Lib iyo Lexejeclo iswayday: Waxaan aaminsanahay in hadii aynu xoog iyo xoolaba isku darno aynu xaqiijin karno himilo kasta oo qarankeenu leeyahay isla markaana dalkeena dajin doono kob la mahadiyey

0
512

Lib iyo Lexejeclo iswayday: Waxaan aaminsanahay in hadii aynu xoog iyo xoolaba isku darno aynu xaqiijin karno himilo kasta oo qarankeenu leeyahay isla markaana dalkeena dajin doono kob la mahadiyey.
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Iyadoo mudooyinkii u dambeeyey ay kor u soo kacayeen dareenka shacabka xariirta ah eer reer Somaliland ee horumarka u wada heelan isla markaana fahmaya qiimaha ay leedahay iskaashiga shacabka iyo dawladu ayaa xaflad si heersare ah loo soo agaasimay ka qabsoontay bariga London.

Hadaba xafladan oo ay soo agaasimeen ururka Hadaf ayey ujeedadiisu daarnayd qaadhaan ururinta jidka xeebta ah ee isku xidhaya Berbera iyo Raaribuul oo ah jid ay baahi wayn ay u qabeen shacabka ku dhaqan deegaamadaasi iyo dabcan dalkuba.

Waxaa xaqiiq ah qiimaha jidadku u leeyihiin horumarka bulshada iyo koboca dhaqaalaha iyo sida ay saamayn toos ah uugu yeeshaan isdhex galka bulshada sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in laga wada shaqeeyo si aynu u helno dal horumarsan iyo dad barwaaqaysan.

Waxaan aaminsanahay in hadii aynu xoog iyo xoolaba isku darno aynu xaqiijin karno himilo kasta oo qarankeenu leeyahay isla markaana dalkeena dajin doono kob la mahadiyey.

Aad baan uugu mahadinayaa shacabka reer Somaliland ee marwalba u heelan horumarinta dalkooda sidoo kalena cid walba oo agaasinka kulankan gacan ka gaysatay mahad iyo amaan ayaan u celinayaa.

Wa Bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here