Xaflad Lagu Maamuusyey Shaqaalaha Hawlkarka ah Ee Madaarka Cigaal Ayaa Lagu Qabtay Madaarkaas +Sawiro

0
498

Xaflad Lagu Maamuusyey Shaqaalaha Hawlkarka ah Ee Madaarka Cigaal Ayaa Lagu Qabtay Madaarkaas
______________________________________
“Shaqaale walba oo meel jooga labay u qaybsamaan, waxay u qaybsamayaan oo dhaba qaar guta oo u guta shaqada qaranku u igmaday hawlkarnimo dheeraada,xilkasnimo dheeraada,dulqaad dheeraada,farxad dheeraada iyo soo dhawayn dheeraada ku muta, ayay u qaybsamayaan oo waa qayb gaara oo maanta aynu halkan ku xusayno” Wasiirka Duulista.

“Dadaalka Xukuumadani la timi iyo qorshadii aanu dhignay, ayaa isbadalkaas hir galiyey, ILAHAY ayaa SWT Jecelahay inaan ugu mahad naqo,” Wasiirka Madxatooyada, ahaana Wasiirkii hore ee Duulista.

Hargaysa 26.11.2015 (Warsugannews) Xaflad balaadhan ayaa saaka lagu qabtay, Hoolka dhoofayaasha ee Madaarka Cigaal International Ariport, xafladan ayaa hayd mid Sanad walba dhamaadkiisa Shahaado Abaal Marin ah lagu gudoonsiiyo Shaqaalaha Madaarka ee hawlkarnimada muujiya Sanadkaas, sidoo kale Xafladan ayaa ahayd mid lagu sagootiyayo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada hada, Waxaana lagu soo dhawenayey Wasiirka Cusub ee Wasaaradaas Duulista Cismaan C/laahi Saxaradiid (Cadaani).

Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirada kala ah Wasiirka Madxtooyada, Wasiirka Duulista, Wasiiru Dawlaha Waxbarashada iyo Taclinta Sare, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Taliyaha Laanta Socdaalka, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka, iyo Maamulka Wasaarada Duulista, iyo Madaarka, Dhamaan Shaqaale Weynaha Madaarka iyo Marti Sharaf kale, ugu horayan waxaa halkaa ka hadlay oo faahfaahin ka bixiyey ujeedada ay daarnayd Munaasibadu, Maamulaha Madaarka Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo yidhi:-

“ Kulankeenan maanta sidii caadada inoo ahaan jirtay, waa shirkii sanadlaha ahaa ee aynu markasta, marka uu Xagaagu inaga baxo, iyo xiliga uu xajku dhamaado, shaqaale weynaha madaarka aynu ku abaal marin jirnay kuwooda, hawl karka ah, shaqadana ku dardar galin jirnay, markaa bi nasiib waxay inagaga soo beegantay xafladani, oo dib u dhac yari ku yimi, wakhtigii uu Madaxwenaha Somaliland isku bedalka ku sameeyay Wasaaradaha Wasiiradooda.”

“ Xafladani waa xafladii inoogu weynayad intii Madaarkan Cigaal International Airport jiray, nasiib ayeeynu u yeelanay, in ay inagala soo qaygalaan Wasiiradii Dalku kuwii ugu mudnaa, Taliyihi Ciidanka Booliska, Taliyihii Laanta Socdaalka, Saraakiisha Ciidanka Qaranka, iyo badi haldoorkii Dalku, farxad weyan ayey noo tahay in aad nagla soo qaygashaan, aniga oo ku hadlaaya afkii shaqaale weynaha Madaarka.

Taliyaha Ciidanka Booliska S/L Sareeye Guutuuto C/laahi Fadal Iiman ayaa isaguna fariimo xaga Amniga ah faray Shaqaalaha, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:-
“ waxa loo baahan yahay, qof kasta oo shaqaalaha ka mid ah madaarka, in uu yeesho dareen dhaadmo ah, oo Qofka dhaafa ee dhoofaya ama soo degaaya in uu suuradin karo, uu eegi karo, uu hubin karo, uu ka jawaabi karo qofkaasi waxa uu ahaa, hadii wax laga weydiiyo,”
“ waad la socotaan caalamka waxa ka socda, had iyo jeer Ilaahbaynu kaashanaa, waxa loo baahanyahay Qofkasta oo ka mid ah Shaqaale weynaha Madaarka, ha ahaado Shirikadaha Diyaaradaha, ama ha ahaado NASHA, ama ha ahaado Wasaaradda Duuliste, ama ha ahaado kuwa Madaarkee, Laanta Socdaalka, Hay’adda Sirdoonka, Booliiska, in ay hal Unug ahaadaan, ayaa loo baahan yahay, waxa weeye Somalidu waxay ku maahmaahdaa( far qudhi fool ma dhaqdo) waxa laynooga baahan yahay Qof waliba in uu ka dareen celiyo, cid waloo Madaarka soo galaysa.”

