Wasiirka Maaliyadda Oo Tafaasiil Ka Bixisay Ceel Riig Ah Oo Todoba Cisho Biyo Lagaga Soo Saaray Deegaanka Ilinta-Dhexe Oo Dadkii Ku Noolaa Biyo La’aan Uga Hayaameen

0
372

Wasiirka Maaliyadda Oo Tafaasiil Ka Bixisay Ceel Riig Ah Oo Todoba Cisho Biyo Lagaga Soo Saaray Deegaanka Ilinta-Dhexe Oo Dadkii Ku Noolaa Biyo La’aan
Uga Hayaameen

Hargeisa,(WSN) – Wasiiradda Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa mar ay shalay booqasho ku tagtay tuuladda Ilinta-dhexe ee degmadda Daara-salaan tafaasiil ka bixisay ceel riig ah oo mudo todoba cisho ka yar biyo macaan lagaga soo saaray jiidaas, taas oo wax lagu farxo ku tilmaamtay inay biyo helaan dadka deegaanka oo dhulkooda mudadii abaaruhu dalka ku habsadeen biyo la’aan darteed intoodii badnayd uga hayaamay.
riig-ilinta-dhexe

riiga-ilinta1
Marso Samsam oo goob joog ka ahayd furitaankii ceelkaasi laga qoday tuuladda Ilinta-dhexe oo qiyaastii masaafo 43KM ah dhinaca waqooyi kaga beegan magaaladda Hargeysa ayaa sidoo kale tillmaamtay inay ku gudo jirto fulinta amaro uu Madaxwayne Siilaanyo faray in biyo loo soo saaray deegaanada biyo la’aantu ka jirto si loo yareeyo culayska biyo yaraanta ka jirta dalka, taas oo bulshadda deegaanadaasi ku dardaartay inay ilaashadaan ceelkaasi ay xukuumadda Somaliland u qoday.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha degmadda Daara-salaan Cabdiraxmaan C/laahi Ciise, kaas oo isagu Madaxwayne Siilaanyo iyo wasiiradiisa maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan uga mahadnaqay qodista ceelkaasi oo uu sheegay inay mujtamacaasi baahi badan u qabeen, kaas oo tibaaxay inay dadkii deegaankaasi ku noolaa inay intoodii badnayd u hayaameen deegaanada galbeedka dalka si ay u heleen biyo ay cabaan. Waxa isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha shirkadda ceelka qodaysay ee Durdur Drilling Company Md Khadar Cabdi Xuseen kaas oo sheegay inay mudo todoba cisho ceelkaasi biyihiisa ku gaadheen, isla markaana uu ceelkaasi dabooli dooni baahida biyeed ee dadka deegaanadaasi. Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay oo hadalo mahadnaq iyo duco ah ka jeediyey Caaqil Ismaaciil Xaaji, Cabdi Cumar Xasan, Cismaan Axmed Cali iyo Sheekh Roob oo iyagu ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaanadaasi, kuwaas oo ku dheeraaday waxa uu ceelkaas ay xukuumadu u qoday uu ka badali doono nolashooda. Ugu horayn Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadu halkaasi ka hadashay ayaa waxay hadalkeeda ku bilawday

“Ugu horayn Ilaahay ayeynu u mahadnaqaynaa, Ilaaha meeshaas aad arkaysaan inaga siiyey biyaha macaan ee aynu ku gaadhnay mudada kooban, markii ay abaartu hore dhacday waynagii ogayn oo deegaankani waxa uu ka mid yahay meelihii aanu soo marnay ee aanu cawska iyo biyaha keenay oo xaalad adag ayaa ka dhacda marka abaari dhacdo. Waxa aynu u mahadnaqaynaa sidoo kale shirkaddan Durdur oo iyadu dhawr maalmood kusoo saaray biyo macaan, run ahaantiina waxaanu uga mahadnaqaynaa in iyagoon lacag na waydiinin oo aan gorgortamin inay ceelal ka qodeen meelo badan oo biyo la’aani ka jirtay, waxaanan shirkadaasi leeyahay Ilaahay ha idinka jasaa’i siiyo oo ha idiin barakeeyo shirkadiina iyo qalabkiinaba. Dadka deegaankana waxaan ku dardaarayaa inay ilaashadaan ceelkaasi oo ay biyaha sadaqo ka bixiyaan sababta oo ah waxkasta oo sanadaqo laga bixiyaa wuu barakoobaa”.

Wasiir Samsam iyadoo hadalkeeda sii wadata, waxa ay intaas raacisay “Qorshaha xukuumadda uu madaxwayne Siilaanyo hogaaminayo ayey qayb ka tahay in biyo loo soo saaro dadka reer Somaliland ee biyo la’aantu ku habsatay, iyadoo uu Madaxwaynuhuna nagu amray inaanu wixii karaankeena ah xukuumad ahaan inaanu biyo iyo wixii loo helo karo-ba loo raadiyo muwaadiniinta dalka, waxa kaliya ee lagu oon bixi kara ama mushkiladan lagaga bixi karaana waa Raxmadda Alle, Ilaahay-baynu ka baryeynaa inuu raxmadiisa inoo shubo taas ayuun baa lagu baahi bixi karaaye”. Waxa isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha tuulada Ilinta-dhexe Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciise oo isaguna hadalka ku bilaabay “Ugu horayn waxa aanu halkan uga mahadnaqaynaa Ilaahay, marka ku xiga Madaxwayne Siilaanyo iyo wasiiradiisa maaliyadda ayaanu u mahadnaqaynaa, run ahaantii xukuumadani talada haysaa waa mid u diyaarsan inay wax la qabato dhamaan bulshadda Somaliland, waxaanay heegan ugu jiraan sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen xaaladkasta.

Wasiir Samsam iyadu way ka tilmaaman tahay wasiiradda kale oo inta jeer ay deegaanka kusoo noqnoqtay waynu ogayn sidoo waxaan aaminsanahay inay tahay masuulka meelkasta oo xaalad adag laga soo sheego ugu hortagta markii ay wasiirka waxbarashada ahayd iyo imikaba bulshadda si isku mid ah ayey ugu naxariisataa oo ay wax ugu qabataa markaa madaxwaynihii magacaabay wasiir Samsam waanu uga mahadnaqaynaa oo waxaanu leenahay waad mahadsan tahay madaxwayne maadaama oo aad xil mihiim ah u magacawday wasiir Samsam oo naxariisteeda iyo waxqabadkeedu bulshada wada gaadhay”. Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Sheekh Roob oo ka mid ah culimada waawayn ee deegaankaas, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Ugu horayn Ilaahay SWT ayaanu u mahadnaqaynaa mar labaadka waxaanu u mahadnaqaynaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wasiir Samsam oo aanu leenahay Ilaahay ha idinka jasaa’i siiyo waxqabadkaa muuqda ee aad umadiina u qabateen, run ahaantiina ceelkan laga qoday deegaanka Ilinta Dhexe waxa aan aamisanahay inuu waxbadan ka tari doono culayskii biyo la’aaneed ee deegaankan balaadhan ka taagnaa”.