‘Xaflad iyo hugun dad basas kolba dhinac loogu qaadaa waxay boog ku tahay bislaanshaha xisbiyadeena iyo….’ Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed

0
681

‘Xaflad iyo hugun dad basas kolba dhinac loogu qaadaa waxay boog ku tahay bislaanshaha xisbiyadeena iyo….’
Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed

‘Anigu Waxaan ayiday murrashaxnimadda Muuse Biixi Cabdi’
 
Hargeysa (WSN)- Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed oo ka mid ah ganacsatada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan degaanka Hargeysa, ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeyey inuu si buuxda u ayidsan yahay murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi marka la gaadho doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan 13 November 2017, haddii Ilaahay yidhaah.

Waxa kaloo uu ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed qoraalkiisa ku naqdiyey siyaasiyiinta kolba xisbi ku biira, mid kalena ka baxa, arrintaas oo uu xusay inay muujinayso sida aanay u bislaan nidaamka xisbinimo ee Somaliland.

Qoraalka uu soo saaray Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed oo faahfaahsan, waxa uu u qornaa sidan; “Waxa inoo bilawday 10kii maalmood ee ugu khayrka badnaa ee bisha Dul-xaj, Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu khayrkooda ina siiyo. Beryahan dambe waxa socday oo saaxadda siyaasadda ka jiray dad xisbiyada iskaga goosha, sheegtana inay xisbi ka baxeen, mid kalena ku biireen. Qofku hal cod ayuu leeyahay, kelmadda waxaan ku “biiray xisbi hebel” waa eray-bixin si qaldan loo adeegsado. Dunida casriga siyaasadda qofku murrashax ayuu ayidi karaa (endorsed), iminka aniga oo ah Cali Cumar Xasan Guuleed waxaan ayidsanahay (endorsed) murrashaxa xisbiga KULMIYE ee doorashada Madaxtooyada 2017 Md. Muuse Biixi Cabdi (MBC) (I Endorsed Muse Bihi Abdi “MBA” for President), balse xaflad loo qabto iyo hugun dad oo basas kolba dhinac loogu qaado maaha mid wax macno ah soo kordhinaysa, waxaanay boog ku tahay bislaanshaha xisbiyadeena iyo xisbiyahanimadda lafteeda. Soomaalidu waxay tidhaa; “Adhi shugux shugux kama ilbaxo.” Waxa ayaan-darro innagu ah in weli hebelo xisbi ka baxay oo xisbi kale galay ay macno weyn ka samayso saaxadda siyaasadeed ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed.