuwa maqasha raacaa
Muxubbada riyaaqada
Yididdiilo milicsiga
Muunsoodka faraxa ah
Maadays ku odhan jirey,
Aannu madida foosha ah
Morohyada u culanee
Ka bax minanka jiilaal”
“Xaalku waa maldahanyahay
Mugdi baa igaga jira
Mana garan ujeeddada.”
“Haddii mawdku kedis yahay
Naftu way ka maagtaa
Godka lagu muquunshoo
Maaray ka dhigataa
Inay maahda caal waa
Meermeerka badisoo
Marmarsiinyo keentee,
Hugunkaad maqlaysiyo
Maroodiga cartamayaa
Maatadaad dhufaantiyo
Waa midiidinkaagii,
Muuqa kuu warramayaa
Ninkaad mooddey weeyaan.”
“Sida aad milshi la’aan
Mudha iigu soo tidhi
Muran bay i gelisee
Meesha aynu joognaa
Marka hore xaggay tahay?”
“Meeshu meeshi weeyaan
Meegaarki weynaa
Ciidankii majiirraa
Kugu meersanaayeen
Madaxtooyadaadii
Iyo mooradii baas”
“Hadday meeshu meeshii
Tahay aan ka magan galay
Inta midab shar leeyahay
Mudantaan u hagar baxay
Xaggee baa la soo maray?”
“Mawjadaa ka soo lalay
Iyo maayad xoog weyn.”
“Gartu waa maroortaa
Xaajadu mutuxanaa
Mirta yaa isku ogaa?”
“Mirta waxa isku ogaa
Xilligiyo mudducigii
Muddadiisu laallayd:”
“Maxaa kuu darnaa, sheeg?”
“Anaad ii macsuun tahay.”
“Marti-qaad wakhtigan jira
Waa lagu mergenayaa
Waxba hay macaaneyn
Meleggiyo heddeydee
Muraadkaaga ii sheeg:”
“Maraan kuu sidaa, hoo!”
“Taasi waa muddaahano
Iyo lama maleeyaan
Waa musuusuqaagii
Iyo geed is marintii
Miyaan anigu Jaallow
Maryo kaaga baahnahay?”
“Tani waa ma dhaafaan
Ma-huraanki weeyaan
Meel baanay kuu tiil
Waana lagama maarmaan
Madaxiyo minjaha geli
Waa meerto duniduye
Miiddiiba shubatee
Miidaddawso huubada
Muudmuudso gocashada
Murdi weelka godob yahay
Ma-hadhooyin reebtee
Yaanay maadi kaa hadhin!
U danbaynna meydkow
Madi tegaya waw door
Inuu meeris duugliyo
Duluc madhaxle reebee
Hal-muceed yadaadii
Rabbi kugu mannaystiyo
Maahmaahahaagii
Bal xusuus mid iyo laba
Miisaan leh ii sheeg
Maxaan kaa guntaa hadal?”
“Maqal waxan ku haystaa
Muslinkiyo waraabaha
Madmadowgiyo tuhunkiyo
Mashaqada dhex taallaa
Inay tahay is maan-dhaaf
Muudaaga xooluhu
Marka ay la kulantee
Muuqiisa aragtay
Lugaheeda maashaa.
Isna wuxuu majiiraha
Uga daba maleegtaa
Celi maganta baadida,
Is maqiiqiddiisiyo
Mintidkiyo dedaalkaa
Hadba muruq u siibtaa;
Dee muxuu sameeyaa
Ilkahaa u midigoo
Micidaa u gacanee.
Aniguna mudducigow
Waxaan meel la joogaa
Muran li’i dhurwaagaas.
Muddadii xilka lahayd
Haddii maamulkaygii
Malaa kadeed iyo
Mixnad iyo shil laga dhigay
Maankayga garashada
Maaraynta hawluhu
Siday iigu muuqdeen
Waxba inanan maandhaw
Ku masuugin baanfuray
Inta maqanna gaadhsii.”
Gudbey MaxamedXaashow
Mahadsanidna lagu yidhi
Maamuusna kugu ladhay
Masalooyin xidhan baan
Meelayn u deyayoo
Mayalkaan xejinayee
Hadda kuguma maakumin
Ninka aad la magac tahay.
Miyir iyo xilqaad iyo
Malko iyo hufriaan iyo
Milgo iyo xishood iyo
Madal iyo gar-soor iyo
Maskax iyo aqoon iyo
Mintid iyo dedaal iyo
Mabda’ iyo falaad iyo
Murti iyo tusaaliyo
Inta mudan adduunyada
Marinnada hal-doorka ah
Sina uma midowdaan.

