Gabay:Dhaqan-lumay tiriyay:Cabdimajiid Iid Aadan Cawaale (Dhinbiil)
kuna canbaaraynayaa Bulshada ka tegida ay ka tageen dhaqoonkoodii wuxuu gabayga ku bilaabay abwaanku sida tan
Gabaygan waxa uu hal-abuurku kaga hadlayaa isbadalka ku yimid dhaqankii iyo sida ay dhalintii isku badashay,kuna canbaaraynayaa Bulshada ka tegida ay ka tageen dhaqoonkoodii wuxuu gabayga ku bilaabay abwaanku sida tan:
bulshayahay wada dhaqaaqdayee, dhaqankii tuurtaay
bulshayahay dhamaanteed cidlada,kolba dhan u guuraysaay
bulshayahay gidigeed dhoofkiyo,dhul shisheeye rabtaay
bulshayay wanaagii kadhaxashay, ceebtiyo dhiiladaay
bulshayahay dharaarba ka dharaar, dhabbada u xaadhanaysa
dhabarkiyo lafaha inay kajabto, een waxba dhaqanaynineey
bulshayay waxba aan dhiganaynee, gabagabada ku dhoweey
bulshayahay dhufaantay dhaqankii, een waxba u dhigan beritoy
bulshayahay dhaqankii lumisee, dhaawacana u geysataay
bulshayay
u dhaga nugul gaalada, ee ka dhoohan teedaay,
bulshayahay dheemanta moodaysa ,barashada dhaqan qalaad
bulshayahay dhalinteediina ay, dhanxiirka maydhaniyo
kuwa surwaalo dhuudhuubloo, dhinacyada ku dhejiyiyo
kuwo badidood dhoor maydhan loo, dhayal u haysta diintiyo
hablo afkoodu dhiinyahayoo,bahal dhiigle aad moodid
hablo markay dhawaaqaayaanna, dhiidhiibsiga aqoonin
hablo xijaabkiina dhigayoo,dhajis maydhan xidhanaaya
hablo dhinacyada qaawiyayoo, dhamaan jidhkoodu asturnay
hablo dheehoogii badalayo, dhaldhalaal ka doortay
dhalin markay ay soconaayaanna, dhulku uu gariiraayo
bulshayahay waa dhowrasho li’ida ,dhaxalkeena weeyee
Nabarku inta uu dhowyahaybaa ,dhaymadu lagu badiyaaye
Aqalkaan sees loo dhiginna, dhakadiisu isma taagtee
Dhaqanku milgaheena weejee, hala dhowro bulshayahay
Cabdimajiid Iid