Xil. Cabdillaahi Balaaki Iyo Milicsiga Hadimooyin Kala Irdheyn Jiray Bulshadii Soo Dooratay & Calaamatu’ Su’aal Saaran Gudashada Xilkii Loo Wakiishay

0
357

Xil. Cabdillaahi Balaaki Iyo Milicsiga Hadimooyin Kala Irdheyn Jiray Bulshadii Soo Dooratay & Calaamatu’ Su’aal Saaran Gudashada Xilkii Loo Wakiishay

Cabdillaahi M. Cige Markii Uu Agaasimaha guud Ahaa Iyo Immika Oo Uu Xildhibaan yahayba Maalin Keliya Muu Xasuusan Degmadii Laga Soo Doortay Ee Geed-ballaadh Oo Guud Ahaanba Ka Arradan Adeegyada Bulshada
*****
Dhaq-dhaqaaqyo Naxli Wata Oo Xildhibaanku Ku Carqaladaynayo Degennaansho Ay Reer Gebiley Kaga Nasteen Dib u Dhac Siyaasadeed Oo gobolka Barriinsaday

Hargeysa (Warsugannews)- Bulshada ku dhaqan gobolka Gabiley ayaa in dhawaaleba degennaasho siyaasadeed ka muuqday kadib markii ay ka nasteen gedgeddooyinkii siyaasadeed kala qaybinta ee bulshada gobolka kala irdheyn jiray.

Gobolkan oo marar kala duwan laga dheehan jiray dib u dhac siyaasadeed oo qalalaanse ka dhex abuuri jiray qaybaha bulshada kuwaas oo kala taabacsan siyaasiyiinta gobolka u dhashay iyo masuuliyiinta deegaanka ee xilalka qaranka ku metellaya deegaanka ayaa dadweynuhu ka reysteen in dhawayd, kadib markii sida sunnaha dawladnimo jidaynayo uu is bedel ku dhacay wejiyadii masuuliyiinta xukuumadda u meteli jiray gobolka Gabiley, kuwaas oo isugu jira kuwo saaxadda siyaasadda ka baxay iyo kuwo kus oo biiray.

Masuuliyiinta deegaanka Gabiley ka soo jeeda ee kamid ahaa jileyaasha siyaasadda u metellayay deegaankaas waxaa kamid ah Xil. Cabdillaahi Maxamed Cige oo loo yaqaano Cabdillaahi Balaaki, kaasi oo markii uu madaxweynuhu talada la wareegay sanadkii 2010-kii kamid noqday hormadii u horeysay ee agaasimayaasha xukuumaddii cusbayd ee waagaas oo 2-dii bishii Octoober ee sanadkaas uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay in uu noqdo agaasimaha guud ee wasaaradda daakhiliga, xilkaas oo uu Mr. Balaaki iska casilay markii uu ku biiray golaha wakiillada oo uu kamid ahaa xildhibaannada keydka u ahaa ee gobolka Gabiley laga soo doortay isaga oo markaasna ku fadhiistay kursigii xisbiga KULMIYE ee uu ka kacay Xil. Cabdicasiis M. Samaale oo xilligaas isagana loo magacaabay wasiirka maalliyada Somaliland.
Haddaba Cabdillaahi Maxamed Cige (Balaaki) muddadii uu saaxadda siyaasadda ku jiray ee uu Magaca gobolka gabiley kaga ciyaarayay saaxadda xukuumadda xisbiga KULMIYE oo uu illaa immikaba ka tirsan yahay waxaa ra’yul caamka bulshadu calaamatu su’aal saareen hawl qabadkiisa iyaga oo ku tilmaamay in uu yahay Mas;uul uu waxtarkiisu waxyeello yahay, iyaga oo ku sababaynaya in tan iyo bilowgii muddo xileedka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu kamid ahaa shakhsiyaadka ay madaxtooyadu wax ka weydiiso geedi socodka siyaasadeed ee gobolka Gabiley iyo sida ay ula jaan-qaadaan reer Gabiley xukuumadda waxaa uu mar kasta u sawirri jiray hummaag beennaad macne ahaan u dhigan DALKEENNA NIMCAA FADHIDA, isaga oo dadka gobolka oo aanu wax xidhiidh ah la lahayn ua dhigaya kuwo 100% raalli ka ah dhaqdhaqaaqa xukuumadda, waxaanay taasi sababtay in uu ka been sheego mawqifkii gobolka isla markaana xilliyada uu socdaalka ku tago halkaasina uu kala qaybin iyo cunsuriyad ku bilaabo, amuurtaasina waxaa ay dabak u hurisay nacaybshiyo uu gobolku ku bedelo taageerradii xukuumadda.