Galangal   Dib U laabo


“Galangal” waa gabay uu tiriyey Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) 1970kii.
Waxa uu Hadraawi gabaygan ku muujiyey taageerada ay ummada Soomaaliyeed u haysay
shucuubta Indoo-Jayna (Fiitnaam, Laa’us, Kaamboodiya), kuwaas oo dagaal 20 gu’ood
jiitamayey (1955 – 1975) libin u diiday quwadaha reer Yurub iyo Maraykanka.
Gabaygani gorfayn uma baahna, oo isaga ayaa is furfuraya, taariikhdana si wacan
u sunkaya. Sidoo kalena, Abwaanka ayaa ka warramaya dulucda uu gabaygu ka duulayo,
iyo waliba ahmiyada heer-abwaannimo ee uu gabaygu u leeyahay Abwaan Hadraawi.
Dhagayso, dhugo, akhrisona gabayga “Galangal”:

galbis dhacay dadweynahan gabradey, gaafka igu meersen
qurux ganac leh gole dheehaniyo, bilicdan gaasheesay
gargarraanta nuurkiyo shacniga, la isku googgooyey
shirgobeedka guurtida fadhida, garangar waaheelan
marti gacala mudan laysu guray, gulufka heensaysan
goloolada mashxaradaysa iyo, sacabka guugaabo
gallada iyo raynraynta iyo, gooha dami waayey
iyadoo gorfayntiyo la taxay, doodda gudaheenna
guddi werisayaa iyo nin kale, gooni hadalyaaba
qofba kaalin goorteeda buu, gaar u leeyahaye
Anna tayda ii go’an haddaan, galo abbaarteeda
ma gunaanadaayee haddaan, jaro garraarkeeda
gayaaxaa haddii aan ka furo, madida ii gaaxsan
godolqaad hadday labada law, dib u yar gaalgaasho
gaawwaha hadday buuxisoo, waliba gaash daato
ganuunkeeda xoorka le haddaan, madalka gaadhsiiyo
Anigiyo garaadkay haddaan, idin guddoonsiiyo
geestayda waa iga dhanyahay, galangalkaygiiye
gadaashay ninkii odhanayow, gacanta ii haadi

afartaasi waa gogaldhigiyo, maanso gedeheede
godkaan degay warkaas guud haddaan, kor uga sii guuro
xaajada gondaha laaban iyo, godanka hooseeya
gunta iyo salkeediyo haddaan, saro gunaadkeeda
gawdiyo ujeeddada ladhkiyo, caawa iyo goobtan

nimanyahow gantaalaha subkaye, gamaska dhiigeeyay
nimanyahow galkiyo seefta yidhi, gees u kala leexda
nimanyahow sidii awr gurgura, caynku gubi waayey
nimanyahow garbaha buuxsadee, raray gardaadkooda
nimanyahow gadoodiga bartiyo, galow la soojeedka
nimanyahow habeenkii gudee, guura-bahaleeyay
nimanyahow gadiidkii socdee, meel hadh gali waayey
nimanyahow sariir lagu gam’iyo, gogal ka dheeraaday
nimanyahow guryaha diiday iyo, gaari lala seexdo
nimanyahow gasiinkii ka tagey, gaws wax lagu qaato
gudcur dama cirkoo gibil xidhoo, dhibic is gaadhsiiyey
nimanyahow gudgude soo curtiyo, guuxu kari waayey
gabadannada nimanyow dugsadey, goorad laga hoyday
nimanyahow gabboodkiyo dugsiga, gellina hayn waayey
gudguduudka waagiyo saq-dhaxe, maalin kala guurtay
mugdi gaba’ cadceed gaasa-baxa, waaga galacdiisa
nimanyahow gumaystaha ku jaray, gaadmo iyo weerar
miinada gumaadkiyo xeryaha, gaadhka lagu meershay
nimanyahow sidii aarka guda, guudka kaga booday
nimanyahow guddoonsadey inaan, godobtu duugoobin
nimanyahow ma guurtada xuska le, geliyey taariikhda
haddaydaan adduunyada gilgilin, xil i ma guuleene
laabtayda kama soo go’een, tix iyo geeraar e
gocashada dareenkiyo murtida, amase guurowga
waxad gaysateen buu ku yimi, gabayga joogaaye

taariikhda guunka ah haddaan, gelin wax weydiiyey
Allaylahe Galbeed wuu ku jabay, goballadiinaase
Indoo-Jayna geeraw-ga qoran, guuldarriyo hooge
Biyanfuu gulcubihii dhiciyo, galalki dhiigoobay
Faransiiska wiishkii la go’ay, saw la garan maayo!

maantana geddii baa dhacdiyo, tii gafkii hore e
gal dad liqa ul baa lagu dayaa, lagu gurraacaaye
garka xadhigga loo daadshey iyo, gedefka loo saaray
gaaggaabnidiiniyo malaa, gibil basaaskiinna
is gamaarintiinnii miyuu, gorodda soo dhiibtay!

iyagays gunaanada intay, qawl is geliyaane
garannuugta laacii hodaa, goodir tiigsadaye
gashigii maqnaa buu is yidhi, gooshkan soo celiye
Baariis dabkii lagu gubaa, Waashintoon galaye
geyigiinna oo idil illaa, gooddi iyo gooddi
gargoor baa la moodaa timaa, ciidda guud-qubane
gallaydhyeys waaraabiina xoor, gorofki caydheede
rag baruurtu goobtiyo lagiyo, goolalbaw qalane
gudur iyo badhaadhiyo mudiyo, goonji buu cunaye
intaad gawracdeen iyo intii, goobo lagu laayey
gorgor iyo intii baylahnimo, haad ku gabasleeyey
garba-duub intaa ugu xidheen, galalka liileysan
way galabsadeen ciilka ay, golongol tiiceene
goldallooladay jecelyihiin, ciday galaaftaane
gelin qudha ma daayaan ninkay, gaatir ku arkaane
gacma hoorsi kaagama tagaan, kumana guuraane
geesaa bay yeeshaan haddaan, waranku giirrayne
dhagahay gufeystaan haddaan, geesiyaal heline
garta ay dhagaystaanba waa, gumuc rasaaseede!

