Wararka Wargeyska Warsugan Media Group ee Maanta oo Khamiis ah

0
465

Beesha Caalamka Oo Dhaliil Xoogan Ka Muujisay Khilaafka Siyaasadeed Ee Somaliland

 

Nairobi, Kenya 28 November, 2019 (Warsugan) – Beesha calaamka ayaa ugu baaqay xukuumadda, dowladda iyo asxaabta mucaaridka ah inay uu hoggaansaman sharciga dalka uu yaalla. Islamarkanna ka wantooban dib uu dhigista Doorashooyinka Deegaanka Iyo Baarlamaanka.

Waxa lagu sheegay War-murtiyeedkan in Beesha Caalamku ka xun tahay Muddo-kordhinta labada Sanadood ah ee Golaha Guurtida sameeyay Golaha Wakiillada iyo Muddo-kordhinta uu Golaha Guurtida laftiisu isku sameeyay.“Waddamad hoosta ku saxeexan ee mandaqadda iyo calaamka Somaliland taageera ayaa ku dhowaqay in heshiskii uu dhexeyee asxaabta siyaasada ay wada galeen bishi July sannadkan 2019 oo nuxurkiisu ahaa qabashada Doorashadda in badan raagtay ee Baarlaamanka iyo deegaanka. Heshiiska oo la isku afgartay in doorashada la qabto marka la xaliyo arrimaha siyaasadeed iyo farsamo ahaan ku suurta geliyso.

Waxa aannu si weyn uga walaacsan ahay ballanqaadyada oo dhawici karto nidaamka geedi-socodka dimoqraadiga ah ee Somaliland, adduun waynaha ku leedihiin. Sidoo kale waxa sii wayn uga xun ahay iska caddadiska xadhig lagu hayo siyaasiyinta iyo cabudhinta xoriyaatul qawlka muddoyinki uu dambeyee koo usoo kacaya dalka gudihisa.” Nuqul kamid ah warsaxafadeedka beesha calaamka soo saareen.

Beesha calaamka ayaa warasaxafadeedka ku sheegen in ay ka xun yihin go’aanka ay golaha guurtidu gadheen ee muddo kordhinta uu kordhiyeen Baarlaamanka iyo Guurtida ba kana dhigeen muddo xileedkooda bisha January sanadka 2022 iyo January 2023. Waxana ay sheegen inn labada aqal, loo assaasay inay wakiilo ka noqdan muwaadininta reer Somaliland ee rag iyo dumar ba, hase yeeshe, mudo xileedkoodi beri hore dhamaaday taasina meelna kaga jirin nidaamka geedi-socodka dimoqraadiga ah.

“Waxa ugu dambayn ugu baaqayna xukumad iyo asxaabta siyaasada marka kale xaqiijiyaan, hadal iyo ficil ba, xoojinta iyo joogtaynta wada xajoodka ee heshiiska danta guud laga raaco, iyo tanaasulka sidii xal loo heli lahaa xiligan oo xasilooni darro islamarkana laa qabto doorashooyinka Baarlaamanka iyo deegaanka iyadoo dib loo dhigin sanadka 2020ka gudahisa.

Beesha calaamka, oo runti muddo dheer taageerayee horumaarka Somaliland shan iyo labatankii sanno uu dambeyeey, waxa aannu aamanayna dhexdhaxadinta ergadu ay waddan, waxana hoosta ka xariiqayna kaalmaynta uu fidino habka doorashooyinka, wa in la ilaaliya nidaam siyaasadeed loo dhamaystiran yahay iyo sii buuxda loo ixtiraamo sharciga.”

Warsaxafadeedka Beesha calaamka oo ay ku saxeexnayeen  United Nations, IGAD, European Union, United States of America, Germany, United Kingdom, Norway, Ireland, Belgium, Sweden, Denmark, The Netherlands, Finland, France, Italy, Greece, Switzerland.

 

 

 

Nairobi: Muxuu Daaran Yahay Kullanka Dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID

 

Siddee Xukuumadda Muuse Biixi U Aragtaa Kulanka Axmed Madoobe Iyo Faysal Cali Waraabe?

