Taariikhda Riyad Mahrez Iyo Xusuustiisii Taageerayaasha Itoobiya Oo Fadhiga Kaga Kacay!

0
492

“Waxaad ku moodaa koolo in lugihiisa la mariyay Marka Aaad eegto sida Ay kubaddu ugu dhagto lugihiisa” Taasi waxey aheyd qiimeyn uu bixiyay saxiibkiisa caruurnimada dalka Algeria ay kuwada qaateen ee Madjid. “Waxeynu aheyn kuwo midba midka kale la dagaalo, sidaa darteed Riyad wuxuu u ciyaari jirey kooxdeena,” . markii aan wada aheyn caruurta BeniSnous waxa uu ahaa midkii ugu sareeyay.dhanka Waqooyi Galbeed ee Dalka Algeria ku taala, halkaasoo ah meesha uu kubadda kasoo bilaabay Mahrez. Hadda adduunka oo IIdil wuxuu ka warqabaa in awoodda Mahrez ee kubadda cagta meel sare gaartay, isagoo  bartilmaameed u ah kooxo waaweyn oo ka dhisan qaarada yurub. Horyaalka Ingiriiska ayuu kaalin wanaagsan ka qaatay  kaliya sanadkiisii labaad eee uu u ciyaaro kooxda Leicester City oo loo saaray taajka Horyaalnimada,Mahrez ayaa bartilmaameed xoogan u ah kooxaha Barcelona iyo Chelsea oo xiriir la sameeyay kooxdiisa. Waxey aheyd xagaagii markii uu Mahrez, ku biirey kooxda Leicester, isagoo ka soo wareegay Le Havre sanadkii 2014-ka, oo uu xiligaas saluugay lacagtii uu kula joogay oo dhameyd £400,000. Layaab ma noqon in wixii intaa ka damebeysay, uu noqdo mid si weyn loo baadi goobayo Kooxaha waxey isku soo garbinayeen sidii ay kusoo jiidan lahaayeen ciyaaryahanka Mahrez ee qaab dhismeedka jirkiisu uu heer wanaagsan ku jiro – iyadoo ay taasi xiiso galineyso taageerayaasha, halka dhanka kalana ay tahay wax ay ku taamayaan ciyaartoyda ay kooxda ka wada tirsan yihiin. Laakiin 25 jirka ayaa iska caabiyey doonitaanka kooxaha kale, illaa iyo xiligaa kadibna, wuxuu isku dhiiri galiyey inuu joogayo kooxda Leicester, si xirfaddiisa uu isagu sare ugu qaado mar kale. Waxyar ayaa la iska weeydiin karaa go’aankiisa iyo dib u bogsashadiisa, iyadoo uu si adag ugasiraad korey turan turooyin lasoo darsay.  Wuxuuba durbadiiba u dhaliyey afar gool kooxda Leicester xagaagan – saddex kamid ah waxuu dhaliyay intii ay socdeen ciyaaraha Horyaalka Yurub Wuxuu kaalin wanaagsan uga soo abxay kooxda Algeriaka dib markii uu gaarsiiyay heerka ah ka qeyb galka Koobka Qaramada Afrika ee sanadka danbe ka dhacaya Gabon. “Riyad wuxuu ka dhigay kooxda mid weyn. Qof waliba ayaa haatan garanaya Algeria Riyad dartiis,” ayuu yiri saaxiibka ka tirsan hey’adda Internationalmarka aan joogno dhabtii Riyadh rajo fiican ayaan ka qabnaa. Ma ahan wax fudud inaad ka noqoto ciyaar yahanka ugu wanaagsan Horyaalka Ingiriiska. “Qof waliba Afrikaan ah wuu jecel yahay Riyaadh. Waxaan xasuustaa inaan mar kulan u tagnay dalka Itoobiya kaasoo labada qaran ay wada yeelanayeen, taageerayaasha waxey u sacaba tumayeen Riyadh, in ka badan inta ay u sacaba tumayaan kooxdooda Itoobiya!”2015-635746546608980634-898 _80563343_algeria__