War deg-deg ah: Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee EgyptAir oo la af duubtay

0
356

War deg-deg ah: Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee EgyptAir oo la af duubtay

Qubrus(Warsugannews)Diyaarad laga leeyahay Dalka Masar ayaa ku dagtay garoon ku yaala Qubrus, sida ayay wararku sheegayaan, ka dib markii la afduubay diyaaradaas.

Wakaaladaha wararka oo soo xiganaya shirkadda iyo dawladda Masar ayaa sheegay in diyaaraddaasi uu af duubtay ugu yaraan hal ruux oo hubaysan.
Diyaaraddu waxay u kala gooshaysay gudaha dalka Masar, waxayna ka duushay Alexandria waxayna ku sii jeeday magaalada caasimadda ah ee Qaahira.

Warbaahinta Qubrus ayaa ku warantay in ay diyaaradda saaran yihiin 55 qof, balse warar kale oo dheeraada ayaa sheegaya inay jiraan warar hore oo sheegayey in ay diyaaradda saarnaayeen in kabadan 88 ruux.

Wixii warar kaasi ka soo baxa kala soco wararka danbe ee Shebekada Warsugannews