gujaduu ku maalaa ninkii, geda-yaqaanaaye
gudin iyo warmuu kaga furtaa, gaadhi shaaximane
gurracnaanta iyo maagga iyo, laba-gar-daymoodka
gaffuurtaagga iyo tookha iyo, higilka gawdiidka
gabgabtiyo is-waalkiyo saskiyo, gooddigiyo faanka
galoof-ololka wey leeyihiin, qabiyo guulguule
dagaal laysu soo galay haddii, gaylanku is-dhaafo
galaayuus qaboonada horray, gabarrucleeyaane
hadhow bay sidii guunyo nugul, gebidhacleeyaane
marka runi-runteed gaydo way, gamashi dhiiqaane
gagsi ma le haddii loo cuskado, taniyo gaalleefe
haddii laysu sii giijo way, galangalcoobaane
gadaal bay u laabtaan haddii, good ku soo baxa e

waligoodba guul kalama tagin, meel garaad jiro e
gubniyada la soo daadsheyee, gaatin caranaaya
gurmad raabaraabiyo coliyo, guuto iyo guuto
wixii gaasas soo degay wixii, geesh is-daba joogey
ee tirada ay gaadhayaan, ruuxna garanwaayay
laf galluuban mooyee haddaan, goosan laga haynin
maraakiibta goonyaha baddiyo, gaafka hoganaysa
diyaaraadka gawdaa hayiyo, galacda baaruudda
dabbaabadaha goobyaalayee, gurada loo buuxshey
garangarinta naabaalka iyo, gabaxda riigaanka
gaaraabidhaankiyo dabkiyo, gugaca yeedhaaya
galayaxa is-dhaafiyo higtiyo, guuxa iyo reenka
gudban iyo waxay tuurayeen, goosatada reebban
waxay gaaxsadeen iyo waxay, godal ku keeneenba
godanadda Kamboodiya taniyo, Laa’us gudaheeda
Fiidnaam galkeediyo intii, godanka Saygoona
Indoo-Jayna gees iyo ka gees, guudka iyoo hoosta
hub wixii galaabaxay haddaa, meelna lagu gaadhin
ninkiinnii gurguurtiyo intii, naafo gabalgaashey
ninkii gudungurcoodkuu dhaliyo, gacaladiis waayey
nin goblamay nimaan gaban u hadhin, gaar nin keligiisa
gallad qubatay xooliyo dadiyo, garangar duugowday
gocoshiyo xanuun ma leh wixii, guud ahaan lumaye
gobanimada waa loo dhintaa, gooriyo ayaane
ummad gadata mooyee nin kale, waa ka garannuuge
ma gabloosho beertii xabiyo, dhiig ku goraraaye
damalkii la gooyaba midbaa, soo gadaal baxa e
guri laga baroortaba aroos, gaafan baa xiga e

haddaan loo garraadayninoo, waayo lagu guulin
way gaaggaxdaa talada aad, gola-ka-fuushaaye
garab-qaadka faylkiyo dhismaha, oodda guriddeeda
gudintiyo hangoolkiyo habkiyo, gees-u-wada-jeedka
gadhwadeenka xeerbeegtidiyo, gaanka wadartiinna
gabadhiyo marwada heeganta’a, ee gambada xooray
gashaantida maryaha faydatee, gayfan diriraysa
gaashaan dhiggiiniyo qorshaha, amma go’aankiinna
guddoonkiinna hoosiyo illaa, guniyo-baarkiina
galdalloolo kama muuqatiyo, gobor la sheegaaye

xaajadu gun bay leedihiyo, xeedho sii godan e
farriin laysu geeyiyo ka culus, guubis iyo baaqe
bulshadii gadooddaa midbay, dhiilla gelisaaye
markay gibisha xoortaa ta’ kale, dabarka goysaaye
gobolkii xoroobaa mid buu, gama’ ka toodshaaye
jidkaasaa go’doonkii maraa, geeddi mariyaaye
gabbashada intii diiddanee, gaylan diriraysa
galladiinu inay nuur u tahay, galiya maankiinna

waxba arartu yey ila gudbine, waxan ku soo gooyey
gaar kuma tihiin hawsha iyo, goonidiin qudhahe
gar-naqsiga badheedhkiyo runtiyo, godolka maahmaahda
golaa baanistiisiyo intii, geed inagu raacda
gumaystaha intii diiddan baa, gacal wadaagtaane
gammaan baynu wada saarannahay, gu’ iyo jiilaale
nolosha iyo geerida dirkaba, waw gudboonahaye
dhul guduudan geediyo ugbaad, ubax ku guud yaala
xareed galac le galal buuxa iyo, webiyo guurreeya
ido gorod madow iyo fardiyo, lo’ iyo geel foofa
aar gooha gooliyo shabeel, haramcad guuxaaya
goobyaalka deerada mankiyo, gurata maanjeeta
gari jeenya dheeriyo biciid, goray-haldhaa qooqay
wiyil gees leh farow gaadda-weyn, goodirkiyo cawsha
maroodiga Ganaanee mirtee, gacanka laadlaadsha
shimbiraa galooliyo maraa, buul ka wada goostay
umad goba gabraartana u daran, gebi ahaantiisa
oo waxad gashaaniyo ogsoon, guurtinamadiina
gacmo furan salaam gaara iyo, gogal idiin taalla
iyo guusha oo dhaw haddaan, goorna laga seexan
galabtaas ninkii jooga iyo, guri-yagleelkeeda

