“Hargeysa Waxaa Ka Muuqata Inaanu Dhaqan Oollin, Oo Cid Lagu Baxsadaa Jirin, Soddogaaguna Kuugu Soo Horaynayo..” Boqor Buurmadaw

0
561

“Hargeysa Waxaa Ka Muuqata Inaanu Dhaqan Oollin, Oo Cid Lagu Baxsadaa Jirin, Soddogaaguna Kuugu Soo Horaynayo..” Boqor Buurmadaw
Dubai (Warsugannews)-Boqor Cismaan Aw-maxamuud Buurmadaw oo ka mid ah Madax-dhamaeedka ugu Macquulsan guud ahaan geyiga Somaliland ayaa wadhiisa ka dhiibtay aragtidiisa ku aadan khilaafka Haamaha Shidaalka iyo dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ee dhexmaray Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Kuxigeenkiisa.
Boqor Buurmadaw oo qoraal faahfaahsan arrintaas ka soo saaray ayaa waxa uu si cad ukala qaaday nin kasta iyo khaladkii uu lahaa, waxaana uu masuul kasta ugu ladhay talooyin wax ku ool. Qoraalak Boqorka ayaa sidan udhignaa:

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bulshada soomaaliland meel kasta oo ay joogto waxaan jeclahay aniga oo dalka debadiisa jooga iminka inaanka hadlo xaaladaha ku cusub soomaliland iyo dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday baarlamaanka aniga oo jecel inaan ku dhowaado xaqiida iyo sida wax udhaceen kana fogaanaya caadifad iyo nin jeclaysi arrimaha qaranka laguma maarayn karo jacayl iyo nacayb ee waxay u baahantahay degenaasho iyo masuuliyad iyo dhawrid la dhawro qaranka curdinka ah hadaba marka aan kagar noqo meesha waxa kadhacay gardaro meel kadhac iyo ceeb hadaba maqaybsana guddoomiye Baashe isaga ayaa masuulka ahaa gardarada wuxuuna meel kaga dhacay maamulka dawliga iyo masuuliyadda hogaamineed hagida shirka waxa leh gudgoomiyaha qaabka uu u dhaqmay maahayn wax loo cudur-daari karo wuuna ku ceeboobay hadii lafilayey marka ciro ka dego xilka inuu dumaalo booska guddoomiye, soomaaliland waxay baratay inaanu ku filayn jagadaa Baashe aynu kudhaafno intaas hadaynu u gudubno guddoomiye Cirro aanu nahay saaxiib dhow oo an ahay madax-dhaqameedkii ugu horeeyey ee taageera isaga iyo Xisbigiisa waxaa cad inuu ku ceeboobay feedhtanka baarlamanka dhexdiisa ee ku xigeenkiisa iyada oo aan arkayo dad badan oo soo dhoweeyey dagaalankiisa aniga oo aan isleeyahay cidina kaagama lexejeclo badna kobaca siyaasadiisa waxaan odhan karaa waa dhaawacii labaad ee soo gaadha hankiisa iyo hiigsigiisa waana kii ugu cuslaa isaga iskadaaye waxay mahdho ku reebaysaa taageerayaashiisa iyo musdanbeedka la rabo in lagu aamino madaxtinimada dalka waxaana haboonayd inaanu dagaalamin xataa hadii Baashe gacan qaado, sharaf ayaa uga kordhi lahayd hadii qunyar shirka xidho ugana daadego goobta hogaaminta, aniga oo aan faanayn beel ahaan beesha aan odayga ka ahay waayo aragnimo baanu uleenahay madax dagaalanta boqol iyo konton sano baanu ka maqnayn saaxada isimada taariikh dheer taas oo maah maahnoqotay habarjecloy muuse waakaa waxaanu ka baranay casharo fiican oo bedelay dhaqankayagii iyo geeladaaqdii nalagu xaman jiray taasi waata keentay Axmed Siilaanyo inaanu ku khasabno baligubedle inuu