Zlatan Ibrahimovic oo amaanay kabtan Wayne Rooney

0
345

waaxa qorey yaasir br

Weerar yahanka kooxda Manchester United ee Zlatan Ibrahimovic ayaa amaan huwiyay saaxiibkiis Wayne Rooney kadib rikoorkii uu ka sameeyay xalay Europa League.

Rooney ayaa xalay noqday laacibka ugu goolasha badan kooxda Man United marka laga hadlo tartamada yurub kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 39-aad isaga oo ka saramaray weerar yahankii hore ee United Ruud van Nistelrooy.

Zlatan Ibrahimovic ayaana ku amaanay Rooney inuu yahay shaqsi cajiib ah isla markaana u qalma inuu jabiyo rikoorkaas.

“Waa wax cajiib ah inaan ka garab ciyaaro laacib kaan muhiimka ah, dhabtii waa shaqsi cajiib ah” ayuu yiri Zlatan Ibrahimovic.

“Dhamaan waala ogyahay waxa uu samayn karo Rooney, aad ayaan ugu faraxsanahay rikoorkii uu jabiyay ee laacibka ugu goolasha badan United tartamada yurub kadib goolkiisii 39-aad ee uu dhaliyay”.

“Waxaan rumaysanahay inay tahay inaan ixtiraam badan siino Rooney ka laacib ahaan, shaqsi ahaan ma arag laacib ingiriis ah oo gaaray wixii uu sameeyay Rooney xirfadiisa, waxaa haboon in ixtiraam badan loo muujiyo isaga”.