Wasiirka Ganacsiga Oo Ka Hadlay Sixir Bararka, Talooyina U Diray Shacabka.

0
311

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka hadlay sicir bararka dalka ka jira iyo qiimaha sarifka Lacagta Doolarka ee sare u kacday, waxaanu sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay u xakamayn lahaayeen sicir bararka jira, waxaanu Bulshada ugu baaqay inay muhiimada kowaad siiyaan isticmaalka lacagta Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Cumar Shucayb Maxamed, ooWargeyska Geeska Afrikawax ka weydiiyey sababta ay ilaa hadda Xukuumaddu wax uga qaban lahaday sicir bararka taagan ayaa yidhi “Waa dhab oo sicir barar wuu jira, oo qiimihii doolarkuna sare ayuu u kacay, balse Wasaarad ahaan iyo Xukuumad ahaan waxaanu wadnaa dedaal xoogan oo aanu doonayno in aanu wax kaga qabano oo aanu ku xakamayno sicir
bararka iyo qiimaha doolarka ee sare u kacay, waxaan se leeyahay Wadan kasta iyo Bulsho kasta oo Caalamku waxay isticmaasha oo tixgelinta, ahmiyada iyo muhiimada kowaad siisa isticmaalka lacagtooda, balse dadkeenu lama mid ah, oo muhiimada kowaad ma siiyaan, waxaana xaqiiqo ah in lacagteena aanay dadku ahmiyada siinaynin inay qayb ka tahay sicir bararka, ee waxaan kula talinayaa oo aan dadkeena leeyahay lacagaha kale ee qalaad inagu ma lihin, ee wadamo kale ayaa leh, oo dadkoodu isticmaaleen, ee idinkuna ahmiyada kowaad siiya Lacagteena, si ay qiimo inoogu yeelato”.

Wasiirka Ganacsigu mar uu ka hadlaayey Maceeshada ayaa yidhi “Ganacsatada kala duwan ee dalka, waxaan leeyahay oo ugu baaqayaa in wax kasta oo ay iibinaysaan, ku iibiya qiimo macquul ah, oo u naxariistaan dadkiina, Maceeshadana u jabiya”.
Wasiirka Ganacsiga ayaa dhanka kale wuxuu ka hadlaayey abaarta taagan,waxaanu ku baaqay in laga wada qayb qaato gurmadka iyo takulaynta dadka ay abaaruhu hayaan, waxaanu xusay in Xukuumaddu wali ku jirto gurmadka dadka ay abaaruhu hayaan, waxaanu ILLAAHAY ka baryey inuu abaarta inaga dulqaado, oo raxmad iyo roob khayr qaba inoogu bedelo.