Taliyaha Laanta Socdaalka S/L Gaashanle Sare Maxamed Cali Yuusuf, ayaa isaguna ka waramay halka uu Madaarka Cigaal kaga Jiro, Madaarada Aduunka oo yidhi:-

“ halkan waxaan isu taagay waxa weeye Sadex Qodob oo heer caalami ah oo Madaarkan Cigaal ee Soamaliland uu maanta gaadhay, oo nalagaga tix galiyo socdaal Somaliland, qofka Musafarka ah ee ka duula Garoonka Cigaal International Airport, waxa looga tixgaliyaa halka uu ka dego, sida ka ka soo duula Garoomada Caalamiga ah, oo heerka Madaarku maalinba maalin ayuu soo saro kacaayey, siiba dhanka Amniga, oo aniga I khuseeya in aan ka warbixiyo, iyo Sharciga (Documents) lagaga dhoofo, oo ah kuwii saxda ahaa, taas oo ay naga caawisay in aanu ogaano, Qalabka Casriag ah ee naloo keenay.
Wasiirka Wasaaradda Madxtooyada oo halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday mudadii Shanta Sano iyo Badhka ahayd ee uu xilka hayey iyo marxaladihii uu soo maray Madaarka Cigaal, waxana ka mid ahaa dalkiisii oo uu yidhi:-
“Farxad weyn ayey ii tahay inaan saaka halkan ku sii sagootiyo, shaqaale weynaha ka hawl gala Garoonkan Caalamiga ah ee Cigaal, waxaan jecelahay inaan hadalo kooban arintaas ka idhaahdo. Wasaaradan markii shan shano iyo badh ka hor lay magacaabay, ee Madaxweynaha Somaliland uu ii igmaday, wax aqoon ah iyo khibrad ah umaan lahayn arrimaha duulimaadyada, (Aviation) maamul dawladeed waan ka soo shaqeeyey, Siyaasada-na kumaan cusbayn, laakiin shaqo noocan oo kale ahi way igu cusbayd, qofku markuu shaqadaas oo kale imanayna, waa masuuliyad adag wuxuu leeyahay Sakatigiisa intuu wax-baranayo, iyo intuu wax korodhsanayo, ma salana, waxaan is leeyahay mudadii shantaas iyo badhka sano ahayd, Raganimo aan anigu leeyahay oo raga dheerahay waxii qabsoomay kumay iman, laakin waxaan is leeyahay naskiibkuna waa wax weyn oo jira, dadaalka binu-aadanku dadaalo, ee himilada iyo Yoolka uu ku gaadhayaana waaa waxa lays dheeryahay.”

“Dadaalka Xukuumadani la timi iyo qorshadii aanu dhignay, ayaa isbadalkaas hir galiyey, ILAHAY ayaa SWT Jecelahay inaan ugu mahad naqo, wixii noo qabsoomay ee uu noo fududeeyey, waxa badan ayaa iska badalay Aviation-ka Somaliland mudadaas, waana wax Umaddan u qabsoomay Lib aan anigu leeyahayna maaha, waxaan is leeyahay kaligay maan xaqiijin, lib kaligii nin keenaa ma jiro, hadii dal uu Horumaro dabcan Madaxweynahiisu magaca wuu helaa, waxaase ku mataansan oo libtaas la hela, Golahiisa Wasiirada, madaxda kale iyo Saraaakiisa Ciidmada. Guulkasta oo timaadana dadbaa waxa dhaliya, Guushu waa Rag badan tahay Guuldaradduna way rag yartahay, Guuldarrada waa lagu kala yaacaa, Guushana waa la wada sheegtaa, macnaheedu waxa weeye Iskaashi ayey guushu ku wada timaadaa. Madaxweyne Siilaanyo hadaanu Koox wanaagsan cugan Xukuumadiisu lib ma heli karto, Wasiirka meel joogaana, hadii Kooxda la shaqaynaysaa aanay si fiican ula shaqayn lib ma keeni karro, waa jaranjaradaa si daba taala, waxana leeyahay isbadalka halkaas ka yimid ee aan maanta inooga baahnayn inaynu sharaxno, wada jir ayaa lagu dhaliyey.”

