Zlatan Ibrahimovic oo ganaax muteysan kara

0
344

Dhaliyaha Man United Zlatan Ibrahimovic ayaa ganaax kala kulmi kara xiriirka FA kaddib markii uu wajiga ka laaday daafaca Everton ee Seamus Coleman.

Garsooraha ma uusan arkin dhacdadan ka dhacday garoonka Goodison Park kulankii xalay ay Everton iyo Man United ku kala bexeen 1-1.

Ibra iyo Coleman ayaa wada dhacay iyadoo la arkayay joog dheeraha reer Sweden oo wajiga kabta ka saaraya Coleman inkastuu Zlatan sheegay ciyaarta kaddib inuusan ula kac u sameyn midaa.

Laakiin daaficii hore ee Man United Gary Neville ayaa Sky Sport u sheegay. “Waa dhaqan xun oo aad u xun, nasiib ayuu ku lahaa inaan lagu ganaaxin midaa.”.

Inkastoo garsooraha ciyaarta ku guul darreystay inuu arko dhacdadan ayaa misane la arkaa in xiriirka FA-ga ay talaabo ka qaadaan Ibra.

war sugan +++ burco