wareejiyo xilkii jabhada iyo markii lagaga helay 80 cod inaanu ku khasabno inuu aqbalo in laga guuleystay maanta casharadaa hore ee aanu soo maray waxay na tustay anagoo joogna kursigii ugu cuslaa oo ah kan Cirro ku socdo inaanu ku qancino Madaxwaynaha inaanu mardanbe isa soo sharaxin ehel ahaan taladaasi waxaanu ugu tudhaynaa qaranka curdinka ah hadaba rag badan oo aan aqoon ku tabaayey ama lagu tiriyo musdanbeedka Cirro ma ay qaadin talaabadii ku haboonayd sida dhaqanku yahay hadii goobta baarlamanku fadhiyo ay tahay Laascaanood, Baashena fadhiyo halka Cirro hankiisuna yahay Madaxwayne ma dhacdeen in Baashe gacan qaado dhaqan xumada labaad waxa weeye dadkan kuligood baashe wada dhaleecaynaya iyagoo Hargaysa jooga waxa muuqata sida looga arradan yahay dhaqanka anaga beesha qorulugud dhiigii ugu badnaa ku kala yimi dhexdooda wuxu ahaa nin reer buuhoodle ah oo beeshu dishay waxa nagu kala dhintay 7 todoba nin taasi waxay beesha dhulbahante sidaas oo kale bay isugu dileen nin laxidid ahaa oo la dhirbaaxay hadaladan Hargaysa waxa muuqata in aanu dhaqan oolin cid lagu baxsan karaana joogin ee sodoggaa kuugu soo horaynayo hadaba dagaalka ciro maaha mid loo cudur-daari karo iyo mid lagu tilmaami karo geesi dagaalamay sida caadada ah qolyaha kubbada ciyaara laacibka xariifka ah waalaga saaraa ciyaarta aakhirkeeda si aan waxyeelo loogu gaysan hadaba waxaan kula talin lahaa Cirro inuu qaato ceebtiisa raali-gelin bixiyo, Baashena ka raali-geliyo shacbigana iyo golahabana raaligeliyo, waayo Baashe iyo Cirro isku masuuliyad maaha baashe waa xildhibaan wakhtigiisii dhamaaday gudoomiye ciro saddex masuuliyadood oo culculus inuu ku dulqaato bay ahay gudoomiyaha baarlamanka iyo gudoomiyaha xisbiga iyo tuu ku socdo oo ah hogaaminyta dalka waana inuu qaato wixii dhacay, Baashe laftiisa isaga ayaa ka masuul u ah hadii aanu taa yeelin wuxuu noqon doonaa macangag aan tudhaale lahayn beritona Madaxweyne ku xigeenkiisa inuu gacan ula tagaa waxba ku ahayn shacbiguna kuma dhiiran doono inuu masuuliyad culus ku aamino arikani wuxuu taariikh raad raac leh kuyeelan doonaa qaabka hogaamineed ee madaxda iyo beelaha, iyada soomaaliland qiimayn doonto beelaha madaxdooda sax iyo khaladba ku raaco sida madaxweynayaal hore daadiyeen dhiigbadan iyo kuwa yeesha musdanbeed iyo guurti saxda gebagebadii arinka haamaha sidaad ogtihiin madaxweyne cigaal wuxu ku wareejiyey haamaha Total oo faransiis leeyahay xildhibaanada qaylinaya ee leh hadda lama bixinkaro way taageersanaayeen sida Siciid Cilmi Rooble, kuwayagii berigaa diidanaana maanta way taageersanyihiin in Siilaanyo bixiyo waxaa cad in aan baarlamankii hore iyo kanina ay isku midyihiin oo aanay ka korin qabyaalad iyo caadifad hadaba anigu kuma raacsani xukuumada xaaladan lagu jiro in lawareejiyo haamaha Madaxweynahana waxaan usoo jeedin lahaa inuu ka noqdo go aanka wareejinta aniga oo u tudhaya dalku inuu buuq galo”.

xigasho somalilandtoday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here