Wasiirka Wasaaradda Duulista Cismaan Saxaradiid (Cadaani) oo soo gunaanaday Munaasibadaas ayaa shaqaalaha kula dardaarmay in ay gutaan xilkoodda, kaas oo buu yidhi isfaham u noqon kara dhexdooda, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:-

“Arrimood ayaynu halkan iskugu nimid, intaanan ilaawin Shirkado badan oo Wadankan Somaliland usoo hawlgalay gaar ahaan Madaarkan Egal International Airport ayaa halkan fadhiya, markii hore waxaa moodayay inay ku yar yihiin laakin waxaan ogaaday in horumarka xoogiisaba ay yihiin shirkadaha Ganacsiga ah ,runtiina waa Rag u soo halgmay Qaranimada Somaliland iyo Madaarkanba aadna waan u soo dhawaynayaa haday NASHA tahay ,haday Star tahay , haday tahay kuwa cusub iyo haday tahay parking-nadaba aad baan usoo dhawaynayaa.”

“Laba arimood ayaynu maanta halkan iskugu nimid, mid waxaa weeye Wasiirkii hore ee Duulista Hawada ahna Wasiirka Madaxtooyada saaxiibkay muddane Maxamuud Xaashi Cabdi sidii aynu usii sagootin lahayn.”

“Qodobka 1aad waxaa weeye ana sidii aan idin odhan lahaa kalmad isbarasho ah, laakin ta Wasiirkaa mudan si sagootinta Wasiirka Madaxtooyada, inagu waynu isku dambaynaynaa ee Shanta lixda Sanno meesha joogay runtii maanta waa maalintiisi.”

“Qodobka 2aad waxaa weeye ee aynu iskugu nimid inaynu xusno kuwii sida xilkasnimada leh ee ay ku jirto xilkasnimo dheeraad ah, ee ay ku jirto hawlkarnimo dheeraada ahi, u gutay xilkii qaranka Somaliland ee Madaarkan uu u igmaday Madaxweynaha Somaliland oo dhamaanteen aynu u wada shaqayno Umada reer Somaliland,kuwii hawlkarnimada iyo xilkasnimada dheeraadka ah kaga soo baxay inaynu xusno oo ka dhexsaarno ka caadiga u shaqeeya iyo ka aan sida caadiga ah u shaqayn .”

“Shaqaale walba oo meel jooga labay u qaybsamaan, waxay u qaybsamayaan oo dhaba qaar guta oo u guta shaqada qaranku u igmaday hawlkarnimo dheeraada,xilkasnimo dheeraada,dulqaad dheeraada,farxad dheeraada iyo soo dhawayn dheeraada ku muta, ayay u qaybsamayaan oo waa qayb gaara oo maanta aynu halkan ku xusayno,qaar kalaa jira oo aan aniga buugayga aan ku jirin oo aynu doonayno inaynu ka waantawno oo aydaan ka mid noqon waa ka ah xilkaas loo igmaday aan u qalmin waa Gabadh ama Wiil habsaankooda badan ,murankeeda badan ,dagaalkooda badan xagan wixii laga samaynayay iyo xaq wixii lagu lahaa aan u qalmin,”

“waxaan idiin balanqaadayaa in aanan kuwaas saaxiib la noqon doonin,waxaa kale oo aan balan idinka qaadaya kaa Xilkiisa gudanaya ee Xilkasnimada dheeraadka ah leh inaanu dadka ugu saaxiibsanahay Gabadhaas iyo Wiilkaas,hadaan maanta anigu ahay Wasiirka Duulista Hawada Somaliland aan joogo in kuwa aan la saaxiibayaa ay yihin kuwaas.”
Waxaad ogtihiin intii yarayd ee labada Week ahayd ee aan joogay inta jeer ee aan afarta iyo badhka Subaxnimo ama Shanta Suabxnimo aan soo galay shaqada ilaa Maamulaha Madaarku ugu sareeyo,ilaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada , Wasiir ku xigeenka iyo kan Nadaafada iyo bilicda ka muuqata ku hawl leh waxaan doonayaa inay ahaadaan, mid jooga wakhtigii shaqada loogu talogalay ee lagu lacag siiyo inuu shaqadiisa ka soo qayb galo,”

