Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan Oo Ku Eedeeyey Xildhibaan Dhakool In Uu Gobolka Sool Ka Wado Falal Somaliland Iyo Beesha Caalamkuba Indhaha Ku Hayaan , Weerarkii Gurigiisana Ku Tilmaamay Mid Uu Booliiska Ku Mashquulinaayo

0
603

Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan Oo Ku Eedeeyey Xildhibaan Dhakool In Uu Gobolka Sool Ka Wado Falal Somaliland Iyo Beesha Caalamkuba Indhaha Ku Hayaan , Weerarkii Gurigiisana Ku Tilmaamay Mid Uu Booliiska Ku Mashquulinaayo

Hargaysa(Warsugannews)““Ninka Hawshiisu Mid Yar Maaha Dhakool Oo Dawladdaha Geeska Oo Dhan Ayaa Og Iska Daa Somaliland Ee Hawsha Uu Hayo “ Wasiiru Dawlaha Nabadeynta Goboladda Bari ee Somaliland
Wasiiru Dawlaha Nabadeynta Goboladda Bariga Somaliland Cabdirashiid Xuseen Cabdalla, ayaa si adag Beeniyey hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ee Gobolka Sool ka soo jeeda, , kaasi oo hore wasiirkan ugu xidhiidhiyey weerar guriga uu magaaladda Laascaanood ka degan yahay lagu qaaday.

Cabdirashiid Xuseen Cabdalla Wasiiru Dawlaha Nabadeynta Goboladda Bariga Somaliland , ayaa isaga oo Magaaladda Hargeysa ku sugan Xalay Wargeyska Saxansaxo Wareysi gaar ah Khadka Taleefanka ku siiyey, ayaa Xildhibaan Dhakool ku eedeeyey in uu gobolka Sool ka wado falal ay dawladda Somaliland , dalalka Geeska Afrika iyo Beesha Caalamkuba Indhaha ku hayaan, isla markaana weerarkii gurigiisa uu isagu ka dambeeyey si uu Ciiddanka Booliska u indha sarcaadiyo iyo si uu u qariyo ficilo uu wasiirku sheegay in uu Xildhibaan Dhakool ku hawlan yahay.

Wasiiru Dawlaha Nabadeynta Goboladda Bariga Somaliland Cabdirashiid Xuseen Cabdalla waxa eedeymo uu kugu xidhiidhiyey weerarkii gurigiisa lagu qaaday ku jeediyey Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo isku deegaan tihiin maxaad arintaasi ka leedahay ?

