Xisbiga KULMIYE oo Agab Ciyaareed ku Wareejiyey kooxaha Tartamada Ramadaanta ee 11 Garoon oo Hargeysa ah

0
685
????????????????????????????????????

Xisbiga KULMIYE oo Agab Ciyaareed ku Wareejiyey kooxaha Tartamada Ramadaanta ee 11 Garoon oo Hargeysa ah
Hargeysa (Warsugannews)- Hoggaanka xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa agab ciyaaraha Kubadda Cagta ah ku wareejiyey kooxaha ka qaybgalaya tartanka bisha Ramadaan ee kow iyo toban garoon oo ku yaal caasimadda Hargeysa.

Agabkan oo ka kooban dirayska ugu yaraan siddeed kooxood garoon kasta, laba koob oo kala wayn tartan walba, shan kuubadood oo tartan walba helay iyo billadaha laba kooxood ee kaalinta kowaad iyo labaad ka gasha garoon kasta, ayaa xalaf loo sameeyey wareejintiisa oo ka dhacday xarunta guud ee xisbiga KULMIYE maanta, kana qaybgaleen hoggaanka sare ee xisbiga, Wasiirka, Agaasimaha iyo masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha iyo madax ka socotay dawladda hoose ee Hargeysa, waxa la guddoonsiiyey guddoomiyayaasha kow iyo tobanka garoon ee talogalay tartanka ee caasimadda, kuwaas oo kala ah; Tareedhiska, Guryo-samo, Dhallinta, Dhurqaanta, Kaydka Biyaha, New Hargyeysa, Gacmo-dheere, Line-ka Bilayska iyo Xawaadle oo laba agab la siiyey, maadaama laba wareeg ka socdaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye, ayaa uga mahadceliyey xisbiga KULMIYE kaalmada muhiimka ah ee ay ugu deeqeen ciyaaraha, isagoo xusay KULMIYE iyo xukuumaddiisa uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ay mar walba u heellan yihiin horumarinta dhallinyarada.

“Sida la ogyahay intii uu xisbiga KULMIYE uu talada gacanta ku hayey uu kor u soo qaaday dhallinyarada hiyigoodii, wax badana ka taray ciyaarihii isagoo garoomadiina hagaajiyey, koob la qabto iyo ciyaar la ciyaarana waxa ka muhiimsan in gunta laga dhiso, xidhiidhadii kala duwanaa oo adduunka oo dhami innaga codsaday in aynu dhisanno ayeynu samaysannay oo kharashaadkoodii miisaaniyadda loogu diray, xisbigana waxa u qorshaysan haddii ay shacabku kalsoonida siiyaan inuu halkaas kasii wado, dhallinyaradana dhinacooda waxa looga baahan inay kala gartaan cidda wax la qabanaysa ee iyaga u heellan ee mustaqbalkooda dhisaysa iyo cidda iska soo shaqo tegaysa,” ayuu yidhi Agaasimuhu.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa tilmaamay in horumarinta iyo dhisidda mustaqbalka dhallinyaradu xagga hore kaga qoran yihiin ahdaafka yoolka u ah xisbiga, isla markaana xukuumadda xisbigu horumarinta ciyaaraha safka hore kaga daray.

Md. Maxamed Kaahin oo arrimahaas ka hadlayey waxa uu yidhi, “Sideedaba xisbiga KULMIYE barnaamijyadiisa waxyaabaha aasaasiga u ah waxa ka mid ah kor-u-qaadida iyo horumarinta dhallinyarada, taariikhada markii ugu horraysayna xukuumadda KULMIYE cidda ay xilka u dhiibtay waxa ugu badani waa dhallinyaro, waxa inaga go’an in aynu hore-u-marino dhallinyaradeena, meelaha ugu badan ee aynu ka horumarin karnaana waxa ka mid ah ciyaaraha iyo tacliinta, annaguna taas diyaar baanu u nahay, ciyaartuna haddii ay marna qabyaalad inaga galaan, marna xanaaq inaga galaan horumar samaynmayno.”

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdillaahi Faarax Maydhane, ayaa isaguna da’yarta ku guubaabiyey inay isku duubnidooda ilaashadaan, garashadooduna gaadhsiisnaato kala saaridda cidda wax u qabanaysa iyo cidda dantooda ka doonaysa, “Waxaan ku dardaarmayaa dhallinyaradu inay meel wada maraan oo is weheshadaan oo cidda wax taraysa ay ogaadaan, waxa la idiinka baahan yahay inaad kala ogaataan cidda mustaqbalka dhallinyarada ka shaqaynaysa iyo cidda kale,” ayuu yidhi wasiir Maydhane.

Waxa kaloo iyaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid, Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi-dheere iyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Md. Axmed Maxamed Cabdilaahi (Axmed-derejo), kuwaas oo dhammaantood si isku mid ah hoosta uga xarriiqay muhiimada uu xisbiga KULMIYE siiyo da’yarta dalka iyo sida hagar la’aanta ah ee ay xukuumadda iyo xisbigeeda oo isku duubani ugu hagar-baxeen kor-u-qaadida iyo kobcinta maanka iyo maskaxda dhallinyarada reer Somaliland.

Dhinaca kale, xubno dhallinyaro ah oo ku hadlayey magaca guddiyada garoomada caasimadda tartannadu ka socdaan ee la guddoonsiinayey agabka, ayaa iyaguna si wayn ugu mahadnaqay xisbiga KULMIYE deeqda uu siiyeen iyo lexejeclada ay u muujiyeen dhallinyaradooda, waxaanay xuseen inay abaalkaas maanka ku haysan doonaan.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????