“waxaan kaaga digayaa oo aan idinkala dardaarmayaa in aanad noqon kii Wasiir igala hadli lahaa hadhowba haku cararin Maxamuud Xaashi Cabdi oo ha odhanina Wasiir Wasiirkii wuu na eryay,hadhowba waxaan idin sheegayaa inaydaan ii soo kaxayn Wasiir ,Suldaan iyo Caaqil Reerkaaga ah waxaad hawshaa ka nabadgalaysaa markaad shaqadaaadaka soo baxdo uma baahnid Caaqil ,uma baahnid Suldaan,uma baahnid Nin Sheekha iyo Nin Wasiir ah toona inaad Cadaani u keento,cadaani saaxiib ayaad noqonaysaan hadaad hawlihii qaranku kuu igmaday aad kasoo baxdo,” ayuu yidhi Wasiir Cadaani.
Waxaana halka labada Wasiir iyo Taliyaha Ciidanka Boolisku ku gudoonsiiyeen Shahaado sharafyo, Shaqaalihii loo arkay in ay yihiin hawl kar, sidoo kale Maamulak Madaarka Cigaal ayaa Shahaado ku gudoosiiyey goobtaas Wasiirkii hore ee Duulista ahna Wasiirka Madaxtooyada, waxaana Shahaadada Gudoonsiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duulista, Kooxda Kubada Cagta ee Ku Ciyaarta Magaca Wasaarada Duulista ayaa iyaguna halkaa ku gudoonsiiyey Wasiirkii hore Shahaado.

Afhayeenkii hore ee Wasaarada Duulista ayaa ka mid ahaa Shaqaalihi Shaqo wanaaga uu ku maamusay Wasiirka Duulistu.

12314071_1659037530980198_5237928832850101580_n

12313861_1659036877646930_8416316560083723034_n

12313742_1659037350980216_844019033208138256_n

12313615_1659037960980155_7580113767313397128_n

12313536_1659039654313319_2557552138764800518_n

12311322_1659039374313347_8715307443826211937_n

12311200_1659033787647239_4467758667715049726_n

12311077_1659037204313564_5366402165465940834_n

12310688_1659034974313787_4604611732152852608_n

12308760_1659033667647251_6290793052021819015_n

12308693_1659033397647278_3470782263093961903_n

12308692_1659034590980492_3367125677409814210_n

12301665_1659033650980586_4766974190559304534_n

12301590_1659038137646804_7946699894491322948_n

12299403_1659033597647258_5654999685826220599_n

12299385_1659037644313520_7983621372246341646_n

12299218_1659037544313530_6197206102176156888_n

12295453_1659035057647112_550246722976805814_n

12294807_1659034117647206_8472108900697750363_n

12294720_1659038557646762_1036585391006502388_n

12289694_1659037720980179_8968026432303693103_n

12289571_1659039780979973_3300836630904750700_n

12289571_1659039780979973_3300836630904750700_n (1)

12279151_1659033504313934_5388052735983111535_n

12279072_1659038630980088_68538811253738399_n

12278997_1659034064313878_7412275996169631841_n

12278994_1659033257647292_6412939022589578948_n

12278925_1659033964313888_3386705175648041258_n

Daawo:Nuxurka Khudbad Wasiirka Duulistu Ka Jeediyey Munaasibad Lagu Abaal Marinayey Shaqaalaha Madaarka Iyo Wasaarada

12278763_1659034114313873_5853597626651469240_n

12278687_1659033274313957_148805083325498073_n

12278682_1659036724313612_1998225909548662281_n

12274761_1659039394313345_4081337761982574530_n

12274721_1659033477647270_3598542843493046875_n

12274531_1659038010980150_9108347020298085008_n

12274421_1659038780980073_7258992096471967303_n

12274414_1659036920980259_2402450778660071945_n

Daawo Wasiirka Madaxtooyada oo Khudbad ka jeediyey Xaflada Abaal Marinta lagu gudoonsiiyey isaga iyo Shaqaalaha Madaarka Hargeysa oo sanadkiiba mar la abaal mariyo

12274320_1659039230980028_2854734967827107140_n

12274252_1659034654313819_8714947967048669241_n

12274238_1659038837646734_8905362014136067806_n

12250112_1659033857647232_9039186058244457828_n

12249996_1659036867646931_1737383670444600768_n

12249996_1659034110980540_8710830318477087660_n

12249995_1659034237647194_6447322710180735199_n

12249963_1659037820980169_3730059267666740915_n

12249891_1659035587647059_8105156537464210726_n

12246999_1659037870980164_7010309286988983311_n

12246617_1659038887646729_3839148879081320983_n

12241345_1659033367647281_6838747893482037157_n

12112474_1659034777647140_6978354314841061048_n

11255364_1659033564313928_8393207301172766960_n

11254392_1659033370980614_4722340868814099642_n

11046356_1659034844313800_1016620049635429470_n

10984031_1659037637646854_4818188300499904287_n