Hargeysa, 28 November 2019 (Warsugan)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe,ayaa caasimada dalka Kenya ee Nayroobi uu kulan kula qaatay Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kulankaas waxa lagu sheegay inay kaga wadahaddleen arrimo khuseeya Somaliland, Soomaaliya iyo bedeladda siyaadadeed ee ka socda Geeska Afrika.

Faysal Cali Waraabe ayaa dhawaan taageero u muujiyey Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Xukuumaddiisa, kadib markii ay dawlada Farmaajo culays siyaasadeed saartay Madaxweynaha maamul-gobolleedka Jubbaland  Axmed Madoobe.

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa waxa ku wehelinayey kullan uu la yeeshay Madaxweyne Axmed Madoobe Agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqadda iyo arrimaha Bulshada Somaliland Maxamed Aadan Ilkacase, kaasi oo dhawaanna isagu magaaladda Kismaayo kaga qayb-galay calleemo saarkii loo sameeyey Madaxweyne Axmed Madoobe .

Iyaddoo horre xukuumadda Somaliland xayiraad saartay xildhibaan u safri lahaa ka qaybgal-ka caleemmo-saarka Madaxweynaha Jubbaland oo markale ku guulaysatay inuu sii layliyo hoggaaminta Jubbaland.

Balse Xildhibaan Naasir Xaaji Cali wuxuu yidhi“Xubno ay ka mid yihiin laba xildhiban oo galaha guurtida ah iyo xildhibaan ka mid ah golaha wakiilada oo anigu aan ka mid ahay inaan safar ugu bixi doono si aanu uga qaybgalno  caleema saarka Axmed Madoobe ee magaalada Kismaayo ka dhacaysa 9 bishan, tani waxay ka danbaysay markii Axmed Madoobe uu si layaab leh uga soo baxay doorashadii layaabka lahayd ee ka dhacday Kismaayo ee dawlada Somaliya ee aynu jaarka nahay ay carqaladayso dastuurkeeda”

Dhinac, kale, Dood ayaa ka dhalatay hadalka xildhibaanka waxaana si weyn arrintaa uga soo horjeestay Siyaasiyiinta Somaliland iyo Xukuumadda Muuse Biixi oo codsaday in la joojiyo Safarka Kismaayo.

Kullanka dhexmaray Axmed Madoobe iyo Guddoomiyaha UCID ayaa ilaa xalay haystay baraha bulshadda oo lagu faaqiddayay wuxuu darnaa kulankoodda iyo jawaabta ay xukuumadda ka bixin doonto kulanka labadda masuul ku dhexmaray dalka kenya.

 

 “Abiy Axmed Wuxuu Xiisanayaa Inuu Hargeysa Yimaado, Ma Jirto Cid Iska Indho Tiri Karta Jiritaanka Somaliland….”Wasiir Faratoon

 

Hargeysa, 28 November 2019 (Warsugan)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horreysay ka hadashay isbedel la sheegay inuu ku yimi xidhiidhkii ka dhexeeyey dawladda Itoobiya, isla markaana ay Xukuumaddu walaac qabto.

Xukuumada uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi ayaa sheegtay inaysan waxba iska bedelin xidhiidhka Somaliland ka dhexeeya dawladda Itoobiya, midaasi oo ay ku beeninayso warbixin dhowaan uu daabacay Wargeyska Warsugan oo ka soo xigtay Majaladda ka soo baxda dalka Itoobiya ee Wargeyska Reporter.

Wargeyskaasi ayaa sheegay in Somaliland ay aad uga walaacsantahay isbedelka uu siyaasadii dowladda Itoobiya ka sameeyey Raysul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, oo arrintaasi ka hadlayey ayaa warbixinta Wargeyskaasi ku tilmaamay mid aan xaqiiqda ku saleysnayn  oo malo awaal ah.

