Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Oo 10 iskororgo Ku Wareejiyey Mashruuc Wadada Ceerigaabo, Madaxweyne Ku Xigeenkuna Xadhiga Ka Jaray

0
1098

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Oo 10 iskororgo Ku Wareejiyey Mashruuc Wadada Ceerigaabo, Madaxweyne Ku Xigeenkuna Xadhiga Ka Jaray.

Hargeisa 19/07/2015 (Warsugannews)Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Oo 10 iskororgo Ku Wareejiyey Mashruuc Wadada Ceerigaabo, Madaxweyne Ku Xigeenkuna Xadhiga Ka Jaray.
Tobban Gadiidka Waawayn Ee iska Rogooyinka Ah oo ay soo iibsatay Haay’adda Wadooyinka Somaliland, kuwaas oo ka shaqayn doona Dhismaha Wadooyinka dalka. Gadiidkan ayaa qarashka ku baxay waxa Bixisay Haay’adda wadooyinka Somaliland.
Xafladii Lagu Shaacinayay Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Maareeyaha Haay’adda Wadooyinka, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Siyaasiyiin,Aqoon Yahan Iyo Marti Sharaf Kale Oo Badan.
Gadiidkan ayaa waxa ay kafayn Doonaan Siday Uu Tilmaamay Wasiirka Hawlaha Baahiyo Badan madaama oo ay yihiin Gadiid Wadooyinku Aad ugu baahan yihiin, waxaana ay ka qayb qaadan doonaan dhismaha wadada Ceerigaabo oo dhamaantood loowada diri doono.
Mareeyaha Haay’adda wadooyinka Somaliland ayaa sheegay in lacagta ku baxday ay bixisay haay’adda Wadooyinka isla markaasna ay yihiin Gadiid tayo ahaan wanaagsan oo buuraha iyo banaanba Maraya,isla markaas laga dalbaday shirkada samaysa Gadiidka si ay Tayadood U Noqoto mid wanaagsan oo sanado badan shaqayn kara. Waxaanu yidhi:
“Gadiidkan Maanta halkan Aad ku arkaysaan waa Tobban Gaadhi waxaanan ka soo iibsanay Dalka Dibadiisa taas oo ay Haay’dda Wadooyinku Ugu shaqayn Doonto Dhismaha Wadooyinka Ee Dalka Ka Socda, waxaana ay kuwanina ka mid Noqon Doonaan Qalabka Dhismaha Wadooyinka Dalka”.
Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryenta Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa tilmaamay gadiidkan maanta hay’adda Wadooyinka soo iibsatay ay tahay mid hayaanka Dhismaha Wadooyinka Dalka Hore loogu qaadayo, kana mid ah himilooyinka lagu doonayo in gadiid tiro badan oo ka qayb qaata dhismaha iyo dib u hagaajinta wadooyinka la helo,waxaana uu cadeeyay in ay Gadiidkani ka mid noqon doonaan kuwa ka qayb qaata dhismaha wadada ceerigaabo, waxaanu yidhi:
”Waxa loo qalab qaatay sidii loo horumarin lahaa Haay’adda wadooyinka Somaliland si ay kaabayaasha dhaqaalahu u xoogaysto, waxaana dhismaha waddooyinku siday u socdaan ka markhaati kacay mucaarid iyo muxaafidba in guulo laga gaadhay, waxaana markaad aad ka soo bilawdo galbeedka ilaa bari iyo waqooyiba waxa u jooga wasaarada hawlaha iyo Haay’adda wadooyinka injineero dhisaya wadooyinka”.
”Waxana wax lagu farxo ah in Boqolkiiba Shan iyo sagaashan yihiin ardaydii Jaamacaddaha dalka wax ku bartay, waxaana ay ka wanaagsan yihiin kana aqoon sareeyaa kuwa Dibada wax ku soo bartay iyaga ayaa ka wanaagsan oo siday wax u qorshaynayaa ayaad la yaabaysaa”.
Wasiir Cali Xasan Maxamed ayaa bogaadiyay shaqaalaha Duurka iyo Buuraha ugu jira siday ay ummadood Wadooyin ay kaga baxaan daalka iyo rafaadka ugu samayn lahaayeen kaas oo ku dhiiri galiyay in Ay halkaas kasii wadaan, waxaanu yidhi:
“Mashruuca Ceerigaabo hadda Daamur dhigistiisu waxa ay maraysaa ilaa Sideetan Kiilo Mitir, waxaana ay caro kaabadu maraysaa ilaa boqol iyo sagaashan Kiilo Mitirna Caro kaabadii saraan tahay oo inta hadda wax laga qabtay aad ayay u badan tahay inta hadhsana waad dareemaysaa inaanay waxba hayn, mashuurcan boqolkiiba Boqol Somaliland Maalkeeda iyo hantideeda ayaa ku maqan Aduuna Iyo Haay’addna wali waxba inagamay Caawin”.
Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo afmeeray in la dhagax dhigi doono Toddobaadkan dhismaha wada Xamaas ilaa Hargaysa, waxaana uu cadeeyay Wasiirku in xadhigana laga jari doono dhismaha wadada dila ilaa kala-baydh.
Musharaxa Madaxwayne ee xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa Wasaarada Hawlaha Guud iyo Wasiir Cali ku amaanay siday dhexda ugu xidheen in wadooyinka dalka sameeyaan, waxaana uu tilmaamay in Gadiidkan iska rogooyinka ah ee hay’addu soo iibsatay la daryeelo si ay u noqdaan qaar loo aayo Manafacaadkooda.
Gaba-gabadii waxa Xafladdan loo qabtay Gadiika Iska Rogooyinka ah ee ka kooban Tobanka iska Rogo Oo Afmeeray Madawayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylaci ayaa xadhiga ka jaray, waxaana uu tilmaamay Gadiidkani wax badan ka tari doonaan Dhismaha Wadooyinka Dalka iyo Waddada Ceerigaabo ee haatan dhamaadka ku dhaw.

1

2

3

4

13707593_266033297104203_7664992195498414814_n

13707679_266034277104105_2373611544479385432_n

13710055_266032873770912_1507658011236281784_n

13716171_266039553770244_4163612650707847977_n

13754423_266032830437583_8873539905990740263_n

13754431_266038797103653_4075807210464718313_n

13775459_266037343770465_2158238024855434965_n

13775556_266034413770758_3799759872155048539_n

13775558_266033000437566_7660634489636139794_n

13775571_266034137104119_2985644741755590257_n

13776026_266031860437680_9088250171658688476_n

13781954_266034013770798_4823200448188262426_n