Maayerka Sheffeild Sheffield Lord Mayer Cllr Talib Hussein oo qaabilay Safiirka Somaliland u fadhiya Sucuudiga + Sawiro
Hargeysa (Warsugannews) Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Sucuudiga Amb. Axmed Aadan Dagaal (Safiino) oo martiqaad rasmi ah ka helay Mayarka Sheffield oo ah magaaladii dhawaan u codaysay Ictiraafka Somaliland, beesha caalamkana ugu baaqday inay hoos u eegaan Somaliland, ayaa kulan balaadhan la yeeshay safiirka Somaliland ee sucuudiga safiino.
Kulanka ka dibna waxa safiirku uu gudoonsiiyey Maayarka hadyad uu dalka uga sii qaaday oo ah agabka hidaha iyo dhaqanka u ah Somaliland kuwaasi oo kala ah dhiil, barkin, fandhaal, fidhinka rag, iyo mid dumarka ah sidoo kale waxa hadyadaasi ka mid ahayd Shilinka Somaliland ama lacagta somaliland shilling-ka, oo safiirku uu ka dalbaday maayarka madaama oo ay Somaliland aqoonsadeen in ay ku daraan in shilinka Somalilandna ay aqoonsadaan oo sariflayaasha Sheffield ay qaatan, isaga oo kulankaasi ku soo dhamaaday weji quruxoon.
Sidoo kale intii uu safiirku ku guda jiray socdaalkiisa Uk waxa uu soo dhawayn iyo kulamo casuumado ah ka helay jaaliyada Somaliland ee dalka Uk oo Safiirka si weyn oo gobonimo leh u qaabilay, isaga oo safiirku warbixin ka siiyey xaalada dalka iyo ta shaqadiisa wakiilnimo ee sucuudiga. Waxa kale oo uu boqday xarunta BBC-SOMALI oo si weyn loogu soo dhaweeyey iyo Xarunta Tv-ga Qaranka Somaliland.
Ugu danbayna waxa uu safiirku ugu baaqay guud ahaan shacbiga Somaliland ama madaxda dalku markay gaadhaan Ingiriiska inay xusaan oo ay gaadhaan magaalada Sheffield si aynu ugu abaal gudno ayuu yidhi kuwii ina karaameeyey ee dalkeena u bilaabay inay aqoonsadaan, beesha caalamkana dareensiiyey in dal Somaliland la yidhaahdaa jiro oo uu buuxiyey shuruudihii dawladnimo una baahan yihiin in ay helaan ictiraaf buuxa.
Xubnaha maayarka ku wehelinaayey kulanaasi oo kala ahaa
1- Sheffield Lord Mayer Cllr Talib Hussein and
2- Cllr Mohammed Maroof
3- kaltuun muaraxahxa golaha deegaan ka sheffied
Ayuu u mahadnaqay wakiilku sidii qiimaha iyo qadarinta lahayd ee ay u qaabileen.
warsugannews
warsuganmedia@gmail.com
London/Uk office