Kala Guran   Dib U laabo



Hargeysa, October 19, 2011, (Weedhsan) –
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa curiyay maanso
cusub oo ka warramaysa nolosha, taas oo uu galabta ku soo
bandhigay Jaamacadda Hargeysa.
Tixda uu Hadraawi soo bandhigayo oo ka kooban in ka badan
600 oo sadar ayaa waxa loogu wanqalay, KALA-GURAN, iyada
oo maansadu si qoto fog uga warramaysa nolosha iyo sida
ay u lammaan tahay ee ay xumaan iyo samaanba u leedahay.
Haddaba Maansadan oo uu Abwaanku si khaas ah u soo gaadhsiiyay
Mareegaha WEEDHSAN (www.weedhsan.com), waxa qoray, isla
markaasna qoraalkeeda tifaftiray Maxamed Saleebaan Cumar
oo ah Agaasimaha Xarunta Suugaanta Hadraawi, Center for
Hadraawi Literature – Kala xidhiidh faahfaahin dheeraad
ah, + 252 2 4160271 ama halabuur@hotmail.com,
mohamed.omar@hadraawi.org ama contact@weedhsan.com.
(Saxaafaddu way xigan kartaa, laakiin isha xigashada waa in la muujiyaa).
Maansadu waxay soo if baxday May 27, 2010,
waxaanay ku ibo-furatay:


Qof hadduu kal-gudan yahay,
Birmageydo sudan yahay,
Gorka iyo saliilkiyo,
Dacartiyo gubnoodkiyo,
Gudur laguma sooree,
Ama waa ganuun sii,
Ama galax ku sooryee,
Ama xagal u geedee.
Hadday gaajo kulushahay,
Asaan gowska loo hayn,
Murti guun ah deeqsii.

Sida Gaannigii Cumar,
Ama Gun iyo Baar eeg,
Hibo loo gabbala tiri,

Cali Jaamac guur guur,
Falfaloosta guux dheer,
Bari iyo Galbeed saar,
Lix god buu mar wada degey,

Goof iyo xabaaliyo,
Xarbi geeri badatuu,
Gocashada la sara kacay;

Kama tegin galaydhkii,
Kasha nool gilgili jiray,
Gabay Maxamed Nuur Fadal,
Gunnimuu ku diidee,
Miyuu gaaxshay hawraar?

Ismaaciil Miraa goor,
Yidhi kibirku waa gaas,
Xolod beelo lagu gubo;

Gudbantii Ugaas Nuur,
Ee gurada weynayd,
Goorba waa la weriyaa;

Ninkii gooha dheeraa,
Gaadaalihiisii,
Garri Tima-caddaa siday;

Sida fiinta galabeed,
Ama galawga jiilaal,
Gama’ Cali Xuseen diid;

Samo lagu gudboon yahay,
Iyo gaasas wada yaal,
Gartaas Saahid baa naqay!

Godol maanka Yawlaa,
Intuu goorba sahansado,
Hadba soo ged-kici jiray;

Goleyaasha Iidaan,
Gudgudkiyo mirtiisii,
Weli waa gal shiran tahay;

Afay Galayaxiisii,
Iyo goolli-baadhkii,
Gocashadu dul saarnayd,
Hadba soo gudguda-noqoy,

Cabdillaahi garangari,
Maansada gar-dhaladka ah,
Hadba gooddi kala bixi.

Gedgeddoonka Laanjeer,
Gubashada xiniinta leh,
Weligii ma gamashiyin,

Gorti loo badheedhiyo,
Cabdi Bucul ma gaasirin,
Gelin qudha rugtiisii,

Maxamuud gandoodkii,
Wuxuu geydh la sara kacay,
Manjo-goror ku taar taar.

Aflow gooli baadhkii,
Gololada sarbeebta ah,
Gararkuu ku tixi jiray,
Iyana waa ma guuraan.

Abwaan Qaasim guul guul,
Goodaadsigiisii,
Hadba geenyo heensee,

Xasan Muumin gaad gaad,
Hadba soo gedgeda-celi,
Garka iyo taraaraha,

Nin Gahayr la odhan jiray,
Goolaaftankiisii,
Guntiguu ku sidan jiray.

Bulxan goobo dirireed,
Afar-geeslihiisii,
Geyigoo dhan saamee,

Af-Qallooc gargara-baxa,
Iyo geeddi-nololeed,
Hadba gaawe saameel,

Gaashaan nin sidan jiray,
Iyo hibada geesiga,
Gabayguna u fududaa,
Faraskana la golongolay,
Ruuxii gartow sheeg?

Isna Maydhax-Gumareed,
Guntigiisa baadhbaadh,
Gurrac jira ka sheekee,

Ina-Baasaraciyo godob
Isba golongolkiisii,
Garashada ag taalluu,
Kaga diday gumeystaha!

Heedhee Gammuutoow,
Darbadaaley geydhii,
Gooshoorradeedii,
Nin da’ weyni soo gaadh.

Abshir-Bacadle gubashada,
Jiilaalka gahangaha,
Laaskiisu kama gudhin,

Rafad gololadiisii,
Googgoosyadiisii,
Geeduu ku dari jiray.