Jawaab: “Walaal waan maqlay in Xildhibaanka Dhakool la yidhaahdo gurigiisa Rasaas la sheegay in lagu riday oo dawladda waxa arinkaasi na soo gaadhsiiyey Maamulka Gobolka Sool, marka masuul iyo wasiir ahaan anigu waan la hadlay maamulka Gobolka iyo Bileyska oo waxaan ku idhi Kiiska baadha oo si nabadgelyadda loo ilaaliyo Ciiddanka Boliska iyo maamulkii gobolku Kiiskii way galeen oo Xildhibaanku magaaladda Berbera ayuu yimid oo isaga ayaa isaga oo halka jooga yidhi dadkaasi ayaan Tuhmayaa ha layso qabto oo dad badan oo Beesha uu ka soo jeedo ah ayaa la xidh xidhay oo rag Odayaal ah oo la wadayaqaan ay ku jiraan oo rag dhalinyaro ahi wali waa xidhan yihiin oo baadhitaan rasmi ahna wali Cidi uma gudbinin oo ninkii Xildhibaanka ahaana wali Berbera ayuu jooga Saddex Maalmood ayey hada u xidh xidhan yihiin Tuhunka aan wali cidina ku hubin, intaasi waan maqlay Xildhibaankana waa nin Taariikhdiisu Caan ku tahay reer Somaliland uu mudo dheer ku jiray iyo waxa uu qabto iyo shaqada uu qaabilsan yahay waa hawla wada og yahay shacabku waa og yahay Beesha uu ka soo jeedaana waa og tahay oo dawladdaha geeska afrikana waa ka warhayaan xaalka ninkaasi ku jiro iyo arimaha noocan oo kale ah tan ayaa ugu yar waxa uu sameeyo oo sidaan wararka ku hayno aniga halkan (Hargeysa) ayaan jooga balse Gobolka Sool-na dawlad iyo masuuliyiin iyagaana u qaabilsan hawlahan iyo wixii amni ah anaguna waanu ku jecelahay in aanu isaga iyo inta kaleba wixii lagu xadgubo in sharci ay helaan”
Wasiir adigu maxaad kala socota hawshan uu hada kugu xidhiidhiyey ee weerarka Xildhibaan dhakool gurigiisa weerar ?
Jawaab: “Waxa weeye Dhakool mudo dhawr iyo Toban sanno ayuu Xildhibaan ahaa hadana inta ugu badan waxa jiray inay dhibaataddu ku dhacaysay dadkaasi iyo beesha uu isagu ka soo jeedo oo laba Bilood ka hor ayuu ku xidh xidhay qaar oo magacii Xlidhibaanimadda iyo Xasaanaddii uu sitay waxa uu u adeegsaday reerkii uu ka dhashay iyo umad kaleba oo ninka Hawshiisu mid yar maaha dhakool oo dawladdaha Geeska oo dhan ayaa og iska daa Somaliland ee Hawsha uu hayo, tanina maaha markii 1aad iyo markii 2aad iyo markii 3aad ee waa markii 50aad ee ay dhacdo oo wararka aan hada helayaana waxa jirta in uu isagu Rasaasta isaagu riday oo markii ay doorashadu dhamaatay socdaal Isdaad raacin ah ayuu bilaabay oo isla maalintiiba wuu baxay , wararkana waxaanu ku haynaa aanu Beelaha , degmooyinka iyo Miyigaba ka helayno in uu gobolka (Sool) u aaday hawlo kale oo inta ka waa weyn oo waxa Aduunkuba mamnuucay ah oo waddanka iyo geeskaba khalkhal gelinaaya , markii uu ogaaday in dad ka war heleena hawshan isaga ayaa dhigay oo habeenka gurigiisa isaga ayaa la dhacay sida na loo sheegaayo , ka dibna magaaladda Berbera ayuu u soo baxay , waxa la yaab leh dadku dirsaday ee ilaa hada dadkan u soo xidh xidhay oo ilaa hada cid ku muduci ah dadka u xidhan ma jirto isaguna berbera ayuu jooga yidhi ii haya intu Laascaanood saddex nin oo beeshiisa ku xidh xidhay oo waliba dhalinyaro ah oo hore wax u dhex mareen ayuu leeyahay Cimrada ayaan aadayaaye haysii xidhnaadeen ,waa yaab horta nidaamka sidaasi ugu adeegaya isaga”
Md Cabdirashiid Xuseen Cabdalla maxaad u daliishaneysa eedahan aad u jeedineyso hada Xildhibaan dhakool ee Cadeyn ah ?
Jawaab: “Cabdiwaloow ninkan war ugu noqon meyno oo Dhakool waa ninkii dhawr sanno ka hor halkan ka dhoofay ee Tarxiilka ku maqnaa markii la hayn kari waayey gobolka wixii ka dhacay ee mudo dheer meesha wixii ka dhacay isaga ayaa loo tirinayaa oo dad faro badan ayaa gacmihiisa loo tirinayaa kooxo iyo ururo uu leeyahay hadana wararka sida aanu ku helayno waxa gurigiisa ka dhacay waa isaga iyo kooxdiisa oo ogaan ayuu arintan u sameeyey , waxaanu dawlada iyo indhaha Caalamka kaga qarinayaa Keydka ka socda Laascaanood Hawdkeeda deegaank Xidhxidh shirarka uu ku galay ayuu kaga qarinayaa indhaha dadka waa lay rasaaseeyey oo booliska ayuu ku mashquulinayaa , waxan uu wado xaqiiqada aanu og nahay waa sida , laakiin ka dheerayn meyno oo anagu masuuliyiin ayaanu nahay oo waxaasi iyo wax ka badanba waanu la socono isagana waa dhaqankiisa ee dawladda iyo booliska iyo maamulka gobolka joogaba ina hawlahooda shaqo iyo ilaalinta amniga sidooda u gutaan ayaanu ku boorineynaa oo nabadgelyaddana ay gacanta ku haynaa oo isaga iyo cid kale toona in lagu dhibaateeyo ma ogolin, dhaqan dawladnimo iyo dhaqanka bani’aadamka midna maaha waxani ee waa wax isaga iyo dadka uu la shaqaysta ay leeyihiin ee ninkaasi waa nin taariikhda noocaasi ah leh ee kuma dheeraanaayo oo beesha caalamka oo dhan ayaa hada xaalkiisa isha ku haysa oo og, inta uu Berbera fadhiistay ayuu leeyahay kolba qofka ha layso xidho oo anigu isma lihi qof reer Somaliland ah oo aan xaalada uu ku jiro Dhakool ka war hayn ayaa jira waana nin hawlo caam ah oo lagu yaqano gacanta kula jira, dhibta ugu badanina marka laga yimaado umadda kale reerka uu ka soo jeedo ayey ku dhacda oo ilaa Sagaal Caaqil oo Beeshisa ah ayaa intaasi oo jeer ka hadlay oo yidhi waar ninka naga qabta Xildhibaana nooma aha oo waraaqihii laga qoray way yaaliin maxkamaddaha oo madaxweynihii hore ayey u soo dhiibeen oo madaxweynaha imika jooga ayey u soo dhiibeen oo dulmi ayuu ku hayaa deegaanka iyo dadka uu ka soo jeedo Dhakool”

