War Deg Deg Ah:Madaxwaynihii Kuuriyada Koonfureed Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Sababta Keentay.

0
484

Xildhibaanada Koonfurta Kuuriya ayaa xilkii ka xayuubiyay madaxwayne Park Geun-hye oo jahwareer badan uu haystay.
Marka la fiiriyo tirada badan ee xildhibaanada ah ee u codeeyay in xilka laga qaado waxay cadayn u tahay in qaar ka mid ah xildhibaanada ay isku xisbiga yihiin ay ka qaybqaateen kalsooni kala noqoshadeeda.
Park xilkeedii wuxuu ku wareegayaa Ra’iisul wasaare Hwang Kyo-ahn.
Kumanaan dad ah oo caraysan ayaa jooga banaanka dhismaha baarlamaaanka iyaga oo doonayay in xilka laga qaado madaxwaynaha.
Park ayaa wajahaysay fadeexad siyaasadeed oo horseeday mudaaharaaadyo badan.
Fadeexaddaasi waxay salka ku haysaa gabar ay saaxiibo yihiin madaxwaynaha oo la sheegay in ay kalsoonidaas u adeegsatay in ay dano gaar ah ku fushato.
Dacwad oogayaashu waxay sheegeen in Park ay door ku leedahay musuqmaasuqa ay samaysay saaxiibadeed, laakiin way diiday eedaymahaas.
Waxaa kale oo ay ka dhago adaygtay baaqyo loo soo jeediyay oo ku aadanaa in ay xilka iska