Afcad goolli-baadhkii,
Iyo laba-garlayntii,
Faras buu u gedo-baray.

Ina Raage galabada,
Gooreynta ficillada,
Hawaduu ka garan jiray!

Gudmo biyo cas, Gacan-sheyliyo, Gaacir iyo Soomo,
Guutada halkaas lagu yiqiin, gororinteedii dheh!

Intani goosan weeyee,
Guutiyo shan guutiyo,
Weli gaasas baa maqan!
Galabtana rag baa nool,
Gurmadna waa dambeeyaa;
Haddaan geeri loo badan
La afuufin geeskii,

Ragna guud ahaantii,
Wada geed lab maahee,
Geeri baa dhammaysee,
Guurtidii xulka ahayd,
Gadh-madoobayaashii,
Iyo guud cirroolii,
Dhirta geedka ruudda ah,
Midhihiisa guran jiray,
Murtideenna gaanka ah,
Gurgurshaa ku rari jiray,
Waxay guulo hooyeen,
Ma iska gole ka fuul baa?

Dadyow geeddigeennii,
Beryo lagu galoollaa,
Ma dhammaan ka guur baa?
Ma astaan gabowdaa?
Garka iyo hoggaankiyo,
Ma xadhkaha u goo baa?

Aaway gumaradeennii,
Hiddihii gobta ahaa,
Mayska galab carrow baa?
Guurtidii xulka  ahayd,
Golihii aftahammada,
Geyigeenna beri jiray,

Waxay goob fadhiisteen,
Waxay gaaf wareejeen,
Waxay meel ku guuleen,
Waxay goosan xulashiya,
Isu soo min guursheen,
Waxay laan galooliyo,
Dhebi gaar ah diireen,
Hadba weedh ma guurto ah,
Waxay gaassa bixiyeen,
Godan iyo har buuxsheen,
Intay geedsan beereen,
Waxay gaasas laylyeen,
Ma gamaad abaaddiyo,
Gacmo madhan ka joog baa?
Arrinteennu gocashiyo,
Galgal iyo fudaydiyo,
Ma galoof la olol baa?
Ma samaha ka guur baa?
Gabgabteennu xiisiyo,
Ma gabiib istaagbaa,
Galgalkiyo xig xigashadu,
Ma Galbeed-ku-dayashaa,
Iyo gaal isu ekayn?

Taladeennu  gubashiyo,
Mayska gees lo’aad baa?
Ma habeen gadood baa?
Dabadeed gar waa’ baa?
Nolosheenna goofkiyo,
God madow ku tuur baa?
Gurdan-raaca ubadkiyo,
Gulufkeenna kala lumay,
Gashigeenna weli maqan,
Horta godobta yaa qaba?
Dhaqan-garaca yaa siday?
Hadmuu beesha soo galay,
Go’nay go’ina weynnoo,
Gurrac bayna daashee,
Gawdiidka lagu jabay,
Galabsiga maxaa dhalay?

Maxaa geydha yoontiyo,
Gabayooxa ina baday?
Mici good ma fududee,
Maskaxdaa gidaadoo,
Gudhay oo basaastoo,
Damqashada ka guurtee,
Lafa-geriba jebinnee,
Goormaa la talantalay?
Gunnimayna haysee,
Miyaynaan gob noqon karin?

Alleylehe gu’ tirisadu,
Gedmataye Dun-wacanoow,
Yaa awaashan kala gura!

In adduunku gamashiyey,
Goblan tahay aqoontii,
Golihii aftahammadu,
Gebogebo ku dhow yahay,
Nin gu’ weyni faallee,
Galabta iyo sheekada,
Noloshiyo garkeedii;

Hadba gabaygu meel fuul,
Guur guur ku dheeraa,
Garab-daarku faro baday,
Inkastay badh guran tahay,
Garashadu ma sii deyn,
Godadkiyo xiddigiskii,
Galabtana min baa baxay,
Weli lama gunaanadin!

Gobanimada yaa yidhi,
Hayska gaaxsanaatee,
Garanwaa ku oodee,
Hasha Garow la leeyahay,
Dadku Gaydho ula baxay,
Gabankii wadwadi jiray,
Lagu yidhi ku gaagixi,
Afar goor dharaartii,
Gorofna yaan la hoos qaban,
Gabran baa dillaacdee,
Waa maxay go’doonkani.

Gaadh-kama-degaa yidhi;
Anigu waxaan garaadsaday,
Iyadoo gayaxa maran.

Dacar wuxuu ku gaabsaday;
Waa goorma goorteed,
Godol iyo abla-ablayn
Iyo gaawaheedii,
Ka gabowday Maandeeq.
Booshari ka goodii,
Laba laba u geedii,
Laba laba ka goodie,
Markii ay garraadaha,
Gacmihii ku daaleen,
Wuxu yidhi galaalooy,
Waa maxay guhaankani?

Gabadh baa iyana tidhi;
Googgaa raggaygow,
Intayada garayskiyo,
Garbo-saarta xidhataa,
Weli waan gudaynaa,
Gudin baannu weynee,
Girif giriftu waa tii,
Hadaad geel cas weydeen,
Aynu wada gumownoo,
Gees dheerta dumarkiyo,
Rida Garo dhammaanteed,
Aynu wada gujaynee,
Xera adhiga soo gala!

