Wasiirka Cali Mareexaan ayaa xadhiga ka jaray Biriijka Weyn ee Magaaladda Burco oo Dayactir balaadhan lagu sameeyey.

0
425

Wasiirka Cali Mareexaan ayaa xadhiga ka jaray Biriijka Weyn ee Magaaladda Burco oo Dayactir balaadhan lagu sameeyey.

Burco(Warsugannews)Wasaaradda Hawlaha Guud” Wasiirka Wasaaarada Hawalaha Guud Guryaynta Iyo Gaadiidka Somaliland Mudane Cali Xasan Maxmed Oo Safaro Ku Maraya Gobalada Bariga Soomaliland Ayaa Waxaa Waftiga Wasiirku Hogaaminayo Oo Ay Kamid Yihiin Maareyaha Wakaalada Wadooyinka Soomalialnd Prof Xasan Cali Cismaan Iyo Qaar Katirsan Gudida Heer Qaran Ee Dhismaha Wadada Sanaag Iyo Togdheer Ee Ayaa Xadhiga ka jaray Biriishka Weyn Ee Magaalada Burco Ee Xarunta Gobalka Togdheer oo dayactir balaadhan lagu sameeyey.

Dib U Habayn Iyo Adkayn Lagu Sameeyay Biriijka Weyn ee Burco Kadib Markii Daadkii Hore Ee Gugu Wax Yeeleyeen Waxaana Waftiga Wasiirku Ay Halkaasi Kula Kulmeen Dadweyne Aad U Farabadan Oo Iyagu Mahadiyay Qaabka Wasaaarada Hawlaha Guud Iyo Wakaalduba Uga Hortageen Dhibaatdii Soo Gaadhay Dooxan Waxaana Waftiga Wasiirku Mid Mid U Dul Istaageen Goobaha Dayactirka Iyo Adkaynta Lagu Sameeyay.

Munaasiabada Dib U Furka Biriishka Galbeed Ee Magaalada Burco Oo Shaqo Balaadhan Laga Qabtay Waxaa Ku Sugnaa Maamulka Gobalka Togdheer Iyo Kan Degmdda Burco.

Waxaa Halkaasi Ka Hadlay Engkii Gacanta Ku Hayay Dhismahani Biriishka Galbeed Ee Burco Waxaana Uu Sheegay Maraaxilka Kala Duwan Ee Ay La Soo Mareen Isga Oo Engku Hoosta Ka Xariiqay Inay Tahay Tani Mid Ilaaahay Looga Mahad Naqo Waxaana Uu Tibaaxay Ka Hor Intaan Biriishkan Wasaarada Iyo Wakaalduba Ka Hawl Galin Inuu Ahaa Mid Halis Ugu Jira Inuu Dumo Oo Halkaasi Khasaare Ka Dhasho Sidoo Kale Engku Wuxuu Sheegay Inuu Biriishku Maanta Awood U Leeyahay Daadadkasta Oo Kusoo Rogmada.

Dhanka Kalena Maaayirka Degmada Burco Maxamed Yuusuf Muraad Ayaa Sheegay In Ay Ka Maamul Ahaan Farxad Ay U Tahay Inay Goob Joog Ku Noqdaan Amintan Bilan Ee Biriishkii Lagu Badbaadiyay Waxaa Uu Intaa Maayirku Ku Daray Inay Taariikhdu Qori Doonto Qofkastaa Waxaa Uu Qabtay Waxaana Uu Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryaynta Ku Amaanay Kaalinta Laxaadka Leh Ee Ka Qaatay In Biriishkii Burco La Samata Bixiyo.

Badhasaab Ku xigeenka Gobalka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd Ayaa Dhankisa Sheegay Inaan Waxqabdkani Aanu Qarsoomi Karin Isaga Oo Wasiirka Ku Masaalay Cadceed Soo Baxday Oo Cidina Qarin Karin Waxaana Uu Gaashanka Ku Dhuftay Cidkasta Oo Ka Soo Horjeeda Waxqabdka Muuqda Ee Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Wakaalda Wadooyinka Isaga Oo Gudoomiyuhu Bulshada Ku Booriyay Inay Dhinac Uga Soo Wada Jeestaan Horumarka Dalka Kasocda.

Mid Kamid Ah Dadka Iyagu Agdegan Biriishka Burco Ayaa Ka Mahad Celiyay Waxqabdkan Muuqda Ee Biriishka Laga Qabtay Waxaana Uu Yidhi ,Wewer Baanu Horay U Qabnay Oo Waxaanu Islahayn Goormuu Dumi Laakiin Ilaahay Waa Ku Ilahaamiyay Wasiirka Inuu Shaqadan Intaa Leeg Dhabarka U Rito Waana Aaan Ku Hanbalayaynayaa.

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryaynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Dhankiisa Sheegay Inay Tani Tahay Arin Aad Loogu Farxo In Muddo Kooban Lagu Dhiso Biriishka Burco Oo Horay Halis Ugu Hayay Dad Iyo Duunyaba Waxaana Uu Wasiirku Bulshadda Ugu Baaqay Inay Il Gaar Ah Ku Ilaaliyaan Hantidaa La Wada Leeyahay Ee Biriishka Waxkasta Oo Dhibaataynaya Meel Uga Soo Wada Jeestaan, hadaladiisina waxa ka mid ahaa.

“Afar bilood ka hor ayey ahayd markii qaylo dhaantu kasoo yeedhay dadweynaha iyo Maamulka togdheer oo ahayd in Biriijkii Dumayo, Waad ogaydeen oo kaabadahaa Biriijka hayaa way soo wada baxsanaayeen, Maanta Alle mahadi shaqo wacan ayaa laga qabtay, dhammaan giftinadda dooxana waa taas la hagaajiyey lana dhisay, gurmad laxaad leh oo aan ka hawl galanya ayaa suurta galiyey inay hawshani qabsoonto”.

Sikastaba Ha Ahaate Wasiirka Wasarada Hawlaha Guud Ayaa Mudadii Koobnayd Ee Uu Hayay Xilka Wasaaradaasi Fuliyay Waxqabd La Taaban Karo Oo Badan.
13076561_770733776396603_2699589489093705264_n

13076533_770733646396616_3328615702366550008_n

13062092_770734163063231_94462822273126436_n

13061986_770734023063245_7894704806142637769_n

13055394_770734186396562_5960421902255762570_n

13051575_770733649729949_8551196063954101884_n

13043558_770734313063216_3003393930238084049_n

13043547_770734026396578_1941397438316137860_n

13043454_770734086396572_2515818531427645936_n

13006576_770734353063212_6453366641863051622_n

12998617_770733729729941_7519013531734290359_n

12994486_770734323063215_7851080031179591966_n

12993571_770734379729876_7875038269035419647_n

12993418_770734173063230_6822796853537346149_n

12991017_770734263063221_4163465145209457717_n

942893_770734033063244_5216028491085971444_n