“Qoraal shaki abuuri kara oo qofka aan xog ogaalka ahayn ku abuuri kara oo ku qornaa afka ingiriisiga oo jariidad ka soo baxda Itoobiya soo daabacday oo sheegaya inay Somaliland ka walaacsan tahay isbedelka uu siyaasadii Itoobiya ka sameeyey Ra’isal wasaaraha Itoobiya, hadalkaasi markii aanu baadhnay siduu ku soo baxay waxay iska ahayd si sheeko ah oo aan ujeedo ahayn wax si rasmiya uga baxay wasaaradda oo uga waramayey may ahayn wax kala fogaansho ah iyo wax ka bedelmay xidhiidhkii hore ee fiicnaa ee Itoobiya iyo Somaliland u dhexeeyey ma jirto”Ayuu Yidhi Wasiir Faratoon, waxaannu hadalkiisii sii raaciyay“Hadalkaasi markii aannu baadhnay siduu ku soo baxay waxay iska ahayd si sheeko ah oo aan ujeedo ahayn wax si rasmiya uga baxay wasaaradda oo uga waramayey may ahayn wax kala fogaansho ah iyo wax ka bedelmay xidhiidhkii hore ee fiicnaa ee Itoobiya iyo Somaliland u dhexeeyey ma jirto” ayuu yidhi Wasiir Yaasiin Faratoon.

Wuxuuna intaas ku sii daray Wasiirku “Cid iska indho tiri karta jiriteenka Somaliland ma jirto, dadka ka shakiyey shirarkii Madaxweynaha Soomaaliya, ka Eritrea iyo Ra’isal wasaaraha Itoobiya ku shiri jireen ee u qaatay inay khatar ku tahay Somaliland waxba kama jiraan, waayo ee gobolka saddexdaas dal uun maaha oo dalal kale ku yaalla”.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu beeniyay in dowladda Itoobiya kala laabatay wakiilkeedii Hargeysa, taasi oo uu sheegay in uu Safiirka Itoobiya ee Hargeysa uu gaadhay da’dii howl-gabka, isla markaana ay dawladda Itoobiya badelkiisa diyaarineyso.

Sidoo kale Wasiir Faratoon mar uu ka hadlayay  Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo sida uu Somaliland u danaynayo waxa uu yidhi “Abay isagu iskii ayuu u yidhi Hargeysa inaan imaado ayaan doonayay waa markii aniga iyo madaxweynaha iyo Dr Sacad ku tagnay booqashada, ka dib waxa uu nagu yidhi idinkii baa iga hor yimid-ba aniga oo soo socda, waanu xiisanaynayay, laakiin anagu isaga iyo madaxweynaha Somalia oo wada socda ma aanan maqal nagumana odhan, ma naqaan warkaasi meel uu ka yimi”ayuu yidhi Faratoon

 

 

 

Somaliland: Xukuumadda Oo Amar Dul-dhigtay Hoteeladda Iyo Xisbiyadda Mucaaridka Oo Ganafka Ku Dhuftay

 

Hargeysa, 28 November 2019 (Warsugan)-Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex  Jaamac Xaaji Axmed, ayaa hoteeladda dalka uga digay inay xisbiyadda mucaaridka ka kireeyaan hoteeladood iyagoon amar ka helin maamulka Gobolka Maroodi-jeex. Islamarkaanna wuxuu ugu baaqay in talaabo adag laga qaadi doonna ciddii u hoggaansami-waydda amaawiirta Maamulka Gobolka Maroodi –jeex.

Badhasaabku wuxuu qoraal uu soo saaray 19 bishan ku yidhi “Dhammaan mulkileyaasha hoteladda caasimadda Hargeysa waxaa la farayaa laguna adkaynayaa in aan lagu qaban Karin hoteladooda shirar iyo xaflado aanay oggolaansho uga haysan maamulka gobolka M/jeex.

Marka laga reebo xafladaha, meheradda, aroosyadda iyadda oo la ilaalinayo habeenkii wakhtiga cayimay.

Sidaa darteed ciddii u hoggaansami wayda go’aankan waxaa laga qaadi doona talaabo sharciga waafaqsan.”Ayaa lagu yidhi Qoraalka

Sidoo kale, Amawiirtan waxa ganafka ku dhuftay xisbiyadda Mucaaridka ee Waddani iyo UCID oo si wadajir ah shirjaraaid u qabtay, ayaa sheegeen in ujeedada warqadan loo soo saaray ay tahay in lagu joojiyo shirarka siyaasadeed ee xisbiyada mucaaridku ay ku qabsanayaan hoteelada Hargeysa.