Guuguule wuxuu yidhi;
Cabdallaa gurracantiyo,
Ka gar-naqa la-yaabkoo,
Halka loo gol leeyahay,
Xogta sii god raacee,
Galabtiyo ogaalkiis,
Nin ka gura u doon doon,
Keyse guusha loo daa,
Isna wuxu war gaadhsiin,
Xerta gacan-togaalaha!

Noloshu waa gun iyo baar,
Iyo laba is garab yaal,
Ma gudboona weligeed.

Seban loo gabbalo deyey,
Gobanimadu noolayd,
Geyigeenna waxa jiray,
Aqal kebed galooliyo,
Googoos ku xidhan yahay,
Oo daawashada guud,
Gunbur togan ka sheed dheer,
Oo gumaro taal taal,
Gudihiisa shuunka ah,
Gogol lagu cawaystiyo,
Salliyada gargaranta ah,
Gunti lagu furtaa jiray;

Waa goorba goorteed,
Kala-guranta sii raac,

Gedgeddoonka noloshiyo,
Hadana gooshkan maanta ah,
Gurmo-go’an dhig laga jaray,
Udub geed xun laga qoray,
Dhirta inan-gumeedka ah,
Aqal-gaabka soo baxay,
Bac guduudan lagu xidhay,
Guro yare ku magac dheer,
Fadhi lagu gurguurtiyo,
Lagu galo dhabbacashada,
Gudihiisa jaqaftiyo,
Gurgur caagadood iyo,
Lagu bilay garaabada;
Gole lagu caweeyiyo,
Ka arradan gob caadkeed,
Marka geeddi lagu jiro,
Lagu qaado garabkiyo,
God waraabahaa jira!

Ragna guurti weeyaan,
Gartu nimay u magan tahay,
Iyo geedka damalka ah;
Ama dhaadashada guud,
Gacan iyo nin deeqsiya,
Gogol iyo nin hirasha leh,
Gurigiisu madal yahay;
Ama waa nin gedo weyn,
Gadh cas buu ku caan yahay,
Garabkiisa waxa sudhan,
Gal kitaab ku nabad yahay,
Guubaabshe weeyaan,
Garab-daar ku ladhan yahay,
Wuxuu gaar u leeyahay,
Dadku guri danbeedkiyo,
Godka inay xasuustaan.

Ama geesi lagu jabay,
Marka gorodda lays daro!
Galayaxa rasaastiyo,
Marka gumaca daallani,
Iska gelin danbeedsado,
Ha iska gola fardoodee,
Gabbashada dhufaankiyo,
Marka fule gabgabo dhigo,
Waxa guul la hadhi kara,
Goobaha naf waaga leh,
Ninka geeri weheshada!

Kala guranta sii raac,
Dhan kale gar-daymood;

Gododlaha shan caynka ah,
Gudhantiyo madduunka ah,
Gacal lama caweeyaha,
Cirro gocor ku taal taal,
Giiryaale weligii,
Aan goobna lagu tebin,
Majin lagu gumaystiyo,
Gaafeedh shaxaadaha,
Gadhku laba farraar yahay,
Guri kama fogaadaha,
Ganbo dumar ku jiifaha,
Gunti dheerahaa jira!

Hasha geela madida ah,
Gura-joogta laaska ah,
Godalkeedu baxan yahay,
Marka doobi lala galo,
Hadii xoor is laba guray,
Intuu jiidho gaawaha,
Marba gaash dhulka u dhaco,
Gobi waxay tidhaahdaa,
Marti goor xun socotiyo,
Gacal maqan ha lala sugo!

Dhan kale gar-daymood,
Kala-guranta sii raac;

Geelna maaha sibir godan,
Wada goodir maahee,
Gabanteed ma korisiyo,
Candho-suufta gidirta ah,
Gocosada cayuunta ah,
Gaanyada dhegaa weyn,
Gabno xoox la oloshiyo,
Waxa jira ged-geda badan
Iyo goojo beenleey.

Awrka gooni loo raro,
Gur-gurshaaga higilka ah,
Bacadlaha gardaadkiyo,
Guradiisa maqashiyo,
Gabannadu ka oriyaan,
Wed hadduu gondaha jaro,
La goblamo dharaartaa,
Gobi waxay tidhaahdaa,
Hilbihiisa lama geyo!

Dhanka kale gar-daymood,
Kala-guranta sii raac;

Qoor-gaabka cilinka ah,
Af-gamuurka nugulka ah,
Nirig gaajo korisoo,
Marka caynka lagu gubo,
Hadba gorof ku jiifsada,
Goonbaari raratiyo,
Gasle layliyaa jira!

Awrka geela lagu daray,
Hadduu goonni joog yahay,
Gudcurrada daboolka leh,
Bahalaha gudgudayaa,
Gabbashada ku dhaafaan,
Hadduu gaydha aarkiyo,
Galow-didiso leeyahay;
Hadduu maalin gebogebo,
Iyo guluf dardaro kulul,
Galab weerar kediso ah,
U daruuro gaashaan,
Nafta geed iskaga xidho,
Gardarrada hor joogsado,
Ku guntado amaanada;
Hadduu hawl la golangolo,
Galabtuu is hubin jiray,
Hadduu geela urursado,
Il bannaan isugu guro,
Luquntiisa geriga ah,
Gondihiyo jilbaha dhigo,
Hadduu doob gulgulo kulul,
Kaga nixiyo gooraan,
Taltallaabsi gododliyo,
Hadduu laafyo kala guran,
La dhex maro gun iyo baar,
Hadduu gaaso baxa rimay,
Goojada ka wada simo,
Gobi waxay tidhaahdaa,
Neefku gaado badanaa,
Janan gaasas jebiyiyo,
Lib garoomo sidatiyo,
Ma galaydh washiran baa?

