Xisbiga Ucid: Masuuliyiin Hal Jago Kuwada Magacaaban Oo Saxaafadda Dhalliilo Isu Mariyay

0
313

Xisbiga Ucid: Masuuliyiin Hal Jago Kuwada Magacaaban Oo Saxaafadda Dhalliilo Isu Mariyay

Hargeysa(Warsugan) Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray), guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga Ucid iyo Maxamuud Cali Muuse (Jiir Cali madoobe) oo isla jagadaasi ku magacaaban ayaa dhalliilo isu mariyay saxaafadda. Labadan masuul oo kala taageersan musharax Jamaal Cali Xuseen iyo Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa midba dhiniciisa difaacay isagoo eedaynaya dhinaca kale.

Mujaahid Cali Guray ayaa shalay boggiisa facebook ku sheegay in guddoomiyaha Ucid ku hawlan yahay qorshe ka dhan ah heshiiskii guddida ururada siyaasaddu ku dhexdhexaadisay labada garab oo nuxurkiisu ahaa inay wada jir u qabsadaan shir gole dhexe si ay khilaafkooda ugu dhammaystaan, sidoo kalena meesha ka saarayay magacaabiso iyo xilka qaadis guddoomiye Faysal hore u sameeyay. Waxa uu sheegay in Faysal diyaarinayo shir gole dhexe oo garabkiisa ku kooban “Shirwayne gaar ah oon ahayn kii Heshiiskii hore loo wada galay ku jiray Gudiduna nagu dhexdhexaadisay ayuu sheegay in dhiniciisu gaar u qabsanayaan,” ayuu yidhi Cali Guray.

Wuxuu intaasi raaciyay inay dhinacooda guddidii qabanqaabada ee heshiiska guddida ururada ku jiray magacaabi doonaan maanta, sidoo kalena tagi doonaan xarunta xisbiga Ucid iyadoo aanay jirin cid ka hor istaagi karta xafiiska Ucid. Waxa uu sheegay in haddii Faysal ku adkaysto shirka gaarka ah iyaguna ay qabsan doonaan shir u gaar ah oo ay ku dooran doonaan hoggaanka xisbiga Ucid wixii ka dhiman.

Geesta kale Jiir Cali Madoobe ayaa Cali Guray ku eedeeyay inuu ahaa maskaxdii abuurtay khilaafka Ucid ee hadda cakiran. Waxa uu sheegay inuu hore guddoomiye Faysal ugu soo bandhigay fikrad ah in Jamaal la bedelo haddii Muuse Biixi Kulmiye musharax u noqdo, islamarkaana laga dhigo musharaxa Ucid Maxamed Biixi Yoonis. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay inuu hayo cudur Muuse Biixi nacayb ah, haddana uu ugu darsamay nacaybka Faysal Cali Waraabe.

Jiir Cali Madoobe oo sii wada naqdinta Cali Guray wuxuu sheegay inaanay waxba ka suuro galayn dhalliilaha uu Cali Guray ku baahiyo boggiisa Facebook, waxaanu ku dooday inaanu jirin xil ay hayaan isaga iyo Jamaal ilaa inta laga gaadhayo shirweyne kale “ Waxyaabaha aan suurto galka ahayn ee Cali Guray maalin walba soo galinayo boggiisa, een xafiiska lahayn, ee uu internet-ka ka dhigtay xafiiska, maaha wax suuro gal ah ilaa iyo inta shir weyne la qabanayo,” ayuu yidhi mr Jiir.

Jiir Cali Madoobe waxa uu sheegay inuu hadda isagu yahay guddoomiyaha saddexaad ee xisbiga Ucid “Anigu waxaan ku magacaabanahay awooddii guddoomiyaha ee shirweynuhu u banneeyay ee ahaa in meelaha(jagooyinka) bannaanada inuu guddoomiyuhu buuxiyo, islamarkaana uu si kumeel gaadh ah iigu igmaday, sidaasi awgeed, ninka imika guddoomiye xigeenka saddexaad ahi waa aniga,” ayuu yidhi mudane Jiir.

Sidoo kale Cali Guray ayaa ka soo horjeeda xilka qaadis Faysal Cali Waraabe ku sameeyay, waxaanu sheegay inuu yahay guddoomiyaha saddexaad oo aanu Faysal awood sharci u lahayn xilka qaadista guddoomiye xigeennada iyo magacaabistooda.

Xigasho Wargeyska Warsugan