Turkiga Oo Saldhigii Militari Ee U Horeeyay Oo Dalkiisa Ka Baxsan Ka Samaystay Soomaaliya iyo Shaqada Lagu Qabanayo

0
471

Turkiga Oo Saldhigii Militari Ee U Horeeyay Oo Dalkiisa Ka Baxsan Ka Samaystay Soomaaliya iyo Shaqada Lagu Qabanayo
Ankara(Warsugan) Dawladda Turkiga ayaa shaacisay in Saldhigii Militari ee horeeyay oo dalkeeda ka baxsan ay ka samaysatay waddanka Soomaaliya. Sidoo kalena saldhiga kan xiga ee dalkeeda ka baxsan waxay ka dhisan doontaa dalka Qadar. Turkiga ayaa xidhiidh dhaw la leh Soomaaliya.

War qoraal ah oo ay Shalay baahisay waaxda warfaafinta ee xafiiska Ra’isal wasaaraha Turkiga ayaa lagu sheegay in ujeedada xilligan ee Saldhigaasi tahay tababarida Ciidamada Somalia “Turkigu wuxuu Somalia ka aasaasay Saldhigiisii u horeeyay ee dalka dibaddiisa ah, halkaas oo ciidamada Turkigu ku tababari doonaan Askarta Somalia. Saldhigaas waxaa ka hawl galaya in ka badan laba boqol oo Askari oo Turki ah,” ayuu lagu yidhi qoraalka dawladda Turkiga.

Dawladda Turkigu waxay sheegtay in saldhigaasi lagu aasaasay heshiis dhinaca difaaca ah oo dhexmaray Somalia iyo Turkiga “Saldhigan Militari waxaa lagu sameeyay heshiis dhinaca iskaashiga difaaca ah oo aanu Somalia wada galnay. Waa Saldhig u shaqayn doona sidii xero tababar, waxaana lagu tababari doonaa inka badan toban kun oo Askarta Soomaalida ah. heshiiskan waxaa sidoo kale ansixiyay qaramada midoobay,” ayaa lagu sheegay qoraalka.

Dawladda Turkiga ayaa xidhiidh qoto dheer la samaysatay Somalia kadib markii abaarihii sanadkii 2011 ay laxaad leh dawladda Turkigu ugu gurmatay Somalia.Sidoo kalena mashaariic dhinaca horumarka ah oo ay Somalia ka fulisay ayaa hoggaamiyaha Turkigu ku hantay quluubta bulshada iyo xukumadda Somalia, hase ahaatee Somaliland iyo Turkiga ayaa xidhiidhkoodu u muuqdaa mid madmadow ku jiro.

Bulshada Somaliland ayaa hore u muujisay inaanu Turkigu dhexdhexaad ka ahayn wada hadallada uu marti galiyo ee u dhexeeya dawladda Somaliland iyo Somalia, waxaana arrintaasi ka dambeeyay dawladda Somaliland oo ka dhego adaygtay dalab Turkigu ku doonayay in la xidho dugsiga Nile Academy ee Hargeysa oo Turkigu rumaysan yahay inuu qayb ka yahay dalladda uu hoggaamiyo sheekha fadhigiisu yahay Maraykanka ee Fadxullah Gulan ee ku eedaysan afgambigii Turkiga.

Talaabadan Turkigu qaaday ayaa ka mid ah dadaallo dawladdaha shisheeye ku doonayaan in ciidamo adag loo dhiso Somalia, si looga hor tago kooxaha ka horjeeda danaha shisheeye eek a aasaasma Somalia, kuwaasi oo ay Alshabaab ugu xoog badan tahay, hase ahaatee dhisidda quwadda ciidamada Somalia waxay saamayn kartaa Somaliland oo muran siyaasi ahi ka dhexeeye koonfurta Somalia.

Geesta kalena Qoraalka Turkiga waxaa lagu sheegay in Saldhiga kan xiga ay ka dhisan doonaan dalka Qadar, kaasi oo isna lagu sheegay in shaqadiisu tahay tababar, waxaana la gaynayaa 150 askari oo hordhac ah, waxaana xigi doona ciidamo kale oo la keeni doono oo ka imanaya dhammaan xooggaga ciidan ee Waddanka Turkiga.