Cabdi -qani salaf oo ka mid ah masuuliyiin oo shalay warbaahinta la hadlay, isla markaana kaga hadlay qoraalka amarka gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex soo saaray, waxaany yidhi “Waxaanu la yaabnay maanta oo aanu doonayno inaanu halkan uga sheegno shacabka reer Somaliland warqad soo baxday 19kii bishan oo uu soo saaray Badhasaabka gobolka maroodi-jeex, warqadaas oo ku socota laamaha kala duwan ee Bilayska iyo nabadgalyada, isla markaana si toosa ugu socota Hudheelada magaalada Hargeysa.”Sidaa ayuu yidhi Salaf, waxaannu hadalkiisii sii raaciyay “Warqadaas oo lagu sheegay inaan wax shir ah lagu qaban karin Hudheelada Habeen iyo maalin toona, taas oo loola jeedo xisbiyadu inaanay shir ku qabsan karin. Arrintaasina waxay soo shaac-baxday markii Hudheelo aanan doonayn  halkan inaan ka magacaabo aanu is nidhi dood saddexda xisbi ku qabta ay mulkiilayaashii Hudheeladu warqad na tuseen oo ay yidhaahdeen waar amarkaas ayaa soo baxay ee ha naga xidhina meheradaha wax dood iyo shir toona laguma qaban karo Hudheelada.”

Cabdiqani Salaf, wuxuu sheegay in ay cod dheer ku cambaaraynayaa baaqa xukuumadda ka soo baxay “Arrintaas cod dheer ayaanu ku cambaaraynayna hadaanu nahay xisbiyada mucaaridka Ucid iyo Waddani, waxaanu leenahay arrintaas waxay dabka ku sii qabanaysa oo ay kor u sii kicinaysa dadka. Waxay wax ku sii daraysa  cabudhintii iyo car-juuq dhehdii Waddanka ka socotay in xitaa la gaadho Hudheeladii oo la yidhaahdo inta xorriyadoodii inta meel lagaga dhaco shir laguma qaban karo.”

Dhinac kale,  Gudoomiyaha  gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Waddani Xamse Ciise oo isaguna arrinkaas ka hadlay waxa uu yidhi “Runtii waxaanu cod dheer ku cambaaraynayna warqadu soo saaray 19. 11. 2019ka Badhasaabka gobolku Jaamac Axmed Maxamed, warqadaas oo ah inaan dhammaan Hoteelada Jamhuuriyada Somaliland  Hargeysa lagu qaban karin wax shir ah, waxaanu leenahay arrinkaasi waxa uu ka horimanaya qawaaninta iyo shariga aynu dhiganay.

Runtii waxaad mooda xisbigii Udub ee saaxada ka baxay , ayaa baryihii uu saaxada ka baxayay ayuu isticmaali jiray oo waraaqahan oo kale ay ka soo bixi jireen, Waxaanu leenahay xisbul xaakimkii Kulmiye maanta waddooyinkii berigii hore lagula isticmaali jiray ayuu isaga laftiisii isticmaalaya.”Ayuu yidhi Xamse waxaannu hadalkiisii sii raaciyay “Waxaanu ku cadaynayna si dadban ayay anaga noo sheegaysa , kuma cadayn xisbiyada laakiin Huteelada waxay yidhaahdeen haddii aanu idiin ogolaano waa nalaga xidhaya amar hoose-na waa la nagu siiyay in arrintu ay tahay xisbiyada mucaaridka”

   

Nuxurka Kulan Dhexmaray Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiyeyaasha Guurtidda, Wakiiladda & Komishankii Hore Ee Doorashooyinka 

Hargeysa, 28 November 2019 (Warsugan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay kulan xafiiskiisa kula qaatay guddidii hore ee komishanka doorashooyinka qaranka oo muddo-xileedkoodu dhammaanayo 29-11-2019-ka, waxana madaxweynaha kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici) iyo guddoomiyeyaasha goleyaasha guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Baashe Maxamed Faarax.

Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo shir-guddoonka goleyaasha guurtida & wakiillada iyo xubnaha Komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ayey ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi la xidhiidha sidii xilkasnimada iyo hufnaanta lahayd ee ay u guteen waajibaadkii qaran ee saarnaa, una qabteen diiwaangelintii cod-bixiyayaasha iyo doorashadii madaxtooyada.

Xubnaha Komishankii hore ee Doorashooyinka qaranka, ayaa madaxweynaha iyo shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada uga mahadceliyey kulanka ay la qaateen, waxana ay tilmaameen in shaqadii ay soo qabteen ahayd masuuliyaddii loo igmaday iyo waajibaad qaran oo ay u guteen si Dastuuri ah.

 

Wasaaradda Waxbarashadda Oo Shaacisay In Aanay Dugsiyadda Gaarka Loo Leeyahay Geli Karin Imtixaanka Shahaadiga Ah

Hargeysa, 28 November, 2019 (Warsugan)-Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md.Cismaan Jaamac Aadan oo ay wehelinayeen Wasiir ku-xigeenka Md.Axmed Xasan Nuur (Taajir) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md.Axmed Abokor Maxamed,  ayaa Shalay ruqsada dib u cusboonaysiinta dugsyada gaarka ah ee sannadlaha ah Guddoonsiiyey 40 dugsi oo ka mid dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Munaasibadan oo lagu qabtay hoolka shirarka ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa sidoo kale, waxa ka soo qaybgalay badhasaab kuxigeenka gobolka M/jeex Md.Khadar Baaruud, maamulayaasha dugsiyadaa ruqsada qaatay iyo qaar ka mid ah, agaasime waaxeedyada wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.

Ugu horeyn, waxa munaasibadaa ka warbixiyey agaasimaha waaxda dugsiyada gaarka loo leeyahay Md.Amiin Maxamed Axmed waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey masuuliyiinta dugsiyadan maanta la guddoonsiiyey ruqsada dib u cusboonaysiinta dugsiyada gaarka ah ee ay bixiso wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland.

Dhanka kale, waxa uu agaasimaha dugsiyada gaarka ahi sheegay, in aanay imtixaanka shahaadiga ah u ogolaan doonin dugsiga gaarka loo leeyahay ee aan qaadan ruqsada dib u cusboonaysiinta dugsiyada gaarka ah.

Sidoo kale waxa iyaguna munaasibadaa ka hadlay qaar ka mid ah maamulayaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay ee shalay qaatay ruqsada dib u cusboonaysiinta ee wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska, waxaanay sheegeen, in ay u hogaansamayaan dhammaan waajibaadka iyo awaamiirta wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Abokor ayaa sheegay, in ay wasaarad ahaan aad ugu faraxsan yihiin dugsiyadan u hogaansamay shuruucda iyo qawaaniinta wasaaradda waxbarashada, waxaanu xusay in aanay wax cadaawad ahi ka dhaxayn dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo wasaaradda waxbarashadu laakiin hadafka iyo ujeedada wasaaradda waxbarashadu u taagan yahay, sidii dhammaan waxbarashada dawliga ah iyo ta gaarka loo leeyahay ba loo tayeyn lahaa, isla markaana uu furan yahay tartanka u dhexeeya dugsiyada dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Md.Axmed Xasan Nuur ayaa isaguna sheegay, in ujeedada wasaaradda waxbarashadu yahay, sidii dugsiyada gaarka ah iyo kuwa dawliga ahiba meel u wada mari lahaayeen, si looga hortago nidaam jaantaa rogan ah, kaas oo aan qaranka iyo ummadaba aan dan u ahayn.

Ugu danbayn, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Cismaan Jaamac Aadan ayaa uga mahadnaqay masuuliyiinta dugsiyadan maanta qaatay ruqsada dib u cusboonaysiinta dugsiyada gaarka ah.

Dhanka kale wasiirku waxa uu sheegay, in ay si kal-furan ugu dhago-nuglaan doonaan wax kasta oo lagu sii horumarinayo dugsiyada gaarka ah ee qaatay ruqsada wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.