Wasiirro, Xildhibaanno iyo Salaadiin Jawaabo ka Bixiyey Doodo Jaban oo Xubno Dhigood ahi Niyadda ugu Qaboojiyeen Wasiir Biixi
Wasiir Caddaani iyo Bukhaari oo ka dabaqaatay Cabdi Aw Daahir iyo Waabeeye & Suldaan u jawaabay Suldaan Maxamed Cabdiqaadir + Maxamed Kaahin oo ka hadlay kaalinta janaraalladu ku leeyihiin dunida
Hargeysa (Warsugannews)- Wasiirro, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka iyo salaadiin, ayaa jawaabo ka bixiyey doodo jaban oo xubno haya xilal la mid ahi ka sheegeen xaflad loo sameeyey soo dhawaynta iyo dhawaaqa murrashaxnimada tartanka KULMIYE dhexdiisa ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis maalintii Axaddii.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo ka mid ahaa xubno masuuliyiin ka qaybgalay soo dhawaynta Wasiir Biixi, ayaa duray jiritaanka in xubnaha golaha dhexe ee beesha ay ka soo wada jeedaan ee galbeedka Burco ay taageero buuxda siiyeen murrashaxnimada Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kalena, Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir oo isna ka qaybgalay soo dhawayntaasi, ayaa sheegay in aan xukunka dalku u baahnayn nin askari ama janan ah, isagoo ula jeeday Muuse Biixi.
Haseyeeshee, waxa doodahaasi ka jawaabo ka bixiyey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Md. Cismaan Cabdiilaahi Saxar-diid (Caddaani), xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo salaadiin reer Hargeysa ah, kuwaas oo dhammaantood ka qaybgalay xaflad madaxdhaqameedka, waxgaradka iyo xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ugu jira beesha Koonfurta Hargeysa (Ciidagale) taageero buuxda ku siiyeen murrashaxnimada Guddoomiye Muuse Biixi oo ka dhacday huteelka Ambassador maanta.
Ugu horreyn, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Md. Cismaan Cabdiilaahi Saxar-diid (Caddaani), ayaa been iyo indho-adayg ku tilmaamay diidmada siyaasiyiinta ay isku beesha yihiin ka bixiyeen taageerada Guddoomiyaha KULMIYE, waxaannu yidhi, “Wixii huteelka KAAH ka dhacay ee caddaa (xafladdii xubnaha dhexe ee beeshiisu ku taageertay Muuse Biixi), ayaa shalay (Axaddii) markii madaarka la joogay waxa la yidhi, ‘cid joogtay KAAH oo golaha dhexe ee KULMIYE ahi ma jirto.’ Waaryaadhaheen! rag waawayn oo xilal u haya Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo weliba qaarkood xil u haya xisbigan ayaa intay ummadda reer Somaliland soo horistaageen….. 14 xubnood golaha dhexe ah ayaanu soo dhignay, 6 kale oo caan ahna magacyadooda madashaanu ka sheegnay oo 20 baanu ahayn, ninka intuu ummadda soo horistaagay yidhi cid golaha dhexe ahi may joogin xataa ma aniga ayey i garanwaayeen ninkaygaa cad, ee garanwaayey xubnaha kale ee wada caanka iyo masuuliyiinta ah….Ina Xagaa Dheere ayaa laga hayey ‘haddaannu hadalno waa af-ku-sallax dhegayagii, haddaannu aamusnana adhigaa sidaa laga dayn maayo.’ Waqtiga iyo Sabanka aynu ku jirnaa waa kaa inta madaarka laga soo dego lagu leeyahay 200 nin oo golaha dhexe ah ayaa fadhiya, maxaa loo soo tubi waayey hadday laba boqol joogeen, hadday intaa hayaan may keenaan? Annagu beenta ma naqaanno, waxaannu abaabulno oo aan run ahayn oo ummaddu u sheegnaa ma jiraan.”