Dhan kale gar-daymood,
Kala-guranta sii raac;
Waxa jira gaabaaxuur,
Kushkushlaha gulaalka ah,
Karinlaha gar-dhaafka ah,
Geela tiisa rimayda ah,
Qaalmaha gol-madhanta ah,
Ku kufsada gelgelimaha!

Gammaan-duulka cududda leh,
Waxaa goonni loo cugay,
Faras-geriga huudka ah,
Mas-galaalka caanka ah,
Iyo goobo tobanlaha,
Garba daylka fiinka ah,
Iyo gorayga fiigga ah,
Fan-garaadku shuban yahay,
Jilbo-giirka coonka ah,
Geel-qaadka hibada leh,
Gurdankiisa fooriyo,
Gabaddano ka dhalatee,
Dhiillo-gelinta caan ku ah,
Hadduu gaada-gaadiyo,
Ged-la-soo-bax leeyahay,
Gurxan iyo salsalisiyo,
Garbin iyo wahwahan iyo,
Gur-ka-nixiso leeyahay,
Hadduu geed is maris yahay,
Guulguulka cadowgiyo,
Guddo iyo sas leeyahay,
Gabbashada ku caan yahay,
Hadduu gaasas ku onkodo,
Baqashada ku daba galo,
Marba goosan kala hadho,
Gar-tallowga ku hubsado,
Guutadii dabka lahayd,
Garankeeda laga kaco,
Guul-darrooyinkuu dhigay,
Markuu soo gunaanado,
Hadduu faano-gurashada,
Iyo faan-gilgilashada,
Hadduu goobta dhimashada,
Iyo meesha lagu go’ay,
Intuu geesta uga baxo,
Ka sanqadhiyo gawsaha,
Birta godad ka wada dhigo,
Hadduu gaada-miratada,
Iyo laabta ganatada,
Iyo goobo tirisada,
Midba goonni ugu jiro,
Gabay iyo tix leeyahay
Markuu guusha maragga leh
Gacantiisa ku hubsado,
Haddii dayrta iyo gu’ga,
Galaan miida lagu shubo,
Gobi waxay tidhaahdaa,
Garo oo Bullaaloow,
Geesigaad is raacdeen,
Isaga looma geed tirin.

Kala guranta sii raac;
Dhanka kale gan waynaha,
Gubadlaha qadhoonka ah,
Baqal-garaca cooshka ah,
Gunta wada caweerka ah,
Gabax lagu shakaal iyo,
Guluf kuma hirtaa jira!

Hadduu qaaje godan yahay,
Shalmad dhabaq-guduudiyo,
Gedef iyo qardhaasiyo,
Gashan baal laglaga dheer,
Heensihiisu gaar yahay,
Gole iyo shir magac-liyo,
Gelbisyada u tabobaran,
Iyo gaaf toddoba baxay,
Hadduu goolli-baadhkiyo,
Goleyaasha dhaqankiyo,
Goble-jire ku caan yahay,
Danan gooxa dhaliyiyo,
Garri iyo raxraxan iyo,
Cod ganaanan leeyahay,
Gobi waxay tidhaahdaa,
Talow gabadh ma siinnaa!

Gibishiyo daruuraha,
Iyo godolka raarida,
Cir galgaalay jiilaal,
Hadduu keeno guulguul,
Gilgil iyo fad daalacan,
Marka godolku buuxsamo,
Hadduu yeesho gooraan,
Iyo goorba diga rogan,
Iyo gooha qalanjada,
Dhan galbeed riddada hore,
Gocomaale ka onkado,
Golawguna la saro kaco,
Gedihii la fili jiray,
Haduu goon-dhabaalaha,
Iyo goorba carashada,
Gudban iyo taxtaxan iyo,
Saba-haran gondaha dhigo,
Hadba galangal soo rogo,
Carrigana gal iyo daad,
Galayaxa ka wada dhigo,
Durba gogasha laga kaco,
Hadduu guuraguuraha,
Gali iyo ladh yoontiyo,
Gudgud iyo mir leeyahay,
Gama’ lagaga saahido,
Hadduu gaafan iyo hawd,
Marsin iyo Gar loo gubay,
Gaaroodi degeshado,
Jirde-gooye dogobbo leh,
Manja gororshe taag taag,
Gudcur maararaw le ah,
Gelin dhexe is jiidhaan,
Wax la-yaab leh geystaan,
Garamaale sahansaday,
Guban iyo ka dhaadhaco,
Goballada saraareed,
Gulus iyo cal iyo buur,
Guulaamo kaga tago,
Dabadeed gondaha dhigo,
Geriyaad basaas weyn,
Geyigoo dhan maanshiyo,
Guryo samo ka wada dhigo,
Oo gaasas baalliyo,
Garawooyin heesaa,
Shinbiraha goleeyaa,
Marba goosan yeedheen,
Oo gooha kala rogan,
God-xariirro seeseen,
Gaaraa-bidhaankiyo,
Roob la soo dhac goosh yimi,
Marba goob xoraystaan,
Sida beri gobaysane,
Gu’gu magacyo leeyahay
Dadka guurtidiisii,
Garashada aftahammadu,
Hadba garangar jeexaan,
Golayaasha fiidkii,
Codka goolli-baadhka ah,
Guur-doon isugu tego,
Dumar gaaridoodii,
Saablayda gocoyada,
Haamaha gal waynta ah,
Marba gees u dhigayaan,
Hasha caano gubayaan,
Gabanteeda hoos taal,
Naasuhu ku gororaan,
Guulaha Allaa lehe,
Mahaddaas gun dheerta ah,
Nin galaan darsanayaa,
Gooshaash rogrogashiyo,
Gabay waa u fudud yahay,
Gobi waxay tidhaahdaa,
Galladaha Illaahay,
Kibir laguma gaasiro!