Wasiir waxa lays weydiin kara muxu Xildhibaan Dhakool ka faa’iidayaa in uu gurigiisa isagu rasaas la dhaco sidayse macquul u tahay arintaasi in uu isagu sameeyo bal hada sharax ?

Jawaa: “Waad saxsan tahay waxa uu ka faa’iidayaa guriga saddex Xabadood ayaa hada ku yaala balse waxa uu ka faa’iidayaa hawlaha uu galay ee kale ee dhibaatooyinka ah in uu waxa ku dambabaso ayuu doonayaa oo dawladda iyo shacabka ayuu meesha ku mashquulinayaa , waxa kale ee uu ku mashquulinayaa dadkan uu xidh xidhay ee Illaahay ku saliday ee uu hore u laayey ee Saraakiishii Maxkamaddaha isaga ayaa loo tirinayaa oo Racfaanka 5 ilaa 7 qof ayaa loo tirinayaa hawshiisa qaar uu ka dhaartay iyo qaar kaleba oo halka wixii dawladda soo gaadhay tobankii sanno ee la soo dhaafay isaga ayaa loo tirinayaa , waa hawl intan ka badan oo waa hawl Caalami ah hawsha uu hayo ninkani waxbaanu ku qarninayaa inta”

Md Cabdirashiid Xuseen Cabdalla waxaad carabka ka dhawraysa sida hadalkaaga ka muuqata in uu Xildhibaan Dhakool ururo iyo kooxa ka tirsan yahay bal cadee kooxahaasi aad ku eedeynayso in uu ka tirsan yahay?
Jawaab: “Waa kuwo la og yahay oo dawladdaha geeskuna waa og yihiin oo shacabka Somaliland-na waa og yahay oo waa kuwa uu ka shaqeeyo ee uu hada u safray ee uu Xidh Xidh iyo Kayndabayl weyn u tegay , waa kuwa walaal oo waa wax caan ah taasi”

Ugu dambeyntii Wasiir maxaad intaasi ku daraysa ?
Jawaab: “ina Garaad Cabdiqani-ga uu igu eedeynaayo waxba ka ma jiraan waana dadkayga qof ka mid ah oo Qiimo agtayda ku leh oo aan ixtiraamo waliba, kuwa jeelka ugu jiraa waa ina garaad Cali oo reer Garaad ayaa u xidh xidhan , marka waa ceeb waxa uu ku hadlay ee uu leeyahay Garaad Cabdiqani ayuu ka soo hor jeeda oo isna garaad ayuu ii yahay aniguna wasiir ayaan u ahay Ixtiraam iyo sharafna waanu kala mudanahay ee maaha qof waxa uu sheegaayo aan u quudho, waligii la ma arag Dhakool oo wax wanaagsan ka sheega masuul ama Wasiir Beesha Bahabsame ka soo jeeda aniguna waxaan ahay Wasiirkii Afraad ee Beeshaasi ka soo jeeda ee uu eedeymo aan macno iyo Qiimo ku fadhiyin oo sidan oo kale ah uu kula dul kufo, waana wax ninkaasi lagu yaqaano oo hawlihiisii uu ku baraxaayo , marka waxaan u soo jeedinayaa Maamulka gobolka Sool inay hawlahooda Amniga iyo shaqadda qaranka aanay waxaasi kaga mashquulin, aniga iyo rag kalena Dhakool waan aqaan waxa uu noo beegsanaayo oo ma ogala cid dawladdan iyo shacabka cid daacad u ah ma ogola waayo cid kale ayuu wakiil u yahay oo u adeega dawladdana wuu ka ilaalinayaa gobolka”