Milicsiga Gaboob-falladii Siyaasadeed ee Cabdillaahi-Balaaki Ku Kacay Milaygii Uu Agaasimaha Guud ka ahaa Wasaaradda Daakhiliga
2-dii October,sanadkii 2010-kii markii uu Masuulkani noqday Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha illaa markii uu aqalka wakiillada gelayay waxaa uu mahadhadu xustaa mililka boogo sharaftii gobolka uu ka soo jeedo dhaawacay oo uu kaga tagay Gabiley, iyo raadad aan duugoobin iyo xagudubyo sharci oo si khaldan loogu tagri falay awoodii dawlada taasi oo ay kamid ahayd sifii xilka looga xayuubiyay maayarkii magalaada gabiley Aadan Muxumed Bade falkaasi oo uu dabada ka waday gaasime black oo isagu ujeedadiisu hayd kala qaybinta bulshada gabiley ladagaalanka xubnihii ka tirsanaa xusbigii Udub,

sidoo kale xilka qaadis uu laguma dayn ee waxaa loog daray xadhig halkka aanay dalka ka dhicin meelna cid lala xisaabtay balse gabiley uun ay ku koobayn gobolkana ay ku caalamadisay in uu yahay gobolka kaliya ee somaliland musuq maasuq ka dhacay taasi sida aynu wada ognahay ay gabi ahaanba joojisay mashaariicdii laga fulin jiray deegaanada gabiley

Hadimooyinka iyo kala qaybin xildhibaan cabdilaahi black intaasi uuun kuma ay joogsan ee mudadii uu kamid noqday golaha wakiilada wuxu markiiba kasoo horjeestay Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe Oo xiligaa u tartamayay gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha taasi oo uu diidmadiisa lagu tilmaamay si kala fogayn shacabka reer gabiley maadama xildhibaanka sharaxn ay isku beel yihiin halka dhinaca kale aanay codkaasi ka baydh guud ahaan beesha habar awal waaba jufo hoosee

dhanka kale xildhibaanku wuxu mudo badan oo uu gobolka gacan yar uga ahaa madaxtooyada ku kacay in uu awoodii dwlada u adeegsado in lagu naas nuujiyo mashaariic kuwaasi oo uu dhismahogaqaatay dhawr beelood balse nasiib daro dhamaan ay dhismayaashii noqdeen kuwo aan loo dhisin sidii loogu talo galay wali ay qabyo yihiin

waxaan tusaale usoo qaadanaynaa dhismaha dhakhtar loogu talo galay magaalada kalabaydh taasi oo ay dhaqaalihiisa bixisay MARWADA MADAXWAYNAHA JABUUTI MARWO KHADRA MAXAMUUD XAYD Oo iyadu dadka deegaankaa ugu deeqday in loo dhiso goob cafimaad ismarkaana ay u dhamaystiran yhiin qalabkii loogu talo galay
Nasiibdaro se wali waa qabyo dhismihii waxaana hantidii loogu talo galay lunsaday xildhibaan cabdilaahi black
sidoo kale xildhibaan cabdilaahi wali maalin kaliya umuu hadal degmadii laga soo doortay ee geedbalaadh waxayna guud ahaan ka aradan tahay dhamaan adeegyada bulshada

si kasta oo ay tahay hadimooyin xildhibaan cabdilaahi black ayaa waxaa in mudo ah ka naystay shacabka gobolka gabiley taasi oo uu mudadaa ay xukuumada iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye oo iyagu cagta isla helay ay ogaadeen in shacabka gobolkaa iyo samcada xisbiga uu dhaawac way gaadhsiiya mr blcak
arimaasiyo qaarkale oo badan ayaa waxay saaxada madaxtooyada kasaareen xildhibaankan
halka dhanka kalena gobolka gabiley ay xukuumadu u magacawday wasiiro dhalinyaro ah saaxada siyasadana ku cusub guud ahaan bulshada gobolka ugu wada adeegaya si siman

sidoo kale beesha uu xildhibaanku kasoo jeedo oo xiligan leh wasiir buuxa kaasi oo gabi ahaanba kasbaday beeshiisa shacabka reer gabileyna ay ku tilmaameen in u Yahay wasiir buuxiyay baahidii loo qabay in lahelo cid udooda baahiyaha gobolka kuna hadli karta codka beesha.

waxaanse labadii maal meed ee ugu danbeeyay qasriga madaxtooyada lagu dhex arkay xildhbaan black oo sida lasheegay madaxtooyada ku beer xalawsanaya in uu diyaar uyahay Ansixinta Heshiiska dekeda berbera sidoo kalena uu taa badalkeeda ka codsaday in awoodii gobolka wax laga waydiiyo
isku soo wada duub oo xukuumada iyo qasriga madaxtooyadu way og yihiin hadimooyinka black hogaanka xisbiguna wuu xasuusan yahay weedhihii ahaa “hadalada muuse biixi waa rafadkay rafanaysay’
waxaase laga war sugidoonaa dalabka cabdilaahi ee marlabaad iyo kala qaybti bulshada reer gabiley iyo doorka madaxtoyada ee danaynta heshiiska dekada

Source Wargeyska Hubaal