Wasaaradda Degaanka Iyo Dad Shacab Ah Oo Isku Haystay Qaybo Wasaaradda Ka Mid Ah iyo Dhawaaqa Wasiir Shugri Baandare

0
333

Wasaaradda Degaanka Iyo Dad Shacab Ah Oo Isku Haystay Qaybo Wasaaradda Ka Mid Ah iyo Dhawaaqa Wasiir Shugri Baandare

“Dadka Aad Dhul Boobka Ku Soo Qabato Cuqaal iyo Wasiirro ayaa Daba Socda..Dhulkii Wasaaradda Ee Berbera Waa Nalaga Qaaday,” Wasiir Shukri

Hargeysa(Warsugan) Wasiirka degaanka iyo horumarinta reer Miyiga, Shukri Xaaji Baandare, ayaa sheegtay inay hawlaha wasaaradda caqabadi ka soo wajahday dhul boob lagula kacay xarumaha wasaaradda. Waxa kale oo ay sheegtay in dadka gala dambiyada seero oodashada ay wasiirada xukumadda iyo cuqaali sii daynayaan, taasina caqabad ku tahay ilaalinta degaanka, siiba dhul daaqsimeedka.

Wasiir Shurkri oo shalay xog waraysi siinaysay guddida joogtada ah ee golaha Guurtida ayaa sheegtay in mushkiladdo ka taagan yihiin dhul boobka magaalada iyo dhul daaqsimeedka miyiga. Waxa kale oo ay tilmaantay in degaamaynta cusub abuurayso khilaaf beeloodyo amniga halis galin kara, iyadoo kalena tilmaantay in isbedelka cimilada iyo fidista garan waagu u baahan yihiin xal laga gaadho
Waxay sheegtay in xarumaha wasaaradda qaarkood dad shacab ahi dhex degan yihiin “Guud ahaan dhismeyaasha wasaaradda, waxay dad shacab ahi nagaga jiraan laba. Xarunta wasaaradda reer baa nagula jira laakiin, hadda way ka baxayaan. Gobolka Saaxil dhul hal iyo laba Kilomitir ah(1.2Km) ayaanu ku lahayn laakiin, dhulkaas waa nalaga qaaday. Dhulkaas waa la sii kala iib-iibsaday baa nala yidhi walina dhul nalama siin. Dhulkaasi wuxuu ahaa Batalaale, meelihii dhirta lagu beerayay( nursery-gii),” ayay tidhi wasiir Shukri.

Waxa kale oo ay sheegtay in xarunta wasaaradda ee Berbera uu qayb ka mid ah nin ku haysto “ Xarunta wasaaradda ee Berbera, nin baa yidhi meel baa bari laiI siiyay, way soo socotay oo ilaa Madaxweynaha ayaa warqad qoray uu ku sheegayo in ninkaas iyo dadka la midka ah dhul bedel loo sameeyo. Dhulkaasi laba sanno ayuu marayaa walina gacantayada ma soo galin, waana xafiiska dhexdiisii meesha uu ninku sheeganayo ee leeyahay bari baa la i siiyay, anigu ma garan karo cidda siisay xafiis gudihii, dadka bixin karana, anigu waaban ka yaabanahay,” ayay tidhi Shukri.

Waxa kale oo ay walaac ka muujisay dhul daaqsimeedka oo si aan xad lahayn loo oodayo “ Caqabad kale waxay naga haysataa dhul boob, dhulkaas habeen iyo maalin la oodayo ee aan xadka lahayn. Dhulkii la daaqayay waa loo casaynayaa, waa loo caddaynayaa, marka aad cid ku soo qabatana boqol qof baa daba socda; caaqil baa daba socda, oday baa daba socda, hadduu doono wasiir baa soo raacaya oo yaab baa ku dilaya. Dhul boobkaasina waa caqabad taagan,” ayay tidhi Marwo Shukri.

Geesta kale waxay tilmaantay in gaadiid la’aani dhib ku hayso hawlaha wasaaradda oo socod iyo degaannada miyiga ah u badan“Iyadoo socodkayagu badan yahay, waxaa ka dhiman gobollada baabuurtii ay ku socon lahaayeen. Waxa hadda naloo ogolaaday laba baabuur oo Midna Awdal leedahay, midna Saaxil laakiin, gobollada kale gaadiid ma haystaan. Had iyo jeer markay baxayaan waxay kaashadaan gaadiidka booliska ee ay israacayaan. Gaadiidkii ayaa naga maqan oo xaggaas ayay cadilaadi ka jirtaa,” ayay tidhi Marwo Shukri.
Xigasho Wargeyska Warsugan