WARBA WAR BAA KA DABA IMAN Cali Guray

0
611

WARBA WAR BAA KA DABA IMAN
Kuwa leh Itoobiya ayaa u aragta inu nabadgelyadooda halis ku noqon karo hadii Somaliland ay Imaaradka Carabta Saldhig Milatari u ogolaato xagee bay ka keeneen warkaa maxayse cadayn u hayaan ee lagu rumaysan karaa in warkoodu run yahay? May sheegin mana hayaan wax ay ku cadayn karaan hadii ay hayaan waxan odhan lahaa HAATUU BURHAANAKUM IN KUNTUM SAADIQIIN.

Arinta Saldhigga Milatariga ee Imaaraadka in kasta oon ilaa hadda wax faahfaahin ah aanu ka soo bixin hadana hadii uu rasmi noqdo saamaynta uu ku yeelanayo nabadgelyada mandaqadda gaar ahaan ammniga saaxiibka keliya ee Somaliland waxa ka wada hadlaya labada dawladood horena way uga wada hadleen haddana waa kuwaa is hor fadhiya ee ka wada hadlaya. Cid aan labada dawladood oo warkeeda la qaadan karaana ma jirto. Markaa dadka yaan lagu jahowareerin Itoobiyaa diidan Itoobiya ma ogola iyo war aan sal iyo raad toona lahayn. Cidda wadwada waxan leeyahay jiib noom taani. Weli waxa taagan sua’aashii labaad ee ahayd waa maxay waxa u qalma ee hadii loo ogolaado Saldhig Milatari ay Somalilandba ku doorasanaysaa ee u qalmi kara? Waxa ka jawaabi kara qodobada heshiiska marka dhinaca xukuumadda uu ka soo baxo ama Wakiilada la hor keeno heshiiska. Waxa muhiim ah iyaduna Somaliland belaayo aan u dhawayn inay soo xambaarato oo ay dhibac ka mid noqonto dagaalka ka socda Yaman oo marna dagaal sokeeye ah marna Proxy Waar ah. Labadaba waa in aynaan ku dheeraynin. Boqortooyada Sucuudiga oo aan dan iyo muraad ka lahayn nolosheena oo xooliheenii aynu u iib geyn jirnay xataa inaga joojiyay haba yaraato eh wax uu ina yeelay mooyee aan wax uu ina taray jirin ayaa farta intuu inoogu yeedho dagaal ina gelin kara cidda u hanqal taagaysa way riyoonaysaa waxanay ku talogashay dagaal la isu habar wacdo oo gondaheena ka bilaabma. Sidaa daraadeed anigu waan ka digayaa. Ninka Sucuudi Arabia adeegsanaysow soo arag Xabaal-wadareedyada Berbera iyo dadkii dayaaradaha iyo maraakiibta ku soo guray uu gacanta u geliyay cadawgoodii oo Berbera haystaa ee xasuuqa lagu laayay intoo la kala hayb soocay.