Wasiir Caddaani waxa uu ku adkaystay in isaga iyo aqlabiyadda xubnaha golaha dhexe ee beeshiisa ay ka go’an tahay taageerada iyo la shaqaynta Muuse Biixi, “Shakina igagama jiro Jamhuuriyadda Somaliland inay soo saari doonto Muuse Biixi Cabdi inuu dalkan hoggaamiyo, wuu u qalmaa, wuu u soo halgamay, waqtigiisii buu joogaa,” ayuu yidhi.
Sidoo kale, Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), ayaa isna wax laga xumaado iyo dhaqan cusub ku tilmaamay in Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE uu dafiro baaxadda xildhibaannada golaha dhexe ee beeshoodu kulankii ay ku shaaciyeen inay barbartaagan yihiin Muuse Biixi.
Waxa kaloo uu sifeeyey habkii uu xildhibaan Waabeeye hadalka u gudbinayey markii ka hadlayey soo dhawayntii Wasiir Biixi, waxaannu yidhi, “Annaga reer Ceerigaabo waxoogaa waxa nalagu yaqaan wax la yidhaa Maakhiriyad, laakiin qolyihii reer Hargeysa iyo reer Burco way naga barteen hadda oo markii uu lahaa (Waabeeye) dadka dhawaan-yimiga ah ee cusub loo dhiibi maayo talada golaha dhexe waxaan arkayey kolba isagoo yar eegaya Wasiirka Arrimaha Dibadda, markaa waxaan is idhi nimankii reer Togdheer waxay idinka barteen maakhiriyadii la idinku sheegi jiray. Waxa kaloo leeyahay oo aan kula talinayaa inaadeerkay (Waabeeye) hoggaanka ayuu noogu jiraa, hoggaankii xisbiguna waaka halkan fadhiya, waana inagu ceeb inuu kursigiisii madhan yahay ee haddii uu imanwaayo Caddaani baanu fadhiisin doonaa.”
Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gude, ayaa isna ka jawaabay hadalkii Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir ku sheegay in aan askari loo baahnayn, “Rag baa waxay yidhaahdeen askariga ama Muuse Biixi looma baahna, horta haddii ay maalmaha qaar ay ahaan lahayd daqiiqad naftu kumay jirteen, maanta kama duwana maalmihii loo baahnaa. Waxa kaloo leeyahay Suldaanka guud bi’i-waaye inaadeer maalin walba godobtu ma fiicana ee hareerahaaga eeg oo yaanay kaa noqonin aragtiye maxaad odhan ma ishaad wax kaga guri adoo nin wayn ah?,” ayuu yidhi Suldaan Cadde-gude.
Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa tilmaamay saamaynta iyo isbeddellada ay dunida ka sameeyeen xukunka madaxda askarinimada soo martay, isagoo sheegay in habka ay u qaabaysan tahay siyaasadda dunida iyo falsafadeeda ay seeska u dhigeen jenaraallo soo xukumay dunida.
Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Askari ha dooranina iyo jabhaddii iska ilaaliya haddaad aragtaan qolo sidaa tidhaa waa qoladii dalka xorayntiisii ka xumayd ee iyagu ogolaa in qoladii hore meesha iska joogto. Taariikhina way ka maqan tahay oo dunidan aynu maanta joogno cilmiga siyaasiga ah ee jira iyo taariikhda siyaasiga ah ee jirta Caddaani-gaasi (Wasiiru-dawlaha Maaliyadda) wuxuu ka yimi Maraykan oo dadka dunidan qaabeeyey ee falsafadda siyaasiga ah dhigay waa qoladayadii jannanada ahayd oo wada madaxweyne noqotay. Waxaan idiin sheegayaa qolada karraaniinta ah in warqado loo dhiibo la yidhaa noo qora mooyee iyagu madaxweyneyaalba ma noqdaan. Dalalka sideenna oo kale soo maray sida Itoobiya iyo Erateriya oo kale, karraani meel ka yimi xilka umay dhiibane waxay qaateen siyaasadda cid halkii ka sii wada halganka, innaguna halgankii baynu ku jirnaa ilaa la aqoonsanayo Somaliland ee waxaynu doonaynaa inaynu xidhiidhino habsami socodka dalkan, haddii kale dib baynu u noqonaynaa.”