Dhanka kale gar-daymood;

Gabadhlaha kaliileed,
Gododlaha jartaalaha,
Tumay guuxa kugu sira,
Fadal-weyne galabeed,
Hogal dhaan ma gaadhiyo
Gawlgawlka caydhka ah
Shuux goror yar baa jira.

Kol hadduu gun leeyahay,
Garashadu u sahan tahay,
Guurka waa la mahadshaa,
Gabadhi waa ta hooda leh,
Tobankii gu’ wada kaca,
Golaladu mid weeyaan,
Iyada geeda lab baa dhala,
Iyo qoys gargara baxay,
Nin golyeed la jecel yahay,
Iyo gaari magac weyn,
Qaryad geel ku maqan yahay,
Maryaheedu giir ma leh,
Gayngaynna kuma dhaco,
Waa garays xidhxidhan tahay,
Wayna guudad bilan tahay,
Dhexdu waa gurguran tahay,
Gar cas bay ku xidhan tahay,
Golxo iyo harharan iyo,
Garbo-roganna loo daa
Waana foolal garan tahay,
Indhaheedu waa good,
Fuleygey ku guushaa,
Miyirkeeda lama garan,
Sida loogu gacan-baxay,
Gole-joogga xulashada,
Geenyo weeye tabobaran,
Waa gashaanti heeg dheer,
Hilbaheeda kala guran,
Gabay laguma soo helo,
Hayal lagu gardaadshiyo,
Hanku waa u gaadiid,
Hiyigu waa u gaashaan,
Gobanimana wow meel,
Gol-daloolo qoontiyo,
Gurrac iyo turxaan ma leh,
Marka geeddi lagu jiro,
Marka garangar loo dego,
Iyadu waa ka gaar dumar,
Is-galaaliddeediyo,
Is-gadhoodhinteeduba,
Labaduba ma guuraan,
Midba goonnidiisuu,
Biyo goror u leeyahay,
Ma taqaanno gocashada,
Gar-darrada sokeeyaha,
Uma gooro tirisee,
Gogol bay u fidisaa,
Ma gidaaddo weligeed,
Ma gumeeyo jiilaal,
Seban xumi ma gaasiro,
Hadalkeedu waa guun,
Waana gaabis badan yahay,
Gelinkiiba waa weedh,
Xadhig aan bir lagu goyn,
Garka iyo wadnaha badha,
Ayay laan galooliyo,
Ganta adag ku leedahay,
Gedeheeda waayeel,
Waa ta guuto-koristiyo,
Ganba weynta noqotee,
Gudida beesha lagu daro;

Dhanka kale gar-daymood,
Kala guranta sii raaac;

Guumaysta xananka ah,
Doqontiyo gol-weynta ah,
Martu dhinac u guran tahay,
Goonbaarta fiinta ah,
Gaaraa-yucuunta ah,
Gungunuusta weligeed,
Gocondhada xajiinta ah,
Gurigeed ma jiratada,
Hadba gees u socotada,
Gashan kabaha weligeed,
Gaadh-gaadhka lagu falay,
Gocosada basarida ah,
Jiif dheerta goborta leh,
Garashadu ka maqan tahay,
Iyo goor xun hadashada,
Geesaasta weligeed,
Madhantiyo garraafta ah,
Geed baas is marisada,
Wejigeedu gudhan yahay,
Dhillis guur ma dayatiyo,
Waxa jira gabaarrey!!

Gebi-dhaca xisaabtiyo,
Guulguulka naartiyo,
Kasha golongolkeediyo,
Manjo-gorarka daalka leh,
Gasariirka fara badan,
Gulcubaha is daba yaal,
Weji gabaxa muragada,
Isma garato qoysiyo,
Gacal kala irdhooboo,
Gabbashadu dhex taalliyo,
Dhanka lagu gaboobiyo,
Ninka guul hadhsanayaa,
Midba gaar u faalloo;

Gebegebada maantaas,
Kala-guurka food saar,
Marka laysku kala guro,
Gubniyada la kala diro,
Dadku labada geesood,
Midba guri u kicitimo,
Waa gunaanad xaajadu!

Dhammaad.



Maanso   Dib U laaboMaanso   Dib U laaboMaanso   Dib U laabo

             
Dib U laabo

Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho: Mareegta Hoyga Suugaanta
     Mareegta Aftahan
Mareegta Kaydka Suugaanta


Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan.
      All Rights Reserved.