War-saxaafadeed: Af-hayeenka Dhallinyarada Xisbiga Waddani oo ka hadlay Arrinta Maktabadda dhallinyarada Somaliland ee Gaandi

0
395

War-saxaafadeed:
Waxaanu si adag u canbaaraynaynaa wargelinta xukuumaddu ku wareejinayso Maktabadda dhallinyarada Somaliland ee Gaandi, maktabadda madiga ah ee ka dhaxaysa dhallinyarada Somaliland xukuumadda aan xishoodka, damiirka iyo damqshada lahayni iibka xaaranta ah la maagganayd saddexda sano. Waxaanu ugu baaqaynaa Madaxweyne Siilaanyo inaanu ku khaatumo seegin maktabadda ay ilaashanayaan dhallinyarada Somaliland.

Ilayskii aqoonta iyo maktabaddii akhriska ee ugu horraysay dalka Somaliland haddi maanta la iibinayo oo la siisanaayo shilimmo jeeb cid gaar-ah ku dhacaaya mustaqbal ummadeed oo la sugaaba ma jiro, Iyadoon xukuumaddu markii hore qorshe ka lahayn fidinta goobaha akhriska iyo maktabadaha hadday maanta xaraashayso aqalkii madiga ahaa ee dhallinyarada aqoon raadiska ahi kusoo hiran jireen naf hadhayba ma jirto.

Iibka maktabadda Gaandi waxay marag u tahay tudhaal- la’aanta xukuumaddu aanay dhisme kaliya ugu talo-gelin inay dhaafto. Mucjisada iibka Maktabadda Gaandi waxay soo oodday rajadi dhallinyarada mustaqbal iyo jihayn seegay ee aan haysan danayn iyo daryeel dawladeed. Xukuumadda dhiilo-hilashadeeda iyo dhaxal-wareejinta ummadu maktabad dhaafiwayday maasjiidu kama nabad galayso.

Faa’ido-doona looma furin maktabadda Gaandi waxa loo furay si loo kobciyo aqoonta iyo akhriska waxaana furay shakhsi abaal aan duugoobayn loo hayo iskiina isu xilqaamay, buuggaagta taal maktabadda dhammantood waxa jeebkiisa kasoo iibiyay Axmed Yuusuf Samater Gaandi caawimo xukuumadeed iyo mid haayadeed toona laguma camirin maktabada Gaandi.

Iibka Maktabadda Gaandi waa tir-tiridda taariikhda halgamayaashii umadda reer Somaliland, Waxa Hargaysa ka dhacaya ama maktabad hannoqoto ama raad taariikheed oo kalo la iibinayo hanooqote, innaanay marna ogolaan dhallinyaradu in maktabadda Gaanda dhidibada loo saaro. Waxaanu ugu baaqayna dhallinyarada Somaliland gude iyo dibed, gobolkasta oo ay joogaan inay difaaca makabataddooda Gaandi meel ugasoo wada jeestaan.

Untitled
Af-hayeenka Dhallinyarada Xisbiga Waddani.
Maxamed Sidiiq Dhamme