Trump iyo Obama oo olole iska soo horjeeda ka wada Florida

0
329

yaasir br

Qarashka guud ee xayeysiinta iyo ololaha uga baxay labada xisbi ayaa sare u sii kacay.
Waxaa lagu qiyaasayaa in boqol milyan oo dollar uu musharax kastaa ku bixiyay Florida.
Donald Trump iyo Hillary Clinton, ayaa si joogto ah u booqday gobolkaasi.
Mr Trump ayaa Arbacadii booqday seddax magaalo oo gobolka ka mid ah, wuxuuna taageerayaashiisa u sheegay in ay tahay inuu Florida ku guuleysto.
Maanta oo Khmiis ahna wuxuu ku sii sugnaanayaan gobolkaasi.
Madaxweyne Obama ayaa calanka Dimuquraadiga maanta u qaadaya Florida.
Waxa uu door muhiim ah ka qaadanayaan ololaha Hilarry Clinton.
Shalay, wuxuu cod bixiyayaasha u sheegay in Trump uu halis ku yahay Mareykanka iyo caalamka.
Obama ayaa Trump ku tilmaamay inuusan u qalmin inuu noqdo taliyaha ciidamada xoogga dalka Mareykanka.
Saadaashii ugu dambeysay waxay muujineysaa in laba musharax ay madaxa iskula jiraa marka la eego gobolka Florida.