Top News:Badashaabka Togdheer oo Xisbiga WADDANI ka Hor istaagay in ay Hoteelada Burco Ku Qabsadaan Xaflad ay u Sameynaayeen Garabkii Aqlabiyadda UCID ee Togdheer +Ciidamo Xoogan oo La Dhoobay Wadooyinka

0
380

Badhasaabka gobalka Togdheer Md.Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa si cad isu hor-istaagay xaflad soo dhaweyn ah oo Xisbiga WADDANI uu saaka hotel Kaafi ee magaalada Burco ugu sameynaayey garabkii aqlabiyadda Xisbiga UCID ee gobalka Togdheer
oo halkaasi kaga dhawaaqayey in ay ku soo biiraan Xisbigaasi.

Ma jiraan ilaa hada wax warar ah oo faah-faahsan balse sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Xisbiga WADDANI ee gobalka Togdheer iyo weli ba sida oo kale madaxda kala duwan ee hoggaaminaysay garabkii aqlabiyadda UCID, ayaa cadeeyey in badhasaabka gobalka Togdheer uu gebi ahaan ba warqad uu ku hor istaagayo xafladaha Xisbigaasi gaar ahaan kuwa garabka aqlabiyadda Xisbiga UCID uu u gudbiyey hotelada ku yaalada magaalada Burco, waxaana uu ku amray in aanay hoteeladooda u fasaxi karin in Xisbiga WADDANI, gaar ahaan garabka ku soo biiraaya ee aqlabiyaddii UCID aanay wax xaflado ah ku qabsan karin gobalkaasi.

Dhanka kale, badhasaabka Togdheer Md.Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax), ayaa guud ahaan is-goysyada magaalada Burco dhigay ciidamo tiro badan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan, ku waasi oo ilaalinaaya sida oo kale na hor itaagaya taageerayaasha kala duwan ee saaka iskaga soo kala baxaaya dhammaan ba xaafadaha magaaladdaasi, si ay cududooda taageero ugu muujiyaan Xisbiga WADDANI.

Ilaa hada lama garanaayo sababta rasmiga ah ee uu ee badhasaabka gobalkaasi uu u hor istaagay qabashada xafladahaasi balse waxa ay ilo wareedyadu xuseen in guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu badhasaabka ku soo amray in la joojiyo dhaqdhaaqa ay sameynayaan madaxda iyo siyaasiyiinta garabkii aqlabiyadda Xisbiga UCID oo ay hoggaaminayaan madax ay isku hayb yihiin Ramaax.

Wararku waxa kale oo ay intaas ku darayaan in  madaxdii gobalka Saaxil oo uu hoggaaminaayo Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) iyo weli ba mas’uuliyiin kale oo ka soo jeeda magaalada Berbera ay xalay ilaa shalay halkaas u joogaan siddii awood iyo dhaqaale ba ay iskugu geyn lahaayeen siddii loo joojin lahaa xafladaha ku soo biiriseed ee garabkii aqlabiyaddu ku qabsanayaan magaalada Burco.